IGU SHEEGA NIN WAALAN Q.5AAD

IGU SHEEGA NIN WAALAN

Sheeko Gaaban

Q.5AAD

 

Qiyaastii afar bilood markii aan bishiiba labo jeer qaadka ka guranayay guriga Jake iyo Jane ayaan galab sidii caadada ahayd aniga oo qaad doon ah saaxiibbay u tagay dabadeedna aniga iyo Jake oo qaadkii gurayna ayaa Jane oo buug la ordaysaa inta xabadkeeda garabka midig iga saartay ayada oo horaaddada igu cadaadinaysa inta ay buuggii jaldigiisa i tustay igu tiri “ma akhrisay?” Buuggu waa Fathers and Sons uu Ivan Turgenev qoray. Aniga oo yaxyax dareemaya ayaan ku iri “haa, waan akhriyay.” Jane oo weli shafkeedi i cadaadinayo ayaa igu tiri “ma la yaabtay sida naagtii mucjisada ahayd u waashay Pavel Barzanov oo u burburisay mustaqbalkii wiilkaas badraanka ahaa?” “Haa, ma naxdo inkaar qabta ah ayay ahayd,” inta aan iri ayaan u dhaqaaqay laantii aan qaadka ka gurayay ma ahane mid kale oo xoogaa iga durugsan aniga oo ujeeddadaydu ahayd in aan ka fakado hubka dhabarka iiga ligligan. Midda taa ka sii daran baa ahayd, marka Jane waxaa ku dhiiqsanayso in ay dhar ka xirnayd kastuumo bawdyaha bartankeeda joogta, rajabeeto (kayshali) aan horaaddada wada daboolin iyo bajaamo aan badhanno iyo jiinyeer xirma midkoodna lahayn. Jake oo si wacan u arkayay waxa dhacayay oo dhan waxa ooga-hadalkiisa aan ka dareemay caro iyo xanaaq, inkasta oo uusan juuq dhihin.

Aniga oo ka welwelsan waxii Jane ku dhiiqsatay iyo dhiirranaanteedi iyo ooga-hadalkii dhiillada lahaa ee Jake ayaan gurigii Muna oo bilooyinkan saldhig ii ahaa ii na beddalay maqaaxidii marfashka ahayd abbaaray. Runtii tan iyo maalintii aan Muna isbarannay waan ka raystay maqaaxidii marfashka ahayd, aniga keliyihi kama raysan ee dharkaygi ayaa ka raystay urtii iyo qurmoonkii sigaarka iyo qiiqa shiishadda ee tirabadnaa. Yeelkeede, in aan guriga Muna saldhigto hawl fudud ma ahayn. Halgan adag baan arrintaa u galay waayo Muna qayilaaddayda way ka didday dood dheer oo ay rabtay in ay iga ga goyso ayayna i la gashay.
Maalintii aan isbarannay maalintii ku xigtay baan Muna guriga ugu tagay. Muna keligeed bay guri degganayd taa oo ahayd arrin naadir in gabadh gashaanti Soomaali ah keligeed nooshahay. Waxa ay ii sheegtay in qoyskeedu Melbourne deggan yihiin ayaduna ay Perth afar gu u joogtay waxbarasho oo jaamacad Perth ku taallaa siisay mashruuca ay Ph.D-da ka diyaarinayso ayna ka shaqayso isbitaal gaar loo leeyahay. Muna qiyaastii waa soddon jir midabkeedu yahay maarriinkii Soomaalida lagu yaqaannay. Qurux ahaan dumarka Soomaalida ugu ma qurxoona ugu ma na foolxuma. Joog ahaan waa dhexdhexaad dhuuban. Laakiin waxa ay leedahay fool iyo dibno sidii magnadka ku soo dhifsanaya. Waa farxaanad kaftan badan oo aad u furfuran. Maalintii koowaadba waxa ay u ekayd sidii aan gu’yaal badan isnaqaannay. Ha se ahaatee, Muna marka ay kula hadlayo waxa ay u hadashaa si deggan oo qodobbaysan oo mar walba abbaaraysa dulucda iyo ujeeddada. Kuma meeraysato daafaha halka ay u socoto ee gunta ayay beegsataa. Marka ay su’aal ku waydiinayso ayada oo labadeeda indhood kugu foogan yihiin bay ku waydiinaysaa inta aad jawaabtaada dhammaynaysidna kaa ma libiqsanayso, taa oo mararka qaarkood khalkhal kugu abuuraysa. Isla galabtii koowaadba Muna sidii ay shaqo i siinayso ayay waraysi iiga qaadday. Waxa ay ii warsatay shaqada baska iyo jaamacadda halka maalin ah ma ahane waxa kale ee aan qabto aniguna si fudud baan ugu sheegay “habeennada Jimcada iyo Sabti waan qayilaa Axaddana waan nastaa.” Sidii qof war ka nixiyay loo sheegay bay inta feejignaan gashay oo wejiga uruurisay igu tiri “ma adiga oo ninkaa wayn ah oo weliba waxbarta ayaad qaad cuntaa?”
“Oo waayo? Haddaan nin wayni qayili lahayn ma caruurtaa qayili lahayd?” baan ku iri. “Qayilaaddaba in wax lagu barto ayaa loogu talagalay,” baan u sii raaciyay.
“Qof sharaf lihi in uu qaad cuno ma rumaysni,” Muna ayaa tiri.
“Waa dacaayad si khaldan loo fidiyay, kuwo qaadka balwad ay qabatimeen ka dhigtay baana sabab u ah,” anigaa isku difaacay.
“Balwad ka dhigtay” maxaad u la jeeddaa, sow qaadkuba balwad ma aha?” ayay igu halgaadday.
“Balwad ma aha laakiin haddii laga dhigo waa uu noqonayaa sida bunka iyo khudaartuba balwad la qabatimo u noqon karaan,” anigaa ku dhahay.
“Bunka gartay ee sidee khudaartu balwad ku noqotaa?” Ayay i waydiisay.
“Khudaar ma cuntaa?” ayaan waydiiyay. Markaa ayay igu tiri “haa, weliba hilib ma cuno oo vegetarian baan ahay. Intaa markii ay afkeeda ka soo baxday baan nabar igu taagnaa iga fuqay Muna na god aan la goobayay iigu dhacday.
“Haddaba adiga qudhaadu waad qayishaa ee qiro. Ogowna in qaadka laftiisu khudaar yahay oo uusan kabajka iyo kabsarta waxba uga duwanayn,” baan ku dhahay.
Inta ay qososhay bay tiri “abboowe isdifaaca jooji. Wallaahi qayilaaddu waa balwad xun ee iska dhaaf,” bay cod naxariis leh igu tiri. “Anyway qof qayila wejigii ma lihid,” ayay sii dabadhigtay.
“Abbaayo mahadsanid, laakiin qaadka balwad ahaan u cuno ee wax baan ku akhristaa waxna waa ku qoraa, saacado kooban, haddii aanan qayilaynna wax nah leh ma qori karo oo xataa essay-yada jaamacadda kuwii aan qoray aniga oo aan qayilsanayn qaar waa ku dhacay qaar kale na waan ku dhici gaaray, halka kuwii aan marqaanka ku qorayna aan buundooyin sare ku helay,” intaa ku dhahay baan moobeelkayga ka tusay dhawr essay oo aan qoray. Waxa aan tusay labo qormo oo xusuus gooni ah igu reebay kuwaa oo inkasta oo ay aniga iyo macallintaydi khilaaf naga dhex abuureen haddana ugu dambayn aan dhibco sare ku helay. Labada qormo oo cinwaankooda macallimiintu ii dooreen waxa ay ahaayeen:The Age of Discovery iyo The Age of Exploration laakiin anigu cinwaannadaa waxa aan u arkay marinhabaabin taariikheed, sidaa aawadeed baan mid walba u beddalay The Age of Destruction iyo The Age of Exploitation. Muna aad bay u la dhacday sida aan uga gilgishay marinhabaabinta sooyaalka, waxa aanan jirkeeda ka dareemay in uu xoogaa dabcay oo didmadii uu qaadka ka diday joojiyay, ugu yaraan qayilyaadda wax lagu qoro waxna lagu akhriyo.
Intaa dabadeed waxa aan tusay dhawr essay oo kale, iyo sheekooyin gaagaaban oo aan fadhi marqaan ku allifayna waan u diray.
Dhawr toddobaad ka dib Muna waxa ay iga oggolaatay in ay habeenka Sabtida gurigeeda ii gogosho oo aan halkaa dhawr saacaadood ku marqaamo, ayaamo kale dabadoodna markii ay ogaatay in aan shiishadda cabbo oo maqaaxidii u dhuunto ama marka aan ayada ka hoydo sii maro ayay igu tiri “shiishadana halkan isaga cab intii aad maqaaxi public ah adiga oo nin wayn shiishad ku nuugi lahayd. Maalintaa ayaan ka raystay maqaaxidii iyo marfashkii “nin waalan” la iiga yaqiin.
Xiriirka aniga iyo Muna markii hore saaxiibnimo ayuu ku koobnaa laakiin ayaamo dambe ayuu xiriir jacayl u xuubsiibatay. Dhab ahaan anigu Muna aragtidii koowaadba waan ka helay balse inkasta oo ay si sahlan oo gobonnimo leh ii soo dhowaysay ii la na jaanqaadday, haddana markii aan ogaaday in ay tahay gabadh urursan oo xiriir dhab ah un danaynaysa ayaan candhuuftayda dib u laqay oo Muna u la dhaqmay sidii ay rabtay. Yeelkeede, Muna iyo anigu maalinba maalinta ka dambaysa waan isku soo dhowaanaynnay oo isku soo durkaynnay oo isku soo sikanaynnay ilaa aan is aragnay annaga oo illintu naga dareerayso oo isku leh “gacaliso waan ku jecel ahay, iyo gacaliye anigaa kaa daran.”

