IGU SHEEGA NIN WAALAN
Sheeko Gaaban
Q.4AAD
Markii aan xiisaddii soo bogtay baan kobtii ay igu ballamisay abbaaray. Intii aanan gaarin halkii la igu ballamiyay baan Muna oo halkii fadhida sheedda ka arkay, dabadeedna inta aan moobeelka la soo baxay baan shaqadii wacay una sheegay in aan xanuunsanayo oo aanan shaqada inaan doonin. Maxaa ka macaan oo ka wacan in aad maalin Jimce shaqada ka maqnaatid. Jimce, Sabti iyo Axad aad fasax tahay, afartii majood ee qaadka ahaa ee Jimcaha iyo Sabtidu kuu ballansan yihiin, dhaladii dheerayd ee shiishaddu ku sugayso qalanjo jalaqsan oo Muna la yiraahdana ku sugayso maxaa ka wanaagsan? Dee waa waxba.
Kursigii ay fadhiday mid ka soo horjeeda inta aan salka dhigay baan in aan ka soo daahay uga cudurdaartay, “dhib ma leh” markii ay igu tiri ayaan u holladay haybinta waxa ay barato laakiin, ayada ayaa “maxaad barataa? Ma master baa diyaarinaysaa?” iga ga naxsatay. “Waxa aan bartaa… een een… waa sheeko dheer, ma aqaan wax aan barto iyo waxa aan baranayo,” ayaa si dirqi ah oo kalsoonidarro ah iga ga soo baxay.
“Maxaad u la jeeddaa?” Muna ayaa i waydiisay.
“Waxa aan u la jeedaa waxa aan barto ma garanayo, labo sano ka hor waxa aan jaamacaddan ka bilaabay barashada Sustainable Development balse samistarkii koowaad inta aanan idlayn baan nacay oo International Aid and Development ku beddalay haddana aniga oo aan samistarkii koowaaad dhammayn baa waxa aan ku beddalay barashada taariikhda Yurub taa oo aan imminka wado, balse taana imminka kuma niyadsami, in aan beddali doonana waa ay u badan tahay,” baan Muna ku iri.
“Oo walaal beddal baaba nafta kaa qaadaye maad mid un isaga adkaysatid? Muna ayaa i su’aashay.
“Muna abbaayo waa runtaa beddal baa nafta iga qaaday balse dareenkayga ayaan iga yeelanayn waqti ku lumis duruus aan iga daadegayn oo aanan jeclayn. Yeelkeede, arrintaydu waa tu gundheer oo ka sheekaynteedu waqti badan u baahan tahaye adigu maxaad barataa?” aniga ayaa Muna ku iri.
“Dissertation-kii Ph.D.-da ayaan qorayaa walaal,” baa Muna iigu jawaabtay. “Biomedicine Science ayaan bartay,” bay sii raacisay.
“Maashaa Allaah, Doctor Muna, waan kuugu hambalyaynayaa guusha aad tacliinta ka gaartay,” baan ku iri.
Dabadeedna marka ay hambalyadayda ka mahadnaqday baan sheeko guud iyo iswarsiga degmooyinka aan Perth ka degganahay iska galnay. Ugu dambaynna maadaama aysan Muna baabuur wadanin kayga ayaan ku qaaday si aan gurigeeda u geeyo. Intii aan jidka ku sii jirnay bay waxa aan qabto i haybisay aniguna u sheegay in aan baswade ahay maantana aan shaqadii wacay oo u sheegay in aanan shaqayn karin.
“Maxaa kugu dhacay,” bay i waydiisay.
“Waan xanuunsanayaa.”
“Waan ka xumahay, Alle ha ku caafiyee sidee laguu hayaa?”
“Runtii ma garanayo si la ii hayo. Bal adigaa dhakhtar ahe maxay kula tahay in ay i hayaan” markii aan ku irina inta ay qosol la dhacday oo si xishood ku laran yahay hoos madaxa ugu foorarisay bay tiri “shaxaari funny ah baa tahay!”
“Kol haddii cudurka i haya aad garatay waxa ay sababayna waad garatay baan filayaa Doctor Munaay?” Baan ku tuuray.
“Maya, cudurrada bukaanka haya ma aqoonsanno ilaa aan shaybaar iyo baaritaan dheer marinno,” ayay isku difaacday.
“Xataa CT SCAN, i mari,” anigaa ku iri.
“Armaan xanuunno aanan dawayn karin kaa helaa?”
“Xanuun aadan dawayn karin maba jiro.”
“Xannuunada kuwo aanan dawayn karin baa jira.”
“Kolley kan aniga haya dawadiisa waad haysaa. Taa waan hubaa.”
“Laakiin sow macquul ma ahan aniga oo dawadii garanaya haddana in aanan dawayn karin?”
“Xeerka dhakhaatiirtu sidaa ma qabo.”
“Laakiin waxa uu qabaa in aan dhakhtar kale kuu diro.”
“Cudurkayga dhakhtar aan adiga ahayni ma dawayn karo dawadiisana ku ma bogsan doono.”
Annaga oo aan ku heshiin dawada cudurkayga ayaan soo hor istaagnay fillo saddex qol ah oo Muna keligeed deggan tahay. Waxa ay iga codsatay in aan guriga soo galo si ay shaah iyo qado ii siiso balse waxa aan ugu cudurdaartay in dameer xaabo iga la taagan yahay oo aan u degdegayo ha se ahaatee aan casirka dabadii shaaha iyo qadada soo doonanayo haddii ay suuragal tahay. In ay casirka meel ballan ku leedahay caawana ay aroos aadayso ayay ii sheegtay. Yeelkeede, inta aan nambarrada talefoonka kala qorannay baan ku ballanay in aan isa soo waci doonno dabadeedna ismacsalaamaynay.
Dameerka xaabada iga la taagan ee Muna casumaaddeeda aan uga degdegay wax kale ma ahan ee waa baadigoobka afartii majood ee qaadka ahaa. Horay waxaa afarta majood iiga rukunnaayeen nin Soomaali ah balse galabkan waxa aan afarta majood iyo ka badanba ka jirinayay guriga nin caddaan Australia ah oo horay iigu sheegay in gurigiisa geed qaad ahi ka baxo sidaa darteed marka aan qaad u baahdo aan geedkiisa ka soo guran karo. Ninkaa oo Jake lagu magaaco shaqada baska ayaan isku barannay. Markii aan baska bilaabay asaguna baswade ayuu ahaa laakiin goor dambe ayuu shaqada baska isaga tagay ka dib markii uu goobaha macdanta laga qado shaqo ka helay. Macdanta waxaa laga qodaa waqooyiga fog ee gobolka galbeedka Australia shaqaalahana diyaar baa shaqada gaysa halkaa oo ay toban iyo saddex beri ku sugnaadeen dabadeedna diyaarad baa dib guryahooda ugu soo celisa si ay toddobaad fasax u qaataan. Taa macneheedu waa in saaxiibkay Jake labo toddobaad Perth shaqo uga maqnaado dabadeedna hal toddobaad ayuu Perth fasax u yimaadaa. Sidaa darteed baanan kansho ugu helin in aan geedkiisa qaad ka soo gurto tan iyo markii uu ii sheegay, maadaama uu inta badan guriga ka maqnaa dhawr goor oo uu joogayna aan anigu haleeli waayay.
In aan qaadka cuno waxa uu ku ogaaday, galab baan garoonka diyaaradaha ka soo qaaday aniga oo qayilaya markii uu i waydiiyay waxa aan ruugayo ayaan u sharraxay geedka qaadka la dhaho, dabadeed labo beri ka dib buu guriga iigu yimid asaga oo bac wayn oo qaad ah walwaalaya ii na sheegay in geed gurigiisa ku yaalla uu ka soo guray. Waxa uu hubinayay in waxa aan cunayay, maalintii aan garoonka ka soo qaaday, iyo geedka guriisa ka baxaa isku mid yihiin.
Saaxiibkay Jake oo markii iigu dambaysay ahaa doon gaamuray oo aan xataa saaxiibad (girlfriend) lahayn, kolkii aan iridda gurigiisi garaacay waxaa iga furtay gashaanti indha buluugley ah oo tu la qurux ah aanan abidkay arkin. Sidii qof i garanaya ayay igu tiri “hi Jama, I am Jane, how are ya? Welcome, come in.” Aniga oo xoogaa yara baygagsan baan gurigii galay dabadeedna qol fadhi qurux badani yaallo ayay ii horkacday bay markii aan saldhigay inta kursiga iga soo horjeeda aadna iigu dhow fadhiisatay igu tiri “saaxiibkaa dukaanka ayuu adeeg ka soo qabanayaa ee geedka ma ku tusaa?” “Maya, maya, degdeg igu ma jiro ee aan sugno,” markii aan ku iri iyo albaabkii oo la soo furay baa kulmay.
