XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 127aad
1-U diyaarsanaan
Qalbigaada wax uusan u diyaarsanayn ma qaato
mana aqbalo, sidaa darteed naftaada been ha ugu sheegin marka wax kugu dhacaan
ay natiijadooda kula xumaato in aad dhahdo uma diyaarsanayn, waad u
diyaarsanayd waana aqbalsanayd dhabta waa taas.
Mmusa
2- dhagarta
Dhagarta Aadanaha aad ayey u darantahay meel aadan ka filayn
ayeyna kaa jirtaa, dad ayey tahay si ay u noolaadaan in ay wax dhagraan oo dad
kale dhibane u noqdaan dhagartooda sidaana maleeynaya in ay ku helayaan
baraaraha noloshooda.
Mmusa
3- Is waafaqid
Waa in aan fahanaa oo isku raacnaa in aanan mar walba is
waafaqi karin, xaqiiqduna ay tahay in qof walba laabtiisa cid baddali kartaa
waxa ku jira aysan jirin.
Mmusa
4-Dabeecadda Aadanaha
Waa dabceecadda Aadanaha in ay mar walba wax kaa waydiiyaan qaabka aad u nooshahay, ujeedadooda wax kala maahan, waxay wataan xisaab ah halka ay qiima ahaan ku dhigi lahaayeen.
Dabceecadda aadanaha ayaa iska noqotay in qof walba qofka uu ka ladan yahay dhanka xushmadda iyo qiimaynta uga sarreeyo, sidaa darteed, haddaad aragto qof daneynaya qofka aad tahay hala yaabin xisaabtiisa ayuu wataa .
Mmusa
5-Horey
u soco.
Waxaa wanaagsan mararka qaar inta aad u xayirnaa
lahayd raja is baddalna ka sugi lahayd qof aanan ku fahamayn una diyaarsanayn
ama isku dayeen xitaa in uu ku fahmo in aad horey uga socoto oo noloshaada qayb
aadan ka siin, waqtiga ayaa barayo qiimaha aad leedahay.
Qalbigaada mar walba dhaawac qof aanan u qalmin
uu dhaawacayo uma adkaysan karo, naftaadana waa in aadan u qasbin qof aanan
naxariis iyo kalgacal toona u hayn.
Qiimaha noloshu ku macaantahay waa is qaddarin
iyo isku naxariisasho iyo iska warqab, qof aadan intaas ku haysan ma ahan in naftaada
uu qayb ku yeeshaa oo dartiis waqtigaada wacan u qarribmaa.
Xusuusnow mar walba in qof aadan ku qasbi karin
in uu daacad kuu ahaadaa hadduusan isagu dooran.
Xusuusnow in qof aadan ku qasbi karin in uu kuu naxariisto
ama kaa warqabo haddii uusan taas isaga garan.
Xusuusnow in qofna aadan ka dhigan karin qofka
aad rabtid in uu kuu noqdo haddii uusan isagu doonayn in sidaas uu kuu noqdo.
Aniga oo daacad kuula hadlayo runtana kuu
sheegayo ayaan ku leeyahay mararka qaar qofka aad is leedahay naftaada qaali
ayuu ku yahay ayeyba noloshaada ku macaantahay in uu ka baxo oo la’aantiis ay
noloshaada socoto.
Waa in aad u fahantaa waxyaabaha qaar in loogu
tala galay in ay sidaas u dhacaan adiga oo ku faraxsanayn hadana maslaxaddaada
ay ku jirto.
Naftaada ha ku qamaarin adiga oo isku dayaya wax
hallaabay dib u hagaajintooda, waxyaabaha qaar waa in aad u fahantaa in aysan
mudnayn dib u hagaajin balse, in la iska illaawaa ay mudan yihiin.
Wax walba sida aad rabtid uma heli karitd haddii
qofka wax kula wadaagayo uusan sidaa kuula fahamsanayn, is fahamka ayaa
saldhig u ah wax walba, qofka kuugu fahamka badan waa qofka kuugu qaalisan inta
noloshaada ku hareeraysan, laga yaabee in qofkaas aadan adigu sidaa u
dareensanayn balse, waa xaqiiq aan la dafiri karayn.
Waan ogahay mana ahan wax aan dafirayo in
mararka qaar qalbiyadeena ay u ooyaan kuwa aan noo qalmin faham guudna aan ka
haysan xaaladaha aan markaa la noolnahay, laakin waa in aan aqbalnaa in dadka
nuucaas ah aysan mudnayn in ay nala sii jaan qaadaan inkastoo taas fahamkeeda
uu nagu adagyahay oo is waydiin badan uu qalbigeena ka keeno.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Isku xire
Mar walba waxaa jiraya isku xire xiriirsha
guusha shaqsiyaddaada iyo dadaalka aad ku bixiso gaaridda hadafkaaga, bal is
waydii waa maxay? Jawaabta waa kartidaada oo kaliya, inta badan aad dhabar
adayg iyo dadaal dulqaad leh samaysaa waa inta aad gaarto hadafka aad
tiigsanayso.
Mmusa
6-Isla socodka
Isla socodka
Labka iyo Dhidiga dhex mara guurka ka hor maxaa macna ahaan la dhihi karaa?
La socod sidiisaba waa eray macna badan, laakin
marka uu kulmiyo lab iyo dhidig macnaha uu yeelanayo ayaa ah barasho qofba
qofka kale uu baranayo haddii uu nolol ahaan la jaan qaadi karo iyo haddii
kale.
Si kale haddii loo dhigana waa baadi goobka
qofka ugu jira helidda qofkii nolosha ku wehelin lahaa, sideedaba ma sahlana
helidda qof macquul u ah noloshaada marka aad ku jirto baadigoobkan aad ku
xulanayso qofka noloshaada ku xasili lahayd, waa baadi goob muhiim ah oo
sinnaba u sahlanayn.
Inta aad nolol la wadaagi lahayd qof aan
noloshaada sinnaba ula jaan qaadi karin farxadna aadan ku dareemi karin waxaa
haboon in aad sugato ilaa inta aad ka helayso qofka kuu qalma, qasab maahan in
aad wax dhasho, mana jirto cid Maxkamad kuu soo istaajinaysa maxaad wax u dhali
waysay, oraahda ah waarimaysidee wax ha kaa haraan waa oraah qaldan marka loo
isticmaalo waqtiga ayaa igu dheeraaday ee aan iska gaarsiiyo, is waydii yaa kuu
balan qaaday in aad wax dhalayso, ma jiro qof haysta balanqaad ah waxbaad
dhalaysaa, guurka qasabka ah haddii uu Alle kaa badbaadiyo naftaada ha u xulin
qof aan kuu qalmin si aad wax uun u dhasho, waa in aad ka fiirsataa qofka aad
wax u dhalayso ama wax kuu dhalaya.
Haddii aad wax la wadaagto qof aan noloshaada u
cuntamayn waxay ka dhigantahay in aad dhumisay noloshaada oo dhan, naftaadana
aad ka tuurtay Hog aysan ka soo laaban karin, noloshaada waa Dheeman aad
gacanta ku haysato, mar haddii uu dheemankaas kaa lumana heliddiisa waa mid aan
macquul ahayn, qof walba oo naga mid ah wuxuu ugaarsanayaa nolol wanaagsan, ku
dadaal jaaniska noloshaada hagaajintiisa inta uu gacantaada ku jiro oo
go’aankeeda aad leedahay.
Marnaba qasaara ha u malayn la socodka qof aad
la socotay haddii uusan guur farxad leh kuu horseedin, qofka noloshaada wuu soo
marayaa sabab walba ha ku soo maro, balse, saamaynta ugu wanaagsan uguna dareen
macaan haddii uusan yeelan qasaara kuguma ahan, iska daa ha u shallaayin, maxaa
yeelay, noloshaadaba boos kuma lahayn.
Qof waad jeclaan kartaa isaga oo qofkaa ah qof
ku qaldan noloshaada booskeeda, hadana qofkaas uusan isagu kuu soo jeedin ama
ku xumeeyay, waa dhawaac xanuun badan runtii balse waxaa ka sii dhaawac xanuun
leh in aad guursato qof ku qaldan noloshaada wax ku yeelashadeeda, taas ayaa ah
xanuun lama illaawaan ah.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor