NIN SABOOL AH IYO NIN HODAN AH
Qabow aad u daran ayaa jira, waana xilli habeen ah. Nin hantiile ah ayaa la kulmay nin oday ah oo sabool ah, oo hoy la’aani hayso isla markaasna meel bannaan ah fadhiya. “Miyaadan dareemeyn qabowga daran ee dhacaya, adigoonan haysan wax buste ah ama se aanan gashneyn dhar suuf ah?”
Ninkii odayga ahaa ayaa ku warceliyey, “Ma haysto balse, sidan uun baan ahaa waligey.” hantiilihii ayaa ku yiri, “Aniga i sug, gurigeyga ayaan tagayaa waxaanan kuu keeni doonaa buste aad hugsato.” Ereyadaas ayaa ka farxiyey ninkii saboolka ahaa, waxa uuna u sheegay in uu sugi doono.
Ninkii hodanka ahaa waxa uu tagay gurigiisa balse waxa uu galay hawlo kale, sidaas ayuuna ku illaaway ballantii uu qaaday. waagii markuu beryey ee uu hurdada ka soo toosay ayuu soo xusuustay ninkii saboolka ahaa, ka dibna waxa uu tagay halkii uu habeenkii kula kulmay, laakiin isagoo naftu ka baxday oo meyd ah ayuu dul istaagay. dhambaalna dushiisa saaran oo dardaaran ah ayuu arkay.
Dhambaalki ayuu kala furay waxa ayna u qorneyd sidan: “Markii hore ma haysan dhar adag oo aan dhaxanta ka dugsado, balse waxa aan lahaa awood aan kula dagaallamo qabowga, maxaa yeelay waan ku talogali jirey. balse,markii aad iga ballanqaadday in aad i kaammeyneyso, adiga ayaan isku kaa halleeyey, taasina waxa ay meesha ka saartay awooddeydii iska caabbineed ee aan lahaa.
Haddii aan dhinto, qof dambe sidan ha ku sameyn. Haddii se ay wali naftu igu dambeyso, ballantii aad iga qaadday iigu beddel badbaado nafeed, wali waan kuu baahanahaye. Ilaahey ha kuu naxariisto, waana ku saamaxay.”
DULUC: cidna ha u ballan qaadin shey haddii aadan oofin karin. Wax macno ah in aysan ballantaasi kuu laheyn ayaa laga yaabaa, balse qof bey wax walba u tahay.
~ Qoraaga lama yaqaanW/T: Ibraahim Nolosha