Saddexdeeniba geedkii qaadka ahaa oo ku yaalla beer qurux badan dhir badanina ku beeran tahay oo qaybta dambe ee guriga ku taalla ayaan inta tagnay labo bacood oo qaad ah ka soo buuxinnay. Intii aan qaadka guraynay Jake waxa uu i baray saaxiibtiis Jane waxa uu na ii sheegay in ay dhawaan isguursan doonaan. Markii aan qaadkii gurnay baan inta Jake konton doollar siiyay kula na heshiiyay in mar walba oo geedkiisa aan qaad ka gurto konton doollar siin doono, asaguna sidii aan filayay waa uu oggolaaday, inkasta oo ay lamafilaan ku noqotay in aan konton doollar oo dhan ka siiyo caleenta iyo laamaha geedkiisa kaa oo uu dhawrkii biloodba mar gaabintiisa iyo qurxintiisa lacag ku bixiyo. Dabcan waxa aan maanka ku hayay dhaqanka caddaanka ah ee ah ii dhiib aan kuu dhiibee, ama what’s in it for me, iyo murtida Soomaalida ee ah gacmo isdhaafay bay galladi ku jirtaa.. Sidaa oo kale qaadka aan geedka ka gurtay kana guran doono oo ahaa ku toban jeer ka badan inta aan cuni karo, sidaa daraaddeed kontonka doollar ee aan Jake siinayo iyo dhawr boqol oo kaleba waxa aan ka samaynayaa marka inta aan cuni karo maahane inta kale iibiyo.
Markii aan Jake iyo saaxiibtiis Jane ka tagay baan iswaydiiyay sida Jake ku helay gashaanti sidaa u qurux badan. Waxaa ii muuqan waayay wax ay Jake iyo Jane isaga mid yihiin oo isku dooran karaan marka laga reebo xarafraaca iyo qaafiyadda magacyadooda. Xataa mucjisada aan dalkan ku arkay ee lammaanayaashu isu eg yihiin laga na sameeyay cilmiga la daraaseeyo ee Familiarity Effect, iyo Empathic Mimicry u ma malaynayo in ay Jake iyo Jane ebidkood saamayn ku yeelan doonto oo xataa haddii ay kun sannadood isla joogaan isu ekaan doonaan.
Waxa aan iswaydiiyay waxa Jane ku dooratay Jake. Jake qurux ma leh; waa dhawr iyo soddon jir si qaabdaran u dheer, calool wayn oo kelyo kuusan, dabo malaasan, lugo waawayn oo dalbo leh, garbo ballaaran haddana goobbo leh, madax wayn oo kor u yuuban sidii duduntii, weji yar oo dib u riixan, indho yar yar oo xamil ah sunniyuhuna waawayn yihiin balse si u qaabdaran yihiin, gooman fiiqan iyo daaman godgodan oo gar la’aan ah, qal hoos u dhuuban sidii mooyihii u na eg in uu dhanka bidix u qalloocan yahay; gacmo waawayn oo aad mooddid in ay ka dheer yihiin intii loogu talagalay iyo calacalo balballaaran oo farahooda aad mooddid in ay bararan yihiin; af ballaaran, ilko waawayn iyo dibno yar yar. Jake muuqaalkiisu waxa uu i xusuusiyay hadal abtigay hadda ka hor ku yiri nin aan qaraabo nahay oo abuur ahaan aan Jake laga soocin. “Haddii aad rati ahaan lahayd waa lagu xaniinyo bixin (dhufaani) lahaa si geela firxumo looga ilaaliyo,” ayuu abtigay ninkaas ku kala kaftamay subax aan wada quraacanaynay.
Jake waa nin xirxiran oo aan kaftan aqoon mar walbana aad mooddid in uu xanaaqsan yahay. In aad aragtid Jake oo qoslaya ama dhoollacaddaynaya waa naadir. Yeelkeede, sidiisa kale waa nin waanagsan oo miskiin ah.
Dhinaca kale, Jane waa dhawr iyo labaatan jir qurux idilkeed urursatay. Ma gaabna dherer saa’id ah na ma leh; labadeeda qaar waxaa xiriirinaya dhex aan taako iyo bar ka badnayn; lugaheedu waxa ay ka marqaati kacayaan in Jane barwaaqo ku kortay; bawdyaheeda, miskaheeda iyo dibkeedaba geenyo faras laga ma sooco; labadeeda horaad ee aad mooddid in dalab khaas ah lagu farsameeyay iyo xabadka ay ku fadhiyaanba wax loo dhigo ma leh; gacmaha garaaraha leh ayaa ayaguna cajab leh; wejigeeda, sanqaroorka, indhaha waawayn ee buluugga ah iyo sunniyaha cajabta leh ee ku fooraraaba waa afkalaqaad; labadeeda dibnood ee aad u malaynaysid in ay dhukasho kula maaggan yihiin iyo qosolkeeda qalbi-qabadka lehiba waa abuur Eebbe oo la la anfariiro. Sidaa oo kale, Jane waa inan aad u furfuran oo kaftan iyo sheeko badan.
Marar badan oo aan Jake iyo Jane u tagay aniga oo qaad raadinaya ayaan ogaaday in aysan abuur iyo dabci ahaan oo keliya ku kala duwanayn balse ay sidaa oo kale aqoon ahaan iyo hiwaayad ahaanba ku kala duwan yihiin. Jake inkasta oo uu aqoon ahaan ilaa heer jaamacadeed yahay haddana aqoontiisu ma dhaafsan inta uu ku xammaasho ma na aha nin wax akhriya. Waxa uu daneeyaa oo waqtiga isku dhaafiyaa kuna madadaashaa daawashada kubbadda cagta, filimaanta iyo riwaayadaha maadda ah. Halka dhanka kale Jane, inkasta oo ay dhaqaalaha baratay maareeye na ka tahay laan ka mid ah bangi ka mid ah kuwa ugu waawayn dalka, haddana waa aqoonyahanad akhris badan oo aqoon durugsan u leh laamo aqooneed tiro badan gaar ahaan suugaanta sheekafaneedda, falsafadda, taariikhda, siyaasadda, juquraafiga iyo, taariikhda iyo falsafadda diimaha. Dhawr goor oo aniga iyo Jane aan ka doodnay suugaanta iyo falsafadda ayaan la yaabay aqoonta ay majaalladaas aqooneed u leedahay. Waxa aan is iri malaha maba jiro buug aqoonahaas laga qoray oo Jane aysan akhrin.
Galab aan guriga Jake iyo Jane qaad u soo doontay baa Jane iga codsatay in aan xoogaa la fadhiisto si aan suugaanta sheekafaneedda uga doodno. Qolka fadhiga oo Jake telefishanka riwaayad madadaalo ah ka daawanayo ayay inta dhulka ii gogoshay darmuus shaah bigays kan qayilaadda ah ii keentay dabadeedna aniga iyo Jake ayay dhexdeenna fadhiisatay. Dabadeedna waxa ay i waydiisay haddii aan akhriyay buugga Madame Bovary iyo haddii kale. Waxa aan u sheegay in buuggaasi yahay kan aan ugu jecel ahay sheekafaneedda Faransiiska oo dhan. Inkasta oo Jane igu raacday xiisaha iyo farshaxannimada Madame Bovary haddana waxa ay ii sheegtay sheekafaneedda Faransiiska in ay ugu jeceshahay Marcel Proust iyo sheekafaneeddiisa In Search of Lost Time. Laakiin waxa aan u sheegay in aanan sheekadaas dhererka badan weli akhrin. Intaa ka dib, aniga iyo Jane waxa aan falanqaynay Madame Bovary gaar ahaan Emma Bovary iyo odaygeedi Charles Bovary. Jane waxa ay Emma ku tilmaantay inan nasiibdarrayd oo guursatay nin aan geyin oo aan ku dabeecad iyo ku hiwaayad ahayn, xataa aan ku aqoon ahayn, ayada oo iswaydiisay haddii Emma qarnigan noolaan lahayn in ay Charles guursan lahayd iyo kale. Marka Jane sidaa u hadlayso saaxiibkeed Jake halkan buu ihii ihiida hayaa asaga oo moobeelkiisa ka fiirsanaya muuqaal shactaro ah asaga oo aan dhaadayn ama malahayga fahmaynba waxa Jane iyo anigu ka hadlaynno.
Dabadeed, Jane waxa ay si la yaab leh isugu xirtay isbarbardhigna ugu samaysay Madame Bovary iyo Sheekafaneedda kale ee Faransiiska ah, The Necklace, iyo Anna Karenina. Jane waxa ay ii sheegtay in Tolstoy markii uu Anna Karenina qorayay uu ka qalindaartay Gustave Flaubert iyo sheekadiisa Madame Bovary taa oo aanan runtii horay u ogayn.
Ugu dambayn, goor cawaysin ah ayaan aniga oo su’aalo badan iswaydiinayay Jane iyo saaxiibkeed Jake macsalaameeyay. Waxa aan iswaydiinayay isku ekaanshaha Emma iyo Charles Bovary, iyo Jane iyo Jake, iyo sababta Jane ku dooratay furista iyo ka doodista sheekada reer Bovary.
Waxaa qoray Cali M. Diini
La soco Q.5aad