Dhab ahaantii, Muna quruxdeeda iyo dabeecaddeeda oo keliya kuma aanan jeclaan ee weligeyba waxa aan raadin jiray oo ku hammin jiray in aan nolol la wadaago gabadh iga aqoon badan, mas’uul ah wacyi ahaanna aad u korran; Muna na intaaba waa ay kulansatay.

Xiriirkii jacayl ee aniga iyo Muna waxa uu galaaftay qaar ka mid ah saacadihii aan qayili jiray iyo wax akhriskii iyo wax qoristii wehlisay, gaar ahaan habeenkii Jimcada, waayo, suuragal ma ahayn in gacalisayda oo i dhinac fadhida aan qaad ruugis iyo buug akhris ku foognaado. Sidaa daraaddeed, halkii aan qaad ka ruugi lahaa Muna ayaan magaalka la galaa, mar aan shaleemo galno, mar aan tiyaararka aadno iyo mar aan maqaaxi ka cashaynayno ayaan habeenka Jimcada ku dhammaynnaa. Sabtida un qayilaaddii akhriskaygi ku soo uruureen, iyo Axadda oo aan dhawr baal akhriyo. Muna inkasta ay shaqanaysay waxna baranaysay haddana xiriirkeenna si dhab ah bay daacad uga ahayd mar walba oo aynnaan shaqaynayn ama waxbarasho ku jirinna waxa ay jecalayd in aan wadajoogno oo waqti isla qaadanno, mar walbana waxa ay jeclahayd in attention la siiyo, ilaa ugu dambayn aan fadhigii Sabtida iyo nasashadii Axadda ka tanaasulay oo aan ag fadhiga Muna ku soo ururay.

Waxaa intaa dheeraa oo qayilaaddaydi yareeray ayaa ahaa geedkii aan qaadka ka soo guran jiray oo ninkii lahaa, Jake uu xiddada u rujiyay ka dib markii uu hinnaasay. Galabtii Jane horaaddada igu cacamisay waxii ka dambeeyayba Jake dabeecad sirgaxan buu la soo baxay. Labo toddobaad ka dib galabtii Jane sakaarka igu hiigtay baan Jake wacay u na sheegay in aan u imaanayo balse waxa uu ii sheegay in uusan weli Perth imaanin oo shaqada uu toddobaad dheeri ah ku maqnaan doono, aniguna haye ayaan ku iri, inkasta oo qaab-hadalkiisa iyo sida uu weedhaha u soo gaagaabinayay shaki igu abuureen. Dabadeedna cabbaar ka dib baa nambar aanan garanayn i soo wacay. Waaba Jane oo hadal iiga bilowday “Jake ma isla hadasheen?”
“Haa, ee maxaa jira?” ayaan ku iri.
“Maxuu kugu yiri?” Jane baa tiri.
“Toddobaad dheeri ah baan shaqaynayaa oo maanta ma aanan imaan buu igu yiri,” anigaa iri.
“Been buu kuu sheegay,” bay tiri.
“Oo sababtee ayuu iigu sheegay?”
“Anigaa wax walba kuu sheegaya ee halkee baad joogtaa?”

Maqaaxi ka soo horjeedka gurigayga ku taallay baan u sheegay in aan joogo, dabadeedna waxa ay tiri “igu sug waan kuu soo socdaaye.”
Labaatan daqiiqadood ka dib bay Jane ii timid dabadeedna waxa ay ii sheegtay war aan ka naxay, kaa oo ah in geedkii qaadka ahaa Jake saaka salka ka rujiyay. “Oo sabab?” Baan waydiiyay.
“Waa uu hinnaasay. Tan iyo galabkii isugu kaaya dambaysayba afka ayuu tuurayay saaka markii uu yimid asaga oo dharkii iska beddalin buu inta gudinta qaatay geedkii gooyay, markii aan waydiiyay waxa khaldanna waxa uu igu yiri “waad i khiyaamaysaa oo nin kale ayaad igu feer waddaa,” ayay tiri. “Waan ka xumahay Jaamac geedkaagi waa la gooyay, haddana labo bacood oo laamihii uu gooyay aan ka soo guray baan kuu wadaa oo gaariga ayay saaran yihiin,” bay sii raacisay.
“Dabadeed maxaa dhacay?” Baan waydiiyay.
“Aniga iyo Jake waan isdagaalnay dabadeedna gurigii ayaan ka eryay oo boorsooyinkiisi ayuu gurtay,” bay igu tiri. Bes waaye aniga iyo Jake waa inoo kala dhammaatay awalba khadyaan baan ka taagnaa,” ayay sii dabadhigtay.
“Jane maxaad samaysay? Maxaad ninkaaga sidaa ugu gashay?” Baan waydiiyay.
“Maxaad ka hadlaysaa? Ma ahan ninkaygi ismana qabno,” ayay tiri.
“Oo guriga sow asagu ma laha?” anigaa waydiiyay.
“Waan isla iibsannay haddana waan iibinaynnaa,” ayay tiri.
“Waan moodayay in aad isguursanaysaan?” anigaa dhahay.
“Waxaasi waa taariikh laga gudbay. Ilaahow mahadsanid in aanan axadkaas guursan,” Jane baa dhahday.
“Jane waan ka xumahay in xiriirkii adiga saaxiibkaa dartay u burburay,” anigaa anigaa
“Maya, maya, Jaamac, adiga dartaa u ka burburin,” bay tiri.
“Sidee ayuusan dartay ugu burburin? Ninka uu kaaga shakiyay sow aniga ma aha?” ayaan waydiiyay.
“Aniga iyo adiga maxaa na dhexmaray oo uu ka hinnaasay?”
“Waxba laakiin waa aniga ninka uu ka hinnaasay sow ma aha?”
“Haa waa adiga laakiin sidee ayuu iga hinnaasayqof aan waxba naga dhexayn?”
“Maxaad ugu sheegi wayday sidaa? In aan aniga iyo adiga waxba naga dhaxayn?”
“Haddii aan u sheego oo uu qanco berrina maxaan u sheegi doonaa oo ku qancin doonaa? Ninka asaga oo aan i qabin sidaa u hinnaasaya maxuu samayn doonaa marka uu i guursado?” Aad baan u nasiib badan ahay,” ayay sii dabadhigtay.
“Waan ka xumahay waxa kugu dhacay Jane,” ayaan iri.
“Wax aad ka xumaatid igu ma dhicin adiguna gef ma aadan falin,” bay iigu jawaabtay.

Dhawr saacadood baan aniga iyo Jane maqaaxidii fadhinnay oo aan anigu oo mar raalli gelinayay mar ayaduna geedkii la iga jaray iga raalligelinaysay. Dabadeed, markii aan ismacsalaamayn rabno ayay i waydiisay in aan xaas ama saaxiib leeyahay, anigu u sheegay in aanan xaas lahayn balse aan Muna dhowaan isbarannay. Dabadeedna “ma isguursanaysaan?” ayay i waydiisay, markaa ayaan u sheegay in aynaan weli taa go’aansan. Intaa ka dib aniga iyo Jane waan kala hoyannay.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco Q.6aad

SHEEKOOYIN