MEE JIRKAYGI?

MEE JIRKAYGI?

Waxaa qoray Cali M. Diini

(1)

Ma helo markii iigu dambaysay ee masaajidka aan tago, malaha saddex bilood ka hor bay ahayd. Kolkii horeba Jimcada un baan masjidka tagi jiray, taana bilooyinkii ina dhaafay isku ma dayin, sabab walba ha kalliftee, ama sabab la’aan ha ku dhacdee. Waagii aan qurbaha ku cusbaa waxa aan la yaabi jiray Lubnaanida iyo Afgaanida maalinta Jimcada un tukada ee masjidka taga, weliba ayaga oo taatuu miiran ah dabagaabyana xiran. Waxa se aan ka war helay aniga oo aayar aayar ayagii u la mid noqday ilaa aan markii dambe baradheeraaday. Waxa aan is arkay aniga oo Jimcada un masjidka tagaya, haddana Jimce dhaaf u tagaya, ugu dambaynna saddexdii Jimcaba mid un tagaya masjidka, si aan iimaankayga u caymiyo. Xusuusaha wadaaddadii aan ka maqli jiray ‘qofkii saddex Jimce dhaafto Islaannimadiisu waa ka kac’ aawadeed, kolkaa ayaan inta naxo masjidka ku carari jiray. Ha se ahaatee, ugu dambayn waxa aan is arkay aniga oo saddex bilood oo xiriir ah aan masjidka jeeniga gelin.

Yeelkeede, shalay ayaan go’aansaday, in kasta oo aan shaqo lahaa, haddana in aan Jimcada ka qaybgalo dabadeedna shaqada aado. Horta ma shalay bay ahayd mise dorraad? Ma hubo, kolley se middood bay ahayd.

Aniga oo daahsan baan masjidkii oo salaaddii loo istaagay galay. Safka ugu dambeeyay baan daraf ka ciriirsaday. Kolkii la salaamo naqsaday badi dadkii waxa ay u dillaameen dhanka iridda ayaga oo aad mooddid in ay meel u degdegayaan. Dadkii dillaamayay baan ka dhex aqooday nin saaxiibkay ah oo aynnaan muddo is arag; waan u yeeray balse waxa uu u muuqday in uusan i maqal i na arkin; waan ka daba orday dabadeedna garabka midig ka taabtay laakiin i ma uusan soo eegin. Mar labaad ayaan taabasho tii hore ka yara xooggan ku celiyay, mise Alley ka tahay, maba uusan dareemin. Ma dhagax baan tuujiyay mise qof? Waan kala garan waayay. Shaki ayaa i galay, miyuu i inkirayaa? Laakiin haddii uu i inkirayo sow ma uu dareemeen taabashadayda oo oogadiisu ii ma sheegteen in uu iska kay dhegatirayo? Ninku u ma ba muuqdo ku taabashadayda dareemay. Mar saddexaad baan ku celiyay aniga oo garabka ka tuujinaya magaciisana ku qaylinaya mise haba sheegin, wallay ka tahay, waaba uu sii socdaa. Aniga oo yara caraysan waydiimo badanna maankayga ku walhanayaan baan isaga haray. Waxa aan isku dayay bal in aan xusuusto wax gef ah oo aan saaxiibkay u geystay: tolow maxaan ku sameeyay? Ma kaftan aad maalin ku tuurtay buu ka carooday? Waa tii aad mar mar isla jabbanayn jirteene ma maalin uu jaad la’aan ahaa baad majin jaad ah hortiisa ku ruugtay oo aadan laan u taagin? Midddoodna waan soo qaban waayay. Haddaa maxuu kuu inkirayaa? War jiraabaa cakaaruu imaan. Laakiin saaxiibkay dhaqankan ma lahayn nin bareerihiisa iyo waxa uu kuu qabo la gabbadaba ma uu ahayne maxaa maanta helay? Looba joogee.

Inta aan gaarigeygi geyrka ku xareeyay oo duub shawaarma ah oo aan horay u soo qabsaday furfurtay oo gacanna isteerinka ku qabtay gacanna shawaarmadii baan dhankii shaqada taayirka u geddiyay.

Markii aan goobtii shaqada tagay, sidii caadada ahayd, waxa aan abbaaray shaashaddii shaqaaluhu iska xaadirin jireen: Afar nambar oo ah aqoonsiga shaqaale walba u gaar ah baad kombuyuutarka shaashaddiisa gelinaysaa dabadeedna waxa ay shaashaddu ku tusaysaa nambarka shiftigaaga iyo nambarka baska aad maalintaa qaadanaysid ee aad dayweynaha magaalada ku daldalaysid, ka gadaalna qof fadhiya qolka maamulka taraafigga iyo raadiyaha ayaad u tagaysaa oo aad ka qaadanaysaa warqaddii shiftigaaga (shift sheet) ee maalintaa. Balse amakaag baa igu dhacay; shaashadda kombuyuutarku marka aan riixo wax falcelin ah maba samaynayso, tabtii saaxiibkay ayaad mooddaa in aanan taabanba. Dhawr goor markii aan ku celceliyay balse wax isbeddal ah aan arki waayay baan damcay in aan u tannaagoodo nin fadhiyay qolka maamulka taraafigga iyo raadiyaha laakiin waxa aan ka war helay labo darawal oo i dabataagan, kuwaas oo malaha i daahsaday doonayayna in ay isxaadiraan. Dabadeed kii i soo xigay baan la hadlay: “Waa i diiddan yahaye bal adigu isku day,” intaan ku iri baan gees uga sikaday. Sidii qof aan i maqal buu inta afartii nambar garaacay dhankii qolka maamulka taraafigga u geddoomay. Waan yaabay. Darawal kale ayaa sidii yeelay. Waan la hadlay balse qofna i ma maqlayo. Maxaa si ah? Maxaa khaldan? Maxaa se dhacaya? Dhankii qolka maamulka taraafigga ayaa u tallaabsaday dabadeedna ka cawday in shaashaddu i diiddan tahay, mise maba i la hadlayo. Waxa uu u muuqdaa in uusan i ba arkaynin. Haloow! Adigaan kula hadlayaa! I ma maqashid miyaa? Maxaad ii inkiraysaa? Haloow! Haba sheegin. Ii ma ba jeedo i ma na maqlayo. Hadba darawal iga dambeeyay oo i soo feer istaagay buu shiftiga siinayaa. Aniga maba ii jeedo. Mise kutalagal buu isku kay dhaafinayaa? Maxaa dhacaya? Ma shaqadaa la iga eryay? Oo sow ii ma uu sheegeen? Waan wareeray. Waan dhididayaa haddana qarqarayaa. Waan xanaaqsan ahay haddana naxsan ahay. Waan kacsan ahay haddana yaabban ahay. Maxaa dhacaya? Maxaa la ii inkirayaa? Miyaan la ii jeedin? Sow anigan hor taagan aniga oo boorsada wayni garabka ii suran tahay? Aniga iyo boorsadaydaba na la ma arko miyaa? Maxaa na loo inkirayaa? Maxaa dhacaya? Ma noole lama’arkaan ah baan noqday? Ilaahow maxaa dhacaya?

Aniga oo anfariirsan misana wareersan baan xafiiskii maareeyaha ku cararay. “Maalin wanaagsan mudane, maxaa khaldan? Maxaa la ii la hadli la’yahay oo la ii inkirayaa?” iyo waydiimo kale ayaan ku hurgufay. Laakiin in uu ii jawaabo iskadhaafe i ma uusan dareemin in aan xafiiskiisa dhex taagan ahay; kombuyuutarka horyaalla un buu ku hundhuraa. Mar kale ayaan la hadlay aniga oo cod argagaxsan oo caraysan ku qaylinaya. Haba sheegin. I ma maqlayo, i ma dareemayo, in uu inkirayana u ma eka. Ilaahow maxaa dhacaya? Maxaa la ii arki la’ yahay oo ka ii maqli la’ yahay?

Qolkii nasashada shaqaalaha oo tobannaan shaqaale ahi dhex fadhfadhiyaan baan ku cararay. “Maalin wanaagsan mudanayaal iyo marwooyin,” baan cod gariiraya ugu salaamay. Midkoodna juuq ii ma furin. Iskadaa in ay ii juuq dhahaane xataa i ma ay dareemin in aan dhex taagan ahay. “Haloow! Haloow! La i ma maqlo miyaa? La i ma arko miyaa? Maxaa la ii inkirayaa?” ayaan ku qayliyay. Haba ka yaabin. Ilaahow maxaa si ah? Mid aan si gaar ah u sheekaysan jirnay baan garabka ka tuujiyay mise tabtii saaxiibkaygii aan masjidka ku soo arkay buu ii inkiray ama uusan ii dareemayn. Miiskii hortiisa yaallay baan si daran u garaacay aniga oo qaylinaya, mise wallay ka tahay. “Ilaahow maxaa dhacaya? Ilaahow maxaa dhacaya? Oh my Allaah! Yaa Allaah! What’s happening? Oh my God! What’s happening? I don’t get it!” Aniga oo ku qaylinaya ayaan halkii gaarigu iigu baakinnaa u cararay.

Aniga oo argagaxsan oo dhididaya wadnuhuna ii gariirayo sidii uu laabtayda ka soo fakanayo oo debadda u soo baxi rabo ayaan gaarigii galay, dabadeedna intaan kursigii darawalka dib i jiiday aniga oo neeftuuraya isku kala bixiyay. Waan dawakhmay oo lallabooday sidii wadno xanuun igu soo booday. Araggii indhaha ayaa i daciifay ilaa aan waxba arki waayay. Miyaan gam’ay mise waan miyirbeelay?

Halkeen joogaa? Indhaha ayaan kala furay. Baakinkii ayaan gaarigii ku dhex jiraa. Goorma ayaan seexday? Maxaa xilligan i seexiyay? Xilligee? Horta goorsheegtu waa immisadii? Goorsheegto gacanta bidix iigu xirnayd baan eegay. Aaway gacantaydi bidix ee goorsheegtu iigu xirnayd? Miyay i go’day? Waan yaabay. Sidee ku dhacday in gacantaydi bidix maqan tahay? Gacantii kale ayaan eegay mise ayana waa maqan tahay. Bisinka! Bisinka! Aaway gacmahaygi? Lugahaygi ayaan eegay mise ayaguna waa maqan yihiin, keligood ma maqnee aniga oo dhan baa maqan. Lugahaygi, calooshaydi, xabadkaygi iyo gacmahaygiba waa maqan yihiin oo igu ma yaallaan. Bisinka! Bisinka! Maxaa dhacay? Aaway jirkaygi? Muraayad haadka gudaha ee baabuurka ayaan damcay in aan soo jalleeciyo si aan u eego in madaxaygi asaguna maqan yahay iyo in kale, balse maxaan muraayadda ku soo jalleeciyaa gacmaba igu yaallaane? Bisinka! Bisinka! Ilaahow maxaa dhacaya? Ilaahow maxaa soconaya? Oh my God! What’s going on? My body just vanished! Aaway jirkaygi? Ilaahow maxaa socda? Kursiga aan gadaal ugu dangiigay baan damcay in aan soo toosiyo laakiin ayaduba waa cibaaree maxaan ku soo toosiyaa gacmaba igu yaallaane? Mee jirkaygi? Sidee suuragal ku tahay in jirkaygi qarsoomo haddana aan nool ahay? Miyaan dhintay? Maya ma aanan dhiman oo waa anigan miyirqaba oo wax walba arkaya haddana jir la’aanta ah. Sidee taasi ku dhici kartaa? Sow anigan wax dareemaya waxna xusuusanaya? Sow anigan wax arkaya waxna maqlaya? Sow anigan nool? Sidee ayaan haddaa jir la’aan u ahay haddana intaa oo dhan u dareemayaa? Ilaahow maxaa dhacaya? Kursigii ayaan kor uga soo hinqaday dabadeedna muraayad haadkii isku eegay mise waxba ma arkayo, isma aan arkayo? Jirkaygi dhammaantii waa maqan yahay haddana wax baan arkayaa oo waa anigan jirkaygi ii muuqan la’ yahay! Bal u kaadi! Haddii aanan jir lahayn oo indhahaygi oo jirka ka mid ahi maqan yihiin sidee ayaan markaa isu arki la’ ahay? Ama u arkayaa in aan is arki la’ ahay? Ilaahow maxaa dhacaya? Ilaahow ma fahmin. Laakiin sug, horta miyaan wax arkayaa? Haa waan arkayaa oo waa aniga arkaya gaariga aan ku dhex jiro: Isteerinka waan arkayaa, kuraasta iyo daaqadaha iyo dhammaan gaariga gudihiisa waan arkayaa. Xataa gawaarida dhinacyadayda arruman baan arkayaa. Muraayaddii ayaan mar kale isku eegay bal si aan u arko indhaha aan wax ku arkayo, laakiin waxa keliya ee aan muraayadda uga dhex jeedaa waa kuraasta baabuurka aan ku dhex caddilan ahay iyo cidlo ka sokaysa. Ma arki karo qudhayda arkaysa kuraasta baabuurka ee iga dambaysa. Xataa gaariga gadaashayda ku baakiman ayaan arkayaa, haddana anigaas wax arkayaa isma arki karo. Taasi ma maangal baa? Sidee naf aan ayadu is arki karin wax kale u arki kartaa? Tani wax dhaci kara iyo wax suuragal ah midna ma aha. Ilaahow maxaa jira? Miyaa la i maray?

Aaway moobilkaygi? Saacaddu waa immisadii? Waa kan moobilkii kursiga rakaabka hore saaran. Waan laacay si aan u soo qabto laakiin ma awoodo, waayo gacmo igu ma yaallaan. Oo halkee gacmuhu ku oolli lahaayeen jir dhanba ma lihiye? Waxa aan u holladay in aan baabuurka ka baxo, balse waxa aan xusuustay in aysan igu oollin gacmo aan albaabka isaga furo. Ilaahow sidee wax u jiraan? Sidii cunug yar oo hurdo casir ka salalay baan u baroortay. Gaarigan baas xataa kama bixin karo! Maxaa jira? Ilaahow ma fahmin. Mar kale ayaan saaqmay oo wareeray. Waxa aan dareemay wadne xanuun iyo dhidid. Waar u kaadi! Miyaan waalan ahay? Waa maxay wadne xanuunkan iyo dhididkan aan dareemayo jirba ma lihiye? Waan miyirdaboolmay, mise mayee, waan gam’ay?

 

La soco Qaybta xigta

SHEEKOOYIN