MAANSO (BAHDA LAASHIN) ERAYADA DR. ZEDRA SHEEKH

Bahda laashin waa

Baro lagu nastoo
Cilmi baaxad wayn
Dadka noo bartoo
Ilayskii baxee
La bidhaansaday
Bulshadaba u tahay
Bahda laashin waa
Bud dhigii afkiyo
Dhaqankii bilnaa
Burjigii hayeen
Laga baaqan karin
Bahda laashin waa
Bidixdiyo gacmaha
Isu baahanoo
Dhalin iyo bar baar
Intay baacisee
Badhi taartayee
Qalin beegsatee
Danta baylahdaa
Ku baraarugtee
Buugaag qortaa
Geedaha ka badan
Bahda laashin waa
Birmadkii dalkoo
Hide baydhayoo
Budul guurayoo
Boqol sano hortood
Bohol iyo xabaal
Booraan galay
Batar iyo ciyaar
Sheekooyin bada
Ka bayaamiyeen
Bahda laashin waa
Baladkaba ishii
Biyo maaxatoo
Barayaal xulaa
Baxsi iyo aqoon
Iyo maal ku baxay
Isku biiriyoo
Balantoodu waa
Inay beegsadaan
Bulsho waynta kale
Bahda laashin waa
Dhalashada bishiyo
Dayax soo baxoo
Hal abuur bustuhu
Boodh saarayoo
Bacadkiyo wakhtigu
Boqontiyo lugtiyo
Bawdyaha ka xidhay
Iyagaa bustaan
U balaadhiyoo
Kuwa baadidiyo
Boolida wadee
Fanka boobayay
Sharciyada birtaa
Budka kaga ceshaan
Bahda laashin waa
Bino taaganoo
Waagii beryaba
Qabyo buuxiyoo
Bogcad weeye ruux
Ku badhaadha oo
Suugaan bishoo
Murti baahisoo
Gabay laga bogtiyo
Tartan laysu baxay
Lagu soo ban dhigo
Bahda laashin waa
Boqortooyo guud
Hadba ruux bukoo
Bogsan waayayoo
Beertii jahliga
Dhex bariinsadoo
Bayr yeeshay bay
Ku bar baariyaan
Inu baadhe sare
Beri noqon karoo
Waxay booriyaan
Ninka bayd qoroo
Waxay baajiyaan
Balwadaha qarsoon
Bahda laaahin waa
Ban xariira oon
Siyaasadi barkanin
Qabiilkiyo buskiyo
Boholyoow xigtiyo
Ninka baanta reer
Ma bariidiyaanoo
Barna kuma kulmaan
Bahda laashin waa
Badhtamaha dhulkiyo
Bu’da koonfurtiyo
Bad waqooyiyoo
Waxay baahsan yiin
Barigiyo galbeed
Bahda laashin waa
Dad burhaan lahoo
Bisin iyo quraan
Diin lagu boqroon
Baga ruux dhahiyo
Bakhayl lagu ogayn
Maansada: BAHDA LAASHIN
erayadii: Dr.ZEDRA SHEIKH

SHEEKOOYIN