DURUUF
W.Q. Wiilo Daahir Xasan
Iyadoo indhaha ku haysa ayay Qamar eegaysaa carruur iskuul u socda oo buugag iyo boorsooyin wata. Waxay qalbigeeda ka leedahay rajo ah in maalin maalmaha ka mid ah ay iyaduna sidii carruurtaasi boorso u qaadato una lebbisato. Nolosha ayaa ku qasbaysa inay riyooyinkaasi ku noolaato, inkastoo ayan garanayn sida loo gaari karo. Waxay ku dheggantahay deyrka guriga, iyadoo gacanteeda bidix ku haysa xadhig ka lusha korkeeda. Indhaheeda waxay hayaan, had iyo jeer, waddada iskuulka loo aado, halkaas oo carruur yar-yar oo isku lebbis ah ay ka muuqdaan. Carruurta iskoolleyda ah, sidooda oo kale ayay hamineysaa inay mar uun xiran doonto, dharkay xiranyahiin, maalinta ahaataba. Noolasha adduunkaba waa riyo iyo rajo lagu joogaa. ‘Hadda, cimrigeyga ma riyo been ah, iyo rajo aan jirin maa ku dhammeeysanayaa?’ sidaas ayay maalin niyadda iska tiri, iyadoo ku daashay eegmadii carruurtii iskoolleyda oo soo rawaxay.
“Hooyo Qamarey, waxaan jaclahay in aad wax i soo baratid oo magaalo ii gashid.” Hooyadeed ayaa sidaas ku tiri barkho qabow. “Hooyo Asliyey, way fiicnaan lahayd, laakiin ayaa noo deggan magaalada aad sheekeysid.”
“Alla, waxaa deggan ina abtigeey Jamaad oo aan isla soo kornay yaraanteennii. Iyada iyo anigaba ayeeye Falxada na soo wada kotisay. Aad iyo aad isku jaclayn markaan carruurta ahayn oo isku weel baan wax ku wada cuni jirnay, dharna waan wada xiran jirnay. Weliba, habaryartaa Jamaad waxay dhihi jirtay aniga oo nool ma arki doonaa walaashey Asli Cabdulle waxay dhashay! Marka walaashey waxay ahayd qof sidaass dhan isu jacel. Anne waxaan dhihi jiray, haddii la noolyahay oo wed Eebbe ka fakano waan arki doonnaa wax aan labadeenna dhalnay. Marka habaryartaa sidaas baan isu jaclayn in ifka ay ku aragto wax aan dhalay. Habaryartaa oo dhalashadada dharari jirtay baa Magaalada Xamar kaaga horrayso hooyo. Oo wax dhib xaggeeda kalama kulmi doontid, wayna dhaqantahay oo nin hantiila ah baa qaba, haddii guriga habaryartaa aad tagto waxaad lugaha laga lahayd Jannadii adduunka.”
“Hooyoy, habaryar Jamaad hadday sidaas dhan u wanaagsanayd, maxaad mar hore iigu diri weyday? Xilligaan waxbarashada heer fiican baan ka joogi lahaa.”
“Hooyo, waad og tahay Qamar in aan kaa maarmin, laakiin danta ayaa igu kallifayso in aad wax ii soo baratid sababtoo ah, dhaqaale aan kugu baro ma hayn.
Habeen xitaa in aad iga dhexdo ma jecli hooyo, gabadhaada waxbarasho la ‘aan yay kaaga dhicin baa is leeyahay mooyee, adna waad daashay sida aad maalin kasta bowdka ugu eegaysay carruurta iskoolleyda ah. Dan iyo daruuf ayaa kala wada labadii is jacel. Saan loomo wada joogi doono adduunkaan, ninba meel buu aadaa oo waqtiga iyo waayaha baa kala wadi doona, midba dhan u tuuri dooonta.”
Iyadoo ku faraxday inay wax baran doonta, hasa ahaatee, ka welwelsan dhibaatada ay hooyadeed mudan doonto ayay weyddiisay:
“Hooyo, yaa biyaha ku soo aroori doona? Cidladaan maa kaaga tagi karaa hooyo Asli?”
“Qamar, hooyo cidlada iyo waxaas dhan waxaa iga daran waxbarasho la’aantaada.”
“Alla, Lo’da yaa raaacayo? Lo’daan qowsaaraka xaafadaha u raaco lo’da baa ku darayaa.”
“Ma anigoo nool ayaa lo’deennii aan jeclahay miyaa qowsaar raacayaa?”
“Hooyo Qamar, ma waligaa in aad o’ lee raacdo ayaad rabtaa?”
“Hooyo waa og tahay in aan lo’da jeclahay?”
“Qamarey, riyada iyo runta kala saar, hooyo, in aad wax bartaa miyaad rabaa mise in aad lo’da raaco ayaad rabaa. Labadaas meel isla ma gelaan.”
***
“Xasan baabuurta Xamar aaddo imisa lagu raacaa walaalow, i soo ogow bal lacagta lagu raaco.” ayay Asli weyddiisay Xasan oo baabuurrey ah.
“Baabuur u leeyahay ina Cilmi Canshuur ayaa baxaya berri dambe Axadda ayuu Xamar u bixi doonaa haddii Alle idmo, lacagta lagu raaca waa soddon kun oo shilin Soomaali ah, soo diyaargarow walaal Asli.”
“Xasanow, aniga bixi maayo gabar aan dhalay waaye qofka Xamar u socoda welligeedna ma tagin Xamar, dad ay sii weheshatana waan rabay walaalow oo la yaqaan.”
