Daahir markuu mootadi keenay jardiinadi Daljirka, ayay Raxmo diiday inay raacdo, waxayna ku tiri: “weligeey ma raacin mooto laba lugooleey, mana aqaan si loo raaco”.
Daahir ayaa ku yiri: “mootada intaad dhinac dhinac u soo fuusho, gacan waxaad ku qabsataa lugta iskoordada ah, gacanta kalana garabkeeyga”.
Raxmo intay qososhay ayay tiri: “sheekadaas ma socaneyso ee waxaa socanaayo in aan aniga bas iska raaco, adigana berri aad iigu timaado gurigeena”.
Daahir ayaa ku yiri: “gaariga Aabe ayaan gurigeena ka sii qaadaneynaa, mana foga oo wuxuu ku dhow yahay taalada Sayidka, intaa uun ila soo raac mootada”.
Markaa ayay mootada la raacday, ayadoo ka baqeysa inay ka dhacdo, inti uu sii waday, wuxuu Daahir dareemaayay gacanta ay garabkiisa saaratay Raxmo, weliba waxay haysatay garabka bidixda oo uu wadnuhu ka hooseeyay, Raxmana labada gacmood waxay ku kalsooneyd midda ay ku haysatay garabka Daahir.
Aabe Xaaji Cabdi Dubai ayuu ku maqan yahay, wuxuuna leeyahay laba gaari oo midi yahay gaari yar oo ah buu ukun (XL) oo loo yaqaanay (xoolo la xaday) iyo gaari landcruiser ah oo uu safarada ku aado, wiilka kaliya uu dhalayna ma jeclo gawaarida, wuxuuna ka jecel yahay mootooyinka.
Mootadi markuu gabjeelada istaajiyay ayay Raxmo ka degatay, wuxuu ku yiri: “saarnoow mootada gudaha ayaan la geleeynaahe”.
Raxmo ayaa tiri: “bannaanka aan kugu sugaa”.
Daahir wuxuu soo helay landcruiser ka furihiisi, markuu soo baxay ayay Raxmo hore ka fadhiisatay, waxaana loo jeheystay dhanka Qoryooleey.
Magaalada afkeeda markii la soo galay, ayay Raxmo tiri: “waxaan rabaa in aan guriga lug ku tago ee gaariga halkaan jooji”.
Daahir intuu gaariga istaajiyay geed hoostiis oo wadada dhinaceeda ku yaalay, ayuu ku yiri: “xoogaa aan ku dhaweeyo” Raxmana way ka diiday, sabab macquul ahna way u sheegtay, waxay ku tiri: “in qof i yaqaan uu igu kaa arko marabo, mana rabo inay hooyadeey ogaato in wax naga dhexeeyaan, ilaa aad ayada kala kulmeyso oo iska baraneysaan”.
Daahir ayaa ku dooday: “sideey suuragal ku noqoneysaa in aan arimaheena ugala hadlo hooyadaa, haddii aanay ogeyn heshiiskeena?”.
Raxmo ayaa ugu jawaabtay: “taas adiga ayay kuu taalaa, waxaa jira rag badan oo hooyo iga soo doontay, kuwaasoo aan ogolaansho i weydiisan, ogoowna hadda isma naqaano aniga iyo adiga, gadaal dambe waxay ka noqotaba”.
Daahir wuu fahmay ula jeedada Raxmo, kadib ayuu ku yiri: “marka aad guriga tagto ayaan kaa daba imaanaa”.
Raxmo oo aan jecleyn inay goob joog ka noqoto kulankaas ayaa ku tiri: “xaafad ayaan soo maraayaa ee adiga iga horee, berrina aan isugu nimaado geedka aad hadda hoos taagan tahay” sidaa ayaa laysla gartay.
Daahir wuxuu si toos ah u aaday guriga Raxmo, hooyadeed ayaa gudaha ka maqashay gaariga soo istaagay albaabkooda, Daahir oo soo garaaci raba albaabka ayay Codweyn ka furtay, markaa ayuu ku yiri: “hooyo Cambaro ayaan rabay”.
Codweyn intay kor iyo hoos ka fiirisay ayay tiri: “maxaad iga rabtay oo iga soo kaa galay?”.
Daahir ayaa ku yiri: “arrin muhiima ayaan kuugu imid”.
Codweyn ayaa tiri: “warkeyga intuu kaa maray, kuma dhihinoo sheeg waxaad iga rabto”.
Daahir ayaa yiri: “arrin gabadhaada Raxmo ku saabsan ayaan kuugu imid”.
Codweyn intay gacan walfisay ayay tiri: “soco, soco, ka soco meesha haddii aad sheegi karin waxa ay Raxmo kaa haleysay”.
Daahir ayaa yiri: “inaad Raxmo i siiso ayaan kuugu imid”.
Codweyn waxay fiirisay gaariga uu watay iyo dharka uu xiran yahay, damac dhaqaale ayaa Daahir ka galay, sidaa daraadeed banooniga dhulka ayay dhigtay, waxayna tiri: “waalid ma lihidoo?”.
Daahir wuxuu u sheegay inuu Aabihiis dibadda ku maqan yahay, hooyadiisna ay joogto, markaa ayay Codweyn tiri: “waalid kaa masuul ah ii soo dir, si aan isula aragno arrinta”.
Daahir ayaa yiri: “berri ayaan hooyadeey kuu keenaa”.
Codweyn ayaa ku tiri: “maalin walba waa joogaa, marka aad rabto ii keen”.
Daahir asagoo faraxsan ayuu ka soo tegay, wuxuuna Raxmo ka soo raadiyay agagaarka meeshi ay uga degatay, markuu ka waayay ayuu gurigoodi soo aaday.
Markuu hooyo Barni u sheegay gabadha uu soo arkooday, ayay hooyadiis mashxarad ku dhufatay, waxay tiri: “waa kheyr haddii aad ugu dambeyn go’aansatay inaad guursato”.
Ayadoo qolkeeda u sii socoto, ayay Daahir ku tiri: “waxaad i geyneysaa boostada, si aan arrinta ugu sheego Aabahaa” Daahirna wuxuu u soo qaaday boostada.
Aabe Xaaji Cabdi markii loo sheegay inuu Daahir soo arkooday gabar, wuu ku farxay tallaabadaas, waayoo Daahir waa 26 jir looga caalwaayay inuu guursado, waalidkiisna waxay ku taamaayeen inay ubadkiisa arkaan, laakiin Daahir ayaa ku yiri: “waxaad ii ballan qaadaan, gabadha aan idiin la imaado inaad igu dareysaan” taana waa laga ballan qaaday, inkastoo muddo badan laga sugaayay inuu la yimaado.
Raxmo markay guriga timid, waxay sugeysay in loo sheego ninka soo doontay ama hooyo ay wax ka waydiiso arrinta Daahir, laakiin looma juuqin, Codweyn isha ayay Raxmo ka fiirisay, xataa ma dhihin xagee ku soo daahday iwm.
Ayadoo hooyadeed hadal ka raadineysa, ayay ku soo hadal qaaday arrimaha walaasheed Aamina, waxaa loogu jawaabay: “berri ayaan Aamina u socdaa” hooyo maxaad Aamina ugu socotaa markay tirina, waxaa loogu jawaabay: “maxaa kaa galay!”.
Habeenkaas Daahir iyo Raxmo ma seexan, Raxmo waxay ka fekeraysay inuu Daahir u yimid hooyadeed iyo in kale, haddii uu u yimidna wuxuu kala kulmay.
Daahir wuxuu ka fekeraayay kala duwanaanta waxa looga sheegay hooyo Cambaro iyo go’aanka ay labada reer isku raaci doonaan.
Hooyo Codweyn waxay soo aaday guriga gabadheeda Aamina, markay la kulantay Aamina iyo ninkeeda oo ay u sheegtay in Raxmo la soo doontay, ayay Aamina tiri: “hooyo ma waxaa kuu yimid Daahir?”.
Codweyn ma aqoonin magaca ninka shalay ka soo doontay gabadheeda, laakiin markay ka maqashay Aamina ayaa shaki galay, markaa intay fadhiga ka kacday ayay tiri: “ma anaan garan sababta ay ayaamahaan Raxmo kuugu imaaneeysay in ay tahay sheeko sheeko”.
Aamina ayaa ku tiri: “hooyo, Daahir waa wiil fiican, reerkiisana xoolo ayay leeyihiin, nin walaasheey la siin lahaa oo ka fiicana ma jiro”.
Codweyn oo hadalkaa ka xanaaqday ayaa tiri: “gabadha adigaa iga hoday oo baray inay nin la sheekeeysato, midda kale waxaad bartay inay aniga wax iga qariso, laakiin hadda ka dib haddii ay kuu timaado anigaa khaladka leh” markaana albaabka ayay ka baxday.
Aamina oo ka soo daba baxday ayaa ku tiri: “hooyo, fursada ha dhaafin Raxmo, haddii aad dhaafisana waxaad ogaataa inay heli doonin Daahir oo kale”.
Codweyn markay ku laabatay Qoryooleey ayay Raxmo waydiisay: “ma adigaa Daahir ii soo diray?”.
Raxmo oo hadalka ku dhegay, ayay hooyadeed si qeylo ah ugu celisay su’aashi: “ma adigaa Daahir ii soo diray, haa ama maya?”.
Raxmo ayaa ku jawaabtay: “maya”.
Codweyn oo gambar ku fadhiday ayaa labada gacmood dhulka ku dhufatay, ayadoo qeylineysa ayay tiri: “maxaad tiri, ma hadda ayaad been la soo indhacadahay? yaa beenta ku baray?”.
Raxmo ayaa tiri: “asagaa igu yiri reerkaaga ayaan u tegaa ee aniga reerkeeyga u tag ma dhihin”.
Codweyn intay si jees jees ah u qososhay ayay tiri: “labadi maalmood oo aad isaga daba laabaneysay guriga Aamina, maxaad isu sheegeeyseen adiga iyo ninka? ma wuxuu kugu lahaa reekaaga ayaan u tegaa, adigana waa ka aamustay miyaa? taa waa kaa diiday ee wax kale ii sheeg”.
Raxmo ayaa tiri: “markaan ka diiday inuu kuu yimaado, oo igu soo celceliyay, ayaan ku iri sidaad rabo yeel”.
Codweyn ayaa waydiisay: “ninka ma rabtaa oo ma ku siiyaa?”.
Raxmo oo aamusan ayay Codweyn tiri: “jawaabtu waa haa ama maya” Raxmo markay tiri maya, ayay Codweyn isku garaacday labada gacmood ayadoo leh: “waa dhammaatay sheekadiisa, waxaa kale oo dhammaaday guriga Aamina oo aad aado, ma garatay?.
Galabnimadi ayay yimaadeen Daahir iyo reerkiisa, waxaa la socda hooyadiis Barni iyo adeerkiis Maxamud iyo walaalihiis Baarliin iyo Baariis, laba gaari ayaa la soo taagay guriga hortiisa, mid waxaa waday Baariis oo ay la saarnaayeen hooyadeed iyo walaasheed, midna waxaa waday Daahir oo uu la saarnaa adeerkiis.
Deriska oo dhan waxay la yaabanaayeen reerka u soo martiyay Codweyn, oo ah islaan haddii ay salaanta kuu billoowdo laga qaado, haddii ay kuu billaabina aan badeeda la gelin.
La soco……..5aad.
xaayoow613@gmail.com