KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor By Maxamed Muusa Nuur May 1, 2020 Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! Qaybta 6aad Marka laga soo tago ka xumaanta iyo ka nixidda ay ka naxday geerida walaasheed idil isma lahayn xaalad kale oo aadan ku farxin ayaad galaysaa qorshahaba uguma jirin, waxayna ahayd mid isku diyaarinaysa safar ay ku aaddo xagaa iyo xamar, maxaasa dhacay? Cidda Gabar kale uma joogin aan ka ahayn Idil oo markaa lasoo furay walina ku guda jirto tirsashada cuddadeeda, odayga idil dhalay oo uu Alle ku ibtileeyey Xoolo jacayl ayaa ku fakaray maadaama uu xoolo badan ka qaatay faadumo guurkeeda, hadana ay faadumo xijaabatay habeenkii ugu horeeyey aqal galkeeda, si uu xoolaha uu qaatay u xalaalaysto ayuu ku fakaray in uu cidda idil ugu baddalo gabadhii ka dhimatay. Ma ahayn arrin ay ku fakaraysay idil waxay isku dayday in ay iska caabiso dalabka aabaheed balse cadaadis badan oo kasoo fuulay dhanka aabaheed ayey hadana ku aqbashay in ay Marwo u noqoto Nin kale oo aan ku imaan rabitaankeeda walaasheedna ay ka dhimatay. Dunida waa mid dareen badan, halka ay u duulaysana duul garan kara ma jiro ilaa duulka ay ku dul dagto ma ahee, bal eeg idil, marnaba xor uma aysan noqon dookha iyo aaya ka talinta nolosheeda, mar walba waxay aqbalaysay wax aysan shaqsi ahaan qaadan lahayn, balse sababta ay ku qaadaneysay ay ahayd qaddarin ay qaddarinayso rabitaanka waalidkeed. Waxaa meeshaas ku dhamaaday hammigii ay idil lahayd ee ahaa in ay mar uun xamar tagto oo nolosheeda si isku filnaan leh oo ka wanaagsan qaabka hadda loo maamulayo ay u maamulato, wax badan oo ay ku naaloonaysay in ay gaartana ay gaarto. Qorshahaaga dunida waa sidaa, waad riyootaa riyo badan ayaad leedahay sida aad ku fulin lahaydna waa is tusisaa mar walba, balse mar walba waxaa jira qorsha ka wayn kaaga kaas oo ah midka hirgaliddiisu ay dhab tahay, haddii qorshahaas iyo kaaga ay is haleelaana waxaa tahay mid ku guulaysta gaaritaanka hadafkisa, haddii aysan is haleelina mar walb waxaad noqonaysaa mid ku dhex jira Xaalad uusan jeclayn qorshahana ugu jirin in uu dhex galo balse dantu ay ku qasabtay, waana arrinka haysto gabadhan Idil ah. Waxaa jiray su’aalo badan oo ay is waydiinaysay Idil kuwaas oo ahaa sababta ay mar walba u wajahayso wax aysan ku riyoon jeclayna dhex ahaashahooda iyada oo mararka qaar isku arki jirtay in ay tahay gabar nasiib xun oo waqtigu uusan la jirin. Waxaa la dhihi karay fakarka ay sidaa u fakartay waa mid meesha ku jiray, hadana maadaama ay ahayd Qof Alle Caqli, Daganaan iyo Iimaanba uu ugu deeqay, waxay ahayd mid fahmi kartay in Qaddarta Eebe ma ahee wax kale aysan soconayn, waxa ay noqon lahaydna ay ku noqonayso xaaladda hadda haddiiba loogu tala galay, Waa xaalka adduun iyo micnihiisa in qof walba marka uu dhib ku jiro uu sidaa isku canaanto, su’aashuse waxay tahay maxaa ka qaban kartaa arrinta ku timaada doorashada abuurahaaga (Alle), waxaa la oran karaa inaga ayey na haysaa sugnaasho la’aan ee ma ahan yabooha Alle mid aan maslaxaddena ku jirin. Damaca iyo dareenka nagu jira mar walba waa mid aanan u riyaaqin marka ay dhacaan wax aysan nafteena jeclaysan raalina ka ahayn amaba qorshaha ugu jirin, balse dhabta nolosha sidaa ma ahan, adiga waa lagu abuurtay dariiq aad ku socoto inta aad nooshahayna waa laguu jeexay, haa doorashada noloshaada xaq ayaad u leedahay, balse qaddarta wax shuqul ah ama awood ah oo aad ku leedahay ma jirto. Mustaqbalka sida uu noqonayo mar walba waa mid naga daahsoon, idil arrimo badan ayey ku hamminaysay oo nolosheeda ah waxaana la oran karaa dariiqa loo jeexay nolosheeda ayey maraysaa ee micnaha ma ahan in wax walba oo ay ku hammin jirtay uu meeshan kusoo gunanadmay maadama ay gashay guur labaad oo aan ku imaan rabitaankeeda shaqsinimo, balse ku yimid is maslaxaynta iyo is jeclaysiga labada oday ee kala dhalay ninka ay marwada u noqon doonto iyo iyada Idil ah. Idil waa la aqal geeyay oo guriigii loogu tala galay walasheed ayay Iyana ku dul habsatay waxayna ku qasbanaatay nolosha ay wajihi lahayd walaasheed in ay wajahdo, wax badan oo walaasheed qabyo u ahaana ay iyada dhamaystirto waa qancinta iyo la dhaqanka Haashim. Haashim wuxuu ahaa nin aad u qiima badan garan karana amaba aqrin kara wajiyada dadka uu markaa wax la wadaagayo, wuu dareensana in gabadha loo keenay aysan faraxsanayn huri waytana ay mesha ku joogto, balse wuxuu is lahaa waa dumar marka ay dhadhamiso nolosha dhabta ah ee ay kula wadaagayso iyada ayaa dan u dagi doonto ee ha cadaadin. Idil marnaba xumaan kulama dhaqmin haashim, waxay ahayd qof mar walba fahamsan waxa ay meesha u joogto oo ah qancinta ninkeeda cusub iyo in si hufan oo hagar la’aan ah ay u gudato waajibaadkeeda Marwanimo. Idil maadama ay ahayd Xaaska saddexaad ee haashim lana soo baxday fir fircooni iyo fur furnaan taas oo dareensiisay haashim in u ka jeclaado xaasaskiisa kale ee ilmaha u leh. Kasbashada qofka la kasbado mar walba waa lagu kala duwan yahay, idil waxaa la oran karay kama ahayn ku xumee ama kasoo jiido ninka Dumarka kale ee lala qabo, balse waxay ka ahayd garasho ay garanaysay waajibkeeda iyo waxa laga doonayo ama laga rabo. La soco Qaybta 7aad jimco walba W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor ekisyare@hotmail.com xabuu8@gmail.com Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp SHEEKOOYIN DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan December 30, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD October 29, 2024 CAWRALA IYO CALI-MAAX October 15, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 2AAD | W.Q. Cali M. Diini August 24, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 1AAD | W.Q. Cali M. Diini August 16, 2024 JACAYLKII MULLIYO IYO XUSEEN MEECAAD July 20, 2024