“Waa la helayaa dad la yaqaan oo waxaa baxaysa gabar ay dhashay Salaada Cumar Dhoore, Muumina Isaaq ahayd.”
“Hooyo Qamar, gaari berri dambe baxaya ayaan ku soo helay calalahaada arurso”
“Haye hooyo Asli. Ciyaalkii dugsigan waa soo macsalaameynayaa.
“Waqti aad dad ku macsalaameyso ma heysid, dharkaaga dhaqso u dhaqo.”
“Hooyo, subaxdii markaan looxdeyda soo qaadanaya aa soo macsalaameynayaa.”
“Kac kac Qamar, gaariga yuu kaa tagine, lixda aroornimo buu baxayaa, hooyo waa soo jeedaa oo hurdadeyda hurdo soo jeed aheyd. Xaggeed u socotaa adigoo aan is diyaarin.
“Hooyo diyaar ayan ahay, looxda dugsiga ka doonanayaa.”
***
“Hibo maad qortid casharka, day hee tii kale oo Qamar ahaydna khad ma wadataa. Maxaa adiga ku dhacay oo khada u soo riiqan weyday Hiboy.
“Macallin, jilaygii khadda ku riiqanayay baa iga jajabay. Maanta safar baa ahay in aan idin macasalaameeyo u i mid dugsiga oo looxdeyda qaado, macallin adiga iyo ardayda macsalaamada dhammaantiin.”
“Naa Qamarey, soo bax soo bax gaariga waa tagi rabaye. Macallin Axmedow seetahay, gadaal kaaga imado, looxa jibane xaggeed u siditaa hooyo guri iska dhiganayaa.”
“Qamar Xamar ma tagin Xasanow. Walaalow, guriga habaryarteed Jamaad qof geyso iigu raadi.”
“Xamar xaggay ka deggantahay walaashaa Jamaad.
“Waxay deggantahay Xamarjajab.”
“Muumina Isaaq Waabari deggan ayaa hore u sii geynaysa.”
“Asliyey, hadda i sheegay Xasan, habaryar na saar gaariga yuu naga buuxsamine, guriga Jamaad Cabdulle waa aqaanaa.” ayay tiri Muumina oo markaas soo istaagtay.
“Muumina nabad ahaada dhammaantiin.”
***
Goor casar liiq ah ayay soo geleen Xamar. Qamar waxay hadba baalladaymoonaysaa magaalo aysan welligeed filin ka daawan. Muuminadii lagala soo dardaarmay, waxay sii geysay aqalkii Jamaad. Si diirran bay u soo dhoweysay Jamaad gabadhay habaryarta u tahay. Qamar waxaa loo tilmaamay qol ay ku dhar beddelato oo ay degganayd Raxmo oo ah adeegtada guriga Jamaad.
Jamaad iyo Qamar waa is xogwareysteen. Qamar waxay u sheegtay habaryarteed Jamaad inay waxbarasho u soo doonatay. “Hooyo Asli ayaa adiga ii soo kaa dirtay habaryar, in aad wax i bartid ayaan rabaa.”
Barka iyo berri ayaa lagu geyn doonaa iskuulkii aad ku hamin jirtay, isku lahaa, shan sano iyo bilooyin baa ka soo wareegatay, markay Qamar Xamar timid. Waxay ku dul fadhidaa kursi alwaax ah, iyadoo gondaha is gashatay daaqadda guriga hortiisa, iyadoo ka yaaban bararka lugaheeda saran. ‘Guriga dhexdiisa dhinacna uma dhaafin, xanuun kama dareemin, geeddi dheerna ma gelin ee maxaa cagaheyga barariyay?’ ayay ku cataawaysaa Qamar. Ma oga waxa barariyay cagaheeda inay tahay istaaggeeda badan ee jikada.
Asli way ku faraxsan tahay maqnaanshaha gabadheeda oo waxay is leedahay xilligaan Qamar waxbarashada meel fiican ka gaartahay. “Laba kala bariday kala war la’”, Qamar waxay gashay Raxmo adeegto booskeedii. Shaqada guriga oo dhan iyada ayaa loo daayay. Raxmana waa la iska diray.
Qamar waxay ka soo baxday musqusha iyadoo ilmo indhaheeda ka tirtiraysa. Way u dulqaadan la’dahay rafaadka iyo duruufta adag ay kala kulantay habaryarteed Jamaad oo ay rajo badan ka lahayd, ammaantii badnayd hooyadeed Asli awgeed. Aaway wanaaggii iyo jaceylkii ay hooyo Asli u qabtay? Qamar waxaa loo soo sheegay inay hooyadeed Asli ka guurtay Tuuladii degganayd. Baadiyo fogna u guurtay. Qamar, waxay go’aansatay in isaga tagta beledkaan ay ku basaastay. Xabiiba Cabdi Axmed u socota baadiyaha ay degtay hooyadeed Asli ayay maalin aragtay. Xabiiba waxay u sheegtay Qamar in galabta baxayso.
“Kaa harimaayo” bay ku tiri Qamar, Xabiiba. Waa is raaceen Qamar iyo Xabiiba. Cagaheeda oo boor leh ayay dib ugu qaadday, iyadoo markaas hooyadeed si aysan filayn ugu soo muuqatay. Hooyo Asli oo xaabo ku shidaysa dabka ayaa aragtay Qamar hoos u eegaysa. Waxay dareentay Alsi, culayska nooleed iyo duruufta gaamurtay ee wejiga gabadheeda ka muuqda.
Dhammaad