Ma taqaanid qofka aad la hadleysid!!
Maqalka ciwaanka waxaa kugu soo dhacaya, weydiimo badan, ma qorahaa iska hadlayaa, ma cid kaluu la hadlayaa, waa kuma qofka aadan aqoon IQB
Oraahdani waa mid adag oo ay adeegsadaan,dadka qaarkiis, waxay leedahay, habdhacyo badan oo loo yiraah, waxaana ka mid ah” Ima taqaanid adigaa I baran doona! Ma taqaanid qofka aad la hadlaysid, Aqoon la’aan baa iga kaa haysa waase iskaa baraya?
Bulsho walna oo Jahliga iyo aqoondarradu ku dambayso halkudhegan lagama waayo uu Ciwaanku ha hadlayo (Ma taqaanid qofka aad la hadleysid)Weedhan ayaa ah mid sii dhammaata ama gurta markasta oo ay bulshadu hormarto, qofku ma sheegto waxa uu yahay illaa uu ka maarmi waayo ama ay dantu ku qasabto maahine.
Nin aanu aan saaxiibbo nahay ayaa sheekadan ila wadaagay wuxuu yiri “ Ninbaa maalin wuxuu arkay dad darajo iyo hayb isugu faanaya, markaasuu qoslay, mid baa hoos u weydiiyey wuxuu ku qoslay, wuxuu yidhi, waxaa lagu faanaa darajo kuu gaar ah, maalinta ay baahideeda joogto waxna kuu tarayso, ninkii baa ku celiyey maxaad ula jeeda.
Markaasuu sheekadan billaabay” waxaan ka tirsanaa Saraakiisha aiyo Madaxda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, markaan ka soo baxay, Dugsiga Tababarka ee Xalane ayaa waxaa lay qaatay ciidanimo, waxaana laygu qaatay, Xidig, ka dib ayaan isla markiiba nasiib u yeeshay, in aan Laba Sanno oo Aqoon Meleteri ah, “Military academy” laygu diray waddanka masar aniga iyo saraakiil badan oo Soomaaliyeed, markaanu dalka soo cagadhiganey ayaa Wasiirka Gaashaandhigu nagu taxay Darajada Gaashaanka, Maadaama aanu soo baraay, Khibrada Ciidanka iyo hawlgalada Maamulka Ciidanka.
Wuxuu yiri maalin maalmaha ka mid ah aniga oo ka daahsan howl shaqo oo aan u socdey ayaa waxaa jidka Sodonka(30), Isgoyska Calikamiin ee xaafada Wardhiigleey Caasimada Muqdisho, jidka oo saxmad ahaa waxaanu isku ciriirinay Baabuur Mercedes nooca raaxada ah, baabuurka ayaan waxoogaa ka hormarey anigoon dhib u geeysan, una dhaafay si waafaqsan sharciga, Baabuurka waxaa watey Sarkaal ka tirsanaay ciidamada booliiska soomaaliyeed ahaayna saddex xiddigle(Kabtan) askargii seddex xiddiglaha ahaay oo ay gabar yar oo aad u qurxoon gaariga u saaran tahay, Sarkaalkii ayaa ka carooday in nin shacab ah waa sida uu ii heystee jidka ku cariiriyo waliba asaga oo ay la socoto qof dumar ah, waa isoo baacsaday, wuxuuna igu soo gaarey Isgooyska, Baar ubax, markaasuu si carro leh gaarigii iigu hor gooya, ka dib wuxuu u wacay laba Askari oo ciidamada Booliiska ka tirsan oo isgooyska heegan ku ahaa, wuxuuna ku amrey inay i xiraan xabsigana i dhigaan, aniga qofna iima maleyn karo inaan ahay, Askari, waayo waxaan sitaa dhar caadi ah, sidoo kale waxaan wataa Baabuur ii gaar ah, da’ahaan waxaan ahay, 31 Jir, ma jiro qof ii maleyn kara, inaan ahay, Sarkaal ama Gaashaanle, wuxuu Kabtankii Amar ku bixiyey in lay xiro, waa la dooday, waxaanan dhahay, Adeer iga xishood, Aabbahay baad le’egtahay, maadaama uu markaas iila muuqday, nin 55 sanno ku dhawaad ah oo Gadh leh iyo Shaarub waaweyn, wuxu ku armay mar kale in lay xiro, oo aan xarrig ahay, , Anigoo aan is dhibin ayaan si asluub leh u weydiiyey Mudane maxaad igu xireysaa?
Sarkaalkii ayaa yiri” Ima taqaanide aan iskaa bro” Waana erayga dhaliyey xasuusta, markaasuu la soo baxay aqoonsigiisa inuu yahay, Kabtan Booliis ah, dad ayaa meesha ku soo xoomey oo iga baryey inuu I cafiyo waase diiday.
Askartii waxaan u sheegay ineysan igu soo degdegin maadama aysan wax dambiya igu hayn, ogeyna waxaan ahayn anigu, waxaanan ka codsadey in aysan korkayga taaban waxaan kaloo sii raaciyay adeer nin iga weyn oo xushmad iga mudan ayaad tahay ee fadlan aan iska baxo, meel ayaan ku degdegsanahee, , Kabtankii ayaa aad uga xanaaqay jumladda adeer wuxuuna yiri war ninkan hala xiro, sidoo kale waxaa baabuurka dhexdiisa, farriin tannaago ah ka soo direysa, gabartii la socotey oo leh, war xir oo naga keen.
Waxaan weydiiyey “Ma kaarka caddeynaya inaad Kabtan tahay ayaa i xiraya mise wax kale ayaa jira?” wuxuu iigu warceliyey, haa, markay xaalku halkaa marayo ayaan ula soo baxay kaarkeyga aqoonsiga , markuu arkay waa gaashaanle Ciidamda xoogga dalka ah, maadaama dalka Meleteri haystay, xitaa haddaanu isku darajo ahaan lahayn, anigaa ka mudnaa, Kabtankii iyo labadii Askari ayaa isla taagay, salaan sharaf sidoo kale shacabkii uu dhexdhexaadinta ka diiday, ayaa amakaagay, Kabtanki , ayaan ku ku armay inuu sheego Tirsiga aqoonsigiisa iyo waaxda uu ka tirsan yahay, sidoo kale waxaan u sheegay inaan dacwad ku takrifal awoodeed ah ku qaadi doono.
Sarkaalkani wuxuu sheekadaa uga sheekeeyey in tuhunka qaldani kaa rido karo haadaan, halisna aad ku mudan karto.
Sidoo kale maalin maalmaha ka mid ah ayaa, Jay Sing oo markaas xirnaay dharka hiddaha iyo dhaqanka ee hindiya kuwaas oo markaas aad u liidtay dhanka nadaafadda iyo bilicdaba ,wuxuu soo maray goob lagu soo bandhigaayay gawaari cusub oo iib ahaay , Sing wuxuu weydiiyay dadkii gawaaridda gadaayay qiimaha gaarigii markaas ugu qaalisanaay ee meesha yaalay , iibiyihii meesha joogay oo aad u xanaqsan ayaa jawaab jeesjees iyo quursi ka muuqdo siiyay Mr Sing .
Mr Sing ayaa markaan wuxuu siiyay iibiyiihii jawaab aad u adag taas oo aheyd in uu iibsaday 10 gaari oo ka mid ahaay kuwii ugu qaalisanaay bandhigga, wuxuuna amray in Hindiya loo dhoofiyo qashinkana lagu qaado.
Sheekadan aan kor ku xusay waxay u egtahay sheeko qabsatay nin ganacsade ahaay oo u dhashay waddanka Ingiriiska kaas oo lagu magacaabo (Richard Branson).
Branson oo markaas ka soo baxay qol uu sigaar ku soo cabaayay oo ku yaalay gegi’ diyaarado(Airport) ayaa waxaa ka hor yimid nin ku qeylinay “Haddii aan aruursan lahaay lacagtii aan sigaarka ku qarash gareeyay intii aan noolaay diyaaradda aan hadda raaci rabo aniga ayaa iska lahaan lahaay”.
Branson ayaa weydiiyay “ sigaarka ma cabtaa?”, Ninkii ayaa ku jawaabay “maya), Bradson ayaa haddana sii raaciyay “ diyaaraddan miyaad leedahay?” , Ninkii ayaa mar labaad ku jawaabay “maya”, Bradson ayaa yiri “ waad ku mahadsan tahay la tallintaada laakiin sigaarka waan cabaa diyaaraddaanna aniga ayaa iska leh” waana run oo Richardson Bradson waa milkiilaha Bilyineerka ah ee iska leh diyaaradaha Virgin .
Marka aad eegto labadan tusaale ee hore waxaa iska cad in qofka qiimaha dhabta ah lihi uusan heybtiisa is sheegin dadkana uusan ka sugin in ay sheeg sheegaan, kaliya waxay dadka qiimaha lihi heybtooda sheegaan marka loo baahan yahay ama dantu ku qasabto.
Dhaqanka ku salleysan isla weynida iyo abtirsiimadda oo lagu faanno waxay aad ugu danbeysa waddamada carabta oo aad inta badan marka aad ku dhex jirto aad maqleyso hadallo u badan “ima taqaanid qofka i dhalay” ama “ ruuxa aan ahay ma taqaanid” arrintaan inta badan waxay dhacdaa marka ay labo qof isku dhacaan ama xurguf yari ay dhex marto.
Mararka qaar waxaa laga yaabaa in aan ka fogaanno in aan heybteenna sheegno wax kasta oo dhaca sida sheekadan oo kale “nin shaqaale ah ayaa wuxuu si kama’ ah usoo wacay xafiiska maamulihiisa wuxuuna yiri “ hadda ii keen shaah hadii kale ogaaw waan ku edbin doonaa” maamulihii oo xanaaqsan ayaa yiri “ ma taqaanna ruuxa aad la hadleyso?”, Shaqaalihii aya yiri “maya” , Maamulihii ayaa yiri “waxaan ahay maamulaha shirkadda waana ku edbin doonna” Shaqaalihii ayaa yiri” ma taqaanna adigu ruuxa aan ahay?”, Maamulihii ayaa yiri “maya” , Shaqaalihii ayaa ku jawaabay “ eebbe ayaa mahad iska leh” taleefankiina wuu dhigay/damiyay.
W/Q:Bashir Hashi Dhore.
E-mail:bashka144@gmail.com