HANIBAAL MA SOOMAALI BUU AHAA?
Q2aad
Aasaaskii Qardiijiya (Carthage)
Sida aan horay u sheegnay dawladdii Qardiijiya waxa ay caan ku ahayd baayacmushtarka iyo ganacsiga qararafka ah ee reer Qardiijiya ku gaalabixin jireen dhammaan afarta jaho ee badda cad iyo meelo ka sii durugsanba. Waxaa na la sheegaa in dawladdaas ba ay markeeda hore ba aasaaseen ganacsato reer Finiiqiya (Phoenicians). Reer Finiiqiya waxa ay ahaayeen dad leh ilbaxnimo sarraysa oo aad ugu caanbaxay baayacmusharka waxa ay na halabuureen doomo ganacsi iyo kuwa ciidan oo tayo sare leh. Reginald Bosworth Smith oo ahaa qoraaga buugga ROME AND CARTHAGE waxa uu buuggiisa ku yiri “waynnu ognahay waxa dhulka yar Falastiin ku soo kordhiyay diimaha adduunka iyo waxa dalka yar ee Giriig ku darsaday garaadka iyo suugaanta adduunka balse waxa aan ku dhownahay in aan hilmaanno waxtarmaadkii reer Finiiqiya ka gaysteen horumarinta ganacsiga iyo socdaalka adduunka,” (Reginald Bosworth Smith, bogga 3aad).
Finiiqiyiinta waxaa caasimad u ahayd magaalo Tyre la oran jiray oo ku taallay dalka hadda la yiraahdo Lubnaan. Waxaa se jirta sheeko kale oo oranaysa magaalada Carthage waxaa amaamudday Boqorad magaceeda la oran Dido oo markeedi hore ka timid Tyre, Lubnaan dhismihii Carthage ka dib na noqotay Boqoraddii koowaad ee Carthage.
Waa Ayo Boqorad Dido?
Sida taariikhyahannadu weriyaan, Dido waxaa dhalay nin Tyre, Lubnaan Boqor ka ahaan jiray oo lagu magacaabi jiray Belus. Waxaa la yiri Dido walaalkeed Pygmalion sidaa oo kale na lagu magacaabi jiray Pumayyaton ayaa waxa uu dilay Dido ninkeedi Zakarbaal oo ahaa wadaad caan ah oo madax na u ahaa macbadka magaalada Tyre. Sababta waxaa lagu sheegaa in Pygmalion rabay la wareegista xoolo badan oo Dido ninkeedu lahaa iyo in aysan Dido iyo ninkeedu taajka Boqortooyada Tyre ku qabsan marka aabbohood dhinto. Sidaas darteed ayaa Dido ka baxsatay Tyre ayada oo ay la socdaan dad ciidan iyo dad badan hantida badanna sidata. Dadka la socday waxaa ka mid ahaa labo taliye-ciidan oo la kala oran jiray Bitias and Barcas.
Run iyo riwaayad mid ay tahay ba, waxa la sheegaa in Dido ugu dambayn geeddigii ku furtay xeebaha waqooyi ee qaaradda Afrika halka maanta loo yaqaan Tunuusiya gaar ahaan meel aan ka fogayn magaalada caasimadda ah Tuunis. Ka dib ay la shirtay madaxdii qoomiyadda Berberka oo halkaas degganaa ka na codsatay in ay ka iibiyaan dhulka ay degto. Madaxdii Berberku waa ay oggolaadeen codsigii Dido balse waxa ay ku xireen shuruud ah in dhulkaasi uu noqdo in le’eg HARAG DIBI yacni harag dibi marka la fidiyo dhul le’eg. Laakiin Dido waa khiyaamaysay madaxdii Berberka waxa ay shaqaaleheedi ku amartay in ay haragga dibiga soohaan aad na u beeqaamiyaan. Markii hariggii dibiga la soohay waxa uu noqday xarig dheer oo dhul baaxad wayn lagu maagaari karo. Sidaas ayay Dido ku heshay dhul aad u wayn oo ay ka dhistay magaalada Carthage madaxdii reer Berber markii ay cawdeenna waxa ay ku tiri “haragga dibigi LA SOOHAANA BANNAAN.” Waa halkii ninkii Soomaaliga ahaa ka yiri “usha la jiifiyaana bannaan”.
Dadkii ugu horreeyay Dido iyo Carthage wax ka qora waxaa ugu horreeyay nin Giriig ahaa oo la oran jiray Timaeus kaas oo noolaa qarniyadii afraad iyo shanaad ee CH. Ninkaas oo qoraalladiisu waa hore lumeen balse rag kale soo xigteen waxa uu aasaaskii Carthage ku aadiyay sannadkii 813 CH.
Dhimashadii Boqorad Dido?
Waxa jira labo sheeko oo xiise badan kuwaas oo weriya qaabkii Boqorad Dido u dhimatay. Tan hore waxa ay leedahay: Boqorad Dido waxaa soo doonay oo guurkeeda dalbaday Boqorkii dadka Berberka oo Dido iyo dadkeeda soo dhaweeyay, Boqorkaas oo magaciisu ahaa Hiarbas (Xiyarbaas). Boqorad Dido oo jacayl daran oo ay haysay ninkeedi Zakarbaal dartiis guur dambe ka dhaaratay talo ayaa ku caddaatay. Haddii ay diiddo guurka Boqorka Berberka, Xiyarbaas waxa ay ka baqaysaa in uu gef u arko halkaas na uu ka bilowdo dagaal aan boqortooyadeeda curdurka ahi xammili karin, haddii ay yeeli lahayd na niyad iyo abateed u ma hayso nin aan Zakarbaal ahayn. Sidaas darteed Boqorad Dido waxa ay dalbatay in loo shido dab wayn oo aan asaga oo kale horay loo arag. Markii dabkii loo shidayna Boqorad Dido dabkii ayay isku tuurtay sidaas ayay na ku dhimatay.
Sheeko kale oo uu qoray gabyaa iyo qoraa Roomaan ahaa lagu na magacaani jiray Publius Vergilius Maro (Virgil) waxa ay werinaysaa sheeko ay adag tahay in la rumaysto balse xiise sare leh. Vigil waxa sheegay in Aeneas oo ka mid ahaa qoyskii reer boqor ee magaaladii Troy uu madax u noqday dad reer Troy ah oo ka soo qaxay Troy ka dib markii Troy gacanta u gashay Giriggii weerarka ahaa (dagaalkii caanka ahaa ee Trojan War). Dabadeed Aeneas iyo dadkii doonidii ay saarnaayeen ayaa dabaylo ku kaceen oo jahadii ka leexiyeen ilaa ugu dambayn ay ku so9 caariyeen xeebta Boqortooyadii Carthage ee Dido madaxda u ahayd. Si fiican ayaa Boqorad Dido u soo dhawaysay dabadeedna jacayl daran ayay Boqorad Dido u qaadday Aeneas sheeko jacayl ayay na wadaageen labadoodi balse nasiibdarro Aeneas farriin ayaa uga timid xagga Ilaahiisi Jupiter waxaa na lagu armay in uu si deg deg ah ugu dhawaaqo halkii markii hore ku socdaay. Boqorad Dido in badan bay ku dadaashay in ay safarka Aeneas baajiso ku ma se guulaysan oo Aeneas waa shiraacday waxa uu na geeddigii ku furay halka maanta ah magaalada Rooma ee caasimadda Talyaaniga asaga ayaa na bud’dhigay Rooma. Boqorad Dido murug ayaa u soo martiday noloshii dunidu dhadhan la’aan bay u noqotay Aeneas la’aantiis dabadeed dab wayn ayay amartay in loo shido ka dib na dabkii ayay isku tuurtay oo sidaas bay ku Allaysatay boqoraddio Qadiijiya. Warka Virgil waxaa dhabqinaya oo waa waqtiga u dhexeeyay dagaalkii Trojan iyo aasaaskii Carthage. Sida la sheego Trojan War waxa uu dhacay 1180 sannadood CH halka Carthage la aasaasay 813 CH.
Arrinta xiisaha lehi waa magaca boqoradda “DIDO”, taas oo na dulgaynaysa sababtii qoraalkaan u bilaabay ee ahayd isirka Hanibaal. Hanibaal ma Soomaali buu ahaa? Sida ay qoreen qorayaashii Giriigga iyo Roomaanku magac Boqorad Dido markii hore ee Tyre joogtay waxa uu ahaa Elissa balse Qolooyinkii Berberka ahaa ee ay waqooyiga Afrika ugu tagtay ayaa u bixiyay Dido oo macneheedu yahay “hayaan/socoto.” Halkaan waxaa inooga muuqanaya xiriirka ka dhaxeeya Soomaalida iyo magaca “Dido” oo ay bixiyeen dadkii Berberka oo ayaga qudhoodu xiriir dhalasho iyo mid dhaqan Soomaalida la wadaaga. Ugu horrayn “Dido” waxa uu u egyahay “DIDDO” oo macnihiisu yahay qof soo diday/cararay, taas oo waafaqsan sheekada ah in Boqorad Dido ka soo carartay magaaladeedi Tyre ka dib dilkii ninkeedi. Waxa kale oo uu waafaqsan yahay macnaha qorayaashii Giriiggu iyo Roomanku ay magaca “Dido” ku sheegeen oo ahaa hayaan/socoto (wanderer) kaa soo aan sinnaba uga horimaanayn macnaha erayga Soomaaliga ah ee Diddo. Waxa kale oo dhici karta magaca Boqoradda loo bixiyay ahaa “DIIDDAN” maadaama ay ka dhaaratay in ay guursato nin dambe.
Dhammaan waxyaabahaani waxa ay muujinayaan raad iyo dhadhan af iyo dhaqan Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxa aan ku doodi karaa in xiriir ka dhaxeeyo Carthage iyo Soomaalida ay na tahay arrin mudan cilmibaaris qotodheer.
La soco Q3aad.