GULUFKII DAGAAL EE HANIBAAL ROOM KU EKEEYAY (Q-4AAD)
Hanibaal markii uu qabsaday Saguntum isla markiiba waxa uu dumay guluf weerar oo uu ku ekeeyo gacanka Talyaaniga si uu ugu dambayn u soo afmeero dirirta dabadheeraatay ee ka dhex oognayd dalkiisa iyo Room. Arrinta xiisaha lehi se waa docda uu Hanibaal ka wareemay Room. Hanibaal oo horkacaya 80,000 oo askari oo fardo iyo maroodiyo ku hubaysan waxa uu abbaaray waqooyiga Talyaaniga oo Roomaanku aysan marnaba weerar ka filanayn maadaama buuraha Alps ee barafka iyo dhaxanta badani ku teedsan yihiin. Laakiin waxa aysan Roomaanku ku baraarugsanayn ayaa ahaa in Hanibaal yahay hoggaamiye ciidan oo ah jaadgooni ah oo aan asaga oo kale horay dunida u soo marin.
Ka dib maalmo badan oo ciidankii Hanibaal soo gurguuranayeen dabshidkii 218 CH ayay Roomaankii ka war heleen in Hanibaal buuraha Alps ka soo dhaadhacay. Ka dib jidgooyooyin dhawr ah oo Roomaanka iyo qabiilooyin Talyaani ah Hanibaal ka la hortageen, ugu dambayn dabshidkii 216 CH ayuu Hanibaal ciidankii Roomaanku ku ciribtiray macrakadii Cannae (battle of Cannae) mid ilaa maanta baalasha taariikhda lagu gorfeeyo. Waxaa taariikhyahannadu sheegaan goobtaan uu ku daatay 30,000 oo galaan oo dhiig ah. Waxaa la sheegaa in 50,000 oo ciidan Roomaan ah maalintaas dhagta dhiigga loo daray. Jabkii iyo halaaggii maalintaas Roomaanka gaaray waxa Hanibaal u furay jidka wayn ee caasimadda Room aadaa balse, waxa uu go’aansaday in uusan Room weerarin. Sababta uu Hanibaal Room u weerari waayay waxa ay taariikhyahannadu ku sababeeyaan dhawr qodob oo ay ka mid yihiin in Room ahayd magaalo wayn oo leh darbiyo difaac oo adag Hanibaal na uusan haysan qalab ciidan oo uu darbiyadaas ku burburiyo. Waxa kale oo ay sheegaan in ciidankii Hanibaal aad u daallanaayeen saadka iyo taakuladuna aad ugu yarayd, sidaas daraaddeed ayuu Hanibaal go’aansaday in uu Room hareermaro oo qaybaha kale ee Talyaaniga qabsado qabiilooyinka Roomaanka ku kacdanaana uu la heshiiyo. Taasi waxa ay Roomaanka siisay kansho ay isku abaabulaan oo ciidamo lixaad leh ku qortaan ku na tababaraan. Intii uu Hanibaal gacanka Talyaaniga gaalaabixinayay Roomaanku inta ay dibmaryo ku dhufteen ayay weerar culus ku qaadeen Spain gacantana ku dhigeen. Sidoo kale waxa ay Roomaanku maraakiib ku daabbuleen ciidan lixaad leh ka dajiyaan xeebaha Qardiijiya ee waqooyiga Afrika taas oo sababtay in golihii guurtida (Gerousia) ee Qardiijiya u yeeraan Hanibaal oo koofurta Talyaaniga ku sugan. Ugu dambayn ciidankii Room oo uu hoggaaminayo Jenaraal Scipio Africanus iyo kuwii Qardiijiya oo Hanibaal hoggaaminayo iskaga horyimaadaan meesha loo yaqaanno Zama sannadkii 202 CH halkaas oo guushii ku raacday Roomaanka, dagaalkii labaad ee Punic na halkaas ayuu ku soo idlaaday. Waxa ay guuldarro xanuun badan oo Qardiijiya ku dhacday. Dabadeed Hanibaal waxa uu u baxsaday magaaladii Tyre (Tiiri) ee Finiiqiyiinta taas oo si aan horay u soo sheegnay ahayd halkii ay ka soo jeedday boqor Dido (Diiddo/Diiddan).
Taariikhyahannadu waxa ay sheegaan in sababta Hanibaal Qardiijiya uga cararay ahayd in uu ogaaday in golihii guurtida ee Qardiijiya qorsheeyeen in ay Hanibaal u gacangeliyaan Room ka dib markii Roomaanku ku doodeen in Hanibaal abaabulayo guluf kale oo uu Room ku qaado. Hanibaal waxa uu marti u noqday boqor Antiochus oo Imbaraaddooroyaddii Seluacid oo markaas Tiiri maamulayay balse, Hanibaal ku ma uusan sii nagaan Tiiri ee waxa uu magangelyo siyaasadeed ka helay boqortooyo yar oo la oran jiray Bithynia taas oo ku taal dalka maanta Armenia loo yaqaan. Halkaas oo marti u noqday boqor Artaxias. Hayeeshee, Roomaanku ma aysan joojin ugaarsigii iyo cayrsigii ay Hanibaal ku raadgurayeen ugu dambaynna waxa boqorkii Bithynia kala dooran siiyeen in uu Hanibaal soo gacangeliyo ama uu u diyaargaroobi tallaabo millatari oo uusan u babacdhigi karin. Bithynia waxa ay dooratay dookha dambe balse Hanibaal oo ahaa cabqari ciidan waxa uu go’aansaday in uusan nacabkiisu nolol ku qaban, dabadeed waxa uu cabbay sun sidaas ayuu na Hanibaal dunida ku sagootiyay dabshidkii 183 CH asaga oo 64 jir ah.
Haddii aan intaas ku dhaafno taariikhdii Hanibaal, waxaa imminka qumman in aan dib ugu noqonno su’aashii qoraalka ee ahayd “Hanibaal ma Soomaali buu ahaa?” Horay waxa aan u soo sheegnay arrimo xiriirin kara Soomaalida iyo haweenaydii Qardiijiya aasaastay ee Diiddan ahayd. Waxaa jirta arrin kale oo xusid mudan taas oo muujinaysa xiriir ka dhexayn kara Soomaalida iyo Finiiqiyiintii Shaam ku dhaqnaa. Qoraaga Soomaaliyeed ee Cabdalla Mansuur waxa uu buuggiisa Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ku xusay in qoladii Finiiqiyiinta ahaa ee waqooyiga Afrika degay (Qardiijiya) loo yaqiin “Tiro” isla markaana dhulalka galbeedka iyo waqooyiga Soomaalida laga helay raadad sheegaya in ay ka talin jireen qolo loo yaqiin reer Tiiri. Taasi na ay muujinayso xiriirka ka dhexeeya caasimaddii Finiiqiyiinta ee Tiiri (Tyre). Waxa oo Mansuur buuggiisa ku soo xiganayaa qoraallo uu ka tagay Pliny oo ku sheegay in qabiilooyin degganaan jiray dalka Urdun (Shaam) la oran jiray Avalites magacaas oo ah magacii hore ee magaalada Saylac.
Waxa kale oo Cabdalla Mansuur buuggiisa ku soo xigtay qoraallo laga helay dalka Baraasiil oo ka tageen badmareenno reer Finiiqiya ah kuwaas oo ku qoran af dabargo’day oo Ugaritig la oran jiray kaas oo looga hadli jiray Shaam. Qoraalladaasi waxa ay badmareennadii reer Finiiqiya ku sheegeen in ay tageen dalka Xaam (Afrika). Professor Mansuur waxa kale oo uu xusay in reer Qardiijiya iyo Finiiqiyiintuba ay caabudi jireen Ilaah ay magiciisa u yaqaanneen “BAAL.”
Waxa kale oo ayaguna xusid mudan dhawr qodob oo muujinaya wax isu’ahaansho ka dhexeeya Soomaalida, Qardiijiya, Hanibaal iyo Finiiqiyiintiiba kuwaas oo kala ah:
1. Dalkiisi Qardiijiya (Carthage) waxa uu ka mid ahaa dalalkii dadyowga Berberka ah, Soomaalida iyo Berberkuna waa isku dad.
2. Magiciisa (Hanibaal) waa labo magac, kan hore waa “Hani” kan kale na waa “Baal.” Hani waa magac Soomaaliyeed inkasta oo hadda uu magac dumar yahay waxaa se dhici karta in uu dib iska dhalanrogay. “Baal” waa magaca mid ka mid ah Ilaahyadii Soomaalidii hore caabudi jirtay gaar ahaan Ilaahii taranka (dhalmada) waa na Ilaahii laga baryi jiray wiilal badan maadaama asaga kaliyihi ogaan karay lab iyo dheddig waxa uurka hooyada ku jira. Ilaa hadda Soomaalidu qofka dhacdo uu saadaaliyay sidii uu u saadaaliyay u dhacdo waxa ay ku yiraahdaan “UURKUBAALLE” miyaa? Ilaahaas “BAAL” la oran jiray waxa uu ahaa Ilaah ay dadkii reer Qardiijiya qudhoodu caabudaan magaaladii Carthage na waxaa ku oolli jiray macbad wayn BAAL lagu caabudo (Temple of Baal).
Waxa kale oo dhici karta in magiciisu ahaa Hanadbaal (Hanadkii Eebbe).
3. Roomaanku dadkii Hanibaal ka dhashay wax ay u yaqaanneen Punic kaas oo u eg magaca “Punt” ama “Boon” inkasta oo taariikhyahannada qaarkood ku doodaan in uu ka yimid “Phoinikes” oo ah magac Giriiggii hore u yaqaanneen dadkii ku noolaan jiray dhulal hadda ah Falastiin iyo Lubnaan (Finiiqiyiin/Phoenician).
4. Magaca Carthage Carabtuna u yaqaannaan قرطاج waxa uu u egyahay “Qardho” ama “Qardo.”
5. Golihii Guurtida ee Qardiijiya waxaa la oran jiray “GEROUSIA” kaas oo aad ugu eg erayga “Guurti” oo ilaa maanta ka mid ah golayaasha talada u hayo Soomaalida.
Dhammaad
W/Q: Cali M. Diini
NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com
admin@laashin.com