IGU SHEEGA NIN WAALAN
Sheeko Gaaban
Q.1aad
Haddii falsafaddu tahay jacaylka xikmadda, akhrisku waa xikmadda qudheedi.
Sida Tolstoy inoo sheegay dhammaan sheekooyinka waawayn ee suugaantu waa labo midkood; “nin sadcaalaya ama galti degmada soo galaya/all great literature is one of two stories; a man goes on a journey or a stranger comes to town.” Balse aniga sheekadaydu waa labadaba; sadcaal dheer oo aan akhris la’aanta iyo jahliga kaga fakanayo, iyo isku kakabinta dunida aqoonta taa oo aan summadlaawe ku ahay. Si walba oo aan isugu kakabiyay dunidaa aan galtiga ku ahay haddana waxa aan dareemay in weli ahay dibadjoog marti ah waayo wax badan ma aanan akhrin kansho la’aan darteed, sidaa daraaddeed baan dambi u galay si la ii xiro, si aan akhriska uga wabxo. Faldambiyeed aan u bareeray baan falay si la ii xabbiso oo jeelka la iigu dhaadhiciyo. Haa, in la i xiro oo gu’yaal badan oo noloshayda ka mid ah aan gudaha xabsiga ku qaato ayaan doonay. Haa, xabsiga ay dadku ka baqaan ee Eebbe ka magangalaan baan anigu lugahayga si kutalagal ah ugu raadsaday. Ujeedkayguna mid qur ah ayuu ahaa, si aan buugaag badan u akhriyo. “Xabsi gudihii un baad akhriska kaga dhargi kartaa,” ayaan naftayda u sheegay.
Jacaylka aan u qaaday akhrinta waxii uunku qorayay tan iyo jeerkii bini’aadanku ibafuray sirta dhigista awgeed baan faldambeed u falay si la ii xabbiso. Maalintii dadku wax qorista hal’abuuray, maalintaa ayaa dadku noqday maamulaha qur ah ee koonka. Maalintaa ayaa dadku noqday kelitaliyaha koonka noolaayaasha iyo manoolayaasha kale oo dhanina noqdeen milkiyaddiisa uu sidii uu doono ugu tagrifalo. Maalintaa ayaa carra’edag guud ahaantiiba ninkii aan wax qori aqoon akhrinna karini ka mid noqday duunyada kan wax qori kara waxna akhrin kara. Aniguna maalintii aan wax akhrinta bartay baan baydaday oo ogaaday in kolkaa ka hor aan ka mid ahaa milkiyadda inta wax akhrin karta.
Akhrisku waa caado aan qabatimay aniga oo barbaar ah, waayo, halkii aan ku dhashay kuna barbaaray dadku wax ma akhrin karin. Hooyaday waxba akhrin karin wax qorisna haba sheegin. Weligeedba hooyaday xaraf looma xarriiqin oo xataa Faataxada ay ku tukan jirtay waa ay bawsatay. Aabbe qudhiisu wax qumman hooyo ma dhaamin, keliya magaciisa “Maxamed” ayuu loorka raashinka ah ku dul qoran karay. Berigii la qaaday ole’olihii bar ama baro ee reer miyiga lagu barayay qorista far Soomaaliga ayaa arday Xamar laga diray asaga oo xoolihiisa foofsanaya miyiga u tageen. Halkaa ayuu ku bartay sida magaciisa loo qoro, balse ma hubo in wax u dheeraayeen oo uu magaciisa wax dhaafsan qori karay. Kolley si wanaagsan buu magaciisa jawaanka bariiska ah ugu dul xardhi jiray.
Intii aanan magaalada imaan waxa keliya ee aan qori karay akhrinna karay Af Carabiga, khaasatan Qur’aanka, ayuu ahaa, kaa oo aan dugsi Qur’aanka iyo mawlicii xerta ku soo bartay.
Markii aan magaalada imid ee aan bartay akhriska iyo qoraalka afkayga hooyo ayaan ku baraarugay in aniga iyo dadkaygu aan ku jirno Bohoshii Balaato. In aan duni mugdi ah ku nool nahay balse aynaan dhaadin. Maalintaa ka dib waxa aan galay halgan sidii aan qaxaabta mugdiga ah uga bixi lahaa, waxa aanan bilaabay akhrinta wax walba oo qoran oo aan kicin karay. Markii aan qurbaha imid ee Af Ingiriisiga xoogaa ka bartayna irdo hor leh baa ii furmay. Buug walba oo aan akhriyaaba waxa uu ii furaa irid cusub iyo duni hor leh oo aan moogganaa. Baal walba oo aan rogaaba waxa uu i tusaa jahliga iyo mugdiga aan ku sugan ahay.
La soco Q.2aad
Waxaa qoray Cali M. Diini