XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 153aad
1-Runta
Runta waa qaraar ayey Soomaalidu dhahdaa, sababta loo dhahay sidaana
waa in runtu tahay abaalgudka kuwa nacaybka u saaxiibka ah ee noloshooda oo
dhan u taagantahay Xasad, Xumaan iyo Hakrasho iyo dafiridda qof kale xaqiisa.
Runtu waxay soo bandhigtaa kuwa aan filayn in si uun loo shaacin karo
sawirkooda dhabta ah ee ayagaba aysan isku garanayn.
Qofka runta dafirsan ee qayaaliga beenta ah ku nool waa qof aan nafsad ahaan is
garanayn runta ayaana waqti xanuun badan soo saarto shaqsiga uu dhab ahaan u
yahay.
Runta waa abaal gudka kuwa aan jeclayn, sidoo kale waa soo saaraha
sawirka qayaxan ee dhabta ah kuwa aan jeclayn in la soo saaro.
Mmusa
2-Dareenka ficilka keena.
Wax walba oo la sameynayo ha ahaadaan wax lagu dhawaaqo ama
addimaha laga sameeyo asalkooda waxay ka soo bilowdaan dareen la curiyay ama la
dareemay, in aad wax dareentidna mar walba xaalad ayaa keento, ha noqoto
xaaladaha ay dhagahaaga maqalkooda soo qabtaan ama indhahaaga aragooda
dhaydaan.
Waa xaalad uun ka bilaabata dareen, kadibna u gudubta fakar lagu cabbirayo sida
loo taaba galin lahaa ficil ahaan.
Dunida wa sii casriyoobaysaa, maalin walba oo wax cusub ayaa nagu kordhaya, wax
walbana waxay wataan wanaagooda iyo xummaantooda, ma jiraan wax aan saamayn
laba dhinac leh lahayn.
Xaalad walba oo dareenkeeda kula soo darastaa waa in aad marka hore qiimaysaa
waxa ka imaan kara faaiido iyo khasaaraba, kadib ku dhaqaajisaa ficilkeeda.
Qaladaad wuu kaa dhici karaa laakin qaladka ugu weyn waa midka sharaftaada
waxyeelayn kara, waa in aadan ku lug yeelan xaalad kugu qasbi karta in aad
niyad ahaan iyo jismi ahaanba u jajabin, sidoo kale ma ahan ficilka aad ku
dhaqaaqayso in uu ka abuurmaa xaalad dumin karto farxaddaada kuuna horseedi
karta murugo aad naftaada la wehliso.
Ficil walba oo dareen ku yimaadaa wuxuu leeyahay saamayn uu ku waxyeelayn karo
caafimaadkaaga, lagase yaabee marka qaar in uuba caafimaadkaaga horseed u
noqdo, labada dhinacba saamayntu way ka iman karta.
Ka digtoonow dareemada keena ficil ku dhaqaaqidda, kana taxaddar dareenka kugu
beerma ficilka ka dhasha saamaynta uu yeelan maro.
Mmusa
3- aamusnaanta
Aamusnaanta amaanteeda iyo
dhaliisheedaba waa leedahay, laakin marka kuwa kugu cadowga ah ama kula
tartamaya ay aamusnaantaada daciifnaantaada u muujiyaan waxaa wanaagsan in
aadan sii aamusnaan oo xaqaaga u sitaagto.
Mmusa
4-Is baddalka nafteena
Is baddalka nolosheena wuxuu dhacayaa inaga oo aan garan karin heerka uu
gaarsiisan yahay, waxaan soo baraarugnaa oo kaliya iyada oo la gaaray xaalad
aan dib loo laaban karin, qasabna ay nagu tahay in aan aqbalno horey u socod
aanan dooran, shallaayto iyo ciil nafsaani ahna nagu jiro, inaga oo ka xun in
nafsaddeena is baddalkeeda aan dareemi weynay.
Mmusa
5-Iska indha tir
In aad iska indha tirto
muuqaalada aysan aragagaa ku farxin sida in aadan arkin oo kale waxay qayb
muhiim ah u noqotaa fartiinta nabadeeda ee dareemadaada wanaagsan u diraaan
qalbigaada.
Mmusa
6-Waan u baahanahay
Waan u baahanahay mararka
qaar in aan iskaga aamusno sida in aanan fahmin oo kale,
Ujeedada waa hadalada aan naga daadagin ee nuxurka u lahayn dareenka wanaagsan
ee laabteena
Mmusa
7-Daganaan nafsaani ah
Ma aqaan mana rabi in aan ogaado waa hannaan ka mid ah hannaanaada lagu helo
daganaanta nafsaaniga ah.
