UGAASO BUTIYA Q2AAD
Fadhi iima yaal, saqdii dhexe ayaan fardahaygii ka la soo baxay faras baxdow ah oo midab qaaje ah leh, oo inta heensaystay beersaar u fuulay anoo horay u lahaa layliska fardafuulka iyo ku daggaalankiisaba. Qaylo gar dhoweysay baa la yiri, waxan damcsanaa in aan aabbahay uga hormaro lataliyihiisa, in kastoo aanan hubin in uu i rumeysanayo, dhankaas iyo koofur-bari ayaan foolka saaray inta aan dhawr nadi faraskii ku dhiftay.
Markaan gudbay webiga maroodiga dabbaankiisa ayaa anoo dhexmaraya dhul harruunno ah, waxa surracaad igu dhacay markaan arkay surinkii aan marayey oo aar libaax dhexfadhiyo oo indhihiisa casuusta leh igu soo eegaya. Faraskii inta baydaday ayuu lugaha ku isitaagay jeenyahana kor u qaaday, is ruxruxiisii iyo danankiisii ayaan dhulka ku dhacay, cududda gacanta midig iyo bawdada lugta midig ayaan ka jabay, faraskiina naftiisuu la caray.
Sidey ahaataba aarkii kayntii ayuu dhexgalay, oo sida la yiri haddaan gaajo hayn naf kale ma dilo. Anoo lug iyo gacan jiidaya ayaan ku tiirsaday geed weyn oo daray ah, aqoon baan u lahaa sida lafaha loo kabo iyo daawooyinka, balse gacmuhu wadajir bey wax ku qabtaan, oo gacan keliya ahi wax ma qaban karto, mana socon karo, cid Ilaahay ii bixiyo mooyee, keligay wax is ma tiri karo.
Laba caanamaal markii ay cuuno ii ahayd miraha geedka ka soo dhaca, xanuunna ay igu hayaan dhaawacii i soo gaaray, jirkayguna yeeshay moorif qofkii arkaa ka naxaayo ayaa goobtii waxa soo maray oday dameer wata, markuu arkay sida aan ahay ayuu inta iga naxay sahaydiisii wax iga siiyey oo gurada dameerkiisa i saaray. Magaaladuu u socday mid ka sokeysa ayuu wuxu ka helay nin kaba lafaha jabay, ninkii baa laba qori kala saaray lugtii iyo gacantii aan ka jabnaa, ka dib na sidii magguuro oo kale maro iskula duubay.
Odagii wuxu i geeyey magaalo ku tiil gacanka Berberka, waa magaalada marka dambe magacayga lagu maamuusayo ee Butiyaalo. Xanuunkii jabkii waa ka ladnaaday, hase yeeshee, si toosan uma aan kabmin oo weli lugtii waa ka dhutinayaa, gacantana kor uma qaadi karo, dhaqaalena ma haysan aan mar labaad isku kabo.
Boqor Barre oo magaaladaas ka talin jiray oo ahaa nin garsoor badan, canceenana u lahaa dadkiisa dhurdarradu hayso, aad na loo jecel yahay ayaan damcay in aan gacan weydiisto si mar labaad la ii kabo. Anoo taa maaggan oo aan joogo siiladda magaalada, ilana joogaan Deggan iyo Dulmar oo gabdhihii da’dayda ahaa ee aan magaalada iska barannay, ahaana dhasha maraweynta magaalada, xiriir wanaagsan oo walaaltinimo ahna aan lahayn, ayaa kobtii waxa soo maray ugaas Bullaale oo faraskiisa ku mushaaxaya magaalada dhexdeeda. Dhammaan dadkii gacmaha ayey u haatiyeen nabaadiino ahaan, anigu se gacantayda kor uma qaadi karin. Inta nagu soo leexday ayuu i weydiiyey sababta aan u nabaadin waayey iyo in aan wax ka tirsanyo reer boqor iyo in kale? Waxan u sheegay in aanan waxba ka tirsaneyn reer boqor ee aan lug iyo gacanba naafo ka ahay. Waa iga garowsaday, sida aan foolkiisa ka arkayna laga yaabee in uu ka xumaaday weydiintaas oo iga naxay sida aan ahay.
Markuu naga dhaqaaqay ayaa wadeegay dulmar igu tiri, hambalyo waa markii u horreysay oo ugaas Bullaale uu gabar la hadlo! Waxan iri: U badi in ay ahayd kadsoomid uu ugaasku ii maleeyey in aan ka mid ahay gabdhihiinna reer magaalka ah.
Deggan baa tiri: Dhulka ha is dhigin jalanqo ayaa Alle kaa dhigayey oo dad iyo duurba wax kasta ka filo. Markey halkaas sheekadu mareyso ayaa ugaas Bullaale ka codsaday inta hartay in uu carruurtiisa u sheego.
La soco qaybta gunaanadka.
W/Q: Maxamad Cabdullaahi Jaamac