Author Archives: Laashin

Maansada: DHAKAFAAR JACAYL W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

Maansada: DHAKAFAAR JACAYL W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

      Maansada:  DHAKAFAAR JACAYL.Maansadan  DHAKAFAAR  waa maanso ka hadlaysa, Gabadh  uu dersay  jacayl, waxay la garnaqsanaysaa jacaylka,  waxaanay  raadineysaa, xalka iyo habka ugu fudud ee ay ku hanan karto,  sida aad arki doonto waxay ku soo halqabsaneysaa Rag badan oo Hal abuur ah, dhinac walba oo bulshada ahna waxay  weydiineysaa, Taageero bal sida ugu haboon, waa

Qoraa Garyare iyo Qalinkii Taabo galay W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Qoraa Garyare iyo Qalinkii Taabo galay.Afka Soomaaliga ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid u koraya si aad ah, iyadoo bulshada Soomaaliyeed  aqoonyahankeeda iyo Afmaalkuba ay si wadajir ah xil isaga saareen.Sida  adduunka oodhan ka jirta waxaa la horumariyey Afafka iyadoo weliba  Qalabyada cusub iyo agabyada danabeysan(Electric devices) lagu kaydiyey,  waxaa sidaa  garab socday in la

Maansada Gaax jacayl W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

 Maansada  Gaax jacaylMaansadan waxaa curisay  Sacdiyo  Abwaan Maxamuud Garcadde, waa maanso ka hadlaysa  dulqaadka iyo gigsashada dareenka jacaylka markuu dego wadnaha ee qofka ku keliyeysto iyo marka lala wadaago ee dib ugu guuleysto, bogasho wacan. Jaceylkaan gu’yaal badanGuudkeyga saartooLa gucleeyey kaligeeyGadgaddoonka jiifkiyoUga go’ay hurdada badi.Gacal kaan u moodiyoGeesigaan jeclaadaneAsoon garab i siineynLa guhaadey kaligeey. Muddo waxaan goohoIlmo

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q2AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

 Hammi caashaq iyo Hungo been ah Q2AAD.Waxay xaaladdu sidaa ahaataba, maalin ayay gabdhii wiilkii u sheegtay arrin uusan jeclaysan, arrinka Nasra ay Axmed u sheegtay waxa uu ahaa, in ay jirto  arrin ay in badan maskaxdeed ku haysay, jecleydna in ay sameeyso bilowgii jeceylkooda, balse, ay ka ga baaqsatay sababo la xiriira in aysan isaga

Maryan ma ahayn Masiixiyad! W/Q: Bashiir M Xersi

 Maryan ma ahayn Masiixiyad! Hurdo ayaan ka soo toosay. Sida caadada ii ah, haddii aan ammin haysto waxaan isha mariyaa wararka iyo baraha bulshda.Farriimihii la iigu soo diray Facebook waxaan ka xushay hal mid oo widaaygeey ii so diray. Haddaan furey waaba dhiillo iyo dhimaal. Waxaan ugu warceliyey hadal nuxurkiisa aha: wayska qalin daarasho iyo ku

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q14AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q14AAD   Saadaq intaa keddib Iimaamka iyo isaga waxay isla garteen in uu imaamka Salaadda cishahi keddib jameecada masjidka uga hadlo mowduuc ku saabsan dhibaatada ay leedahay u tegista kuhanada, rumaysigooda iyo ku dhaqanka camalka ay ku faraan.Daahir wuxuu soo aaday Salaadi cishihi kolki uu waayay Saadaq oo isaga marti u ahaa

Falanqeynta Sheekooyinka Laashin.

Falanqeynta Sheekooyinka Laashin. Bahda mareegta laashin oo goor walba u taagan, tayeynta iyo taageerada qoraalka afka Soomaaliga, higsigooda koowaadna yahay sidii loo heli lahaa: qoraallo, hal abuur, curis iyo maanin dhammeystiran oo bulshada waxtar u leh, ayaa gugan 2017ka waxaa ay faafintooda dhammaysay mareegtu, sheekooyin taxane ahaa:Quraafaadka FaaliyahaSaaxiibkaan eersadayGaso, Ganuun iyo GasiinHorta yaa Abaal gala!Afartan sheeko

Top