IGU SHEEGA NIN WAALAN
Sheeko Gaaban
Q.6AAD
Muna iyo anigu sidii aan horay u sheegay waxa aynnu noqonnay lammaane aad isu jecel oo har iyo habeen isku lammaan oo qofkii arkaa u malaynayo lammaane isqaba ama isu doonan laakiin haddana annaga oo sidaa isu ah weligeen arrin guur kama aynnaan wada hadal sababtuna waxa ay ahayd Muna oo aniga iga sugaysay in aan qodobkaa furo, aniguna, inkasta oo Muna aan jeclaa goor horena go’aansaday in aan nolol la wadaago haddana mar walba oo aan u hollado in aan guur u bandhigo wax baa ii diidayay oo iga horistaagayay. Mar walba oo aan damco in aan Muna guur u bandhigo cabsi i khalkhalisa ayaa igu kedinaysay. Mar walba oo xiriirka aniga iyo Muna toddoobaad u dhammaado baqdin iyo welwel baa igu sii siyaadayay. Mar walba oo bil cusubi xiriirkeenna u dhalato khalkhal iyo degganaan la’aan baa ii dhalan jiray. Waxaa kale welwel iyo baqdinta igu abuuray dabciga Muna ee jecel danaynta iyo kawarqabka joogta ah marka aanan shaqayn ama waxbarasho jirin, iyo la hadalka saacad walba, xataa saqbarka habeenkii, kaa oo meesha ka saaray saacadihii aan wax akhrisan lahaa. Muna waxa ay jeclayd in ay ogaato maalin walba waxa aan qabanayo iyo halka aan joogo, iyo xataa waxa aan cunayo. Haddii ay i soo wacdo oo aan taleefanka qaban waayo waxa aan fishaa canaan ama dagaal saacado socda.
Waxa aan oddorasay aniga iyo Muna oo isguursannay oo ubad inoo dhashay iyo aniga oo noloshaydu ku soo ururtay shaqo iyo daryeelka ubadka iyo Muna. Waxaa ii muuqday aniga mashquul qoys iyo mid shaqo la daalaadhacaya oo aan bilooyin ama sannado badan waxba akhrin dabadeedna sidaa ku gaboobay ugu dambaynna aakhiro u galbaday ka gadaalna gacalisadaydi Muna, carruurtaydi, xubnaha qoyskaygi iyo saaxiibbay ay ayaamo geerida ka tiiraanyooday dabadeedna iska kay illoobeen. Waxa aan iswaydiiyay haddii noloshaydu jidkaa marto waxa aan ka dheefayo ama ka dheefay nolosha adduunyada.
Habeenno badan ayaan guurka Muna ka fekeray aniga oo sariirta jeegojeego u bilqan oo saqafka qolka aan jiifo ku foogan dabadeedna hummaaggaas aan iga farxini i hor yimid. Habeenno badan baa aniga oo sidaa saqafka ugu foogan oo u ilgalaclaynaya sidii maxbuus dagaal waagu ii dillaacay. Runtii waxa aan la mid ahaa qof u dhexeeya dhax iyo meel adag, ama nin labo dhagax dhexdood ku go’doomay. Waxa aan aaminay haddii aan Muno isguursanno in aan ka tanaasulayo riyadaydi akhriska iyo qoraalka, ama dhanka kale, aan guurka Muna ka tanaasulo dabadeedna aan riyadayda raadguro. Waxa aan rumaystay in labadan qodobi aysan isla jaanqaadi karin oo aanan labadooba isku feerwadi karin. Runtii kuma aanan dhiirran karin kala doorashada labadaa qodob. Waan ku dhici waayay in aan mid tuuro oo kan kale qaato. Sidaa daraaddeed, waxa aan noqday nin jaahwareersan oo aan garanayn meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo toona. Waxa aan noqday ruux maahsan. Ruux lugaynaya oo aan garanayn halka uu u socdo. Waxa aan dareemay faaruqnimo gudeed, qiimo la’aan iyo marnaan waxaana iga lumay ujeeddadii nolosha oo dhan.
Haddii horay aan ugu busayli jiray la kulanka iyo la joogga Muna hadda wicitaankeeda ayaan argagax ka qaadaa mar kasta oo aan la kulmayana waxa aan u tagaa aniga oo wadnuhu i fugfug leeyahay oo is leh “tolow maanta ma waxa ay ku oran doontaa: Jaamacow xiriirkeennu waa dabadheeraday ee maad inoo talisid oo reerka iga doontid.” Maalin walba waxa aan ka ducaysan jiray in Muna arrin guur igu soo qaaddo. Ha se ahaatee, inkasta oo aan waxaa oo jaahwareer ah dhexjibaaxayay haddana waxa aan ku dedaalay oo ku guulaystay in Muna aysan wax isbeddal ah iga dareemin. Mar walba oo aan Muna la joogo waxa aan iska dhigi jiray in aan caadi ahay. Waxa aan muujin jiray dareen been ah oo ka duwan kan uurka iyo maankayga ka qaxmaya. Qosol aan laabta jirin baan ka dhagdhagsiin jiray. Qof aanan ahayn baan iska dhigi jiray. Yeelkeede, ugu dambayn Muna waa dareentay isbeddalka igu dhacay waa na ay akhrisay dareenka gudahayga ka shidan ee aan ayaamaha badan ka qarinayay. Waa tii Soomaalidu horay u tiri socod aadan u dhalan saddex tallaabo ma dhaafo’e Muna ugu dambayn waxa ay jillaafo u dhigtay majahaygi dhuudhuubnaa ee tallaabada bugta ah tallaabsanayay.
