IGU SHEEGA NIN WAALAN Q.7AAD

IGU SHEEGA NIN WAALAN 

SHEEKO GAABAN

Q.7AAD

 

Xusuusta sheekada odaygaasi waxa ay ii sawirtay hummaag iga nixiyay oo timaaddadu ii rimman tahay haddii aniga iyo Muna nolol wadaagno. Waxaa hummaaggaasi i daawadsiiyay isu ekaanshaha Muna iyo xaaska odaygaas. Runtii u ma aanan bogin isbarbardhiggaas ma na jeclaysan in hummaagsigaygu sidaa u fekero oo xumaan iyo balaayo oddorose noqdo, haddana qayb iga mid ah ayaa rumaysatay oddoroska hummaagsigayga oo igu oronaysay ‘sax, waa runtaa. Ma naagta ayada oo weli aan la mehrin boliiska u yeeraysa ayaa wanaag ka soo socdaa?’

Muddo saacado ah ayaan sariirtii bilqanaa aniga oo labadayda qaybood ee qaybi Muna ceebaynayso qaybta kalena ceebkasaliim ka dhigayso u garnaqaya, laakiin aniga oo aan weli heshiis dhexdhigin ayaan markii aan ku daalay inta sariirtii ka dul kacay qado karis isku mashquuliyay markii aan qadeeyayna inta aan miiska akhriska fadhiistay ayaan soo qabsaday Anna Karenina oo bilo ka hor aan soo gatay balse aanan akhrin. Inta aanan baalashiisa kala furin baan inta labada gacmood ku qabtay hadba dhan ka eegay aniga oo la amakaagsan tirada baalashiisa. Ma aha markii ugu horraysay ee aan akhriyo. Hadda ka hor baan aniga oo safar ah akhriyay balse isla daqiiqaddii aan dhammeeyayba waxa aan go’aansaday in aan mar labaad akhriyo ha se yeeshee intii aan safarkaa ku jiray baan siiyay qof iiga dhagay. Aniga oo ka xun baan siiyay.

Cabbaar markii aan eegeegayay baan balaashiisa kala furay dabadeedna inta aan bogaggii hordhaca iyo araarta baalmaray baan cutubka koowaad dul tagey. Judhii horeba waxaa indhahaygu joojiyaha ku dulqabteen jumladda caanka ah ee Tolstoy buugga ku ibafuray: Happy families are all alike; every unhappy family is unhappy in its own way. Ka dib na inta aan qalin qabsaday baan warqad cad jumladdaa ku minguuriyay balse halkii ahayd families iyo family baan ku beddalay couples iyo couple.

Tan iyo habeenkii saqdhe ayaan kursigii dul yuuraray oo Anna Karenina akhrinayay. Dabadeed sariirtii ayaan aniga oo hurdo aan i hayn naawilaya. Ma doonayn in aan moobeelka eego, ma doonayn in aan qof na la hadlayo, xataa Muna. Sidaa daraaddeed, markii hurdo iga soo dhici wayday baan buug kale soo qabsaday balse cabbaar ka dib waan ku caajisay, markaa ayaan inta moobeelkii soo qabsaday “mute” gariir la’aan ah saaray, dabadeedna baraha bulshada cabbaar dhexmushaaxay. Waan arkayaa farriimaha saaxiibbaday iyo ehelkaygu ii soo dirayaan balse ma rabo in aan furo. Ma rabo in aan farriimaha aakhriyo. Waxa keliya ee aan rabaa waa in aan keligay ahaato, in aan naftayda la keliyoobo un baan rabaa. Maxay iga rabaan dadkan farriimaha ii soo dirayaa? Maxay ii dhiibayaan oo ii soo wacanayaan? Maxay ii dhibayaan? May faraha iga qaadaan oo ammaanka iigu dedaalaan? Weligiinba i soo waca ama farriimo ii soo dira, mindhaa idiin ma jawaabo.

Qiyaastii afartii aroornimo mar saacaddu tahay baan inta YouTube galay waxa aan daartay maqalka buugga The Red Book ee Carl Jung uu qoray laakiin halkii aan buugga ka dhagaysan lahaa waxa aan galay feker maankayguna waxa uu ku mashquulay xusuusaha xikmadihii Carl Jung. Waxa aan xusuustay xikmaddiisi ahayd “nolosha mudnaanteedu waa marka aad noqotid qofka aad dhab ahaan tahay/the privilege of a lifetime is to become who you truly are.” Kumaan dhab ahaan ahay? Kumaan rabaa in aan noqdo dhab ahaan? Hayaanka noloshaydu halkee geeddi u yahay? Halkee la ii wadaa? Maxaan doonayaa? Hummaaggii gacalisadayda Muna ayaa i hor yimid markaa ayaan xusuustay waydiinteedi: “goormaad reerka iga doonaysaa?” Haddana waxa aan xusuustay farriinteedi u dambaysay: “boliiska ayaan wacayaa.”

Maxaan doonayaa? Muxuu mustaqbalkaygu noqon doonaa? Ma sida toddobaantan jirkii habeennada qaarkood gaarigu hoyga u ahaa oo kale? Mase nin xor ah oo akhriska iyo qoraalka heer sare ka gaara oo qoraa wayn oo caan ah noqda? Aniga oo aan jawaab u helin baan haddana xusuustay mar kale oo Jung lahaa “nin aan cadaabta dareennadiisa arkini ma guulaysto/a man who has not passed through the inferno of his passions has never overcome them”.

Labo beri iyo maanta oo ah Jimce sii galbanaya ayaanan qolkayga hurdada ka bixin, mar aan suuli aado mooyee. Hurdo, akhris, cunis iyo dhexmushaaxa baraha bulshada un baa camalkaygu ahaa. Wax kale oo Alle abuuray ma qaban, xataa hal qofna lama hadlin labadaa beri. Xataa farriimaha gaagaaban qof u ma dirin kuwa la ii soo dirayna kama jawaabin. Ka jawaabis iska daaye, xataa ma fiirin. Gariirka moobeelkana waa tii aan iska xiray si aanan u maqlin soo dhicistiisa. Xataa lugabaxsigii aan maalin walba soddon daqiiqo lugayn jiray u ma dhaqaaqin.

Dhabarkaa i xanuunay sidaan barbar ugu aallay, indhahaa i xanfafay sidaan ugu foognaa buug iyo shaashadda moobeelka. Suulka midig ee gacanta ayaa i dikaamay sidaan shaashadda moobeelka ugu salaaxayay.

Maalintii saddexaad baa gebogebo ah aniga oo weli bartii barbar u aal sidii qof duumo hayso. Goorsheegtada ayaan eegay mise waa saddexdii galabnimo. Ku dhowaad toddobaatan saacadood baanan ka degin iridda qolkan dhawrka mitir ah. Maxaa iga si ah? Miyaan xanuunsan ahay? Sow tan Raskolnikov la i moodo? Xusuusta magaca ninkaasi waa iga nixisay. “Ma doonayo in aan Raskolnikov oo kale noqdo. Eebbe ayaan ka magangalay in aan sidiisi noqdo,” intaan uurka iska iri baan istaagay si aan biyo isugu sayriyo dabadeedna u qadeeyo.

Intii aan qubaysanayay iyo intii aan qadaynayayba waxaa igu soo laalaabanayay xusuusta Raskolnikov iyo sidii fooshaxumayd ee uu Alyona Ivanovna iyo walaasheed ka yar , Lizaveta u dilay. Si gaar ah waxaa murugo iigu beeray geeridii Lizaveta. Maya, geerideeda oo keliyihi i ma murjin ee noloshii ay ku noolayd iyo arxandarradii walaasheed Alyona baa qalbigu i la xanuunay, dabadeedna nolosha adduunyada oo dhan baan niyad ahaan u lacnaday. “Horta dunidaaney arxandaranidaa oo dugaagsanidaa oo qalbi adkidaa?” Intaan laabta iska iri ayaan indhaha la raacraacay buugaagta iskafaallada rasaysan aniga oo raba in aan ka xusho kan ugu baalasha yar. Communist Manifesto ayaa dookhaygu noqday, dabaadeedna intaan jeebka dambe ee jiiniska aan gashan ahay ku riixay baan iridda ka booday afkana saaray toobiyaha taga maqaaxidii bunka wacnayd.

Saddex beri ka hor markii bannaanka iigu dambaysay cimilada Perth ma ahayn mid naftu jeclaato. Waxaa jiray dhaxan daran, dabaylo iyo roob shuux ah, balse galabta xaalku si walba waa uga duwan yahay sidii uu ahaa saddex beri ka hor. Dhirta cagaaran ee gacan-ku-rimiska ah ee hareeraha waddooyinku lagu beeray caleentooda waxaa ku raran raadka dhibcihii roobkii shuuxaha ahaa kuwaa oo fallaaraha qorraxda sii galbanaysaa ay bilicdooda sii bileen. Neecawda sida deggan ee naxariista leh bari uga soo dhabanaysa iyo ufada shuuxii dhawrka beri da’ayay nagu macsalaameeyayna waa kuwo naftu ku xasilayso. Laamiyada si wacan loo darteelay galabta ma leh saxmaddii iyo buuqii lagu yaqiin; baabuur qurux badan baa si xabbad-keliyaale ah u xiimaysa. Aqallada laamiga ku teedsan ee mid walba dhawrka baabuur ku hor callaqan yihiin waxa aad mooddaa in laga hurdo sida ay shanqar la’aan u yihiin. Cirka sida calankii dalkayga khafiifka ah waxaa ka sokeeya oo meel dhexe heehaabaya daruuro teelteel ah.

