IGU SHEEGA NIN WAALAN Q.2AAd

IGU SHEEGA NIN WAALAN 

Sheeko Gaaban

Q.2aad

 

Markii aan magaaladan Perth imid waxa aan la amakaagay sida caadada akhrisku dadka dalkan u biyadhigtay nololmaalmeedkoodana uga mid noqotay. Waxa aan la anfariiray heerka sare ee tirada dadka dalkan ee wax akhrinta karta waxna qori karta. Waxa aan la indhadaraandaray goobaha akhriska ee xaafad walba ka gawriira, halkaa oo aad ka heli karto buugaag jaad walba leh oo si bilaash ah aad ku akhrisan karto taa oo fursad ii siisay akhrinta buugaag aanan abidkay akhriyeen, haddii aan dhulkaygi hooyo ku negaan lahaa.

Markii aan Perth muddo gaaban joogay waxa aan shaqo ka helay gaadiidka dadweynaha ee magaalada oo aan baswade ka noqday, halkaa oo aan maalin walba toban saacadood ka badan bas eryo, lix maalmood toddobaadkiiba. Saacadaha tirada badan ee aan baska saaran ahay waxa ay curyaamiyeen wax akhriskaygi anigana jir ahaan iyo maskax ahaan bay i daaliyeen. Markii aan baska ka dego aniga oo baralaati ah ayaan qolkayga galaa ka dib na sariirtaan ku gataati dhacaa, halkaa oo aan bilqanaado ilaa shiftiga xiga laga gaarayo. Horay haddii aan toddobaad walba hal buug ka laaci jiray imminka buug aan boqol baal ka badnayn baan bil dhan dul yuuraraa. Toddobaad walba marka mushaarku ii dhaco hal buug ama ka badan baan soo iibsadaa ilaa ay qolkaygi buuxdhaafiyeen boqollaal buug oo aanan akhrin. Markaa ayaan shaqadii nacay anigiina isnacay. Ogow in aad isnacdid waa silic iyo saxariir adduunyee. Ogow qof isnacay waa qof nolosha loo dacareeyaye. Yeelkeede, si walba oo aan shaqada u nacay aniguna isu nacay haddana dookh kale ii ma furnayn, waayo, shaqadani cido dhan bay nolol u tahay. Haddii aan joojiyo reero dhan baa dabku ka damayaa. Sidaa daraaddeed baan sabirka dugsaday aniga oo mar walba eedda saarayaa hannaanka shaqo ee dalkan iyo guud ahaanba reer galbeedka kuna eedaynaya in ay dalkaba ii keeneen in ay igu xammaashaan oo keliya, modern slavery. Marna intaan dib u eego dalkii aan ka imid, baahidii, baaskii iyo shaqo la’aantii yaallay baan is dhahaa “Alle maxaad abaallaawe tahay.” Mar kale waxa aan nafta ku sasabaa aragtidii Arthur Schopenhouwer ee ahayd silicu waa awoodda togan ee nolosha/suffering is the positive force of life. Haddana waxa aan xusuustaa hadalkii Viktor Frankl: Suffering is an eradicable part of life. Waxa aan rumaystay, sida Viktor ba rumaysnaa, in silica nolosha, jir ahaan iyo maskax ahaanba laga ga tallaabsan karo ujeeddada nolosha oo la helo. Maalinta aad ujeeddada noloshaada heshid silica iyo saxiirta nolosha adduunyadu kugu ma noqonayaan makaab kugu horgudban ee waxa ay kuu noqonayaan buundo aad webiga kaga tallawdo. Akhriska iyo qoraalku in ay ujeeddada noloshayda yihiin baan helay. Haa, abuuristaydaba waxaa laga lahaa in aan akhriyo oo qoro. Inta aan akhrinayo oo qorayo ku nool baan ahay. Maalinta intaa aan waayo waan dhintay. Xataa haddii aan neefsanayo oo lugaynayo ku dhintay baan ahay. Sidaa darteed, waa in aan maro jid walba oo akhriska iyo qoraalku i la maraan. Xataa haddii ay god madow galaan waan ka dabagalayaa, waayo, kama hari karo. Inteen uga haraa? Meelna. Wax walba oo labadaa iga horistaagaya, sida shaqo, waan la dirirayaa oo ka takhallusayaa. Sidaa ayaan guntaday.

