GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 10aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)
Awoodaha Allah iyo awoodaha uu siiyay cibaaddiisa waa qeyb aad u weyn oo barashadooda kuu fududeyneyso sidi aad u maareyn lahayd noloshaada, guud ahaan iyo gaar ahaan sidi aad u maareyn lahayd, haddii Allah ku siiyay in aad hesho lamaane kula wadaago noloshaada, nolol wacan oo dhamaadkeeda ahaado qurux adduunyo idinka iyo carruurtiina. Haddii aad hesheen carruur ama dhamaadka noloshiinna ku dhameysataan idinka oo weysada isku dhawrto, raalina ku ah xaalkiina nololeed.
Waxa Iyana suurtagal ah in aad meel dhaxe ku kuftaan, keddibna kala tagtaan, ama wada joogiina goor walba uu ahaado muran u joog iyo qeylo aanan dhamaan (Buuq iyo rabsho joogtaa) oo lagu wada joogo.
Awoodaha Allah u gaarka ah laguma soo koobi karo qoraal gaaban iyo qoraal dheer midna, ogow in aysan qumanayn saxna ahayn caro ama xanaaq aad ugu qaado ninkaada/xaaskaad awood ku gaar ah Allah weyn. Waa in aad ogaataa in qofkaanu yahay miskiin awooddiisu xiddidan tahay oo aanu la awood ahayn allihi khalkhay.
Qof walba oo beni’aadam ah waxaa lagu xisaabinayaa awooddiisa arrimaha hoos yimaado isaga/iyada, sida in aad gurigaaga ku dhaqdo samaan, risqiga laguugu soo dhiibay geliso iyaga, ka dheeraato xanaaq, ka fogaato anigaa iri iyo aniga kaliya ayaa wax kasta u ogaal leh.
Awoodaha aad leedahay waxaa ka mid ah in aad cibaadada Allah u gudato sidi laguu faray, ka fogaato wixi lagaa reebay oo iyaga laga rabo qof walba oo beni’aadam ah barashadooda iyo ku dhaqankooda., marka laga reebo kuwa raaficul qalamka ah.
Awoodaha Allah ku gaarka ah, waxaa ka mid ah: Ma dhalee carruur?, imisa gabdho, wiilal, caruur isugu jiro gabdho iyo wiilal, dhalis la’aan iyo siday u eg-yihiin? Risqigooda intee la eg-yahay? goormee dhimanee? berri maxaa helee? xagee ku dhimanee? ma jirannee? jirrada nooca ay tahay? goormaa ka reysanee? daawada aad ku reysaneyso waa nuucee?
Iyada oo middaas saas tahay, ayaa adiga waxaa awood laguu siiyay isku dayidda iyo doonista in aad marto jidki aad ilmo ku heli lahayd, yacnii aad gasho guur xalaal ah, haddii la jirrado in aad doonto daawada jirradaas, garaacdo irdaha toosan iyo baryada Allah, in uu ku siiyo caafimaad taam ah, in aad ka fikirto maxaa camal ah oo aad aakhiro la tegee adduunyo keddib, haddii aad dembi gasho in aad Allah ka barido dembi dhaaf. Allah kaliye ayaa og yaa ku taagan jidkiisa toosan iyo yaa ka bayray jidkaas oo doortay jidka qaloocan.
Dadaalka ma reebano, awoodaha lagu siiyay oo berri wax lagaa weydiinayo sida aad u fulisay waxaa ka mid ah in aad haweeneydaada/ninkaaga si wacan ula dhaqanto oo macruuf ah, haddii ay timaado weliba dhinaca ninka in aad necbeysato falalka qaar ka mid ah dhaqanka naagtaada, ha ku degdegin in aad furriin la soo boodo, ma jirto cid og in la jooga naagtaada, kala tegis la’aanta iyo dharaarinta noloshiinna uu khayr badan ku jiro gadaasheeda, ileyn ma ogid khayrka Allah kaa siinayo kolka aadan ku kicin falkaas(kala-tagga).
Dhinaca naagta waxaa laga rabaa in ay ninkeeda jeclaato(waduud), u sabarto ileen guriga ay timid ka dabeecad duwan kay ku soo barbaartay, sirtiisa ama sirta gurigeeda aynan bannaanka geyn, waqtiga ninkeeda u baahda inay soo dhaweyso, xitaa haddii ay jirto khaladaad ay tirsaneyso oo aanan ahayn wax tabari u diideyso fulinta baahidaas, taasna waa inay si degan hoos ugu sheegto ninkeeda wixi jiro. Naagta waxaa laga rabaa oo awooddeeda ah inay ilaaliso, ka warheyso arrimaha ninkeeda guud ahaan iyo gaar ahaan tan gurigeeda. Ninkeeda ay isu qurxiso, soo dhaweyso martida ninkeeda iyo martideedaba si qurax badan oo aanan ka baxsaneyn arrimaha macruufka ah.
Naagta waa udub dhaxaadka guusha uu ku waaro guri ay samaan fadhi u tahay, waase haddii sabarkaas lagu xardho fulinta awaamirka ninkeeda, waxaan ka hor-imaaneyn diinta islaamka, waxaan wax u dhimeyn noloshooda, nolosha carruurtooda iyo guud ahaan wax yeeleyneynin dad kale.
Ninka isaga waa tiirka gurisan, taana waxay ku timaadaa sida aad hadba u maareyso nolosha gurigaaga guud ahaan, gaar ahaan daryeelidda xaaskaaga, ka dhawrto xaaskaaga wixi qalba jab ku keeni karo wanaagga ay kugula dhaqmeyso, tustaa had iyo jeer dhaqan ah in ay xaaskaaga mar walba dareentaa inay maalin walba la mid tahay maalinti ay gurigaaga soo gashay, haddii ay carruur dhashay dareentaa sidoo kale in ay la’aanteed wax badan kaa qaloocan kareen. N
Naagta mar walba waxay kaa rabtaa in aad deris ku naban la tahay qalbigeeda, dhinaca kale, haddii uu jiro khaladaad ka dhaco naagtaada ogaal iyo ogaal la’aan, waa in aad ku dadaasho in aad si hoose oo wacan ula faqdo naagtaada, u dulqaadato adiga oo si deggan ugu far muuqayo in khaladaadkaas ay waxyeeleyn karaan noloshooda iyo wada joogooda.
Awoodaha allah siiyay nin iyo naag, ama dadka oo dhan waa la imaanshaha dabeecad raali geliso dhinaca kale goor walba.
Haddii taa laga waayo qofka, waxay arrinta dabada la galeysaa kala shaki, is aaminid la’aan iyo hawl ku dhamaato kala tag ama muran u joog ugu dambeyn waxyeeleeyo wada jirkiinna iyo dhaqanka carruurtiina iyo guud ahaan la dhaqanka dadyawga kale.
Ka dheerow macrifa qurjuf nin/naag, dhaqan xumo iyo la soo taagnaashada in aad tahay kaligii yaqaan, bakhiil aan ka nooleyn wixiisa, bakhiilnimo iyo gacan xirnaasho aad kula socoto naagtaada iyo ciyaalkaaga.
Sidoo kale naagta waxaa looga fadhiyaa dabacsanaan, u dhega nugeyl inay ninkeeda kula dhaqanto toosnaan, wanaag, cuqdo la’aan iyo inay aynan qarsan arrimo berri wax u dhimi karo quruxda wada joogooda.
La soco Q. xigta
W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)