Riyadii Rumawday
———————-
Waxaan hurdada ka soo toosay aroortii, aniga oo aaad u faraxsan, misna dhoolla-cadeynaya. Waxaa aad ii la yaabtay saaxiibtey oo aan hal qol wada dagnayn, maadaama uu imtixaan jaamacadeed ii socday. Wey la fajacday farxadda iyo dhoolacadeynta aan la soo toosay. Waxeyna tiri “Naa saaxiib muxuu yahay qosalka iyo farxadda subaxnimadaan ku soo beegmatay” Iyada oo ila kaftmaysa ayey tiri; “imtixaankii miyaa gacanta ku dhigtay, maba yaree waxa saacaan kaa qoslinaya?!” Alla yaa u sheega in aanan waxba diyaarin, imtixaan aan gacanta ku dhigo iska daaayee!!
Waxaan isu diyaarinnay jaamacadda, oo aan u kacno waqti hore. Isdiyaarin kadib, waaan dhaqaajinnay. Waxaan go’aan ku gaarnay in aan lugeyno ilaa iyo jaamacadda, maadaama jawiga uu ahaa mid aad u macaan, leydh yar oo macaan ayaa socotay. Cirkana waxaa isku shareeray daruuro. Jawigu aadbuu u degganaay. Roob yar oo tiixtiix ahna Wuu da’ayaY. Ma ahan jawiga quruxdiisa mid laga sheekeyn karo.
Waxaan sii wadannay socodkeenna, annaga oo sheekeysanayna, kuna mashquulsan dhismooyinka iyo daaraha dhaadheer, misna quruxda badan. Jawigana aad ayuu u macaanaay. Waxaan la ma filaan ku maqalnay cod aan horay u maqal oo ina leh.
“waa idin salaamay gabdho soomaliyeed”.
“waan kaa qaadnay walaal” ayaan ugu warcelinnay.
“waan ku farxay in aa idin la kulmo, inta badan ma arko soomaali” ayuu nagu yiri.
“soo dhawaaw walaal, sidoo kale” ayaan ugu jawaabnay.
Markay sheekadu halkaa mareyso, saaxiibtey ayaa si hoose ii la hadashay, iyada oo leh
“naa ninku shaqa la’aan badanaa, oo la qabsi dhawaa!!”
Ma Isaga oo i maqlaya ayaan u jawaabaa?! Waa maya iyo ha sheegin, ceeb iyo lama arkaan weeyaan. Saaxiibtay waan u baaqay, aniga oo leh
“naa hana ceebeyn, ee aamus”. Waa kan isagii oo soo rogaalceliyay
“magacaygu waa Faarax, idinka oo mahadsan, magacyadiinna ii sheega, hadaydaan xumaan u arkayn” ayuu nagu yiri.
“maya walaal, xumaan ma jirto. Magacaygu waa Zahra, saaxiibtayna Faaduma”.
Barasho wanaagsan gabdho, soo dhawaada, “jaamacad heblaayo ayaan dhigtaa, derjada labaad ee Masterka ayaan wadaa” ayuu noo sii raacsiiyey. Wali warkiisa ayuu sii watay, oo jaanis aan ku hadlo i maba siin. Saaxiibtay oo aad u nacday wiilka warkiisa tirada badan ayaa tiri; “iska sii socda, meeshaan dhaw baaan wax ka iibsanaaye”. Faarax inta saaxibtay jaleecey ayuu yiri; “weynu ku sugeynaa”. Miskiin! Yaa u sheega in isaga warkiisa tirada badan ey dhibsatay. Waxaan ku iri; “ina keen wey naga daba imaaneysaaye”.
Intaan soconnay waxaan u sheekeysanaynnay sidii dad waligood is yaqaannay. Dhoollacadeynta ayaa waxay ahayd mid aan marnaba ka dhammaan wajiyadeenna. Gabi ahaanba waxaan ilaaway in aan imtixaan lahaa. Sheekadiisa waxay ii gu socotay si aan la qayaasi karin.
Faallo yar oo aan ka bixiyo shakhsiyadda Faarax la ma mid ahan kuwa aan ka bixiyo dhallinyarada caadiga ah, oo aad buu ooga duwanaa dhallintii aan horay u soo arkay. Waa nin dhallinyara ah oo Ilaaahey ku mannaystay qurux, joog, iyo itaalba. Wuxuu lahaa midib qurux badan oo maarriin ah, iyo gadh yar oo si qurux badan loo jaray, shaarbo siman, indho yar oo waaweyn, san dheer oo dhuuban, iyo af madow. Qurux iyo qaayo waa loo dhammeeyey wiilka. Dhoollacadeyntiisa waxay ahayd mid aad u qurux badan.
Sida aan u eegaayey waxaaan ka baqay indhuhu in ay i cawirmaan, quruxdiisa awgeed. Balaayo qurux badan! Maxaa itusay maalin aan imtixaan leeyahay! Illeen wuxuuba i ilaawsiiyay imtixaankeygii!!
Waxaan soconnay, oo soconnay, waxaan soo gaarnay jaamacaddeydii, markaas buu igu yiri;
“Sahraay sidaan miyaaad iiga tagaysa?!”.
Niyadda ayaan iska iri; “aniga xitaa raalli kama ihi in aan sidaan kaaaga tago”. Markaasaan ku iri;
“abbowe, maxaa kawadaa sidaan miyaa iiga tagaysa?!”.
“Ma aqaan meel aan kaa soo raadiyo, lanbarna ii ma aadan qorin, ciwaankaagana ima aadan siinnin, sideen ku baxaa hadaba?.
“Iga raalli noqo, walaal Faarax, intaas ima weydiin haddana wax weyn ma ahan ee qoro” ayaan ku iri, aniga oo aad u faraxsan, misna dhoolacadeynaya iyo qosal yar oo xishood ku dheehan yahay muujinaya.
ililnkii jaamacadda ayaan isku macsalaameynay Faarax. Waan ka walwalsanaa in aan dib u arkin wajigaas quruxda badan, dibna aan u helin sheekadiisa, sidii Faleenbada oo kale ii gu socotay. Aniga oo jeclayn in uu iga tago ayaan is macsalaameynay, isaga xitaa wuu bixi waayey, oo labadeennaba waxbaad mooddaa in ay meesha aan taagannahay nagu celinaayaan, oo waan dhaqaajin kari weynay. W/Q: Maryan Ibraahin Cali
●Haddaba maxaa xigi doona?!
Lasoco qeybta labaad.
W/Q:Maariya Ibrahim Cali