XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 106aad
1-Qaddar
iyo doorasho.
Waxyaabaha qaar aad nolosha kala kulanto sida
qaddarta waa in aad sidooda ku aqbashaa, maxaa yeelay wax awood ah kuma lihid,
waxa aad awoodda ku leedahay wax ka qabashadooda waa waxa aad dooran kartid.
Waxaa loo baahanyahay in aad maskaxda ka
shaqaysiiso oo kala ogaato waxa mudan u dhimashada iyo waxa aan mudnayn.
Mmusa
2-Dhaxal
Wax walba is baddalkooda ayey wataan waa in aad
uga tagtaa Dhaxal kuwa kugu issirka ah iyo kuwa adigaba jir ahaan kaaga soo go’
ay.
Dhaxalka aad ka tagayso wax walba ayuu noqon
karaa xitaa geed aad talaasho oo kuwa bari dhalan doono ay harsadaan ba Allaha
ka dhigo.
Mmusa
3-Mararka qaar
Mararka qaar dadku waxay moodaan in aad is
baddashay, balse adiga ma ahan waxa is baddalay ee waa qalbigaada oo dadka
saamaynta leh ay ku yaraadeen.
Mmusa
4-Qof iyo Nolol.
Haddiiba qof isku dayayo in uu baddalo qaab nololeedkaaga markaas uma qalantid in aad qaabishid qofkaas qaabka uu wax kuu tusayo.
Mmusa
5-Is baddal aan lagu farxin
Isbaddalada aan ku farax galin marka ay dhacaan
waa markaas aad nolol run ah ku nooshahay waxayna ku xirantahay sida aad u
qaabisho is baddalkaas.
Mmusa
6-Baddal.
Marka aad baddasho sida aad u fakarto ayaad baddali kartaa
dunidaada.
Alvin Toffler
7-Diin ka baxa
waxay wariyeen in Xajaaj bin Yuusuf (661-714) oo
ahaa guddoomiyaha Ciraaq uu maalin maqlay wiil reer miyi ah oo akhrinaya
suuradda quraanka ah ee ‘An-Nasr ama Idaa Jaa” oo u akhrinaya “Marka ay
timaaddo guusha Alle iyo furashadu, oo aad aragto dadka oo diinta koox-koox uga
baxaya/اذا جاء نصر الله والفتح ورأيت الناس يخرجون من دين الله أفواجا”.
Xajaaj wiilkii wuxuu ku yiri: war sidaad u
akhrisay sax ma aha ee waa: “Dadka oo diinta koox-koox u galaya /يدخلون في دين الله أفواجا”, wiilkiina
wuxuu ugu jawaabay: sidaas waxaa loo akhrin jirey ka hor intii adiga iyo kuwa
kula midka ahi aydaan xukunka qaban. Laakiin intaad talada qabateen dadku
diinta waa ka cararayaan/yaacayaan.
Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
8-Naftu
Naftu sida jirku u daalo oo kale bay u daashaa
ee u raadiya xikmad ay ku nasato.”.
Cali Bin Abiidaalib
9-Maah maah
Abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna Dad u ekaan
Xigasho.
10-Seddaxda
qaab ee uu banii’aadamku u noolaado
Banii’aadamku wuxuu u noolaan karaa saddax
qaab oo aad u kala giddisan: (1) qaabka xoolaha (2) qaabka caqliga iyo (3)
qaabka iimaanka dhabta ah. Dadka ka tirsan qaybta koobaad waxay ku tilmaaman
yihiin is dulmin, ad adeeg, cuqdad, masayr, caadifad xad dhaaf ah iyo ku raali
ahaanshaha waxyabaha keena raaxada ku meel gaarka ah- temporary pleasures/ ملذات مؤقتة.
Qaybta labaad waxay aad u adeegsadaan caqliga.
Waxay awood u leeyihiin in ay hagaajiyaan noloshooda, ayna xakameeyaan in badan
oo ka mid ah waxyabaaha ay ku caan bexeen qolyaha koobaad. Hayeeshee, waxay
ayaguna ku dabran yihiin oo kali ah dantooda muuqata iyo dadaalka la xiriira
loollanka ay kula jiraan degaanka/ environment. Sida qolyaha koobaad, waxay
raaxada ka helaan tartanka, guusha/guul darrida dadka kale iyo hanashada
waxyabaaha muuqda/material things.
Qolada seddaxaad waxay ku nool yihiin heer ka
yara sarreeya labada kale. Waxay ku noolyihiin janno dhanka nafta ah,
waqtina uma hayaan isjiijiidka ka dhexeeya dadka aan wali soo gaarin heerkooda.
Dunidaan muuqaal ahaan way u joogaan, balse lama haystaan oo waxay ku
mashquulsan yihiin caalamka kale ee xigi doona geerida; العارفين بالله if you will.
Waxay quluubtoodu ka maran tahay xumaha iyo
xiisaynta waxyaabaha maaddiga ah/ dhaldhalaalka (magac, sharaf, jago,
dhaqaale…) oo ay ku mashquulsan yihiin labada qole ee aan horay u soo xusay.
Heerkaan waxaa soo gaara dad yar oo si toos ah uga yimaada marxalada
koobaad iyo kuwa soo mara qaybta labaad (caqliga), kadibna uga soo gudba
qaybta seddaxaad.
Sababta ay diintu u soo degtay ayaa ahayd in
dadka si fudud lagu gaarsiiyo marxalada seddaxaad, si ay markaa ugu noolaadan
farxad joogto ah, dhib la’aan iyo isdaryeel لاضرر ولاضرار/ لكي لا تأسوا على ما فاتكم ولا تفرحوا بما آتاكم. Nasiib darro,
in badan oo ka mid ah dadka ay diintu soo gaartay (iyo kuwa aan muslim ahaynba)
waxay door bideen nolosha xoolaha, halka ay kuwa kalana caqliga ku ag kufeen.
Shaki kuma jiro in ay qolada u soo gudubtay dhanka caqligu ka nolol wacan
yihiin kuwa wali aan ka imaan nolosha xoolaha. Hayeeshee, nolosha qofku waxay
micna buuxa yeelanaysaa markii uu ruuxu soo gaaro marxalada seddaxaad, inta ka
horeysana waa ciriiri iyo cadaab aan dhamaan.
WQ/: Mohamed Adaani
11-Aadmiga
Haddii la damco in aadamiga hal sifo oo qura
lagu tilmaamo, sifada ugu habboon ee ay tahay in lagu sheegaa, waa in uu yahay
“Noole Diin leh oo wax caabuda”. Aadamigu markii uu garaadsaday wuxuu dareemay
in uu leeyahay cadow badan oo welwel iyo baqdin ku abuura, sida; Col, Cudur,
Gaajo, Gabow, Geeri iyo qaar kale. Wuxuuna ku qancay in uusan lahayn awood uu
isaga difaaco cadowgaas faraha badan ee gabowga iyo geeridu ugu culus
yihiin.
Cabdisiciid cabdi Ismaaciil.
12-Nolosha waa
balanqaad ee oofi balanta aad qaadday.
Mmusa
13-Ku
raaxayso
Waxaad haysatid ku raaxayso hadda waxna ka
qabso, waa hubaal in ay noqon doonaan wax aad haysatay.
Mmusa
14-Mahdintaada yar
Mahdintaada yar
waxaa laga yaabaa in ay sabab u noqoto in aad malaayin nimco siyaadsato.
Mmusa
15-Baryada Alle
Baryadaada Alle mar walba yeysan noqon in aad
wax uga baahantahay oo kaliya,balse mararka qaar waa in ay noqotaa mid aad uga
mahad celinayso nolosha iyo nimcada uu kugu mannaystay.
Mmusa
16-Maarayso naftaada.
Qofka wax kuu
diidaa u mahadceli sababta ma taqaanaa? wuxuu kugu dhiiri galiyay in aad
naftaada baahideeda maareesato qofna aadan u baahan.
Mmusa
17-Ku faraxsanow
Ku faraxsanow in nolosha aadan wax walba ka
haysan, waa laga yaabaa in aad igula yaabto balse waxaad ogaataa marka wax kaa
maqan yihiin in jaanis uu kaa maqan yahay kaas oo kuu noqon kara qaraar aad wax
ka barato iyo macaan aad ku faraxdo, marka haddii wax kaa maqan yihiin
micnaheeda waa in wali wax kuu dhiman yihiin, balse haddii aysan waxba kaa
maqnayn noloshaada waa macna beeshay.
Mmusa
18-Murugada
Murugada yeysan mahanaqa kaa maahin, maalin
walba waxay u dhaxaysaa murug iyo farxad.
Mmusa
19-Subax walba
Subax walba marka aad kacdo ka mahadnaq jaaniska laguu siiyay in
aad maalin kale noolaato maxaa yeelay, dadka qaar jaaniskaas ma haystaan.
Uga faaiidayso maalintaada in aad saxato wixii kaa khaldamay shalay iyo
darraad, barina wanaajiso si aadan u shallaayin.
Nolosha waqti walba ayey kaa dhamaan kartaa ee uga faaiidayso waqti walba sida
uu kuu soo maro.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor