IGU SHEEGA NIN WAALAN
Sheeko gaaban
Q.3aad
Bas wadiddu waa shaqo dhib yar haddana dhib badan. Waa dhib yar tahay oo baska un baad kaxaynaysaa oo bas istaagyada dadku taagan yihiin baad istaagaysaa dabadeedna labada albaab furaysaa, marka dadku ku xaroodaanna inta aad xirtid dhaqaaqaysaa. Qofka markii uu degayo sidii Soomaaliya iyo Kiiniya oo kale kugu ma qaylinayo ee batoon ayuu riixayaa ka dib na dawan (bell) kursiga darawalka dhakadiisa ku dheggan baa si daran madax xanuun kugu ridaysa kuugu qaylinaya. Aad baan u necbaa dawankaa qaylida badan.
Shaqadani dhanka kale waa ay dhib badan tahay oo waxa aad arkaysaa jaad walba oo dadku yahay, tuug, iskoris nolosha ka dhacay, waayeel da’du garbaduubtay oo marka uu baska fuulayo saacad dhan gurguuranaya, cunsuri caddaanimadu madax martay oo midabkaaga ku xajiimoonaya, sakhraan khamri iyo daroogo kale ka soo dhergay oo meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo aan garanayn, hooyo single mother ah oo ubad oohin badan dareerinaysa, xirfadle koodh iyo taay xiran oo daaraha dhaadheer ee magaalada ku degdegaya, iyo dalxiisayaal Eeshiyaan u badan oo aan aqoon meel ay u socdaan iyo af ay kugu la hadlaan toona. Mid baa waydiin waqti lumis ah kugu wareerinaya, does this bus go to the city? Markaa ayaad adiga oo uurka iska cuncunaya dhoollacaddayn aan laabta jirin oo ay customer service ku sheegeen tusaya ugu jawaabaysa yes it does adiga niyadda iska leh no, it does go to Sydney. Are you blind? Don’t you see or read? Waayo, horay iyo geesta midigba waxaa baska uga dheggan iskiriinno aad u waawayn oo muujinaya halka basku u socdo. Waxa dadkaa waydiimaha niicda ah ku wareerinaya aad niyad ahaan ugu canaanaysaa: come on man! Don’t you know that the government spent tens of thousands of dollars on those screens?
Hal mid oo aan shaqadan ku jecel ahay ayaa ah in aadan dan iyo heello ka lahayn haddii rakaabka baska raacayaahi ay tigid haystaan iyo haddii kale, oo shaqadaadu bas wadid un tahay. Laakiin baswadayaal badan arrintan kuma baraarugsana oo waxa ay kansho iyo tamar badan ku bixinayaan hubinta tigidhada rakaabka taa oo muran iyo gacankahadal ka dhex’oogta ayaga iyo rakaabka. Baswadayaashaasi miyaysan ogayn in dawladda Western Australia ay sannad walba gaadiidka dadweynaha ku kharashgarayso miisaaniyad boqollaal milyan oo doollar ah.
Kolkii aan joojiyay shaqaynta saacadihii tirada badnaa oo aan labo beri oo firaaqo ah helay baan akhriskii dib ambaqaaday oo aan dhexmaquurtay dunida ballaaran ee buugaagta dhex ceegaagta, muddo ka dib na waxa aan iska soo qoray, qaab hal gelin (part time) ah, jaamacad i aqbashay markii aan ESL-ka dhammeeyay balse aan ka saaqiday. Afar maalmood gelinka hore ayaan shaqeeyaa maalinta shanaadna gelinka hore jaamacadda ayaan tagaa gelinka dambena shaqada. Habeenka Jimcaha fiidka hore marka aan shaqada dhammeeyo inta aan kolkosha gashado buug aan xiisanayo ayaan iska xaadiriyaa maqaaxi Soomaalidu isugu tagto oo ku qayisho, turubka iyo dubnaddana ku dheesho, sidaa oo kale na shiishadda lagu cabbo. Beryihii hore anigu ma qayili jirin ee shiishadda un baan nuugi jiray, laakiin beryo dambe ayaan qayilaadda bilaabay ka dib markii shiishaddu igu ridday hurdo badan oo aan wax ka akhrin waayay. Waxa aanba ogaaday in qaadku yahay shidaalka wax akhriska iyo wax qorista, Soomaalidii u horraysay ee qayishaana ahaayeen culimo kutub daalacasho ku dhafraysa, laakiin goor dambe ay dadweynuhu qaadka barteen si xunna u adeegsadeen ilaa qaadku noqday balwad Soomaalida naafaysay. Waxa aan ogaaday haddii aad hal ama labo majood un aad qaadka ka qaadatid inta aad ruugaysidna aad wax akhris ama wax qoris ku foogan tahay uu qaadku ku siinayo tamar iyo dhiifoonaan aan caadi ahayn. Balse Soomaalidu aysan taa fahansanayn oo qaadka u ruugaan waqti lumin saacado farabadan oo ay qayilaad u fadhiyaanna ku lumiyaan fadhikudirir iyo sheekooyin maalaayacni ah. Sidaa oo kalena ay qaadka tiro xad’dhaaf ah ka cunaan, taa oo dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba dad badan u naafaysay.
Marka aan maqaaxida tago, sida saaxiibbaday Soomaaliyeed turub iyo dubnad u ma aan fadhiisto shirka fadhikudirirkana qayb ka ma noqdo ee waxa aan fadhiistaa gursi dabacsan oo gaaban oo dhabarka u roon miis gaabanina horyaallo, dhalo shiisho ahina dhinactaallo. Markaa ayaa kolka aan labo laanboqor qaniino shiishaddana dhawr jeer nuugo buuggayga la soo kala baxaa oo akhris ku bilaabaa, ama inta aan laabtoobka fidiyo assignment jaamacaddu iga sugayso qoraa. In qaadku tamarta akhriska yahay waxa aan xaqiijiyay markii aan isbarbardhigay labo assignment oo mid aan qoray aniga oo aan qayilayn midda kalena aniga oo qayilaya. Tan qaad la’aanta aan qoray in aan ku dhaco ayaan ku sigtay halka tan aniga oo marqaamaya aan qoray macallinkii saxay dhibco sare igu siiyay.
Dhaqankaa gooni-fadhiga ah Soomaalidii kale ee goobta imaan jirtay waa igu qoonsadeen waxa ayna ii bixiyeen naanayso badan sida Jaamac-Buugle, Barafasoorka, Jaamac-Buufis, ninka waalan iyo magacyo kale. Yeelkeede, u ma aanan joojin hadalladoodana dhag u ma jalaqsiin. Halka ay aniga i la yaabban yihiin, lidkeeda waxaa iga daadegi waayay oo maankaygu qaadan waayay sida rag waawayni habeen oo dhan waqtigooda ugu lumin karaan qaad ruugis, iyo fadhikudirir qabyaalad ka duulaya qabyaaladna ku duulaya? Maxay ka dheefayaan? Waxaa taa ka sii daran, habeen walba, toddoobad walba iyo bil walba mawduuca fadhikudirirkoodu isma beddalo, waa qabyaalad iyo ka sheekaynta siyaasadda Soomaaliya, qaab iskahadal iyo kutirikuteen ah. Marka ay nin waalan iigu yeeraan baan aniguna niyadda iska iraahdaa igu sheega nin waalan Bohoshii Balaato ayaad ku jirtaane.
Qaadku dalkan Australia, gaar ahaan gobolkan galbeedka waa uu ka baxaa oo magaalooyinka dhexdooda ayaa geedaha qaadka laga helaa, Itoobiyaan badan oo Oromo u badanina beero qaadku ka baxo ayayba abuurteen oo toddobaad walba tobannan kun oo doollar bay Soomaalida aan ka midka ahay ka qaataan.
Kolkii aan dhawr gu toddobaad walba labo habeen, Jimcaha iyo Sabtida, maqaaxidaa kalyanti ka ahaa Axadduna maalin nasasho iigu ahayd baan maalin jaamacadda ku bartay gabadh Soomaaliyeed. Subax aan jaamacadda ku jarmaaday ayaa aniga oo bun ka iibsanaya goob bunka laga iibsado oo jaamacadda ku dhextaal ayaan gabadhaa safka isla galnay.
“Ma Soomaali baa tahay?” ayay i waydiisay.
“Haa,” goortii aan ugu hadalceliyayna “ma jaamacadda ayaad dhigtaa mise waad dhigtaa?” ayay i haybisay. “Waan dhigtaa, ee adiguna ma ardayad baa tahay?” “Haa,” ayay iigu warcelisay. “Magacaa?” aniga ayaa waydiiyay.
“Muna,” adigana? Ayay igu tuurtay.
“Jaamac baa la i dhahaa abbaayo ee barasho wacan.” “Kansho ma hayo oo fasal baan ka daahsan ahaye marka aan xiisadda ka soo baxo ma is arki karnaa?” ayaan u sii raaciyay.
“Barasho wacan walaal. Haa, ee marka saacaddu intaa tahay halkaa iga soo raadi,” ayay igu macsalaamaysay.
Waxaa qoray Cali M. Diini
La soco Q.4aad