Mudnaan sidee ku yeelan kartaa?
Waa is waydiin ifiinaysa baahida uu qof walba u qabo yeelashada mudnaan ay dadka ku xushmeeyaan kuna qaddariyaan.
Waa dabceecaddeena in ay jiraan wax si guud aan baahidooda uga mideysanahay taas kama dhigna in kala duwanaanta uu Abuuraheena inoo sameeyay ay meesha ka baxayso.
Aragtida iyo maslaxadda waxaa loo qaybiyaa mid guud iyo mid gaar ah, midda guud waa mid ka wada dhaxaysa dadka oo dhan oo ay isku si’u raadiyaan isku sina aragti ahaan ay ka mideeysan yihiin, sidoo kale baahida ay u wada qabaana ay mid tahay taas oo la isku qilaafiin.
Hadaba is waydiinta haddii aan usoo laabto ayaa ah maxay tahay waxa nawada mideeya ee mudnaanta inoo wada leh.
Waxaa jira shaqsi walba wax uu jecel yahay in sifadooda uu yeesho taas oo noqon karta fakar guud ay umadda oo dhan kawada mideysantahay oo muran iyo fakar gaar ah qof leh uusan saamayn ku yeelan karin. Haddaba maxay tahay waxa aan ka wado ama ulajeedad aan u qoray qormadan?
Waa mudnaanta.
Si aad u yeelato mudnaantaas lawada raadinayo oo mabda’ahaan aan la isku qilaafsanayn waxaa jiri doono qodobo saldhig u ah oo sifadooda haddaad yeelato aad muteysanayso in aad noqoto qof ka mid ah dadka la wada jecel yahay.
Dadka la wada jecel yahay sifooyin gaar ah ayey leeyiihin si aad uga midnoqotana waa in aad yeelataa sifooyinkooda oo kale taas oo ku siinaysa mudnaanta aad mudantahay.
Hadaba maxay yiihiin sifooyinka aan la isku qilaafin ee kaa dhigi kara mid ka mid ah dadka lawada jecel yahay ama si kale haddaan u dhigo kaa mid dhigi kara dadka mudnaanta gaarka ah leh.
Si aad u ogaatid in aad ka mid tahay ama uga mid noqon karto dadkaas, waxaan si gaar ah isugu shuqli doonaa qodobo aan si gaar ah usoo xushahay kuwaas oo aanan dhahayn afka ayaan ka xiray oo wax laguma dari karo waxna lagama dhimi karo, laakin waa mid inoo wada furan wax ku darriddooda, balse aan is dhahay waa qodobada ugu macquulsan oo qof walba qancin karta.
Mudnaanta leh
1-qofka mudnaanta leh waydiisashadiisa ayaa aad u yar oo waa qof xishood badan iskuna daya in uu ilaa xad uu xannibo ama xakameeyo baahidiisa gaarka ah in aysan dadka ogaan ama uusan u ogolaan in qofna ogaado waxa uu doonayo isaga oo laga yaabo xitaa in uu baahi badan uusan qarsan karin ay jirto, laakin ay shaqsiyaddiisa iyo qaabka uu Alle u sameeyay aynan u ogolaanayn In uu soo bandhigo.
Taas dadka qaar Doqonnimo waa ku tilmaami karaan, maxaa yeelay dadka qaar waxay raganimo ama qof karnimo u arkaan in qofka uu muujiyo doonistiisa, taas oo aan dhab u jirin marka aan tooshka ku eegno raadinta ama Hellidda sifooyinka dadka mudnaanta leh.
Qosolkooda ayaa yar
2- qosolkooda ayaa yar, sifadooda ayaa ah in aysan dadka ku qoslin balse taa baddalkeeda ayaga ayaa isku qoslo.
Qosolka lagu qoslo dadka marnaba sifo wanaagsan ma noqon karto, wax qosol adiga kula noqon kara ayaan dadka kale la noqon karin, si marka loo ilaaliyo qalbiyada dadka ayey u doortan dadka sifadan wanaagsan leh in aysan qofna ku qoslin balse ayaga kaliya nafsad ahaan ay isku qoslaan.
Qosolka naftaada aad la qososho macna badan ayuu yeelan karaa, laakin waa mid adiga kuu gaar ah samaaynta uu yeelanayana ay adiga kugu egtahay, muhiimadda macna samaynayso ayaa ah in aad saamayn wanaagsan dadka ku dhex yeelato, haddii aysan taas suuragalayna aad baddalkeeda xakamayso saamaynta aad yeelan karto, sidaa darteed doorashadooda in aysan dadka ku qoslin waxaa la dhihi karaa waa mid si wanaagsan looga fakaray mudanna in looga daydo.
Dhagaysigooda ayaa badan
3- dhagaysiga wax la dhageysto aad ayuu muhiim ugu yahay Umadda, in la is dhahaystana waxay horseedaa in is faham guud lawada yeesho. Dhagaysiga sidiisaba waa mid ka mid ah qodobada muhiimka u ah is fahamka oo ay bulshadeena la’dahay.
Daka qaar ayaa wax u dhagaysta in ay jawaab Celin bixyaan taas oo ah mid qaldan, u dhagayso in aad wax fahanto ee ha u dhagaysan in aad jawaab bixiso, marka aad wax fahanto ayaad jawaab idin wada anfacdo bixin karaysaa, taas haddii la waayo waji fiican uma yeelanayso kan doonayo in la dhagaysto iyo kan wax dhagaysanaya.
Dhagaysiga in aad wax iska dhagaysto ma ahan, marka aad wax dhagaysanayso waxaa haboon in aad ku cabirto danta kuugu jirta waxa aad dhagaysanayso.
Sifada dadka mudnaanta iska leh iyo kuwa doonayo in ay mudnaan yeeshaan ayuu qodobkan muhiimad gaar ah ugu yeelanayaa marka ay dhagaysigooda ku cabiraan dantooda.
Ha dhagaysan wax aan dan kuugu jirin, si aad uga badbaaddo waqti qaali ah oo kaaga luma wax aan maslaxadda ahayn.
Cabashadooda ayaa yar
4 cabashada badan uma wanaagsana sifada qofka, sidoo kalana dadka ayaan jeclayn qof mar walba cabnaya. Cabashadaada waa in ay ku saleysnaataa xaq kaa maqan oo aad raadinayso ama aad u raadinayso qof la dulmay, balse marka ay dhabiil iyo halagu maqlo ay kaa tahay macna badan ma Suubiso, dadkana way kugu dhibsadaan.
Dhiirigalintooda ayaa badan
5- qofna tartan kulama jiraan laabtoodana wey kaa caafimaad qabtaa Xasad iyo xaqiraad, maxaa yeelay, qaab fakarkooda ayaaba taa diidaya.
Qofka wanaagsan sinnaba ugama suurowdo in uu qof horumarkiisa dhibsado, umana arki karo in ay isaga dhib ku tahay horumarka qof ku tallaabsado.
Waxaa badan dhiirigallintooda, qof walba oo hor u socod sameynaya wey kusii dhiirigalshaan waddada wanaagsan uu marayo, talo iyo tusaalaynba midka ay ku biirin karaan kama hagradaan, maxaa yeelay, astaantooda ayaaba sidaa ah.
Wey tusaaleyn wanaagsan yihiin.
6- wax tusaalaynta dadka ayey ku dadaalan ayaga oo naftooda ka dareema daganaan iyo dareen wanaagsan.
Dhammaanteen ayaa wanaag ku dareena ficilka wanaagsan ama hadalka wanaagsan oo qof ku tusaalayno qiimaha uu leeyahay ama howl uu markaa qabanayo oo aan talo wanaagsan ugu tusaalayno.
Wax tusaalaynta wanaagsan waa mid ka mid ah astaamaha dadka mudnaanta leh, mana ahan runtii tilmamahan aan soo sheegay mid uu qof walba ku dhiiran karo laakin waa astaamo uu qof walba in uu lahaad uu iska jeclaan lahaa.
Waxbixintooda ayaa badan.
7- waxay jecel yihiin in ay wax bixiyaan, waxbixintooda waxay noqonkartaa mid wajiyo badan leh, mar waxay bixiyaan waqtigooda, maalkooda, xoogooda iyo xaqooda iyo maankoodaba.
Waxbixintooda ayaa dhinac walba leh, waana astaan ay ku muteystaan jacaylka dadka kale.
Tan waxaa usii dheer ayaga oo waxbixinaya ayey haddana waxba filan oo marka ay waxbixinayaa ma ahan kuwa fisha ama doonaya abaal Marin iyo mahadnaq toona, waxay wax u bixiyaan si maankooda iyo laabtoodaba u xasisho.
Intan ayaan kusoo koobi lahaa qormadan magaceedu yahay (Mudnaan sidee ku yeelan kartaa?)
ka raali noqdo wixii aan qalday ama haddii aan meelaha qaar u isticmaalay erayo aan ku haboonayn. Taladiina iyo tusaaleyntiina waan soo dhaweynayaa idinka oo mahadsan
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com