XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 138aad
1-Garo qiimahaaga
Waxay dhaheen
miriqdaada oo badata qiimahaaga ayey hoos u dhigtaa. Inta badan ee lagu arko
ama lagu maqlo waa inta badan oo caadi laguu arkaa, mar haddii aad caadi
noqotana qiimahaaga ayaa hoos noqda, dadka xiisahooda xaagaga ku aadan waa in
uu mar walba kor noqdaa sida ay taas ku suura galaysana adiga ayaa lagaa
doonayaa.
Qof walba sida uu qiimihiisa kor ugu qaadi karo
isaga ayaa laga rabaa in uu garto balse, halkan talooyin yar yar ayaan kugu
siinayaa.
Haddii aad koox ka tirsantahay ama si’ aad qayb
uga tahay Bulsho, waxaa kula gudboon in aad maalmo ka gambisato oo naftaada la
kali noqoto adiga oo muuqaaga iyo maqalkaagaba ka qarinaya, talaabadaas waxay
kor u qaadaysaa qaddarinta laguu hayo waxayna qasbaysaa in wax la is kaa
waydiiyo oo lagu tabo qiimahaagana la dareemo.
Balse iska dhuumo oo iska tag ma ahan howsha,
waa in aad garan kartaa waqtiga ay ku haboontahay goosashadaada ama qarinta
muuqaaga iyo maqalkaaga.
Abuuro qiimo iyo qaddarin waara oo mar walba
lagugu soo xusuusto.
Mmusa
2-Maqalka codkaaga.
Wuxuu yiri
” maqalka codkaaga waa daganaanta ii sii dhawaysa in aan noqdo noolaha kan
ugu faraxadda badan.
Sidoo kale waxaan ku dareemaa nabadgalya joogta
ah, wuxuuna qalbigayga ku beeraa Nolal maalinba maalinta ka dambaysa”.
Mmusa
3-Waxtarka
Waxtarka noloshaada wuxuu kaamilmaa marka aad
xuduud u kala samaysato waxa ku farax galsha iyo waxa aan ku farax galin.
Mmusa
4-Gafkaaga
Gafka noloshaada yuusan ku cuslayn oo ku murjin,
waa in uu kuu noqdaa jaranjaro aad uga gudubto caqabadaha kugu hor gudban .
Mmusa
5-Ku noolow
Alle nolosha wuu fududeeyay haddaadan adiga isku
adkaynayn.
Nolosha in lagu noolaado ayuu Alle ugu tala
galay haddaadan diidayn in aad noolaato.
Nolosha waa farxad iyo murugo, labadaasna waxa
la isku raaciyay waa in mid walba casharka ku jira aad wax ka barato, si
aad awood aad ku qaabisho labadeeda dhinacba u yeelato.
Bal is waydii sidaas ma uga faaiidaysataa.
Mmusa
5-Qof saamayn ku yeelo.
Isku day in aad
mar walba sabab u noqoto in qof kaa fakaro.
Isku day in mar walba aad qayb ka noqoto ducada
qof Alle ku tuugayo, oo qof alle tuugayo ducadiisa qayb ku yeelato.
Isku day in qof qalbigiisa aad Deegaan ku yeelato,
meel dunida la dago qalbiga ayaa ugu qiima badan.
Mmusa
6-Wax walba.
Wax walba oo noloshaada aad ficil ahaan u
samayso waa lagaaga dayan karaa balse, dareenkaaga cid kaaga dayan karta ma
jirto ilaa aad ficil ahaan u muujiso.
Haddii dareenkaaga aad ilaashato ma jiri karto
cid ku dhaawici karta ama kugu dhibi karta, dunida gacantaada ayey ku jirtaa
inta dareenkaaga aad ilaashato.
Mmusa
7-Ku
qurxi.
Bushimahaaga
runta ku qurxi.
Indhahaagana naxariis.
Codkaagana ducada.
Gacmahaagana sadaqada.
Qalbigaadana jacaylka
Wajigaagana farxadda
Si wanaagsan u isticmaal dhamaantood, noloshaada
way qurux badnaanaysaa.
Mmusa
8-Dambiga kaa dhacay.
Shallayto ku qaabil khalad walba oo kaa dhacay.
Ku hano kalsooni xaaladdaada maanta.
Kuna wajah mustqbalkaaga cabsi l’aan.
Mmusa
9-Qalbiga khayr u sheeg.
Qalbiga waa wixii loo sheego iyo wax uu soo
janto.
Jamashada waa halkeeda, laakin wax sheegista
qalbigaada aad wax u sheegto ha ahaato farxad iyo khayr, xitaa haddii markaa
xaalad nuucaas ah aadan ku sugnayn.
Mmusa
10-Xusuusnow.
Sida marku roobka dhinacya kala duwaan kaaga
yimaado waxa kaliya ee xusuutaada soo qabsanayso waa Dalladdii aad uga onkaran
kahayd.
Hadaba sidaas si la mid ah u xusuusnoow Alle mar
walba oo waddooyinka kaa soo xirmaan iyo marka ay kuu wada furan yihiin.
Mmusa
11-Xadka ha
dhaafin
Jawaab celin walba oo samaynayso ka dhowrso
xadgudub, inta badan aad xadgudub samayso waa inta badan oo guushaado hoos usii
dhacdo, xushmaddaaduna yaraato, Wax walba oo samaynayso ha lahaadaan xad aysan
dhaafi karin.
Mmusa
12-Wanaag kula jecel
Qofka mar walba wanaaga kuu rajeeya kuu sheegana wax
wanaagsan uun dadka wuu kaaga sokeeyaa.
Igu xisaabi in aan ahay mid ka mid ah dadka kula
jecel in ay wax wanaagsan ku shubaan dhagahaaga iyo laabtaadaba .
Mmusa
13-Lacag vs caqli
Lacagtu waxay xallisaa dhibaatada qof kalya,
balse caqliga marka si dhab ah loo isticmaalo wuxuu xalliyaa
dhibaatooyin.
mmsa
14-Madax banaanida.
Si madaxbanaanidaada ay usii jirto waa in aad
muujisaa in laguu baahan yahay lagaana maarmayn.
Inta badan oo la isku kaa halleeyo waa inta
badan oo aad sii xorowdaa, ku dadaal in la isku kaa halleyo .
Qofka haddii uu qalbi ahaan u aamino in
farxaddiisa iyo barwaaqadiisaba ay ku jirto in uu kugu kalsoonaado adigana si
dhab ah aad taas u muujiso ma jirayaan wax aad dunidan ka cabsato.
Balse haddii aad ku guul darraysto in aad
saamayn ku yeelato laabta dadka markaas macna uma yeelanaysid, taas
macnaheedana waa in aad adiga u addoonsantahay, maxaa yeelay baahidaada ayaa
ayaga ku xiran mar walba.
Mmusa
15-Caawin
Mar walba oo aad qof wax ka codsanayso ku dadaal
in aad codsigaada ku lifaaqodo dan farax galin karta qofkaas in uu kaa arko.
Dadku in naxariis la waydiisto wax kuma qabtaan
sida badan ee waxay wax ku qabtaan in dantooda meeshaas laga dhex tuso.
Caawin haddaad codsanayso ku lifaaq fulinta
qofka aad wax ka codsanayso dantiisa.
Mmusa
16-Caqliga dagan.
Maskaxdaada marka aad adeegsato waxay ku
gaarsiisa in wax walba laguu qabto inta aad qabsan lahayd oo dhib badan kala
kulmi lahayd.
Caqliga dagan ciil in aadan galin ayuu kugu
abaal marshaa.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur