GAR EEXEED | Cabdinaasir Xiddig

GAR EEXEED

Waxay ahaayeen afar wiil iyo aabbahood, hooyadoodna waxay geeriyootay waa hore. Aabbaha ayaa noqday midka kaliya ee dhabarka u ritay korinta iyo koolkoolinta wiilashiisa. Waa qoys sabool ah oo reer miyi ah, waxa ay xoola ka haysteen Awr/rati kaliya, kaasoo ay heeryaysan jireen marka ay ugaarsi aadayaan. Maalinkii la soo helo ugaar, sida: Cawl, Goronyo, Dabataag ama Biciid waxay u ahaan jirtay maalin wayn oo raynrayn iyo farxad xambaarsan, waxa ayna si deggan u biilan jireen hilibkaas ugaarka, wayna ku ladnaayeen una riyaaqi jireen nolosha caynkaas ah.

Wiilashu waa kurayo aan in badan kala waynayn, waa kuwo caloosha isku banneeyay waxaana inta badan la moodaa in ay mataano yihiin. Waa gaashaan-qaadayo korriinadooda lagu didaalay laguna joogteeyay cadka aadka u dheefta badan ee ugaarta, waa geesiyaal bir-labyo ah oo aan il-libiqsan, waa shiishyahanno fartoogtayaal ah oo xabbadda ama waranka ay gamaani uusan kob cidlo ah ku dhicin.

Inta badan waayuhu waa barwaaqo, roobku ma dib-dhaco xareedduna inta badan waxay daadsan tahay waraha iyo balliyada waana halka ay ka helaan ugaarta kala jaadka ah ee reerkani birta ka aslaan, maraqana ka fuudaan. Inkasta oo uu reerkani cayr xoolo la’ yahay, haddana waxay ka ladnaan badan yihiin oo ka dhogor qurxoon yihiin dadyowga Eebbe ku galladay xoolaha qaybahooda kala gaddisan sida: geela, lo’da, ariga iyo fardaha.

Maalin maalmaha ka mid ahayd baa waxaa lumay oo meel uu jaan iyo cirib dhigay la waayay ratigii uu reerku ku ugaaranayay, hadde waa ratigii ay kaligiis xoolo ka haysteen. Waa la goobay oo la raadiyay waase la waayay. Markii laba habeen iyo laba maalin la la’aa buu odaygii wiilashiisii isugu yeeray wuxuuna wada faray in mid kastaaba dhan afka saaro oo ratigii raadiyo, habeen iyo maalin ka dibna mid kastaahi soo laabto, hadduu helo iyo hadduu waayaba.

Mid walbaaba wuxuu afka saaray dhankii uu is lahaa wuu ka helayaa awrkii, mid kastaana wuxuu horay u qaatay hub wixii uu heli karay, si uu yur iskaga dhaho dugaagga dad qaadka ah ee meel kasta taagnaa. Wuxuu mid kastaana bilaabay in uu raad goobo ratigii oo uu ka raadiyo hadba meeshii uu is lahaa waad ka helaysaa.

Mid ka mid ah wiilashii siduu u sii socday ee uu u sii harjadayay buu dhexda u galay raxan libaaxyo ah oo dad qaadayo ah, waxaana dhan kasta ka soo weeraray libaaxyadii waase wiilkii geesiga ahaaye wuxuu garabsaday warankii iyo gaashaankii, wuxuuna si gobannimo leh isaga caabbiyay libaaxyadii. Inkastoo ay dhaawac gaarsiiyeen, haddana wuu ka badbaadsaday naftiisa wuxuuna afka soo saaray dhankii uu aabbihiis joogay.

Wiilkii labaadna sidii uu u sii jaqaafinayay oo uu hadba jiq iyo hawd jeeniga u marinayay ayuu dhexda uga istaagay abeeso alaalaxaysa waxayna la haleeshay qaniiyo aad u daran; waxaa durba saaqay sunteedii, waxaa meel kasta uga yimid kii xanuun ahaa. Inkasta oo uu dilay abeesadii, haddana waxba uma tarin, oo waxaa sinnaba u dayn hinkii iyo suntii abeesada, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhankii uu joogay aabbihiis, si uu naftiisa u badbaadiyo oo uusan meel cidlo ah ugu dhiman.

Wiilkii saddexaadna sidii uu ordayay ee uu buur iyo bannaan u jibaaxayay baa waxaa ka hor yimid rag ay col ahaayeen, markii ay garteenna ina ay fallaar ku soo gameen bay garabka hoostiisa kala heleen. Wuxuu ahaa wiil aad u dheereeya oo sidaan horay u sheegay aad loo soo koriyaye, cagtuu wax ka dayay, wuxuuna u soo cararay berrinkii uu aabbihiis joogay, si uu u gaaro inta uusan dhiig bixin oo uusan meel cidlo ah ku dhimanin.

Wiilkii afaraadna inii hawr tiaabo qaadin buu helay ratigii oo meel kayn ah oo aan berrinka ka dheerayn daaqaya. Horay buuna u soo kaxeeyay oo u keenay aabbihiis. Waa kan dambee, Rabbi wuu ka badbaadiyay ba’ii iyo hooggii ay muteen saddexdii wiil ee la dhashay wuxuuna si raaxo leh isaga ag joogay aabbihiis oo uu ka helay amiyo bogaadin.

Markay saddexdii wiil soo laabteen, mid kastaana yimid asagoo rafaadsan oo aad u dandarraysan ayuu odaygii subixii xigay isugu yeeray wiilashiisii afarta ahaa wuxuuna canaan, ceebayn iyo habaar dusha uga tuuray sdsoo waayay ratiga, wuxuuna taas lidkeed ammaan iyo maamuus huwiyay midkii dhib la’aan awrka soo helay.

Odaygii wuxuu wiilkii ratiga soo helay ee uu guulaystaha halyayga ah u aqoonsay faray in uu shido hog wayn ama dab wayn oo aad u holcaya, markii uu wiilkii dabkii shidayna wuxuu min laba faaar beerka uga dhuftay saddedii wiil ee ratiga soo waayay markii ay tabar yareeyeenna waxuu dhaawacoodii ku tuuray hogtii waynayd ee uu u shiday wiilkii ratiga soo helay, halkaas buuna cadaabid, canaan iyo ceebaynba isugu daray saddexdii wiil ee rafaadka iyo hoogga u soo maray raadinta ratigii lumay.

Haddaba aqristoow sidee u aragtaa go’aanka uu qaatay aabbuhu? ma kula tahay in saddexdaas wiili ay mudnaayeen ciqaabta caynkaas ah? Mase kula tahay in wiilka dhib la’aanta awrka soo helay uu mudnaa ammaanta iyo waynaynta la wayneeyay? Adigu haddii aad ahaan lahayd aabbaha maxaad ku kala abaal marin lahayd afarta wiil?

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

SHEEKOOYIN