Ugu horrayn Muna waxa ay bilowday in ay hadallo duurxul ah igu tuurtuurto, sida: labadeenna midkee ayaa kulka jacaylku ku badan yahay? Jecaylkeennu waa meeqa jir? Iyo hadallo la mid ah kuwaa oo mid waliba sidii tareesadii laabtayda uga dusayay. Ugu dambayn, habeen talaado ah aniga oo shaqada dhammeeyay bay Muna i soo wacday oo igu amartay in aan guriga ugu imaado. Caadiyan sida badan habeennada shaqada aniga iyo Muna ma aynnaan kulmi jirin, keliya taleefanka ka wadahadli jirnay. Aniga oo wadnuhu i fugfug leeyahay, sidii caadada ii ahayd, baan Muna u tagey. Dabadeedna ayada oo aan araar dheer waqti isaga lumin bay i taabsiisay farriintii ay iigu yeeray. Waxa ay tiri “gacaliye Jaamacow sidaa og tahay muddo dheer baynnu xiriir jacayl daadihinaynay sababta aan muddadaa dheer haasaawaha jacayl u jilinaynayna waxa ay ahayd in aan guri yagleelno oo nolol wadaagnno. Miyaad taa igu diiddan tahay?”
“Maya, kugu diiddani,” ayaan ugu jawaabay aniga oo ka baqaya in ay maqasho garaaca wadnahayga sidaa oo kalena ka cabsi qaba in dhidid kulul iga soo yaaco.
“Haddee gacaliyow sow lama gaarin goortii aynnu hammigeenna ka dhabayn lahayn oo aad reerka iga dooni lahayd?” Muna ayaa tiri.
Aniga oo carrabkii i angegey hadalkuna i dhibayo ayaan iri “gacaliso waa runtaa waa la gaaray, laakiin… laakiin… een… een… laakiin…”
“Balse gacaliye waa maxay laakiinta badani? Miyaadan diyaar ahayn?” bay dhahday.
“Gacaliso diyaar waan ahay laakiin.. een… een.. laakiin….”
“Jaamac kuma fahmin, maxaad u la jeeddaa laakiin?”
“Gacaliso… een… een… anigaa kaa jecel in aan nolol wadaagno laakiin… een… een… laakiin…”
Muna oo dareenkeedi isbeddalay xanaaq iyo niyadjab isku lammaanna dhafoorkeeda laga dheehan karo ayaa inta istaagtay tiri “Jaamac een eentan iyo laakiintan tirada badan inta iga joojisid si fiican ii dhagayso, all that I need from you is YES or NO end of story. Reerka ma iga doonaysaa haa ama maya?”
Aniga oo dareemay in caawo la i hayo cabsidii iyo wadnagaraaciina xoogaa iga yaraadeen baan si deggan ugu iri “gacaliso isdeji. Waxa aan ka hadlaynnaa waa guur. Ma aha wax sahlan, waa wax ka feker iyo ka fiirsasho u baahan.”
Muna oo foolkeeda caradii iyo niyadjabkii ku sii siyaadeen baa tiri “Jaamac maxaa tiri? Ka fiirsasho! Ma hadda ka dib baad guurkeenna ka fiirsanaysaa? Guurkaaga diyaar u ma ahi maad iska dhahdid oo runta ii sheegtid.” “Haye, haye, waayahay, ka soo fiirso oo ka soo feker. Haddii aad doontid toban sano ka soo feker ee guriga ii dhaaf waan seexanayaaye,” ayay sii dabadhigtay.
“Macaanto ha i khalad fahmin. Waan ku jeclahay ee gacaliso khalad ha iga fahmin,” baan ku iri.
Laakiin inta aanan hadalkii dhammayn bay inta iriddii furtay illinka ii farmuuqday oo si qaylo ah iigu tiri “iga bax iga bax waan seexanayaa.” Inta aan soo dhaqaaqay baan damcay in laabta geliyo oo dejiyo balse inta ay kulleetiga i jiidday bay iridda halhaleel igu dhaafisay dabadeedna albaabkii hoos ka xiratay. Iriddii ayaan garaacay aniga oo ka tuugaya in mar un ay iga furto yeelkeede ii ma ay juuqin.
