HANIBAAL MA SOOMAALI BUU AHAA? Q3aad| WQ; Cali M. Diini

Colaaddii Qardiijiya iyo Room iyo Doorkii Hanibaal


 

Dido waxa ay dardaarantay cadaawadda Qardiijiya Roomaan.

Sida ay sheegeen taariikhyahannadii Roomaanku gaar ahaan Virgil oo noolaa sannadihii 70 CH ilaa 19 CD galabtii Aeneas ka shiraacday Boqorad Dido oo indho jacayl ku eegaysa ayaa colaadda Qardiijiya iyo Room bilaabatay. Waxaa la weriyay in Boqorad Dido intii aysan dabka isku tuurin ku dardaarantay erayadan: yuusan jirin wax jacayl oo ka dhaxeeya annaga iyo ayaga. Dadkaygoow dab iyo waranba isugu dara reer Dardanus (Dardanus: boqorkii reer Trojan) meel Alle iyo meeshii aad ku aragtaanba. Kula dagaallama bad iyo berriba. Dagaalku ha ku dhex waaro annaga iyo ayaga, (Worldhistory.Org).

Yeelkeed’e, sheekadaani waxa ay u badan tahay mid Roomaanku dadkoodu ku carinayeen waayihii colaadda xuni ka dhex oognayd ayaga iyo Qardiijiya, tabta Itoobiyaanku carruurtooda ugu anqariyaan colaadda Soomaalida iyo Axmed Gurey.

Roomaanku si ay ugu qiildayaan xasuuqii iyo isirsifayntii, iyo burburintii ay Qardiijiya ku sameeyeen sannadkii 146 CH waxa ay ku doodeen in Qardiijiya iyo Room col iyo cadaawe kala guntadeen galabkii Aeneas ka dhaqaaqay Dido oo ka daba barooranaysa. Roomaanku waxa ay aamminsanaayeen sheekaxariiro ah Aeneas waxa uu ahaa odaygii ay ka tafiirmeen labadii mataan ee Romulus iyo Remus oo la sheego in ay ahaayeen raggii aasaasay boqortooyadii Room ee markii dambe na u xuubsiibatay Jamhuuriyaddii Room dabadeedna noqotay Imbaraaddooroyaddii Room.
Taariikhyahannadii iyo qorayaashii Roomaanka iyo Giriiggu sida Titus Livius (Livy), Virgil, Polybius iyo kuwo kale waxa ay Qardiijiyaanka ku sheegeen dad dugaag ah oo dhiigga ku qubaysta nacaybka Room na dhuuxa iyo dhiigga dhexqaaday. Livy waxa uu qoray in Hanibaal ahaa gaban lagu anqariyay burburinta Room. Waxa kale oo Roomaanku ku doodeen in Qardiijiya mudnayd in la burburiyo oo qariiradda adduunka laga tirtiro, (Adrienne Mayor).

Waxa se xusid mudan in dirirta Qardiijiya iyo Room ay sabab u ahayd dhulballaarsigii Room wadday iyo weerarradii Roomaanku ku qaadeen Jasiiradda Sicily oo ka mid ahayd dhulalkii ay Qardiijiya qarniyo badan ka talinaysay. Sida sooyaalka ku cad, Qardiijiya waxa ay ahayd dawlad nabadeed oo weerarro iyo dhulballaarsigu caado ahayn, dhulalka ay tageenna ay ganacsi ku tageen dabadeedna heshiisyo la galeen dadyowgii degganaa halka Room cimrigeeda oo dhan ku jirtay gulufyo kicin iyo dhulballaarsi joogto. Dhanka kale Qardiijiya waxeedu waxa ay ahaayeen ka falcelinta daandaansigii iyo dhulfidsigii Room, nacaybka Hanibaal u qabay Room na waxaa la oran karaa falcelintaas un buu ahaa.