Mmusa
8-Edbin
Qof uusan damiirkiisa
edbin waxaa edbin doonta nolosha socota ee aan isaga u joogsanayn.
Mmusa
9-Sida aad doonto u fahan
Sida aad doonto wax u fahan,
laakin qofna ha u saarin faham xumadaada natiijadeeda.
Mmusa
10-Dad iyo Duunyo
Waxaad awood u leedahay in aad maamusho dhaqankaaga iyo awoodda
dadaalkaaga.
Waa kuu doqonnimo labadaas wax ka baxsan maamuliddooda in aad ku riyooto, maxaa
yeelay, waa Dad iyo Duunyo, dad iyo duunyana lama maamuli karo oo awooddaas
Alle ayaa iska leh, laakin kartidaada iyo dhaqankaaga waad ku xakamayn kartaa
ugu yaraan.
Mmusa
11-Cafi
Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato,
maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.
Mmusa
12-Hurdada cabsida leh.
Hurdo midda la seexda waxaa ugu xun midda uu qofku seexdo kadib marka uu waayo
qof noloshiisa qaali ku ah.
Wuxuu si lama filaan ah oo daal leh kadib indhiihiisa isugu qabtaa si uusan
awood iyo maamul toona ugu lahayn maamulidda waqtigiisa iyo dareenkiisa, maxaa
yeelay, wuxuu dareemayaa xanuun gudaha ah, xanuunka gudaha marka lala barbar
dhigo kan banaankana kan gudaha ayaa xanuun badan.
Wuxuu soo toosaa isaga oo ogaal u lahayn sida uu u hurday maleenayana in wax
walba ay sidooda yihiin, laakin xaqiiqda sidaa maahan.
Riyo cabsi badan ayuu habeenkaas oo dhen dhex jibaaxinayay, xubin walba oo
jirkiisa ka mid ahna waxaa gaarayay farriinta murugada, qof uu jecel yahay oo
qoyskiisa ka mid ah ama si kale uu u jeclaaday ayaa noloshiisa ka faaruqay, waa
cabsids riyada intaas, isaga oo sidaas u salalaya noloshuna aysan u
hagaagsanayn, kuna taamaya riyadan baas in ay been iska noqoto ayuu hurdada ka
soo toosaa, rajadiisuna waa in aysan riyadu jirin, laakin markuu ogaado in
riyadu aysan been ahayn ayuu u diyaar garoobaa wajihidda dhabta dareenkaas
murugada leh.
Mmusa
13-Qabso noloshaada
Wax walba oo noloshaada ku saabsan waa shaqo qabashadeeda adiga lagaa doonayo,
qofna marti ha uga noqon shaqada noloshaada, sugashada, filashada, iyo isku
hallayntaba waa dib u dhaca iyo dibindaabyada noloshaada.
Mmusa
14-Ula dhaqan
Ha ula dhaqmin qofka sida aad rabtid ee sida uu kuu soo wajaho ama
kaa keensado ula dhaqan.
Mmusa
15-Duruufa
iyo Dadka
Duruuftu wax ma baddasho ee dadnimada ayaa wax badasha, tusaala ahaan biyuhu
marna waa kululaadaan marna waa qaboobaan, mar walbana waa biyo, laakin labada
xaaladood marka ay kala yihiin baddalka iyo saamaynta ay yeeshaan waa mid
muuqata, sidaas si la mid ah adigana isla adiga ayaa tahay ee natiijada aad
samayso marka xaaladaha ku gad gaddiyaan ayaa macna u yeela shaqsiyaddaada.
Mmusa
16-Is maamul
Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana wuxuu abuuraa
ficilkaaga, ficilkaagana wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.
Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si fiican u hagtaa natiijada ka
dhalan karta waa nolol macaan oo aad ku raaxeysato haddii kale waxay noqon
karaysaa dhinaca aan la jeclayn.
Mmusa
17-Kalsooni darrada
Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka timaadaa sida aad uga
falceliso qaabka ay nolosha kuu soo wajahdo, ma ahan qaabka ay nolosha u
sameysantahay.
Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan adiga ku qancin, taas macnaheedana
maahan in aan laguugu tala galin, ee waa in qanaacada qaabka aad u fahmayso ama
u rabtid uusan qofka kale u fahmayn una rabin, taasna waa sababta ay qasab
kuugu tahay in aad ka fal celiso.
Mmusa
18-Samaan iyo xumaan
Kan xun ficilkiisa iyo hadalkiisaba waa muuqdaan kan wanaagsan se ficilkiisa iyo hadalkiisaba ma muuqdaan maxaa yeelay, caloosha ayuu ka hadlayaa oo ka ficiltamaa, waa sababtaas sababata dadka sharta badan ay dunida ula magac noqdeen.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur