GABAYGA: SOOYAAL Q2aad SIRIQROOR
Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;
Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.
Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)
Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)
Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa,
1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)
Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.
Qaybtii 2aad: SIRIQROOR
- Sarta meesha saaxiibbayaal, qurun ka saameeyo
149. Haddaan aayar laga saadda warin, wey sidsidixdaaye(17)
150. Xaajadan sirgixantaa wacyigan, saaciddada diiddan
151. Iyo salawga waayaha wixii, sababay maan baaro!
152. Seeragoyska howshan gashaye, loo saldhigi waayey
153. SIRIQROORKU meeshuu ka galay, soobil baan arage
154. Haddiise saawasaawaha(18) Bashiir, laga su’aal doodo
155. Soke aragti laga dayo ayaan, sare ka eegaaye
156. Saydhadu(19) halkay ligantahana, dhibican saaraaye
157. Saantirasho raad dhuumadkaan, suuliyaa(20) abide
158. Sallaxyaduu ku taagsadana waan, holac siraadaaye
159. Waxaan ugu socdana taa haddaan, siinka ku caddeeyo
160. Intii xumaha soohdoo dhanbaan, saxu aqaannaaye
161. Suxulduugga, seexseexadkiyo, saasintiyo(21) beenta
162. Sinwadaagta wada suubbisaan, suul ku godayaaye
163. Ka salgaar qofkii sixid rabow, sowdka hadalkeeyga. - Markii ciidda soomaaliyeed, Laaram laga saaray
165. Isticmaar salaaxiina baxay, siina sahayqaatay
166. Sarmadoobayaal buu ka tegey, iyo surweelgaabe
167. Iyagaa Suwiye(23) iyo bedelay, Fiishar iyo Seerli
168. Sida qadiga saynsaabyadana, nagu sur duudduubye
169. Maskaxdana santuuqbuu dhigtiyo, siin warlaliskiiye
170. Dabadeedna ka la socoy halkaas, siraha Soomaale
171. Inay saastahana waxad ku garan, waan ku solonsiine
172. Soddomaadki siminaarradii, buugtuu nagu siiyey
173. Intaan sidanno een subax walbaba, si ugu doodeyno
174. Mey suulin weli Silfadoor (24), saxaafaddiisiiye
175. Wax waqooyi sabar koofureed, uga saluug leexday
176. Ama sool dagaal uga socdaa, waa so’duu dhigaye
177. Sanadkanna sagaal iyo ka badan, qayb na ka la saarye
178. Maxaad sugi saakana waa Nikolas(25), suuldhabaaluhuye. - Si kastaba ha noqotee haddaan, sii sukulo faallo
180. In kastood sarbeeb iyo sa`qoran, sowdka ugu sheegto
181. Soli mayso waanadu dhegaan, uba samaysnayne
182. Qalbi siigo owddoo dhintana, waa sidoo kale’e
183. Ha yeeshee, maahmaah sugan ayaan, qaatay say tiriye
184. Middi saawirtiyo madax socdaba, samir la dayn waaye
185. Aan sarsaro bal sababtii labaad, godobta soomaali. - Seddax iyo tobnaadkii u kacay, seeman(26) dhicinteeda
187. Oo sool(27) abaar iyo u maray, seerigiyo howdka
188. Suxulduubka raacdada raggii, sabarku uu dhuubtay
189. Surdhad iyo suugays iyo samuud, saaxi iyo suurad(28)
190. Seddax haba maqnaatee raggii, labada soo hooyey
191. Oo guusha suuldaar hordhigay, suud iyo waqooyi
192. Xibin laga ma siin sooryadii, sidigta maandeeqe
193. Sufur seero waatii la dhigay, soocankii Es Waay EL
194. Samirsiiska waatii durbaba, saangab loo qoraye
195. Karal(29) saaxir saarkuu watiyo, saaqidyaa dhacaye
196. Waateey sallaankiyo koreen, taliskii soomaale
197. Ha yeeshee, sir iyo dhagari wey, ku la saliibtaane(30)
198. Sagaal sano ka badan sii ma hayn, sarartay boobeen. - Goortii sidaagii(31) Rishiid, saanad lagu toogtay
200. Inqilaabka waa kii Siyaad, saabilka(32) u rogaye
201. Waatuu siddeed saac xirxiray, sumallo wayntiiye
202. Isaguna samaan la ma imaan, sogordah mooyaane
203. Saamallaylka nimankii la galay, ee saqiray guusha
204. Surkujoogsi buu ugu beddeley, sacab garaaciiye
205. Ifka seeji aaqirana woow, sahayday qaarkoode
206. Qabyaaladna sagaal jeer marlaab, dogobna sii saarye
207. “Sirrig(33)” yiri qabiillada sidii, suguble awr geele
208. Duullaan sokeeyana billow, oo colaad sahaye
209. Hadbana seefta ku la bood ninkii: “waa sidee?” yiriye
210. Si ka daranna wuu suubbiyiyo, waalli sixireede
211. Suuradaha qur’aankiyo sharciga, beeni dhowr sadare
212. Dumarkiyo raggaa simanna waa, soo sabuuradaye
213. Sulus qayb casabadii u diid, saami dhaxalkiiye
214. Minhuma suddusu suuf kullaab, suu ILAAH yiriye
215. Kuse saxay dunuubtuu saqliyo, kibir sandhuubkiiye
216. Sabbaaxadda wuxuu laba ridoo, dhibida sayraaba
217. Is ka salaqsigiisaas wuxuu, duul salkicinaayey
218. Waateey kuwii suujinjiray, subax ka tuureene. - Iyaguna wanaag may samayn, siriq Alluu qoolye
220. Waa sii muuqday goortay sarqaan, sawlax dirireene
221. Soddon reerba hoggaamiye sawira, xero u saynsaabye
222. Mooryaan silloon iyo ka xulay, saaqid iyo tuuge
223. Suug iyo sekaawiyo u gaday, boobe silislaaye
224. Saf markuu dhammaadana saf kale, saaray gaariga’e
225. Sabciin alif wuxuu mayd sugee, uunka wada seemay
226. Soof iyo wuxuu saad dhacee, beel ka sacabbaystay
227. Si xun iyo wixii uu si daran, qalad santaagaaba
228. Wax kastuu sameeyaba haddaan, laba saluugaynin
229. In la saado mooyee haddaan, cidi su’aalaynin
230. Seddax xaraf intuu siin ku daray, magac u soo saarye
231. War saxaafadeedkana ku sheeg, urur siyaaseede
232. U sannaar(34) sidii dibi sumbaa, oo lo’ saarsadaye
233. Kuwii kalena sama’-sama’(35) afxumo, seerigii tebiye
234. Subaxdiina siyaarada dagaal, la isku sayrsayrye
235. Salfudaydka sowlaxa(36) la dirir, sabab la’aaneede
236. Wuxuu sanado badan saa ku wado, ee xornima seejo
237. Si ka daran sidii hore la yimid, dulun siyaadaaye
238. Sahlanaan intuu calan u suray, dowlad suga sheegye
239. Magacana SUTIYALAAN u bixi, gobolna saameeye
240. Dhulka seer xarriiq oo xudduud, saas ku soo xiraye. - Sagandaaga(37) awrkuba markii, sanadka uu qooqo
242. Hadduu dhibida sayraariyee, micida soofeeysto
243. Sida suur qiyaamaha hadduu, doob sawaxanteeyo
244. Geelaba ka saar qaalinkiyo, suunbe karinleeye
245. Hadba sayn cantuugyadana waa, salab eryoodaaye
246. Waxay seddaxjir soo wada martoo, seeri wada daaqdo
247. Ma saaxiibto aawrtuba hadday, sano sideed gaarto
248. Sabo ku ma heshiisiyo suryiyo, seenyo xeradeede
249. Sowraca bidhaan geel markuu, aragti soof eego
250. Mid waliba safkii uu watuu, naqa ka saaraaye
251. Intuu geeda seejiyo ayuu, saxara geeyaaye
252. Wuxuu sidaa u yeelaana waa, qooq sakaadhiga’e(38)
253. Wax suureeya siyaasiga in badan, hagaya soomaali. - Jaahilkii markuu saas u galay, saariqna adeegtey
255. Samabixin dadkii laga rabiyo, sulux heshiisiinta
256. Odoyaashi nabad soohi jiray, belo markay suusto
257. Hubka sayrka seekaawihiyo, saanaddii gada’e
258. Saabaanka(39) dirireed sahliyo sahayda duullaanka
259. Culimana inay ka la sacbiday, waad la socotaane
260. Midba suurad waa kaa aqriyey, oo sakaadhiyaye
261. Aqoonyahanna soomaalinimo, saanta hoos geliye
262. Sabuuradda wanaag ku ma dhigiyo, samir walaaleede
263. Ka la soocitaan kuu saxiix, qalinka saarayaaye
264. Sadarrada midnimadoo dhanbuu, suuf ku tirayaaye
265. Satiyada(40) qabiilkuu tolaa, saancadaalluhuye
266. Waana seefta geerida, wuxuu soofe mariyaaye
267. Siqiir gowricii dhacay ma jiro, qoom dil saamaxaye
268. Sacabbada ninaan dhiig la gelin, sado xil loo diidye
269. Kun ka saa’id goortuu surjaro, loo saldano sheeg. - Haddii aarku seeriga ka helo, seenyo miranaysa
271. Suubaan(41) gelgelimeed hadduu, silac u laalaadsho
272. Ee daqayo siibtee misana, muruqa soocsoocdo
273. Markuu dhereg sannaaree subxiga, kaynta socod aado
274. Raqda Soobir meeshuu sursuray, amuu ku saaf-saafay
275. Sirqo habar dugaag oo dhanbaa, saacaddaas imane
276. Sambabkiyo waxay ka la daftaa, suumankuu nacaye
277. So’ iyo saan markay feenatee, yare sintoolayso
278. Safka xiga haadkii suganayaa, soo sawaaf dega’e
279. Sanka iyo ilxayrkiyo dhegtey, xididdo siibtaaye
280. Markii ay sakaarkiyo lafaha, suunan ka idleeyso
281. Baqti suranihiibaa(42) markaas, soo sanraac baxa’e
282. Uuskiyo wixii subag dhibceey, carrabka saartaane
283. Wax suureeya soomaalidaan, qoonba sanad laayo.
Eraybixin;
- sidsidix: haraggu marka uu qurmo ee uu kala daato
18. saawasaawe: sheeka sheeko
19. saydho: laan geed oo qof kaa horreeyey kagu soo daayo.
20. suulin/farya suulin: raad baalaabay ama meel dhagaxa maray tartiib u raadin.
21. saasin: wax qarin ee meel kale farta ku fiiqid.
22. seerli: magac nin ka mid ah gumeystihii Soomaaliya
23. Suwiye: la mid.
24. Silfadoor: sidoo kale.
25. Nikalos Key: ergay ka socday QM oo u qaabilsanaa dalkeenna.
26. Seeman: hal magaceed oo aan u soo qaatay qarannimada.
27. Sool: dhulka ceel dheertaa oo oommanaha ah.
28. Surdhar, Suugeys, Samuud, Saaxi, Suurad: Geel magaciis, waxaana u soo qaatay shatii magac Soomaaliya gumeystu u ka la bixiyey.
29. Karal: magac nin ka mid ahaa gumeystihii hore.
30. saliib: carrada qoyan ee ku la sidbata.
31. sidaay: xil sidaha.
32. saabil: qaab turubka loo cayaaro, oo laysku khiqaano.
33. sirig: marka awrta leysku dirayo ayaa sirig sirig la dhahaa.
34. sannaar: dhawaqa xoolaha labkaa ee qooqan.
35. sama-sama: hadal aan isku aaddanayn.
56. sawlax: dhawaqa dadka dagaalaya.
37. sagandaa: awrka cayilan.
38. sakaadhi: kibir dhaarasho.
39. saabaan: alaabta wax lagu cuno.
40. sati: maqaar la tolay, oo weel meel kore la la suro.
41. suubaan: boorka ka kaca dooxooyinka.
42. baqti surane: Tixiriga waaweyn ee baqtiga ku dega.
La soco qaybta xigta, ee gabayga.
Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax