Jiridkii jabay!
Boqorkii gableey shimbirta, laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble Eebbe ha u naxariisto. Jiridku wuxuu leeyahay; macnooyin badan waxaase ugu dhaw laba si, kuwaas oo kala ah: Jiridku waa geed jabay oo qeyb ka mid ah ay dhulka ku sii harto, taas oo ilaa iyo in muddo ah halkaas ka sii muuqda. Jiridku markiisa horeba waa mid geed lab ah, balse, jiridda aan geed labka aheyni kama haro dhimashada geedkiisa. Mar kale, waxaa la yiraahdaa: gowsaha jiriddoodda iyo waxkasta oo jirid ah ayna ka falliirmaan laaman kale. Haddaba laashin; Axmed Caalin Caddaan boqorkii jaceylka, ahna boqorkii gableey shimbirta, waa jiriddii u aasneyd ciyaar dhaqameedka gableeyda iyo boqorkii bahda jaceyl ku noolka ah.
Geeridu waa surin iyo suqduud la wada marayo. Nooluhu sidiisaba ma jecla geerida haddana ma diido, maxaa yeelay, nooluhu imaanshiyihiisa hore ee jiraalka sida uusan talo iyo tusaale ugu laheyn ayuunan joogitaankiisana tab iyo xeelad ugu laheyn. Waa madal iyo muddo ka daahan aadanaha iyo dhammaan noolaha kale. Lama doonto, lamana diido. Geerida waa la fishaa lagumana farxo. Dhanka kalese, waxa ay aadanuhu ku samraan haddii aysan nololi jirin geeriyona ma jirteen. Soomaaliduna waxay ku duceystaan; ”Geeridu naguma qaddo, nagumana qobleyso”. Taas oo ka dhigan halkii ay ku qadda geeridu in aan dad joogin, halkii ay ku qobleyso, kusoo noqnoqtana aan dad ku harin.
Aadanuhu, waa boqorradii jiraalka, noolaha intiisa kalena waa mid u adeega iyo mid ay ku adeegtaan. Noolaha kale dhammaantiis aadanaha ayey si daahan iyo si ded qaadanba anfac ugu leeyihiin. Waana milgeyn uu Eebbe milgeynayo aadahana.
Aadanuhu marka uu ifka yimaado ee uu kaallin galo, wedkuna uu in mudda ah ka meereysto, wuxuu noqdaa; dhowr si. Qof bulshadii uu u yimid kaallin maran u buuxiyey. Qofkaasi waa mid qoyskiisa, qaraabadiisa iyo ehelkiisa soo dhaafay isla markaana bulshada inteeda kale tusaale u noqday, sidoo kalena, shartiisa laga nabad-galay oo inuu dheef u noqdo bulshada maahan ee aan dhimmaal la gole imaan. Mid qoyskiisa iyo reerkiisa ku filnaaday, dhibkiisana laga nabad-galay iyo mid aan dhib mooyee dheef kusoo kordhin imaanshiyihiisii jiraalka.
Haddaba, geeridu waa gooyaan iyo gaagmareebto aan cidna u turin ee waxay 20-11-2020 siibtay jiriddii u aasneyd farshaxanka iyo suugaanta soomaaliyeed, gaar ahaan; shiribka, gableyda, guurowga iyo jaanta la ciyaaro. Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, waa boqorkii jaceylka, waana boqorkii gableey shimbirta, sidoo kalena waa Af-aqoolkii eray dhilidda. Horqaadihii suugaanta guud ahaanteed, laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble Eebbe (SWT) ha u naxariistee. In la dhimanayo laashin Axmed Caalin Caddaan asiga ayaa suugaan ku tilmaamay inta uusan geeriyoon ka hor, wuxuuna guurow ku yiri:
- Naftu waa ku meel gaar yar oo Mowle eregtii ah
- Lagamana maslaxo maaliteey wed isu muuqdaane
- Mas qaniinyayaa iyo libaax micida saaryaarba
- Mariid loo qasyaa iyo qisaas lagu maleegyaaba
- Waa midaan muddada Eebbeheey mirir u dhaafeyn!.
Haddaba, geeridu waxay ku timaadaa afar siyaalood. Afartaas si’ oo kala ah:
- Ciqaab.
- Cibro/cibaaro.
- Mucjiso.
- Ajal dhammaatay.
1). Ciqaab: Ciqaabtu waa in qoladii Eebbe ku gardarroota ee haddana geerida inkirta ama ka cararta inuu Eebbe tuso oo uu dhedhensiiyo geerida, intaas dabadeedna uu dib usoo nooleeyo. Sida: 70-kii oday ee la socotay nabi Muuse c.s. Kolkii ay ku yiraahdeen: Muusow Ilaahaaga na tus, abaal-gudkoodii wuxuu noqday geeri, intaas dabadeedna Muuse c.s. Ayaa Eebbe u baryey, dib ayaana loo soo nooleeyay. Waxaa ka mid ah kumanyaalkii ka baxay magaalada ee reer bani israa’iil kana cararar daacuun ka dillaacay magaaladooda amminkii nabi Xasqiil/Xisqiil c.s, qoladaas oo Eebbe ku yiri: ”Dhinta!” dabadeedna uu soo nooleeyay. Geerida nuucaas ahi waa ciqaab.
2). Cibaaro: geerida cibaarada ama ku waanaqaadashada ahi waa sida middii ku dhacday: Nabigii soo maray magaalaga ee niyadda iska yiri: ”sidee ayuu Ilaaheey usoo nooleynayaa magaaladaan dhimatay/kharbaantay?” nabigii inta uu jiiftay ayaa halkaas ruuxdii looga qaaday, waxa uuna goobtaas jiifay 100-sano. Waxaa kale oo ka mid ah dhallinyaradii asxaabul Kahfi ee seddaxda boqol oo sano ama seddax boqol iyo sagaalka sano hurdayey. Taasna waxa la yiraahdaa: geeri cibaaro ah.
3). Mucjiso: geerida mucjisada ahina waa sida tan ku dhacday: nabi Ciise c.s. Nabi Idriis c.s. IWIM.
4). Ajal dhammaatay: geerida aan soo noqoshada laheyn ee ajal dhammaatay iyo amar la xukmiyey ku timaada aanna laga soo noqon ilaa maalinta qiyaame waa midda aan wada naqaanno ee noolaha midba mar asiibta. Waa tan dhabta ah ee ku dhacaday laashinka aan sooyaalkiisa bidhaaminayo ee Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, boqorkii jaceylka, ahaana boqorkii gableey shimbirta. AUN.
Sooyaalka laashinka inta aanan u gelin, aan idinla wadaago gabay yar oo baroor-diiq ah:
- Naxwihiya kitaabkiya sunnadi, Nalan ku nooleeyay
- Nusqadii Jibriil keeni jiray, Berigi neecaawda
- Nabigii la siiyaba adduun, Laguma noolayn’e (SCW)
- Allihii intaasoo nimcaya, Nabiyadii uunka
- Nuurkoodi siibee ka tegay, Nacab ku gaaloobey
- Nolol kuuma waayini waxbaa, nalan ogaysiine
- Namruud binu Kancaan waa necbaay, Nabi Ibraahiim
- Annaguna sidaas beynu nahay, nolosha qeybteede
- Qofka inuu ku naaxuu qabow, Naxashku hoosyaale
- Ninmaa malaggu nabar daynayaa, Waa naf kali noole.
- Naska iyo Qur’aankaa na yiri, Noloshu waa qaal e
- Haddii negida Eebbihi lahaa, Nolol ku waydaarshay
- Niyad xumo ha joogtee asaa, Tiisa loo noqon e
- Najaxaa qiyaamaha ka yeel, nuur jannoo udug leh.
- Naf hujuunsan neecaaw ka dheer, Nabadna loo diidye
- Maalmaadse nolol fiican iyo, Wadatay naaneyse
- Nudkiyaa falkadi loo naqaa, Waa niyaan jebin e
- Dunidaanna waa lagu nastaa, Nin iyo xeeshiiye
- Nabdigaad ku kulantaan qofkaad, Saaxib noqotaane
- Adduunkaaba na la nuuxsadee, Eebbe kuma noojo!.
- Naxariista Eebbaa adduun, Lagula naaxaaye
- Noormaalka diintaa qabtee, Naafac ku ahaada
- Naartana Alloow naga xijaab, Iyo nusqaanoo dhan
- Nafti noolna Eebbeey u naqan, Ee naxliga daaya
- Nabiyadi Ilaahaan adduun, Lagu negaysiine
- Nafaqada cibaaduuga dhiga, Ruuxda naqan doonta!.
