HANIBAAL
(Q1aad)
Waxaa la qirsan yahay in Hanibaal, Julias Caesar iyo Alexander The Great ay ahaayeen saddexda Jeneraal ee mid afareeyaa uusan soo marin dunidii hore.
Inta aynaan gudagelin werinta taariikhda Hanibaal iyo dalkiisi Qadiijiya (Carthage) waxa qumman in aan marka hore si dulkaxaadis dib ugu dhuganni halkii adduunku taagnaa sannadkii Hanibaal dhashay (247 Ciise Hortii).
Qiyaastii siddeetan iyo dhawr sannadood ka hor dhalashadii Hanibaal waxaa aakhiro u hoyatay Imbaraaddooriyaddii waynayd ee Beershiya (Achaemenid Empire) ee uu aasaasay Sayraskii Waynaa (Cyrus The Great). Imbaraaddooriyaddaasi in ka badan labo boqol oo sannadood ayay xukumaysay inta badan adduunkii waagaas la yaqaannay waxaa se cimrigeedi soo afjaray wiilkii reer Makadoon, Alexander The Great sannadkii 330 Ciise hortii. Arrinta se xusidda mudani waa in Cyrus iyo Alexander uusan midkoodna ku baraarugin dawladdii barwaaqo-sooranka ahayd ee Carthage iyo dawladdii Room ee sida tartiintartiibta ah gacanka Talyaaniga uga soo burqanaysay. Labadii Imbaraaddooroyadood ee Beershiya iyo Makadooniya midkoona maamulkooda ma gaarsiin Carthage iyo Talyaaniga oo waxa ay ku joogsadeen Masar oo Carthage koofur ka xigta iyo Giriig oo Talyaaniga deris la ah. Waxaa la hubaa in haddii dawladahaasi horay u sii socon lahaayeen gaar ahaan haddii Alexander The Great waxa yar isfidinta sii wadi lahaa in taariikhda adduunku ay maanta si kale u ekaan lahayd balse ma dhicin.
Sannadkaas uu Hanibaal dhashay waxaa socday dagaal qaraar oo u dhexeeyay dalkiisi iyo Jamhuuriyaddii Room oo sannadahaas carcar ku socotay waddayna dhulballaarsi si xawli ah ku socda. Markaas uu Hanibaal dhalanayo waxa uu ahaa seban ay wiiqantay awooddii Giriiggii uu Alexander The Great dunidii la yaqaannay ku qabsaday ay na u kala googo’een dawlado yar yar oo ayagu isku cadow ah. Masar waxaa ka talinayay qoyskii reer Tolomi (Ptolomy) oo ahaa haraadigii askartii Alexander the Great. Mesobataymiya (Mesopotamia) iyo Shaam na waxaa haystay qoys kale oo askartii Alexander ahaa oo ka dhisay boqortooyo la magacbaxday Seluacid Empire Dhankaas iyo Eeshiyada yar (Turkey) ilaa Giriiggana waxaa ka jiray tobaneeyo boqortooyooyin yar yar oo reer Giriig ah oo ayaguna isximiya.
Sidaa oo kale lix (6) sannadood oo qura ah ayuu Hanibaal jiray markii Jamhuuriyaddii Room cardaadiqaha ka dhigtay ciidankii badda Carthage oo boqollaal sannadood ahaa baarqabka badda cad. Ciidankaas waxaa taliye u ahaa Hanibaal aabbihiis, Hamilcar Barca isla markaasi golihii guurtida (the Gerousia) waxa ay taliyanimadii ka xayuubiyeen Hamilcar Barca oo asaga oo murugaysay dib ugu noqday Carthage. Hanibaal waxa uu ku soo indhakalaqaaday gurigooda oo nacaybka Room buuxdhaafay iyo aabbihiis oo ciil la faruuryo qaniinsanaya. Waxa uu garaadsaday dalkiisi oo guuldarro xun dhabarka loo saaray maraakiibtiisana laga mamnuucay badda cad. Waxa ay ahayd cunaqabatayn xanuun badan iyo bahdilaad xun oo reer Carthage ay laqi waayeen. Wax kale ba yeelkood’e Carthage sinnaba u ma aqbali karin cunaqabaybta ganacsi ee la saaray waayo markii hore ba waxa ay ka abuurantay ganacsi qararaf ah oo gobollada iyo dawladaha badda cad ku dherarsan u kala goosha. Yeelkeed’e tabar baa u run sheegtay Carthage oo biyo la’aan bay ku aqbashay heshiis la magac baxay heshiis “Lutatius” kaas oo Carthage iyo Room kala saxiixdeen sannadkii 241 CH.