Saacadaha badan ee aan shaqeeyo waxa ay noqdeen cadowgii koowaad ee aan gulufka ku ekeeyay. Waxa aan iska xarrimay in aan shaqeeyo maalmaha fasaxa (Saturday and Sunday) iyo wax overtime sheegta oo dhan, Ilaahow may labaatan daqiiqadoodna ahaato. Xataa shiftiga aan ku qoran ahay haddii uu noqdo mid toddoba saac iyo bar ka badan waxa aan ka beddashaa Hindi lacag u hamuun qaba. Hindidu waa ay i la yaabi jireen marka aan siiyo shifti toban iyo labo saacadood uga na beddasho mid toddoba saac iyo daqiiqado ah. Markii dambe maamulayaasha dhiboogu inta ay ka daaleen foomka shifti beddalista aan toddobaad walba u gaynayo ayay mar walba shifti gaaban igu qoraan. Inta aanan qodobkan shaqada ka tallaabsan ii oggolow in aan wax yar kaaga sheego sidii aan shaqada ku helay iyo waxa ay tahay baswadanimada Perth.

Maalin aniga oo gaari cayrinaya ayaan dhankayga bidix ka arkay dhisme ballaaran iyo tabbeelle ka hor mudan oo ay ku qoran tahay drivers wanted. Intaan joojiyaha qabtay baan qortay nambar taleefan oo tabbeellaha ku qornaa. Dabadeed markii aan guriga tagay baan wacay nambarkii ayaguna waxa ay iimayl iigu soo direen foomamkii shaqada dhawr beri dabadeedna, waraysi shaqo iyo tijaabo caafimaad kolkii aan ka gudbay, waxaa la ii muddeeyay maalinta aan bilaabayo tababarka shaqada. Labo toddobaad oo tababar baswadnimo ah ayaa la ii muddeeyay, ka gadaalna shaqo yar oo niic ahayd oo aan ka shaqaynayay baan inta aan fasax afar toddobaad ka qaatay Melbourne tamashle iyo dal barasho u aaday.

Labo toddobaad kolkii aan Melbourne gaalaabixinayay, aroor Isniinaad baan tababarkii baswadidda iska xaadiriyay. Sagaal maalmood oo aan aroor walba tababarkaa u jarmaadayay maalintii todobanaad baa la ii geliyay yunifoom u eg kan duuliyayaasha diyaaradaha. Shaar cad oo labada garbood ku leh garaaddo madow oo kuwa duuliyayaasha aan laga soocin, luungadheere madow iyo kabo sookal madow oo kuwa xafiisyada loogu shaqo tago ah ayaa la iigu labbisay. Runtii markii aan dharkaa ku labbistay in aan duuliye ahay baan ismooday. Aan ku xusuusiyee duuliyenimadu waa xirfad aan yaraantaydi ku hammin jiray laakiin markii aan waynaaday baan ogaaday in dalkayguba uusan diyaarado lahayn oo dhammaan diyaaradihii dalkaygu dagaalladii sokeeye ku basbeeleen. Runtii aad baan isugu bogay maalintaa.

Aniga oo aad ugu ugu riyaaqsan labbiskayga duuliyaha la imoodo iyo in aan tababarkii baswadanimada ku baramoosay baan shaqadii yarayd ee aan fasaxa uga maqnaa wacay u na sheegay in aanan ku soo noqon doonin. Sida xeerku yahay waxa ay ahayd in aan labo toddobaad oo ogaysiis ah siiyo inta aanan shaqada ka tagin, laakiin sow tii Bukowski yiri “you cannot blame a man for wanting to better himself” miyuu taa ku khaldanaa? Sida aan filayo maya.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco Q.3aad

SHEEKOOYIN