Ma aqaanno erayo aan ku cabbiro, mana garanayo si aan malakul mowd ula garnaqsado, maxaa yeelay, waa amrane ku socda farid Eebbe, farid Eebbana waa waajib biya kama dhibcaan ah inay sideeda ku fusho weliba waydiin la’aan!. Shalay inuu aadanaha ku soo biiro laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, maantana uu dib ugu laabto xagga Eebbe waxay aheyd: oggolaansho Eebbe, annaguna ma nihin kuwa diiddan qaddarta Qaadirkeen, balse, waxaan jecleyn inuu ayaamo noo sii noolaado mase dhicin. Run ahaantii wuxuu ahaa; ”War-biyood iyo waadi ka guray bulshada soomaaliyeed meel iyo madal ay joogaanba”. Wuxuu noo reebay dhaxal aan marnaba duugoobi doonin oo aan weeleysan doonno haddii Eebbe idmo.
Waa kuma laashin Axmed Caalin?
- Duggaalkeeda i geey
- Ha i dishoo ha ii dadeysee.
- Dhexdiinneey ku jirtaa
- May dhalaheyso naag ka dheereey.
- Allahoow adaa weyn adaa waaxid ahoo waara kaligaa e
- Adigaa wacdiga soo dejiya diinta noo wada e
- Adigaan walaal iyo lageyn warisa loo eexdo
- Adigaan waqtigu kaa tegeyn laguna wayheyne
- Adaa waaberyaa iyo habeen waa kan kuu yahaye
- Welweltire qofkii soo aqriyey weheshay diintiiye
- Wa kamaan ku xiray aayaddii waaxidka aheyde.
- Wayeerkaan fadhiyaa
- Wiil kama weyna waalidkiisee.
- Wadaaggii cishqigoo
- Waagi jiraa lagaa warsaahee.
- Waxa leys warsahaa
- Warbixintii jaceylka waayee.
- Warqaastaadu haddeey
- Warrameyn leys wareysan maayee.
- Haddaad waaw tahanaa
- Welweltiraa laguu wadaahee.
- Wadaantaada dhacsoo
- naga waraabi weesadaadee.
- Waxaan kaa warsahaa
- Warya jaceyl wuxuu dhaxeeyee?.
- Ammeey waalli yihiin
- warya jaceyl wuxuu dhaxeeyee!.
- Ma kaa ooyi karaa
- maadan aqoon astaahilkeygee?
- Alif waa qur’aan dhigan runtaa lag abbaaraaye
- Ujeeddada barbaarkana waxaan ahay abwaankeed e
- Sida qoray il-doombira helaan ugu abbaaraaye
- Axdigii la qaadaba haddaan leysla wada oofin
- Dhiiggii wadnaha aadi jiray iridda soo dhaafye
- Sambabadana aaryadu mareey ku ag-wareegtaaye.
- Ammuur looma xiree
- ma ogidoo nafkii irmaaneey?.
- Abwaannaa fadhiyee
- Iri ilaalis yaa uleeyeey.
- Seddax alif ku taal aabi ma leh uurna kuma haayo
- Waa toow aaqil yiri aabi waa ku isticmaalaaye
- Aammin ma leh adoon orod laheyn laguna soo aaday
- Waxaad uurka gelidaa shimeey kugu dhacdaa eebo
- Aammin ma laha ari kaaga dhumay meel asuud badan leh
- Waxaad uurka gelidaa ardiga dheyso aadaan wal
- Inan leysla wada aaday oo leysla wada eeday
- Aammin malahan axidiyeey ku tiri aadmi weeyaane
- Waxaad uurkaa gelidaa nimeey la irdhisaa jooga.
- Ul waa tuurajiryee
- Axmed muggoow igaar ahaayee.
- Ulaa ii jaranoo
- Idinna way adeejiseenee.
- Maxay kaaga ordee
- Inta aroostay maad irdeyseey?
- Abkow aadan ibliis
- Ka eryaayaa abooto xaaweey.
- Dad weys diidi jiryee
- Doqonsanaa naf leygu daabeey.
- Adigaa dhabbaha loo mariyo dhaafay hadlkiiye
- Dhafan-dhaaf dharaar iyo habeen Eebihii dhigaye
- Ilaahii dhugtaan leennihiyo dhaqanka noo yeelay
- Ee na dheefihaayee ximnaha noo dhammeystiraye
- In la dhowro mooyee ma ahan inaan ka dheeraanno
- Waa laga dhimmaayaa adduun leysma dhaxalsiine
- Waa soo dhawaadaa waqtigu jeer la dhowraba e
- Dhibaatada jeceyl leeyahayna kaama dhaadhicine
- Midka aniga dhuuxiigaa galaa waaga kuu dhimane
- Yaa dhareer wadaag kula naqda ee dhab kula seexda
- Dhudhunkaaga bilicda leh maryaa dhabanka ii saara.
- Dhir waa dhoobantehee
- Dhirindhiraanse caana dhiiqeyn.