XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor By Maxamed Muusa Nuur May 3, 2020 Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 132aad 1-Aamusnaanta qof walba oo aamusnaan badan macnaheeda maahan in uusan hadalka awoodin. Waxaa jira qof u aamusan in uu ka fogaado darteed in qof kale uu hadalkiisa ku dhaawaco. Sidoo kale waxaa jira qof aamusnaanta nafis u tahay oo laga yaabo inta badan uu hadlo ay u noqoto in badan uu xanuunsado. Sidoo kale waxaa jira qof is dhahaya hadalka badan macna kuuma saaidinayo. Sidoo kale waxaa jiro qof aamusa xilliga uu xanaaqo si uusan hadal xun u dhihin qofka uu u xanaaqay oo laga yaabo in uu yahay qof ku dheer oo wax badan kala dhaxeeyaan. Mmusa 2-Dalbashada waqtiga Waqtiga ayaa ah kan na bara mar walba xaaladaha xalkeena ku jira. Dunida maanta aan ku noolnahay waa mid naga dalbaysa sabar, aamusnaan iyo is moogaysiis si nafteena u badbaado. Mmusa 3-Xaqiiqda naftaada. Ma ahan in aad naftaada u sheegto wax aan dhabta ku salaysnayn balse dareenkaaga nafsnimo uu jecelyahay. Dhabta nolosha waa lama huraan in lagu noolaado wixii xun in ay xun yihiin u daa. waxba naftaada ha ku qasbin in wax xun aad wanaag u ekaysiiso, sidoo kale qofka ku karaameeya karaamee kii ku liidana liid oo iskala weynow waxna hala wadaagin. Mmusa 4-Qaacidada naftaada Wax kasta oo farax galin noloshaada waa in ay noqdaan wax aadan noloshaada ku qasbin oo ka saartaa muhiimad kaste ha lahaadaan. Marnaba naftaada ha ku qasbin wax wawal ku beera, qaaciddada noloshaada ha noqoto waxaan i farax galinayn iskuma qasbayo. Mmusa. 5-Dareen gudbin Ma lihin doorasha aan qofka aan rabno ku nacno kaan rabnana ku jeclaano, waa dareen saamayn leh oo ka dhasha dareenka dadka nolol ahaan nagu xeeran iyaga ayaa inagu beera sidaas ayaana iskugu gudbinaa. Mmusa 6-Laba hadiyadood Saakay dhamaanteen laba hadiyadood oo qaali ah ayaan kala furnay!! Waad la yaaban tihiin soo maahan waxa aan ka wado, wax kale maahan dhamaanteen laba indhood aan leenahay waxna ku aragno ayaan kala furnay, soo hadiyad qaali ah maahan? Mmusa 7-Hebel waa xun yahay!! Waxaad maqashay iyada oo la leeyahay hebel waa xun yahay markaas ayaad adigana hebelkaas nacday umaddii kalana ugu sii sheekaysay in hebel oo aadan arkin uu xun yahay, waa nacasnimo tan ugu xun. Mmusa 8-Nafsiyan Qofkii raba in uu kuu soo dhawaada wuu kuu soo dhawaan karaa. Qofkii raba aragtidaada wuu kuu imaan karaa kuna arki karaa. Qofkii doonaya maqalka codkaaga wuu kula soo xiriiri karaa. Dhamaan intaan waa xaalado aysan duruufta reebi karin balse nafta haddii ay doonto ay samayn karto. Mmusa 9- Siyaasadda Siyaasadda lugooyada waa mid kooban, dadka wadana waa kuwa kooban, waxa ay qabtaan iyo qaabka ay u qabtaana waa koobantahay, balse intan ayaa u asal ah. Qabyaalad Musuq 10-Khilaaf dhexdooda ahIs aqbalid la’aan Ismagacaabid kooban Isdiid joogta ah Ixtiraam darro Damiir xumo 11-Calqigaada Wax walba oo qabanayso waa in aad ka eegta dhanka munaafacaadkaaga iyo sida aad uga faaiidaysan kartid. Seefta haddii aadan ka qabsan salka dambe oo ka qabsato dhanka ay sakiinta ka tahay taas macnaheeda waa in aad naftaada qatar galiso balse marka aad ka qabsato halka ay tahay in laga qabsado naftaada ayaad ku difaacan kartaa. Cadowgaada waxaa jirto xeelad aad uga fiidaysan karto isaga oo cadowgaada ah, caqligaada si dagan haddaad u isticmaasho wax badan ayaad ku qabsan kartaa taasise waxay ku xirantahay heerka uu gaarsiisnaan karo wax fahamkiisa iyo wax aragiisa. Mmusa 12- Caqabadahaaga Caqabadahaaga oo yaraada waxay ka dhigantahay korriimadaada oo caajis gasha, si la mid ah cadowgaada oo yaraada waa foojignaantaada oo hawada ka sii baxda, qofka marka uu foojignaanta ka dhintana waa jirkiisa oo difaaca ka dhintay, isaga ayaa si uusan dareemayn iskugu dhameynaya oo is dilaya. Mmusa 13-Cadowgaada Cadowgaada marka aad saaxiibka ka dhigtid soo ma aadan burburin? In aad caqabadaha hortaagan noloshaada iska hor wareejiso uma baahna in aad naf goyso ama deegaan burburiso, mararka qaar caqligaada oo si fiican uga shaqaysiiso ayaa xalka noqon kara. Mmusa 14-Bal is eeg!!! Qofna ha isku mashquulin. Qofna ha daba ordin. Waqtigaada ha lumin. Naftaada wax badan ka baro. Awoodaada iyo daciifnaantaada kala garo. Hadafkaaga daba carar. Qiimahaaga garo. Naftaada wax u kordhi. Isla xisaabtan dhab ahna naftaada la samee. Mmusa 15-Umad la yaab leh!! Waxaynu nahay umad kooda guul daraysta guul u raadisa, kooda guulaystana in uu guul daraysto ku dadaasha. Mmusa 16-Qasaaro iyo dhibaato. Laba sabab oo kaliya ayey ku dhacaan qasaarada iyo dhibaatooyinka. 1- in aad samaysaa wax aadan ka fakarin. 2 iyo in aad ka fakartaa wax aadan samaynayn. Mmusa 17-Hadal Hadal sidiisaba kuma dhaawaco hadduusan ka iman qof qaali ku ah qalbigaada. hadalada ka soo baxa qof noloshaada qayb ku leh ayaa mar walba ku dhaawici kara. Mmusa 18-Sharaf. Mararka qaar in aan dhab u qirano dhabta laabteena way xanuun badantahay inaga oo u baqanayna sharafta ubadkeena iyo waalidkeena. Is waydiintu waxay tahay sharaftaada iyo tooda tee baa muhiimsan? Mmusa 19-U diyaarsanaan Qalbigaada wax uusan u diyaarsanayn ma qaato mana aqbalo, sidaa darteed naftaada been ha ugu sheegin marka wax kugu dhacaan ay natiijadooda kula xumaato in aad dhahdo uma diyaarsanayn, waad u diyaarsanayd waana aqbalsanayd dhabta waa taas. Mmusa 20-Iswaafaqid Waa in aan fahanaa oo isku raacnaa in aanan mar walba is waafaqi karin, xaqiiqduna ay tahay in qof walba laabtiisa cid baddali kartaa waxa ku jira aysan jirin. Mmusa Qore: Mohamed Musa Sh. Nooor ekisyare@hotmail.com xabuu8@gmail.com Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp SHEEKOOYIN DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan December 30, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD October 29, 2024 CAWRALA IYO CALI-MAAX October 15, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 2AAD | W.Q. Cali M. Diini August 24, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 1AAD | W.Q. Cali M. Diini August 16, 2024 JACAYLKII MULLIYO IYO XUSEEN MEECAAD July 20, 2024