Qalbi QaraxπŸ’”πŸ’”πŸ’”. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qalbi QaraxπŸ’”πŸ’”πŸ’”

😒 😒 😒muddo ayuu daba socday oo dhinac walba ka riixayay sida ay mar uun gacantiisa usoo gali lahayd.

Dadaal uma yareyn runtii dhan walba ayuu duulaan ka qaday, xaqiiqda ayaa ahayd in uu si aad ah u doonayay in uu mar uun ka dul dhaco Geenyadana labaatiisa mashquulisay.

Codsi walba uu dhiibto jawaabta kasoo dhaba dhacaysay ayaa ahayd diidmo aan darbi lagu gabin oo toos ayaa loogu deerin jiray.

Waydiimaha ugu badan ee uu is waydiin jiray ayaa ahayd maxaa u dhibaysaa qoftan dayro, diidmo, diir xumayn iyo dadaalkaaga oo aan u muuqan intaba dariiqa waata ku dartee maad iska daysid!?

Wuuba fiican yahay hadduuba is waydiintaas badqabka ah laabta ku haysto, hadana sidaas ay tahay waxaa jiray wax niyadda ka dhahay ha hakan hadda ayey xaaladdu dhowdahay mar dhaw waad ka dul dhacaysaa dhibleydan.

Wuxuu ahaa Maquuste aan gaban, wuxuu sii waday dadaalkiisa dulqaad badana wuu usii yeeshay darxumaynta ay ku haysay.

Ugu dambayntii wuxuu ku guuleystay in ay telka ka qabato oo toos ula hadasho, tookadan diidma ma ahan xaalkeeda waxna ma ogola, balse, dabacsanaan ayaa ka muuqata, maadaama uu jaanis u helay in la dhagaysto ayuu si macaan u kala fidsaday carrabkiisa malabka sii deynayay kuna shubay dhagaheeda macaanka malabka ee ay dhadhankiisa dhagta u raaricinaysay.

Waxaa muuqatay in ay u adkaysan waysay macaanka dhagaheeda kusoo dhacaya, waxay is tusisay waxa ay waligeed ka baqan jirtay ee ah beenta ninkan ku shubayo, shaki ayaa ku jiray ahaa haddii ay qofkan mar dhagaheeda usii kala furto in uu iyada dhan yeelanayo balse kuma baraarugsanayn in maanta wixii ka bilowda qayb lagu yeeshay qalbigeeda laakin is giijaamin dumar iyo difaac nafsi been ah ayey isku maaweelinaysay, isma oga waysa ogaan doontaa!!! iyada oo dag dagaysa ayey ku tiri “iga jooji fadlan ma sii dhagaysan karee”.

Laba usubuuc ayuu ka gambistay si ay nafis u dareento, markan wuxuu is leeyahay waxbaad ugu yaraan qalbigeeda ku taabatay, hubaal in ay kuu dhaga nuglaan doonto waqti sii oo cadaadiska ka yaree.

Waqtigii uu islahaa ha ku nafisto markuu dhamaaday ayuu wacay mise markan waaba ka dagantahay sidii hore ma jirto wax diidma iyo dood ah oo ay kala hortimid codsigiisa, wuxuu bilaabay in uu magacya macaan ugu yeero, markan xoogaa way dhoola caddaynaysaa laakin magacayda qaar ugu yeeristooda ayey ka aamustaa jawaab ka bixintooda, ilaa xad way is aruurisay oo isma aysan ballaqin, difaac adag ayaa u xiran digniinaheeda ah in uusan dib dambe usoo wicin marka ay sheekada telka sii dhamaanaysana joogto ayey ahaayeen, sidoo kale waxay u muujinaysay in aysan raali ka ahayn wicitaanka faraha badan ee uu soo wacayo ayna aad u dhibsanayso balse qaddarin ay qaddarinayso ay telka ugu qabato, sidaas darteed ayey codsi ah in aysan ku faraxsanayn la hadalkiisa u gudbin jirtay, laakin taas kama aysan niyad jabin kusii salbalaarashada uu qalbigeeda ugu salbalaarsanayay.

Isaga guri ayuu qalbigeeda ka dhex dhisanayay, maalin walba meel ayuu dhismaha ku hakin jiray, wuu ogaa waxa ku horgudban balse hadaf ayuu lahaa ahaa in uu mar ka dul dago, waqti kuma socon kamana lumayn, marka uu wacayo iyo waqtiga uu telka kula qaadanayo dhamaan waxay ahaayeen kuwa uu qorshaysan qarasha ahaan iyo waqti ahaanba.

Dhinaceeda lama socoto dhismaha laabteeda ka dhex socda, way foojigantahay umana cuntamayso in ay ninkan isku dhiibto, dareen ahaan ninkan xumaan in uu u geysanayo ayey ka aaminsantahay oo way ogtahay waana saababta ay uga gaashaamato, intaas waxaa usii dheer in ay aragtay maqashayna in dhowr gabdhood oo xaafadda ka tirsn uu ninkan ku faagtay, sidaa darteed, maba jirin wax ka qarsoon oo daliil cad oo ay iskaga difaacdo ayey haysay. Sidaas ay tahay waxay bilowday in ay xiisayso la hadalkiisa waqti aysan ku tala galina la qadaato, la qososho, la qaybsato dareen dhanka telka la iskugu muujiyo, muddo 45 cisha ah markii sidaa lagu jiray ayey is aragtay iyada oo telka ka dhunkanaysa una muujinaysa inta ay dareen ahaan jeceshahay, yaab badanaa!!!.

Xiriirka dhinac walba ayuu u sabbaynayay, waxay wada bilaabeen in dhanka maqaayadaha sheeka wadaag lagu noqdo waqtiyada qaar la isla qaato, jacayl caadaas marayo ayey dareentay waysa hilmaantay in uu ninkan ahaa dhurwaagii ay iska yurayn jirtay, waa isla dhurwaagii ay ogayd ee soo laqay 10 ay taqaano oo asaageeda ah, waa isla dhurwaagii looga digi jiray in aysan shabaqiisa ku dhicin maxaysa maanta ka fakartaa, maxayse ka foojignaataa isla dhurwaagaas ayey dharartaa goorta uu xageeda usoo nuu’layn doono, micnaha la soo hadli doono.

Qorshihiisa hadda sidii loogu tala galay ayuu ugu socday, wuxuu ku casuumay qolkiisa iskaabulanimada urkeeda laga dareemayo marka la ag marayo, bals waa ku adkaatay in ay codsigaas aqbasho, wuxuu ogaa in ay gacantiisa ku jirto markaas ayuu is xanaajiyay, maxaa yeelay, markan kalsoonida uu naftiisa ku qabo ayaa gaarsiisay in uu caro u muujiyo, dhowr maalin lama uusan hadlin, telka marka ay soo wacdana kama qabto, marka ay qoraal usoo qortana wuxuu ugu koobaa “runtaa ayey ahayd kuuma qalmin, aniga ayaa is waday iga raali noqo naftaada dib u hano, dadaal dheer iyo jacayl qalbigayga ka yimid ayaan ku siiyay, kulli kuma gaarsiin in aad i aaminto”.
Maadaam uusan telka ka qabanayn ayey qoraal ahaan ugu soo qortay waan kuu imaanayaa galabta jimcha casirka kadib waana ka xumahay in aadan telkayga qabanayn laakin maadaama sababta xiriirkeena xumaysay ay tan ahayd waxaan goostay in aan meesha ka saaro.

Waa farxaddiisa, wuxuu bilaabay in uu qolka jajafto sariirta go’a jiifka aan muddada la dhaqin baaldi inta biya iyo Omo la dhigay ku qasay xaaqina la maray goobo qolka ka mid ah oo caaro ay buuxisay, carfiso uu dukaan u dhawaa ka soo qaatayna ku rusheeyay qolka oo dhan .

Ilaa xad qol hawadiisa lagu raaxaysannkaro ayuu ahaa, sariirtii halka go’ lahayd go’ii uu dhaqay si qurux badan oo jajab aan lahayn ugu goglay.

Wuxuu ahaa nin kala fiiqista dumarka qibrad u leh, sidaas ay tahay kalsooni darro yar ama shaki ayuu ka qabay kaamilnaanta raganimadiisa oo daawo ayuu mar walba kaalmaysan jiray si tii soo martaaba iyada oo afka haysata ay guriga uga baxdo.

Waa tan iyada oo si wanaagsan usoo labisatay ciddeedana ugu soo sheekaysay in ay aroos aadayso ayey qolkiisa soo garaacday, gudaha marka ay soo gashayna dhunkasho dhanka dhabanka ayaa la is waydaarsaday.

Waa goobtiisa jiifka waa goobtaa uu ku qasho qalanjooyinka uu qalbiga ka xado, iyada kuma soo tala galin xaaladda ay qolka ugu timid oo kuris la fariisto meesha maba aalin, sariirta oo kaliya ayaa meesha tiil.

Waxay waydiisay kursigiisa? wuxuu ugu jawaabay “maba lihi mana u baahni sariirta ayaa wax walba ii ah maxaan uga baahanahay kursi”?Waxay fahantay in ay ku qasbanaatay in ay aqbasho in sariirta lagu wada fariisto.Wuxuu ka codsaday in ay sii fadhiso inta uu banaanka kasoo qabanayo wax ay wada cabaan cabitaan fudud, maadaama wax cabitaan ah aysan u diyaarsanayn.

Kadib soo laabashadiisii iyo cabitaankii ay wada wadaageen ayuu bilaabay in uu amaan iyo mahadcelin uga xadreesiiyo dareemaha jirkeeda, balse iyadu difaac ayey ku jirtay warkan kuma socon, waxay dhararaysay waqtiga ay qolkan ka bixi doonto iyo sida ay uga bixi lahayd. Wuxuu bilaabay in uu uga sheekeeyo sida uu ugu dhabar adeegay xiriirkooda iyo dulqaadka uu u yeeshay sida ay u fogayn jirtay, markaas ayuu waydiiyay bal haddii uu warkeeda yeeli lahaa in maanta jawigan macaan lagu jiri lahaa iyo in kale.

Iyada oo sheekada talantaaliska ah ee dareenka macaan dhankeeda ka qaadanayso ayey ugu hambalyeysay raganimada iyo kartida uu u muujiyay, waxayna tiri “waxaad ahayd nin og waxa uu rabo, waad ku guulaysatay waa kan galabta qolkaada aad i keentay”.
Isag oo is hamuuninaya isna mahdinaya dhoola caddenayana ayuu sariirta dhanka ay uga fadhisay usoo dhawaaday isag oo dhagteeda ka codsaday in ay usoo dhawayso si waxa uu u sheegi doono ay qalbiga kaliya uga maqasho.

Iska caabin yar ayey muujisay inkastoo markii dambe ayey ka ogolaatay, isaga oo xaadda dhabankeeda ku taal neef yar oo sankiisa kasoo baxaysa ku taabtay buu dhagteeda bushimihiisa dulsaaray si dareen lehna inta labada bushiimood ugu kala fididyay ku yiri “waan kuu baahanahay waana ku jeclahay mar walba” kadibna isaga oo soo ceshanaya afkiisa baasha tuuganimo leh ku xaday dhabankeeda.

Muuqaalka uu sugayay oo is lahaa waad kala kulmaysaa mid ka duwan ayaa indhaheeda uga muuqday, madluun iyo dareen baahi ayey la soo jeesatay, iyada oo la yaab muujinaysa bay dhoola caddayn xishood ka muuqdo la jeesatay.

Wuxuu dareemay in falka uu sameeyay aan laga jawaab celin balse in lagu faraxsan yahay loo muujiyay, wuxuu bilaabay in uu iyada ka codsado wax badan oo mustaqbalkooda ah, iskama aysan caabin karin, intaas uu hadlayay xaaddeeda ayuu sii kicinayay ilaa uu barkinta madaxeeda dul dhigo garbasaar ay qabtay oo wajiga ay ku daboolanaysayna ka wareejiyay markan waa kan kala duldhacay baasha bushimahana u saaray.

Aad ayuu ugu sii siqay isaga oo ay u muuqato in jaaniskii uu ku hamminayay uu galabta haysto hadduu iska sii daayana uusan mar dambe heli doonin.

Dhankeeda iska caabin yar iyo erayo muujinaya sida ay wax u dhacayaan in aysan raali ka ahayn ayey muujinaysay, balse dareenka iyo baahida jismi ay qabto ayaa mararka qaar u ogolaanayn in ay iska caabin jismi oo xoog leh muujiso.

Dhul ballaarsi badan ayuu kusii waday ilaa ay ka noqoto mid is dhiibta dantii uu ka lahaana ka gaaro.

Iyada oo xishoonaysa dayro iyo haaraana wadda ayey qolka isaga baxday, go’aan ayey ku gaartay in meeshan aysan mar dambe kusoo laaban doonin balse, markii ay xaafadda tagtay ayey habeenkii laba indhodood isku geyn waysay, mar illin murugo ayaa ka qubanaysay, marna kaligeed ayaa isku qoslaysay oo dareenka macaan ee meesha ka dhacay ayey macaansanaysay.

Subixii xigay waa kan telkiisa soo garaacday, isaga wuu naxsanaa wuxuu is lahaa cananaan iyo qaylo ayey kugu bilaabi doontaa laakin cod dagan oo xishood iyo muuso macaan ka muuqato ayaa lagu nabdaystay waxaana la waydiiyay siduu ahaa xalay dareenkiisa? isagana isaga oo muujinaya in qaladka dhacay uu ka raali galinayo buu wuxuu mar kale ka sii codsaday waqtiga kale ay u iman karto?markan waa ka tijaabo ma uusan filayn in ay aqbalayso laakin si lama filaan ah ayey ugu tiri “caawa maqribkii firaaqo ayaan leeyahay waan kuu iman karaa balse waqti badan kulama joogayo”.

Iyada oo sidii hore si ka daran quruxdeeda usoo muujisay ayey u timid, markan kalsooni ayaa ka muuqato cabsi maba ku jirto, baashaal kale oo qayb ay ka ahayd ayaa ka dhacay goobta. Maalma kadib waxay xagiisa ka dareentay isbaddal gaabis ah, sidii hore xowliga ahayd xiriirka uguma socdo, sidii hore uma soo waco, sidii hore uma xiiseeyo, sidii hore uguma baahna, mararka qaar wiciddeeda kama qabto.
Waxay dareentay in laga dan gaaray. Waxay dareentay in aysan qiimihii hore u lahayn.
Waxay dareentay in ay agtiisa qof hoose ka tahay.
Waxay dareentay in aan baahi loo qabin.
Waxay ka niyad jabtay rag oo dhan.
Waxay dib u xisaabin ku bilowday xilliga ugu dambeysay dhiigeeda caadada, mise muddo saddex usbuuc ah ayaaba ka soo wareegtay, Allah!!!!! Dhiigii caadada lama hayo
Wicidda ayTelkiisa wacdo waa joogto lagamana qabto.
Fariimo badan ayey u dirtay jaawabse ma lahan.
Gurigiisa ayey ugu tagtay dhowr jeer mase u suura galin in ay hesho.
Waxay qaadatay go’aan ah in cunuga caloosheeda ku jira ay iska saarto.
Nolosheeda oo dhan sidaas ayey isku baddashay isagii ay jecelayd oo ay nolosheeda dhan u hibaysay meel laguma hayo, waxay agtiisa ka noqotay alaab la isticmaalay oo dantii laga lahaa laga gaaray qiima dambana aan u lahayn dib dambe.
Nolosha waa socotaa cidna uma hakato, xoogaa kadib waa iska guursatsy laakin Uur ma qaadin.
Sanado kadib ilma dhalid la’aan darteed ayaa loo soo furay, laakin muddo gaaban kadib hadana waa guursatay iyada oo u baahan in ay wax dhasho, laakin muddo markii la joogay ayey ku baraarugtay in ay wax ka qaldan yihiin loona baahan yahay in ay dhaqtar la xiriirto, kadib baaritaano badan oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in minkeedu dhaawac xoogan ka soo gaaray cunugii ay hadda ka hor iska soo xaaqday.
Ninka qabo marka uu ogaaday in aysan qoftan wax dhali karayn ayuu ka daneestay oo Xaas kale samaystay, markan waxay si dadban u noqotay qof aan macna sidaas ah u lahayn ninkeeda, dabcan sida kale haddaan u dhigo guurka lagu qabo ayey si dadban Addoon ugu noqotay.

Xaalkeeda hadda taagan waa sidaas, laakin ninka qabo xaaskiisa cusub cunugii ugu horeeyay ayey caloosha ugu siddaa, dhanka xaaska kale ayuu uga batay, xageeda raja la’aan ayey guurkan ugu nooshashay iyada oo is dhahaysa ma heli kartid qof kale oo nolosha aad la qaybsatid.

Dhammad

Qof dartiis.waxba ha u samayn.
Qof farxaddiisa ha dumin taadana ha hallayn.
Qof dantiisa ha u noolaan haddii dantaada aysan ku jirin.
Fadlan ha ku dhihin waan ku jeclahay haddiiba ay qayaano kuu duugantahay doonaysidna in aad hadhow dayacdo.
Waa gabadheena
Walaasheena
Hooyadeen
Xaaskeena
Inaga ayey naga timid
Iyada ayaana ka nimid.

Qore: Mohamed Musa Sh. NoorπŸ˜­πŸ˜­πŸ˜­πŸ˜­πŸ’”πŸ’”πŸ’”

SHEEKOOYIN