Sida aan horay ku soo sheegnay, Qardiijiya iyo Room waxaa dhexmaray dagaallo lagu hoobtay kuwaas oo socday markii uu Hanibaal dhashay 37 sannadood geeridiisi ka dib na ku dhammaaday Qardiijiya oo qariiradda adduunka laga tirtiray.
Dagaalladii dhexmaray Qardiijiya iyo Room waxaa loo yaqaan Punic Wars waxa ay na dhaceen intii u dhaxaysay 264 CH ilaa 146 CH waxa ay na u kala dhaceen sidaan: dagaalkii koowaad (first Punic War) 264-241 CH, kii labaad (secod Punic War) 218-202 CH, iyo kii saddexaad (third Punic War) 149-146 CH. Dagaalkii koowaad oo ciidanka Qardiijiya uu hoggaaminayay Hanibaal aabbihiis, Hamilcar Barca waxaa guushu raacday Roomaanka waxaa na Qardiijiya lagu ganaaxay bixinta lacag farabadan iyo wareejinta milkiyadda Jasiiradda Sicily.

Ka dib guuldarradii Qardiijiya ka raacday dagaalkii koowaad Hamilcar Barca oo uu la socdo wiilkiisi Hanibaal oo 6 jir ah waxa uu guluf ciidan ku qaaday gacanka Iberia (Spain iyo Portugal) oo ahaa dhul hodan ku ah macdanta iyo beeraha waxa uu na qaybo badan dhulkaas ka mid ah hooskeenay dawladdii Qardiijiya lacag badan oo uga soo xarootayna waxa uu ku bixiyay ganaaxii Roomaanku ku xukumeen Qardiijiya. Hamilcar Barca waxa uu dagaallo ku qaaday qabiilooyin badan dhulkaas degganaa oo uu maamulkiisa hooskeenay halka kuwa kale uu u taagwaayay ka dib taageero ay ka heleen Roomaanka oo ayaguna xukumayay qaybo dhulkaas ka mid ah.

Ugu dambayn Hamilcar Barca waxaa lagu dilay dagaal uu qabiilladaas la galay. Geeridii Hamilcar ka dib waxaa hoggaankii ciidanka la wareegay Hanibaal walaashiis nin qabay oo la oran jiray Hasdrubal balse in yar ka dib asagiina waa la dilay dabadeed waxaa hoggaankii la wareegay Hanibaal oo 25 jir ah oo inkasta oo uu da’ yaraa ahaa taliye qolof dhacsaday oo khibrad badan ka soo dheegtay sannadihii badnaa ee uu ku dhex jiray ciidanka aabbihiis u taliyaha u ahaa marar badanna guutooyin iyo gaasas taliye u noqday.
Roomaanku ku ma aysan faraxsanayn isballaarinta Qardiijiya ka samaynaysay Iberia sidaas daraadeed ayay heshiisyo la galeen qabiilooyinkii halkaas degganaa qarkood si ay taako ugu dhigaan Qardiijiya. Waxa kale oo Room iyo Qardiijiya ku heshiiyeen xudduud Iberia u kala qaybinaya qayb Qardiijiya leedahay iyo qayb Room leedahay. Xudduudkaas waxaa lagu asteeyay webiga Ebro oo labada kala qaybinayay. Balse Roomaanku tan iyo heshiiskii Lutatius ee 241 waxa ay wadeen daandaansi iyo jabinta heshiiskaas. Sannadkii 240kii Roomaanku waxa ay qabsadeen Jasiiradda Sardinia oo dalladda Qardiijiya hoos joogtay, Qardiijiya na gardarradaas jawaab ka ma bixin. Mar kale ayay Room daandaansi bilowday ka dib markii ay ku doodday in ay mas’uul ka tahay nabadgelyada dawlad yar oo lagu magaabi jiray Saguntum taas oo ku taallay xudduudka Qardiijiya iyo Room ka jeexeen Iberia laakiin ku taallay dhinaca Qardiijiya ee webiga Ebro. Waxaa dagaal dhexmaray Saguntum iyo qabiil lagu magacaabi jiray Turboleti. Turboleti waxa ay xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed la lahaayeen Qardiijiya halka Saguntum xiriir midkaas la mid ah la lahaayeen Roomaanka. Sidaas darteed Roomaanku waxa ay ku doodeen in Saguntum ka mid tahay xulafadeeda isla markaasna ay ku qasban tahay difaaca Saguntum.

Hanibaal oo horay uga caraysnaa xeerjabintii Roomaanka markii ay Sardinia qabsadeen waxa uu ku dhaartay in uusan aqbali doonin daandaansi iyo xeerjabin dambe oo Roomaanku ku kacaan. Dabadeed waxa guluf ciidan ku kiciyay Saguntum go’doomin dheer ka dib na gacanta ayuu ku dhigay.

La soco Q4aad

 

SHEEKOOYIN