Soddon daqiiqadood ka dib waxa aan gaaray maqaaxidii bunka wacnayd ee webiga iswaan jalleecaysay. Inta aan koob dheer oo kobbashiino ah dalbaday baan fadhiistay miis labo kursi taallo kaa oo saaran qarka webiga iswaan. Markii aan sii fadhiisanayay baan jeebka dambe ka maqlay qajajax qujujuc. Markaa ayaan niyadda iska iri “weligaaba qajajacee ama qujujucee, dhaaxaa sadarradaadu qowmiyado badan qajajac iyo qujujuc kaga siiyeen. Dhaaxaa farriimahaagu malaayiin iyo malaayiin shacab ah gumeeyeen! Dhaaxaad kummaan iyo kumannaan Saaybeeriya ku qalatay.

Laamigii aan soo maray iyo kobta aan fadhiyaaba waa kuwo indhaha iyo maankaba u roon.

Markii aan bunkii labo jeer kabbaday baan damcay in la soo baxo buugga aan ku fadhiyo ee qajajacda iyo qujujucda haya balse haddana si degdeg ah ayaan isu beddalay dabadeedna wargeys miis kale saarnaa ayaan soo qabsaday. Ha se yeeshee goortii aan u holladay akhrinta wargeyska ayaa xusuustii Raskolnikov igu soo maaxatay. Cabbaar baan bogga hore ee wargeyska indha la raacraacay, laakiin, runtii, indha un baan wargeyska ku eegayaye maankaygu waxa uu ku soofay ka fekerka Raskolnikov iyo sababtii uu Alyona iyo walaasheed Lizaveta u dilay. Dabadeed waxaa igu dhashay fekrad cusub oo mar iga yaabisay marna iga qoslisay. Waxaa igu dhalatay aragti aan kaga maquuran mushkiladda aan dhexjibaaxayo. Aragti aan la mid ahayn tii Raskolnikov ee doqonnimada iyo fulaynimada ahayd. Aragti ii bidhaamisay ka dhabaynta yoolkayga iyo doonista noloshayda. Aragti haddii aan ficil u beddalo iga yeelaysa nin guulaystay, oo ka dhabeeyay doonistiisi iyo hammigii nolosha adduunyada.

Aragtidaasi waxa ay ahayd sidan: haddii la i xiro oo dhawr sannadood oo xabsi ah la igu xukumo waxa aan helayaa kansho aan ku akhriyo buugaag farabadan iyo waqti aan jaamacadda ku dhammeeyo muddo gaaban. Sidaa oo kale xabsigu waxa uu ii oggolaanayaa kansho aan buugaag badan ku qoro. Sidaa daraaddeed, waa in aan sameeyo fal-dambiyeed culus oo dhawr sannadood oo xabsi ah aan ku mudan karo.

Cabbaar goortii aan ka fekerayay nooca fal-dambiyeedkaasi noqon karo ayaa waxaa igu soo duxay in fal-dambiyeedka ugu habboon ee dhawr sannadood oo xabsi ii diri karaa yahay dhac bangiyeed (bank robbery). Waxa aan xusuustay in aan caddaanka dalkan lacagta laga la kaftamin sidaa aawadeedna aanan xataa u baahnayn in aan bangiga dhaco ee keliya aan u baahan ahay in aan bangiga ii dhow tago aniga oo hub iska dhaafe aan cirbad sidan dabadeedna shaqaalaha bangiga aan ku cabsi geliyo haddii aysan lacag i siin in aan dhibaatayn doono.

Aad baan fekraddaa uga helay oo ugu khushuucay, markaa ayaan niyadda iska iri “alleylehe doqon ma tihid sidii Raskolnikov, ninkii si uu yoolkiisa uga dhabeeyo habarta u dilay. Ninkii iska dhaadhiciyay in dilka miskiintii Lizaveta uu yoolkiisa ku xaqiijin karo. Alla muxuu doqon caaq ah ahaa!”