Qiyaastii saacad ayaan marna iriddii tumayay marna moobeelkeedi wacayay ilaa ay moobeelkiiba dansatay. Dabadeedna aniga oo niyadjabsan oo dareemaya in aad gef wayn ku kacay baan hoyaaday. Waxaa ii muuqday Muna sariirta ku dul barooranaysa oo illintu ka hibiq leedahay markaa ayaa anigana qalbigu i dillaacay oo calooshu i hurtay. Wax walba waan u adkaysan karaa laakiin ma eegi karo oo u ma dulqaadan karo Muna oo barooranaysa. Habeenkii oo dhan hurdo ma ladin, waxa aan ka fekerayay xaalka Muna ku sugan tahay. Labaatameeyo goor mindhaa waan wacay talkeedu oo dansan. Xataa dhawr goor baan damcay in aan gurigeeda ku noqdo bal in ay iridda iga furto.
Aroortii ayaan shaqadii wacay oo u sheegay in aanan maanta, berri iyo saadambe shaqada imaan doonin, taa oo macneheedu yahay shan maalmood oo fasax ah maadaama Jimcadu tahay fasax guud (public holiday). Dabadeed, qabow daran oo dhacayay awgii ayaan inta labo kubbeerto huwaday sariirta isku kala bixiyay aniga oo shaxaadaya hurdo ay mashaqada i haysaahi tan iyo xalay bannaanka ku horaysay.
Dhawr saacadood ka dib markii aan soo toosay baan moobeelka eegay mise waxaa shaashadda saaran farriin Muna ka timid. Si halhaleel ah ayaan u furay mise waa lix eray oo qur ah u na dhigan sidan: “don’t call me again, ever! Nacas.”
Mar qur ah ayaan niyadjab iyo xanaaq wada dareemay, dabadeedna waxa aan u qoray: “waan ku jecel ahay wax walba oo dhaca.” Haddana daqiiqado ka dib baan u qoray: “waan kuu imaanayaa si aan arrinta uga wadahadalno.” Ku dhowaad labo saacadood markii aan moobeelka gacanta ku hayay aniga oo jawaabta Muna dhawraya ayay ii soo qoray: “boliiska ayaan wacayaa haddii aad agagaarka gurigayga soo istaagtid.” Waxa aan goostay in aanan u jawaabin.
Inkasta oo aan doonayay in aan Muna dejiyo oo xiriirkeenna badbaadiyo haddana xaqiiqdii su’aasha Muna jawaab u ma aanan hayn oo haa iyo maya midna ku ma dhaheen. Yeelkeede, farriinta dambe ee Muna ii soo dirtay waxa ay ruux cusub ku afuuftay doonistaydi igu riixaysay u go’idda akhriska iyo qorista, waxa ayna shiiqisay oo khalkhal ku ridday guursiga iyo nolol la wadaagidda xaawaley oo dhan.
Farrinta dambe ee Muna waxa ay i xusuusisay nolosha oday Soomaali ah oo marfashka qayilaadda iyo shiishadda kalyanti ka ahaa. Waa oday qiyaastii da’ toddobaatanaad ah, dherer ahaan marka Soomaalida la eego dadka dhaadheer baa lagu tiriyaa. Waxa uu leeyahay timo badan oo foodshareer leh oo wada cadddaaday, shaarub dheer oo cirraystay baa u raaca. Aad u ma cayilna balse calool wayn buu leeyahay. Waxaa la sheegaa in odaygu dalka yimid bartamihii siddeetanaadkii ilaa waagaasna uusan maalin qur ah ka bixin. Waxa kale oo la sheegaa in uu ku dhowaad soddon gu’ baswade ahaa laakiin hadda waa darawal tagsi oo Sabtida iyo Axadda un shaqeeya halka shanta maalin ee kale uu qaad ruugis iyo ciyaarista turubka u fadhiyo. Sabtida iyo Axadda xataa gelinka hore un buu shaqeeyaa gelinka dambena marfashka ayuu iska xaadiriyaa. Waxaa la xaqiijiyay in odaygaasi dhawrkii biloodba habeen ama labo habeen uu baabuurkiisa dhex seexdo sababtuna waa naagta uu qabo oo bacdiisa bannaanka ugu tuurta. Waxaa la qiray in tan iyo sagaashanaadkii ay nolosha ninkani sidaa ahayd. Waxii intaa ka horreeyay cidina ma sheegi karto maadaama Soomaali aan asaga ahayni aysan dalkan joogin. Waxaa la arki jiray duqaas oo labo beri baabuurku hoy u yahay haddana maalinta xigta waxaa suuqyada lagu dhex arki jiray asaga iyo islaanta uu qabo oo gacmaha is haysta suuqana dhexlaafyoonaya.
Eraga “boliiska” ee farriinta Muna ku jiray baa sheekada odaygaas i xusuusiyay.
Waxaa qoray Cali M. Diini
La soco Q.7aad