XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 151aad
1-Is maamul
Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana
wuxuu abuuraa ficilkaaga, ficilkaagana wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.
Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si
fiican u hagtaa natiijada ka dhalan karta waa nolol macaan oo aad ku raaxeysato
haddii kale waxay noqon karaysaa dhinaca aan la jeclayn.
Mmusa
2-Kalsooni
darrada
Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka
timaadaa sida aad uga falceliso qaabka ay nolosha kuu soo wajahdo, ma ahan
qaabka ay nolosha u sameysantahay.
Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan
adiga ku qancin, taas macnaheedana maahan in aan laguugu tala galin, ee waa in
qanaacada qaabka aad u fahmayso ama u rabtid uusan qofka kale u fahmayn una
rabin, taasna waa sababta ay qasab kuugu tahay in aad ka fal celiso.
Mmusa
3-Go’aanso
markaad u baahantahay.
Inta aadan go’aansan bal is waydii ma u
baahantahay waxaad aad go’aanka ka gaarayso.
Ma ahan in aad go’aansato wax aysan baahi kuu hayn
ama macna gaar ah kuugu fadhin.
Go’aan qaadashada mararka qaar waa mid baddali
karta wax walba oo noloshaada ah, sidaa darteed, go’aanso marka aad dhab ugu
baahantahay.
Mmusa
4-Dhaqanka
iyo shaqsiyadda
Dhanka iyo shaqsiyadda, waa laba macna oo marna
la is raacsiiyo marna kala hara, marka la is raacsiiyo ujeedo la fahmi kara
ayey yeeshaan laakin marka la kala reebo waxaa ka dhasha jahwareer.
Tusaale, dhaqanka waa astaanta lagu garto qofka,
waa tilmaan qofkaas lagu garan karo sidoo kalana ugu dambeynta shaqsiyaddiisa,
marka la sheegayana dhaqan ahaan wixii laga bartay ayaa lagu shaqsiyadeeyaa.
Hadaba is waydiintu waxay tahay haddii dhaqanka
qofka uu ku biya shubto ugu dambaynta shaqasiyaddiisa, qofka shaqsiyaddiisa
maxaa lagu tilmaami karaa, shaqsiyaddiisa sidee ku timaadaa, sideese lagu
gartaa?
Qof mala shaqsiyadeen karaa iyada oo la hayn
tilmaanta dhaqankiisa?
Mmusa
5-garashada
Garashada aan ku garan karo waa inta aad ii ogolaatay oo
kaliya, maxaa yeelay, waxaad i tustaa iguna qancisaa, ina bartaa inta aad adigu
ii ogolaato, taas macnaheeda kama dhigna in aan aqoon buuxda kuu leeyahay, ma
jiro qof garan kara qof kale ilaa in yar mooyee.
Sidaa darteed, aniguna waxaan ku leeyahay ima
garanaysid ilaa inta aan kuu ogolaado ayaad i garan kartaa.
Mmusa
6-Fahan
ha ka sugin
Waxay dhaheen dumar waa in la jeclaado wixii
baahidooda ahna la daboolo, marnaba ha filin in sida aad rabto ay kuu fahmaan,
luuqadda ay kula fahmi karaan dumarka waa jacayl, daryeel, dareen wanaagsan iyo
daganaan kula dhaqan.
mmusa
7-Dhib iyo Caqabad
Haddii dhibaatada aan ugu yeeri lahayn Caqabad,
sida Caqabadaha aan u fahano oo iskugu taxalujino xallintoodana aan u fahmi
lahayn, dhib oo dhan xalkiisa waa la heli lahaa.
Mmusa
8-Baahida la cuno
Inaga oo baahi daran u qabno xaqiida ayaan ka
door bidnaa cunidda dhalanteedka taas oo waxba ka tari karin baahiyaha
jismigeena iyo quluubteena ay qabaan.
Mmusa
9-Xaalad Culus
Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan waxba ka
qaban karin halkii aad ka fadhiisan lahayd oo gacmaha is dulsaaran lahayd niyad
xunna wajigaaga laga dheehan lahaa, naftaada kula dagaalan qaabkii aad u wada
wajihi lahaydeen xaaladdaas adag, maxaa yeelay waa halka kaliya aad ka wada
heli kartaan awooddiina qarsoon ee aad uga guulaysan kartaan xaaladdan culus.
Mmusa
10-Kaligiis gar naqdase
Marka ujeedadu noqoto in aan lagu rabin,
macnaheeda waa in waxa aad sheegayso aysan dhadhan lahayn, hadal walba aad ku
hadashana uu la macna yahay nin kaligiis gar naqsaday.
Mmusa
11-Gafkooda badan
Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana
cafintooda ha kugu badato, maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.
Mmusa
12-Danta
iyo duruufta yeesan ku joojin.
Go’aanka aad
gaartid ka gun gaar ilaa aad guul ka keentid, ma jiri karto sabab aad u quusato
inta aad caafimaad qabtid awoodna u leedahay dhaqdhaqaa.
Noqo sida stampo lagu dhuftay Waraaq oo aan ka
fuqi karayn ilaa warqadda la jeexo ama la xooro.
Duruufta iyo Danta waa ku hakin karaan balse
kuma joojin karaan ee ha ka mid noqon kuwa u fahamo hakinta duruufaha iyo danta
joogsi dhab ah.
Mmusa
Yeelo
Yeelo awood aad kaligaa ku taagnaan karto marka
aad kali noqoto, sidoo kale lahow caqli aad ku garan karto marka aad garab u
baahantahay, lahow adkaysi aad ku wajihi karto xaaladaha adag.
Mmusa
13-Naftaada xisaabi
Ku dadaal hagaajinta duruufahaaga nololeed xisaabin
dhab ahna naftaada la yeelo.
Shalay sida aad ahayd waa in aad maanta ka
wanaagsanaata, haddii shalay iyo maantaba aad isku xaalad ama isku heer
taagantahay waxaad ogaataa in aysan waxba kuu kordhin oo lagaa doonayo in aad
is hagaajiso dadaalna la timaado.
Haddiise maanta iyo shalay aad shalay
wanaagsanayd waxaad ogaataa in ay shaqa culus kuu taal oo naftaada hoos u dhac
aad ah uu ku socdo.
Dunida horey ayey u socotaa waxbaana soo kordho
sakan walba, sidaa darteed, macquul kuuma noqon karto in aad ku qanacdo
naftaada oo hoos u socoto.
Mmusa
14-Waddo
u ma waysid
Wuxuu ii muujiyay yididiilo iyo rajooyin uu ku
doonayo waxa uu jecel yahay in uu noqdo mustaqbalka iyo qaabka uu u hagi lahaa
noloshiisa, aniga oo taas ku dhiiri galinaya ayaan ku iri, wax walba oo aad
doonaysid qabashadooda Waddo uma waysid aad ku qabatid, wixi aadan doonayna
marmarsiyo ha u waynin.
Mmusa
15-Waddo
u ma waysid
Wuxuu ii muujiyay yididiilo iyo rajooyin uu ku
doonayo waxa uu jecel yahay in uu noqdo mustaqbalka iyo qaabka uu u hagi lahaa
noloshiisa, aniga oo taas ku dhiiri galinaya ayaan ku iri, wax walba oo aad
doonaysid qabashadooda Waddo uma waysid aad ku qabatid, wixi aadan doonayna
marmarsiyo ha u waynin.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur