Soohdinta siyaasaddu seeto ma aha!
Soomaalidu asal ahaan waa reer guuraa, taariikhdooda waxaa ka buuxa, is dil iyo colaad, ha yeeshee, weligood waxay ahaayeen kuwo aan ka la xirneyn, oo isu gudba. Xilliyadii hore, waxay wadaagi jireen daaqsinta, ceelasha biyaha laga cabo iyo waxyaabo kale oo badan. Bulshada iyo beeluhu waxay lahaayeen dad agaasima, ka la dhexgala, oo heshiisiiya.
Waxaa jiray brimageydo; waxay ahaayeen dadka aan la dilin, xitaa xilliyada dagaalka, waxaa ka mid ahaa: culimada, haweenka, carruurta, waayeelka iyo ergada. Markii magaalooyinka la degay, dhaqan badan oo wanaagsanaa waa laga tegay, xaaladduse waxay ka sii dartay dagaalladii sokeeye ka dib, dhammaan wixii la dhowri jiray waa lagu dheelay, dalkii wuxuu u ka la goo go’ay maamullo qaab qabiil u sameysan.
Waxa aan Ku farxay!
Aad ayaan u farxaa, marka aan arko arrin muujinaysa is kaashi, wadajir is taageeris iyo horumar. Run ahaantii siyaasiyiinta iyo hoggaanka Soomaalida waan ka niyad jabsanahay, balse, bulshada Soomaaliyeed ka ma niyad jebi doono, mar kasta oo aan arko dhacdooyin aan nagu habbooneyn Soomaali ahaan, oo ay niyaddu iga xumaataba – Alle mahaddi – waxaan arkaa, arrin muujinaysa, in aan noolnahay, jirno aanna isugu damqanayno ummad ahaan.
Dhab ahaan si wayn ayaan ugu riyaaqay, in kaalmo Xamar laga qaaday la geeyo Hargeysa, sidoo kale, waxaan aad u la dhacay sida qaddarinta, xushmadda iyo walaalnimada leh, ee ay dadka Soomaaliland u soo dhoweeyeen, akhyaarta kaalmada u wadday!
Hargeysa ma ahan magaalo nagu fudud; waa caasimaddii labaad, waa magaalo qaddiimi ah, waa tii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago, reer Hargeysa waa kuwii noo horseeday, in aan midowno 1960 kii, waa magaalo ay ka soo jeedaan waddaniyiin, abwaanno, macallimiin iyo halabuurro sharaf iyo qaddarin ku dhex leh Soomaaliya.
Dadka reer Soomaaliland, waa dad uusan fikirkooda siyaasadeed saameyn wada dhalashada ay na la wadaagaan, waa kuwii 1960 kii noo yimid, iyaga oo leh: waan xorownay ee Maandeeq na la maala. Markii uu maamulka Somaaliland ku dhawaaqay, in uu ka go’ay Soomaaliya ka dib, dadka reer Waqooyi waxay cayaareen kaalin waxtar leh, marka laga hadlayo mashaqada koofurta; 2006 dii markii Itoobiya dalka soo gashay, Xamar iyo magaalooyinka koofurtana laga qaxay, waxay si walaalnimo ah u soo dhoweeyeen dadkii Soomaaliyeed ee u martiyay, sidoo kale, waxaa jirtay, in dad Soomaaliyeed, oo laga soo tarxiilay Sucuudi – dowladda aan is ka jecelnahay sabab la’aan – la is ku deyay, in Xamar la keeno, oo ay suurta geli waysay, maxaa yeelay, duqeyntii Itoobiya ayaa ku socotay, ka dib dadkaas waxaa loo weeciyay Puntland, markii uu maamulkii bari ka cudurdaartay, in uu soo dhoweeyo dadkaas naf la caariga ah, waxaa si gobnnimo ah u soo dhoweeyay reer Somaaliland.
Marar badan oo ay abaaro ka dhaceen koofurta Soomaaliya, gurmad xoog leh ayay Somaliland u soo dirtay Muqdisho. Malaha iyada oo ay dadka koofurtu dareemayaan wada dhalashadaas qiimaha badan, ayay dhowaan hal milyan oo dollar oo kaalmo ah u direen Hargeysa, si dadka tabaaleysan loogu caawiyo, kaalmada ay guddiga abaaruhu geeyeen Hargeysa, run ahaantii way ka qiimo iyo qara wayntahay lacagta; mar waa amaal gud, marna waxay muujinaysaa, in aynaan ka la go’in ummad ahaan.
Sida ay Somaliland u soo dhoweysay:
Madaxtooyada Somaaliland ayaa casha sharaf loogu sameeyay wiftiga deeqda weday, taasi micno gaar ah ayay leedahay; waxay caddeynaysaa, in hoggaanka Somaaliland uu ka koray, siyaasadeynta gargaarka, waxaa kale oo ii muuqda biseylka uu gaaray maamulkaasi, oo ah: Wax waan tabaneynaa, ha yeeshee, ummadda reer koofureed dagaal naga ma dhexeeyo!
Waxaan is iri, war dadku waa is rabaa, ee waa la ka la geeyay, marna waxay i la noqotay, in aan ummadu ka la xirneyn ee lagu dhexjiro, haddana, waxaan iri; goorma ayay siyaasaddu u hoggaansami doontaa rabitaanka shacabka?
W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed
Facebook: Abdulkadir Ali
E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com