FURFUR FARRIIMAHA W/Q: CALI M. DIINI

FURFUR FARRIIMAHA

XUQUUQDA SAWIR: GOOGLE

Wararka iyo warbixinnada tirabeelka ah, muuqaallada,, filimaanta iyo musalsallada ee dhagaheennu maqlayaan indhaheennuna ay arkayaan maalin walba taas oo ka dhalatay warbaahinta faraha badan oo taleefanka caaqilka ahi noo soo dhaweeyay waxa ay Soomaalideenna hadal ku noolka ah, na la gudboon in aan baranno sidii aan isaga kala hufi laheyn oo aan isaga kala shaandayn lahayn.

Wararka iyo farriimaha aan warbaahinta ka gelayno, waa waxa la dhaho ‘media literacy’ oo runti ah xirfad casrigan xawliga ku socda qof walba u baahan yahay. Ugu horrayn farriimaha warbaahintu soo gudbinayso dad ayaa soo diyaariya, sidaas darteed farriimaha warbaahintu siddo waxaa ku dhex jira aragtida kooxeed dan siyaasaded ama diineed ee dadkaas ama danahooda ganacsi. Sidaas awgeed warka ama farriimha aad warbaahinta ka heshay waa in aad kala furfurtid oo kala dhanbashid kaddibna aad fahamtid nuxurka iyo dulucda farriinta warbaahinta. Siyaabaha loo furfuro farriimaha warbaahinta waxaa ka mid ah:

  1.  Isha farriinta yaa soo diyaariyay oo farriinta maalgaliyay? Yaa leh warbaahinta aan akhrinayo ama daawanayo? Maxay tahay aragtida milkiilaha warbaahintu?
  2. Waa kuma akhristaha, dhagaystaha iyo daawadaha farriinta loogu talagalay? Da’diisa, caqiiqddadiisa, dhalashadiiisa iyo xirfaddiisuba maxay yihiin?
  3. Maxay tahay farriintu? (Qoraal, muuqaal, sawir, farshaxan, loogo muusig ama cod?
  4. Ma jiraa macne qarsoon oo farriintu siddo, balse, aadan arki karin ilaa aad si fiican u dhuuxdo? Xasuuso filim aad daawatay kaddibna iswaydii farriinta (subtext) uu xambaarsanaa.
  5. Habnololeed noocee ah ayaa farriintu gudbinaysaa? Ma nolol barwaaqo iyo qurux badan mise mid qallafsan oo foolxun? Isbarbardhig ku sameey hababka warbaahinta reer galbeedku u kala tabiso labo faldambiyeed oo ka kala dhacay Yurub iyo Afrika!
  6. Qiyam noocee ah ayaa farriintu gudbinaysaa?
  7. Farriintu ma mid taban (negative) baa mise togan (positive?).
  8. Ma jirtaa qayb ama dhinac kale oo sheekada ka mid ah, balse, aysan farriintu tabin? Maxay uga tagtay?

W/Q: Cali M. Diini

Naga la soo xiriir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN