RAQDII AFISYOONE| WQ; CALI M. DIINI

Raqdii Afisyoone

 

Fallaaraha qaxmaya ee cadceedda bisha Maarso ku soo ligligtay dhulka waxa aad mooddaa in ay si caabbis li’i ah uga soo tusayaan jiingadda dhakadayda ka dhakoosha. Iridda ka samaysan fuustada la fidiyay ee rinjiga cagaaran la mariyay waxaa iga soo salaamaya hanfiga fallaaraha qoraxda Maarso ee booskeedi cirka ka soo sikatay. Waxa aad mooddaa in laamiga burburay ee hormara filla shanta qol ah ee aan ku jiraa uu iska diiday fallaaraha kulul ee qorraxda soo dhowaatay ku soo halgaadaysay uu na u soo daadafeeyay qolka dhagaxa iyo shamiitada ka samaysan ee aan aniga iyo soddonka arday ku jirno. Dariishadda keli ah ee dhabarkayga ku beegan qudheedu ii ma naxariisanayso oo marmar ayay hanfi igu soo daacaysaa. Dhawr goor dariishadda xiray haddana ballaqay laakiin inta badan in ay ballaqan tahay iyo in ay xiran tahay waa isku mid. Malaha dhismayaasha ka dambeeya ayaa dabayshii ka soo gudbi lahayd isbaaro u dhigtay. Huurka iyo dhamacda Maarso oo lagu daray darbiyada dhagaxa iyo shamiitada ah, sagxadda ayaduna shamiitada qaawan ah iyo jiingadda gabowday ee korkeenna ku gambooni waxa ay khalkhaliyeen oo mashquuliyeen naftaydii awalba kalaqaarnayd waxaa na gabaabsi noqday dhugmadii aan u yeelan lahaa waxa macallinka na hortaagani sabuuradda ku xarxariiqayo, haddana uu tirtirayo asaga oo aan na waydiin in aan qorannay iyo inkale.

Soddon daqiiqadood oo uu na hortaagnaa ugu yaraan toban jeer ayuu sabuuradda buuxiyay haddana uu masaxay aniga oo aan wada qoran waxii uu ku qoray.

Tan iyo aroortii habaryar Ardo iskoolkaan i keentay ee fasalka 7aad la i fariisiyay dhammaan barayaasha maaddooyinka tirada badan waxaa caado u ahaa dhaqankaas sabuurad buuxinta iyo degdeg ku masixidda ah. Waxaa taasi sababtay in halkii ardaygu dhugmo u yeelan lahaa waxa macallinku sharraxayo uu ku mashquulo minguurinta waxa macallinku sabuuradda ku qoray. Keliya ardayga gacanta fudud un baa awooday in uu wada qorto waxa macallinku sabuuradda ku xarxarriiqay, laakiin kuwa sidayda oo kale gacanta culusi kansho u ma helin ay uga bogtaan faallada macallinka. Waxa ayba ku qasbanaan jireen in marka xiisaddu dhammaanto u tagaan ardayda gacanta fudud si ay uga soo minguursadaan waxii macallinka degdegsanaa tirtiray.

Maalintaa se huurka iyo hanfiga Maarso, iyo macallinka degdegga badan waxaa iiga darnaa arrin kale oo maankayga xulayay. Hadba waxa aan eegayay goorsheegta Kaasiyada (Casio) ah habaryar Ardo suuqa Bakaaraha iiga soo gadday. Waxa aan sugi la’aa goorsheegtadu kowda duhurnimo dul qotansato si aan halhaleel iridda uga boodo ka dib na aan Baarubax afka u saaro. Waxaa igu liqdaarnayd ballantii Afisyoone ee aan habeennada badan soo dharaandhirinayay taas oo saacado koobani ka hareen. Midda ugu daran ee aan ka cararayaahi waa dib u dhac iyo ka daahitaan waxii aan habeennada badan soo dhisayay hal bacaad lagu lisay ka dhiga.
Waxa ay ku bilaabatay sheeno berigaas Muqdisho caan ka ahayd oo la oran jiray Ku Nasiibso. Waa intii aan Jeeb-Tarraqyada iyo danyarta aniga oo kale ahi aysan awooddin gadashada Moobeellada Gacanta (Cellphones) balse ay habeenkii ku saamaleyli jireen Taleefannada Fiilada leh (Landlines).

Marka habeenkii waayeelku seexdaan ayaa dhallintu taleefannada fiilada dheer leh soo jiitaan dabadeedna bilaabaan garaacista lix nambar ayaga oo naawilaya in ay ka qabato gaashaanti ay la haasaawaan. Xeerka ku nasiibsadu waxa uu ahaa in taleefanka degdeg la isu saaro haddii nin qabto, haddii se qof dumar ahi qabato fursaddu waa konton-konton in qoftaasi noqoto gaashaanti ku fahmaysa oo sheekada kula gurta. Waxaa se marar badan dhici jirtay in marwo la qabaa kaa qabato ama ayeeyo, oo halkaas guuldarro kaa raacdo.

Ka dib habeenno badan oo aan guuldarraystay, ugu dambayn habeenkii barakaysnaa waa yimid. Ay qabatay oo “hello” tiriba dareemay in codkaas cuddooni yahay ku xor ah. Yeelkeed’e, jikaar iyo ku adkayn badan dabadood is fahannay sheekadana isku dhurnay oo kala dhurnay.

Wax aan habeenno badan sheeko iyo qosol ku dhafarno, iyo wax aan habeenno tiro beel ah jacayl ujeeddo iyo jiho la’aan ah isla dhisnaba ugu dambayn ku ballannay in aan isugu nimaanno jardiinka Footada u dhow Hoteel Naasahablood, Timajaraha agtiisa, isgoyska KM4 agtiisa.

Si halhaleel ah ayaan yunifoomkii iskoolka isaga bixiyay ka dib na biyo shagax isku siiyay oo bariis isku karis ah degdeg ku laqlaqay ayaan galay qolkii taleefanku ku jiray dabadeedna lixdii nambar garaacay. Sidii ayada oo taleefanka gacanta ku haysay dhaqso uga jawaabtay wicitaankaygi. “Caddeey, quruxeey, hadda ayaan soo baxayaa. Waxa aan xiran ahay surweel jiinis ah oo buluug ah – oo inkasta oo aan lugihiisa dhawr jeer kor u soo laabay haddana qaybta dambe ee ciribta xigtaa ay hiigmeen sidii ay dhulka u miraafayeen. Inta ay habo Ardo igu canaanatay surweelkaan dhulka salaamayaa waa tirabeel. “Ma sidaas ayaad wadaad ku ahayd? Ma ogtahay in aan surweelkaan ciidda urinaya aan salaad lagaa ga aqbalayn?” ayay marar badan igu tiri. Balse dhag u ma dhigi jirin. – iyo shaanti cad gacantana waxa aan ku sitaa buug.” Baan ku iri. Waa joogga aan ugu jecel ahay saddex joog oo aan haysto marka laga reebo dhawr hoosgunti iyo labo khamiis oo aan Jimcooyinka gashado. Ayaduna ii sheegtay labbiskeeda iyo in ay dhawr buug gacanta ku sidato.
Ayaamahaas galabkii waxa aan ka shaqayn jiray kaalin shidaal oo habo Ardo lahayd. Marka aan iskoolka ka imaado oo qadeeyo ayaa kaalinta shidaalka tagi jiray, habeenkiina qol kaalinta ku dhexyaalla ayaan seexan jiray. Sidaas darteed waxa aan wacay habo Ardo oo u sheegay in galabta aanan kaalinta imaanayn waayo iskoolka tartan ardayda u dhexeeya ayaa ka jira ayaan habo u sheegay aniga oo marmarsiinyo u raadinaya socdaalkayga KM4 ku jeeda ee haasaawaha bilowga ahi shidaalinayo.

Aniga oo degdegaya ayaan isa soo taagay laamiga Soddonka iridda hore ee Hoteel Salaama dabadeedna waxa aan gurada u fariistay baabuur caasi ah oo KM4 u socda. Markii aan caasigii uga degay goobta (roundabout) KM4 muddo dheer igu ma qaadan in aan helo qoftii ku nasiibsadu jacaylkeeda igu beeray. Dabadeed ayada oo i dhinac laafyoonaysa ayaan waddada Waaberi ku lugaynay. Intii aan hoygeeda Xamarjajab u sii lugaynaynay ayay inta dhanka midig jalleecday ayay gacanta ku fiiqday darbi dheer oo dacdarro badani ka muuqato. “Ma garanaysaa?” ayay igu tiri ayada oo weli sii eegaysa. “Maya, waa maxay? Ayaan ugu warcelinayay. “Waa Afisyoone, saldhiggii iyo taliskii Ciidankii Cirka Soomaaliyeed.” Waa madaxtooyadii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, sannadihii hore ee xukunkiisa.” Ayay sii raacisay.

Wax baa qalow igu yiri. Waxa aan dib u gocday gu’yaal hore, waagii aan idaha ku raaci jiray bakadaha Mudug. Waxaa hadalka qalajadu i xusuusiyay riyo aanan xusuusan sannadihii aan Xamar joogay. Ma ogi sababta aan u xusuusan waayay balse waxa aan filayaa in sababtu ahayd intii aan Xamar joogay oo aanan diyaarad arag riinkeedana maqal. Malaha haddii gegida diyaaraduhu furnaan lahayd tobannaan jeer baan walba arki lahaa diyaarad magaalada dul qablamaysa. Ma se moogayn waxa ku dhacay diyaaradihii dalkaygu lahaan jiray.

Waxa kale oo su’aal igu dhaliyay sababta Jeneraal Siyaad Afisyoone u degay oo uu Filla Soomaaliya u degi waayay sannadihii hore ee taliskiisa? “Maadaama uu xukunka xoogay baqdin baa haysay, sidaas darteed ayuu Afisyoone u degay si uu diyaarad ugu baxsado haddii xaalku ku xumaado.” Ayaan niyadda iska iri aniga oo marna darbiga nasiibka daran eegaya marna indhaha ku xadaya xubnaha iyo jirka qalanjada.

“Oo hadda ayaa deggan?” baan su’aalay. “Ma ogi. Kolley barakacayaal ayuu hoy u yahay, iyo qalfoofta halal ka mid ah diyaaradihii uu saldhigga u ahaan jiray.” Bay iigu warcelisay.
“Ma diyaaradihii qudhoodi ayaa dhexyaalla?” Ayaan si la ma filaan u eg u waydiiyay. “Haa. Halkaan keliya raqdoodi ma taallee gegidii hore na qayb kale ayaa ku dhex boloshay. Ballidoogle na wax baa lagu sheegay.” Bay iigu jawaabtay.
Inkasta oo aan horay u maqlay kelmadda “Afisyoone” haddana galabtaas ka hor ma arag. Arkin ma ahan’e aaggaasba galabtaas un baa iigu horraysay.

Nabadgelyo la’aantii iyo diririhii badnaa ee magaalada ka jiray ayaa qof walba ku ooday daan magaalada ka mid ah. Jidadka xirnaa iyo isbaarooyinku na isu socodka magaalada waa sii adkeeyeen. Sidaas darteed waa ay koobnaayeen degmooyinka aan tegay intii aan Muqdisho joogay.

Galabtaas aan lugta ku marayo duleedka raqdii Afisyoone waa mar aan ku baraarugay in dalkaygu uusan hal diyaaradna lahayn, mid ganacsi iyo mid dagaal toona. Dhammaan diyaaradihii dalkaygu waxa ay ku burbureen dagaalladii sokeeye ee dalkayga halakeeyay, qaarkoodna garoonno qalaad bay ku bololeen sidii ay u hoganayeen. Waxa kale oo aan ogaaday in dalkaygu uusan lahayn iskool duuliyanimada lagu barto.

Balse caloolxumadii aan galabtaas ka qaaday raqdii Afisyoone darteed waxaa si tartiib-tartiib ah uurkayga ugu saqiiray riyadii dayuurado duulinta. Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax oo ka murugaysan dibadjoognimadii iyo burburkii dalkiisa Soomaaliya ayaa laga hayaa “The country died inside me, and I carried it, for a long time, like a woman with a dead baby.” Aniga oo tixraacaya Nuuraddiin Faarax, ilaa maanta waxa aan dareemayaa in riyadii duuliyanimadu ay calooshayda ku saqiirtay weli na aan meydkeedi walwaalayo. Haddana markii aan qisadaydi la wadaagay qalanjadii i la lugaynaysay waxa igu tiri “Inshaa Allaah, maalin un waa ay dhalan doontaa dawlad Soomaaliyeed adigu na riyadaada waad gaari doontaa.”

Inshaa Allaah maalin un! Rejadaasi waxa ay i xusuusisay ducadii aan ka maqli jiray duqowdii Mudug ay mar walba Eebbe ku tuugi jireen: “Ilaahow dawlad caaddil ah na sii.”

Waa laga yaabaa in rejada inantaan iyo ducadii odayaashii Mudug maalin Eebbe aqbalo baan niyadda iska iri. Balse mar kasta oo aan wax badan ka sii ogaado xaalladdii Muqdisho ku sugnayd iyo dhaqankii hoggaamiye-kooxeedyadii magaaladu u kala oodnayd waxa aan ka sii quusanayay rejadii gashaantidii aan ku-nasiibsada ku bartay iyo Alle-barigii duqowdii Mudug.

Mar walba oo aan sii fiirsado hab-dhaqankii iyo hab-fekerkii kuwii hubaysnaa ee Muqdisho u afduubnayd waxaa sii shiiqayay rejada aan ka qabay ka dhabaynta riyadaydi.
Waxa kale oo aan quus ka sii qaaday qiso dhexmartay aniga iyo malleyshiyo hubaysan iyo rag kale oo daacad u ahaa hoggaamiye-kooxeedkii Xuseen Caydiid ee Filla Soomaaliya gacanta ku hayay tan iyo habeenkii ay ka eryeen kelitaliye Maxamed Siyaad Barre.

Naga la soo xiriir:

laashin77@gmail.com

Qoraaga kala xiriir:

Diini42@gmail.com

 

SHEEKOOYIN