 U ma baahni in aan habar dilo si aan u yoolkayga u gaaro. Waxa keliya ee aan u baahan ahay waa in aan damaaciyo dhaca lacagta caddaanka dabadeedna inta ay khalkhalaan oo nin halis ii maleeyaan bay dhawr gu’ oo xabsi i laqsiinayaan. Dabadeedna aniga oo caalim ah ayaan xabsiga ka soo baxayaa; markaa ayaan dunida barayaa in Frederick Nietzsche nin waalan ahaa Eebbe na uusan dhiman oo weli nool yahay abidkiina noolaan doono. Markaa ayaan dunida u caddaynayaa in Plato kabbashada falsafadda ku kadsoomay kadinkeedana uusan dhaafin. Waxa aan jeelka ka soo baxayaa aniga oo dunida baraya kitaab-gaablowyadii Hegel iyo Fukuyama iyo gefafkii ay taariikhda ka galeen.

Waxa aan naftayda u sheegay in xabsiyada Australia aysan hoteel saddex xiddigle ah ka liidan waayo waxa aan sheeko ku maqlay in xabsiyada laga helo wax walba oo noloshu u baahan tahay sida cunto, qol hurdo oo leh koronto, telefishan, internet; goob jimicsiga, maktabad akhris, waxbarasho jaamacadda aad doontid aad dhigan karto, garoonno ciyaaraha kala duwan lagu dheelo, iyo waxyaabo kale oo badan. Xataa waxa aan naftayda u sheegay in xabsiyada Australia leeyihiin shaqooyin mushaar lagu siinayo.

Waxa aan naftayda u laqimay in cilladaha keli ah ee xabsigu leeyahay ay yihiin cidlo, kelinnimo iyo waqti farabadan, sidaa daraaddeed, ayaan naftayda xusuusiyay hadalkii Albert Camus ee ahaa “qofka maalin qur ah noolaaday, dhib la’aan boqol sannadood buu xabsi ku noolaan karaa, waayo waxa uu dhaansan yahay xusuuso ku filan oo uu cidlado ka dugsado/a Man who had lived only one day could easily live for a hundred years in prison. He would have enough memories to keep him from being bored.” Markaa, haddiiba xusuuso keliyihi boqol sannadood gudaha xabsiga kugu maaweelin karaa maxaad u malaynaysaa adiga oo boqollaal buug helaya jaamacadna baranaya?

Waxa kale oo aan naftayda u sheegay in galista xabsigu tahay sida keliya ee aniga iyo Muna ku kala faataxaysan karno. Waxaa maankaygu isbarbardhig ku sameeyay guurka Muna iyo xabsiga dhabta ah dabadeedna waxa aan qalinka ku duugay in guurka Muna xabsi abadi ah ka daran yahay labada xabsina, kan Muna iyo kan dhabta ah uu kan dhabta ahi raandhiis badan yahay.

Ugu dambayn, waxa aan arrin ku gunaanaday in Isniintaba aan bangiga iigu dhow ku jarmaado. Waxa kale oo aan go’aansaday in aanan qofna la hadlin, xataa Muna iyo Jane ilaa iyo inta aan hawlgalka ku guulaysanayo.

Sidaa markii aan talo ku gebegebeeyay baa hal mar culayskii iyo walhadkii i saarnaa iga duuleen oo farxad, raynrayn iyo fudayd aanan beryahan aragi i saaqeen, dabadeedna waxa aan furay oo akhris ku bilaabay farriimihii aan saddexda beri ka cabsanayay. Waxa aan akhriyay tobannaan farriimood oo mid Jane ka timid ku jirto. Farrinta Jane waxa ay u dhignayd “hi Jama are you alive? Hope you are doing well.” “Dear Jane I am doing very well, and you? I’ve been a bit busy. I’ll be free next weekend,” ayaan Jane ugu jawaab celiyay.

Muna ka ma mid ahayn dadka farriimaha ii soo diray. Aad baan ugu diirsaday in Muna aysan farriin ii soo dirin waayo haddii ay sidaa yeeli lahayd feker iyo welwel aanan doonayn baa igu furmi lahaa.

Dabadeed inta aanan miiskii bunka ka istaagin baan xusuustay in ay maanta Jimce ahayd sidaa daraaddeed aniga oo faraxsan baan go’aansaday in caawa qayilo dabadeedna inta aan qayilayo aan hawlgalka Isniinta si fiican u sii tifaftiro.

Inta aan gurigii u lugeeyay dabadeedna baabuurkii qaatay baan gurigii qaadka lagu iibin jiray afka saaray, weliba taleefan iska sii hor mariyay oo awal hore labo majood baan cuni jiray waxa aan ballansaday marduuf afka ka xiran.

La soco Q.8aad

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN