Sooyaalkii Siyaad dheryodhoob W/Q: Maxamed Xuseen Faarax

Sooyaalkii Siyaad dheryodhoobe

Siyaad dheryo dhoob ayaa ahaa nin Garaad badan, hubaal  waxaa aan qabaa inuu yahay  qof keliyaata ee lagu tilmaami karo Abwaan:Abwaan waa qof yaqaan oo aqoon badan u leh,  dadka, dalka, deegaanka, Dabaylaha, xiddiginta, Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, qofka Abwaan loogu yeedhayaa waa inay u dheertahay garasho badan oo uu dheeryahay bulshada ee eebbe u dhaliyey.

Siyaad wuxuu ahaa    nin  aad u garaad badan,codkar oo aftahan ah, geedka ama goobta uu joogana isaga uun la dhegaysto, gartiisa marsan yaqaan,  gartuu doonana doodin yaqaan ,  wuxuu ahaa nin dhaqan iyo af yaqaan ah, dad iyo dal yaqaan ah, Siyaad wuxuu ka tegay  sheekooyin badan oo geyiga Soomaaliyeed ka caan ah, kuwaasoo noqday maahmaaho ama  arrimo dhinaca dhaqanka loo adeegsado, ilaa maanta garti iyo goobihii Siyaad geed walba waa laga sheega oo Soomaalidu degto.

Sooyaalkiisa  iyo sheekooyinka lagu yaqaan Siyaad ee uu ka tegay  haddaan soo qaadano mid ka mid ah:

Waxaa dhacday in ammin laga joogo  ka badan  100 gu’ in  Siyaad dheryo dhoob nin ay isku hayb yihiin oo reerka la yiraahdo Duduble ah uu diley, nin Majeerteen ah,  waa soomaali iyo dhaqankeeda, oo waana wada degi jireen, kala guursan jireen, is dili jireen, kana heshiin jireen.

Aanba iraahdo waa dhaqan cara edge ka jira, teer iyo haabiil in dil gar ah ama gardaro ahi dhacee,  markii labadaa nin is dileen ayaa  waxaa  arrintii ku soo baxay, ergooyin ka kala socda labadii reer  ee dhibka iyo dhabaqadu kala gaartey.Reerkii Duduble wuxuu  garowsaday inay  naf gooyeen, lagana rabo inay  magdhaw ka bixiyaan oo kala geed fariistaan dhibkii dhacay, beeshii kale ee dhibka loo geystay.

Duduble inuu magtii bixiyo ayuu ogolaaday majeerteenna ballan ayey dhigteen, odoyaashii Duduble oo ku tala jira iney geelii qaybsadaan oo sidii magta loo qaybsan jirey,  Jufo iyo qubane  laga dhigo, Jufadii wax dishayna,  Afar meelood qaadato meel qaadato keligeed,  Saddex meeloodna qubanaha loo qaybiyo beesha inteeda kale, waa habka ay soomaalidu magta iyo dhiigga u qaybsate. ayaa siyaad yiri arrintaan aniga iiga dambeeya, dood iyo wax is weydiin badan kaddib waxaa dhacday in laysku raacay in  Siyaad arrinkaas ka odayeeyo, wuxuu go’aamiyana  lagu raaco.

Siyaad ayaa beeshii Duduble ka codsadey inay  keenaan 100 Ceesaamood,   ceesaantu waa  marka  aysan curan  meesiga ri`yaha  mana laga horena looma maqan  ceesaan mag lagu dhiibayo, arrintii waa laga yaabay, dadkii horese  dad maskax furan oo balanta fuliya ayay ahaayeen, haddiiba hore loogu qoor dhiibtey Siyaad lalama doodine  aan aragno ayaa la yiri waana la yeelay.

Siyaad maalintii loo balansanaa magta inuu beeshii Majeerteen ku wareejiyo, ayuu wuxuu gole keenay  100 ceesaamood, wuxuuna  beeshii dilka loo geystay  ee magta sugeysay u sheegay inuu u wado 100 ceesaamood.

Qoladii Majeerteen ayaa ku warcelisay,  Siyaadoow nin dhintey boqol halaad ayaa laga dhiibaaye dhaqankeennuna ahaaye, sideey ku dhacdey inay 100 ceesaamood mag u qaadano, dadku ma ahayn  dadka maanta jooga ee bur la duulka ah, ee waxay ahaayeen  bulsho garaadkeedu shaqeeyo,  qofkana waa la jirrabi jirey  hadduu wax suurtagal ah la yimaadana, waa laga garowsan jirey.

Siyaad waxaa la weydiiyey sidey ku dhici karto in mag ceesaamo loo qaato, waxaana looga fadhiyaa siduu ku qancin lahaa, beesha magta rabtay. Wuxuu yiri:

                     RI`DU

  • Labo Ragga ayey ka raacdaa ee ku qaata
  • Labo dumarka ayey ka raacdaa ee ku qaata
  • Labo fardaha ayey ka raacdaa ee ku qaata
  • Labo geela ayey ka raacdaa ee ku qaata
  • Labo Lo’da ayey ka raacdaa ee ku qaata
  • Labana intaas oodhan ayey sii dheertahay ee ku qaata

 

Laba ragga ayay ka raacdey:

Haarka ama taaha iyo hareedka ragga ayey ka raacdaa ee ku qaata, oo Orgigu ragga wuxuu uga egyahay hareedka oo garkaa iyo haarka ama taaha oo arigu markii uu jiranyahay wuxuu u riimaa sida ragga.

Laba dumarka ayay ka raacday:

Labaca iyo labada naas dumarka  ayey ka raacdaa ee ku qaata, oo ri`du labaca dumarka oo kale ayey leedahay xubnaha jalaqsan iyo laba naas oo qura waana arrin ay wadaagaan.

Laba Fardaha ayay ka raacday

Gurxanka iyo gaadiileyska Fardaha ayey ka raacdaa ee ku qaata, oo ri’du sida fardaha oo kala ayey u gurxantaa marka ay maqasha uciyeyso, sida fardahana waa u gaadiileysaa ama u qoofaafisaa.

 

Laba Geella ayay ka raacday

Qatinka iyo qaroomashada Geela ayey ka raacdaa ee ku qaata, oo ri`du inta geelu qatimo iyo in kasii badan ayey biyo moogaan kartaa, qaroomashadana ama saloolashada ri’du geedaha wey saloolataa si kala haddii loo dhigana xilliga jiilaalkaa markii ay oonto waxay xagataa  qaroonka geed nugulkaa waxayna ka heshaa qolof qoyaan leh oo ka nafaqo badan dhirta kale ee qalalan.

Labana Lo`da ayay ka raacday.

Qoobka iyo qanaanta Lo’da ayey ka raacdaa ee ku qaata,oo ridu qoobka lo’da ayey uga egtahay qanaantana wey uga egtahay oo sinaha ah, markale qanaan waxaa la yiraa foosha  lo’da iyo riyaha labadaas midda uu ula jeedey ma kala sixikaro.

Laba waa dheertahay

Labana  waa sii dheertahoo, labo qodxood dhexdood ayey iska seddaa laba jirna caano ayey ku seexisaa, ee ku qaata,oo ri`du meel aan xoolaha kale wax kala bixi karin ayey wax ka raadisaa sida laba qodxood caleen yar oo ku dhextaal ama xaluul geed aay hoos gasho oo aan xoolaha kale gelin,iyadoo si dhib badan u soo qaraabatay ayey hadda laba jir caano ku deeqdaa.

Nimankii majeerteen xujadaas xayeysiinta wadata wax aay ku beeniyaan waa waayeen arigiina sidaas ayey ku qaateen haseyeeshee siyaad wey habaareen waxayna yiraahdeen “ma laba labeeyey labo aan isgeeyni kaa hartay! Habaarkaas siyaad waa ku dhacay oo illaa hadda faracii siyaad labo isla dhalatay ma dhaafo.Meeshii arrintaasi ka dhacdayna waxay ahayd meel gaalkacyo udhow oo loogu magacdara “Garawgii mag arile” waxaan kaloo maqlay nimanka magta ariga loo siiyey iney ahaayeen Ciise maxamuud oo arrintaas darteed loogu yeero Ciise riyoole:

Waxaa dhacdey in mar dambe oo waayo laga joogo, majeerteenku diley nin kale kaddibna  sidii xeerku ahaa ee  ay iyaguba fallen waxay keen Boqol riya ah,  taasoo muujineysa inaysan ku qancin magtii hore ee ay ka falcelinayaan iyaguna markooda. Markii Siyaad dheryodhoob loo keenay magtii riyaha wuu ka biyo diiday isagoo weli wada akeekim iyo jiribkii lagu yaqaanay ayuu weydiin hor dhigey oo yiri: Sidee baan mag rageed ri`yo ugu qaata?

Qoladii riyaha keentayna waxay yiraahdeen intii  shalay  aannu ku qaadanay ku qaado!

Siyaad wuxuu yiri haddaad adinku ku qaadateen anigu seddax ay tahay RI`DU  ayaanaN ku qaadanayn, waxaa la weydiiyey  maxay tahay saddexdaasi? Wuxuu Siyaad yiri:

  • Rida haddii roob ka raago ma sugato
  • Haddii roob ku riimana unma gegsato oo adkeysi ma leh
  • Haddii roobku uu ka roorana ma raacdo oo hayaan dheer ma geli karto.

Seddaxdaas ayaanana ku qaadanayn, Siyaad shalay  lix  waxyaabood oo laba laba ah lagu qaato Ri`da ayuu sheegay, haddana saddex  iimood oo ay leedahay ayuu hordhigey nimankii magta inay markooda u bixiyaan rabay, xeerka Soomaaliduna waa in qofku wuxuu ku qanco ay u qaadmaan wuxuusan ku qancina uusan u qaadmin.

 

La soco qaybaha kale

 

W/Q: Abwaan Maxamed Xuseen Faarax.

SHEEKOOYIN