Qoraagii Qarsoonaa| W/T: Maxamed Habybe Axmed
Waxaa aan ahaa qoraa. Waxaan qoray buugaag, haddana waan qoraa, balse, qofna ima yaqaan. Waxaa igu dhacay; wax la yaab leh! Haddana qofna ima arki karo, waxaan indhaha dadku arki kareyn ayaan noqday. Waxaa igu dhacay wax aan caadi ahayn! Anaa kaaga sheekeyn doona, waxa ay ahayd. Bishii Jeenawari, waxaan doonay in aan qoro buug dheer, sidaa daraaddeed, gurigaygii baan isaga tagay, waxaanna helay qol yar. Kani waa qol ku wacan qoraaga, ayaa aan ku fikiray. Waxa aan ku qori doonaa buuggayga halkan. Wuxuu ahaa qol yar, balse, waan jeclaaday. Wuxuu ahaa mid aan sawaxan iyo buuq toona lahayn.
Waxaa aan gudagalay hawshii buuggeyga, waxaana aan ahaa mid riyaaqsan, dabadeed, waxaan billaabmay waxyaabihii layaabka lahaa!. Maalin, aniga oo miiskeygii fadhiya gacantana qalin iigu jiro ayaan sii lama filaan ah u idhi: waxaa aan u baahanahay kaafee, balse, maan heli kareyn (maan haysan) waa inaan dukaanka tago. Inta aan qalinkeygii miiska dul dhigay, ayaan baxay.
Marka aan soo laabtay, waxaa aan raadiyay qalinkaygii. Muu dul oollin miiska. Waxaa aan ka eegay sibidhka kursigayga hoostiisa, haddana waxaa aan jalleecay miiskii dushiisa. Waxba muu oollin. Arrintan maan fahmin, ayaan hoos isku idhi. Habeen kale, wax la yaab leh ayaa dhacday!. Waxaa aan dul jiifay sariirta, qolkuna wuxuu ahaa mid bilaa sanqadh ah.
Si lama filaan ah, ayaan indhaha u kala qaaday: waa maxay waxaasi? Ayaan idhi anoo yaaban! Dabadeed, Waxaan maqlay cod nin. Yaa jooga meesha? Ayaan ku dhawaaqay. Waxba leyma jawaabin, mana jirin qof qolka ila joogay!. Waan fahmi waayay, waxani wuxuu yahay, waxaana dareemay cabsi. Maxaad samayn kartaa ayaan ku fikiray? Maxay ahaayeen waxani? Intaa ka dib, waxyaabahan la yaabka lihi, waa kuwo maalin kasta dhacaya, hase ahaatee waa inaan buuggayga dhammeeyaa, sidaa awgeed waa inaanan meesha ka tagin. Qolku wuxuu ahaa mid yar. May jirin waxyaabo badan oo qolka yaallay; sariir, miis iyo kursi kaliya ayaa dhex qotomay. Waxaa kale oo jiray muraayad qadiimi ah oo gidaarka ku dhegsanayd, waxayna ahayd mid aan jecelahay. Maalin maalmaha ka mid ah waxaan eegay muraayaddii. Waxaan arkay isagii. Waa ninkii kale; aniga muu ahayn. Ninkani wuxuu leeyahay gadh, balse, anigu ma lihi!
Indhaha ayaan isku qabtay, dabadeed mar labaad ayaan fiiriyay. Markan waxaan muraayadda ka dhex arkay wajigaygii. Taasi wax dhici kara maaha ayaan idhi. Waan qaldanaa. Ma jirin nin meesha joogay! Maalintaa waxaan u baxay socod, kamana shaqayn buuggaygii. Maan dooneyn inaan qolka joogo. Maan rabin in aan arko ama maqlo, waxyaabahan layaabka leh!. Habeen, ayaan tagay mar labaad qolkii. Qolku wuxuu ahaa mid juuq iyo jabaqla’. Waxaan fiiriyay muraayaddii, waxaan arkay wajigaygii, balse, maan faraxsaneyn. Waxaan tagay sariirta, balse, maan seexan kareyn. Barri halkan waan isaga tagi doonaa, ayaan is-idhi. Intaa ka dib, waan seexday, balse, mar kale, waxaa dhacay: waxyibihii layaabka lahaa.
Ninkii kale ayaa soo dhinac istaagay sariirteydii, wuuna ila hadlay. Halkan waligaa kama tagi doontid ayuu yidhi. Aniga ayaad ila joogi doontaa, dabadeed, waxaan kala qaaday indhahaygii. Waxaan ahaa mid dhaxmoonaya oo cabsoonaya. Hadda ayaan isaga tagayaa ayaan idhi. Ma sii joogi karo hal daqiiqo. Si degdeg leh, ayaan alaabtii shandad ugu gurtay. Waa inaan hadda ka dhaqaaqo meesha. Maan illaawi kareyn ninkaa, sidaa awgeed, aad ayaan u cabsoonayay, balse, maxaan uga cabsanayay? Garan maayo.
Qolkii dhexdiisa ayaan eeg-eegay. Sidoo kale mar labaaad waxaan fiiriyay muraadda dhexdeeda. Si lama filaan ah ayaa aan u dareemay qabowgii iyo cabsidii oo igu sii kordhaysa. Kamaan dhex arki kareyn muraayadda ninkii kale. Waayo? Maxaa yeelay, meesha muu joogin. Haddana waxaan eegay muraayadii; Muraayadda kama dhex arkeyn wajigaygii. Maba jirin waji (wajigii iguma yaallo) maxay tahay sababtu? Waxaan billaabay inaan kor u dhawaaqo, balse, wax cod ah oo iga soo baxayaaba ma jiro! Ma lihi wax cod ah. Dabadeed, waxaan arkay isagii. Waxaan arkay ninkii kale; ninkii gadhka lahaa, balse, muraayadda kama dhex muuqan. Wuxuu fadhiyay miiskeygii isaga oo gacanta ku haysta qalinkeygii. Wuxuu qorayay buuggaygii, isaga oo ku qorayay qalinkeygii. Waxan ahaa mid aad uga cadhaysan arrintaas, waxaanna isku dayay inaan hadlo, balse, waan kari waayay inaan hadlo, maxaa yeelay, maba jiro codkeygii. Ninka kale muu hadlay. Wuu dhoolacadeynay, wuuna qorayay. Si kadis ah ayaa waxaa ka soo yeedhay cod dhankii albaabka. Waxaanna maqlay codkii saaxiibkay. “Miyaad joogtaa?” ayuu saaxiibkay ku dhawaaqay, waxaan rabaa inaan ku arkee? Waxaan ahaa mid aad u faraxsan. Saaxiibkay baa i caawin doona ayaan ku fikiray, balse, maan dhaqaaqi kareyn. Ninkii kale inta uu dhankii albaabka tagay ayaa uu furay.
Soo gal ayaa uu ku yidhi saaxiibkay. Kaalay oo arag qolkeyga yar. Saaxiibkay wuxuu galay qolkii, balse, ima uu arki kareyn. Ninkii kale wuu dhoollacadeeyay. Saaxiibkay wuxuu yidhi: “Alla! Imika gadh baad yeelatay!. Waan isku dayay, inaan hadlo, balse, waan kari waayay. Saaxiibkay ima uu arki kareyn, imana uu maqli kareyn ee waxa uu arkayay ninka kale. Taasi waa sheekadeydii. Ninkii kale wuxuu qaatay qolkeygii. Sidoo kale wuxuu qaatay wajigaygii iyo codkeygii, sidaa si la mid ah, wuxuu dhammaystiri doonaa buuggayga, balse, ninkii kale mid ayuuna ogayn: inaan wax qori karo; inaan sheekadayda sheegi karo, waana tan aan kuu sheegayo! Maxaad ka fahantay sheekadan?
W/T: Maxamed Haybe Axmed