Hasaawe Suugaaneed, Bille iyo Barni, W/Q Cabdi Nuur Waddani
Waa haasaawe suugaaneed u baxaya habdhaca Shiribka, waxaa is weydaarsanaya wiil iyo gabadh, ku kulmay meel ka dibna, haasaawe iyo ilaaqtan dhexmarey, bogasho wacan.
Bille
- Barqa wanaag san baatilleey
- Buufisku waa isoo baxshee,
Barni
- Barqa la mida baashiyoow
- Bahalna ways baheysatiin,
Bille
- Bahal miyaa ninkuu boggee
- Ku baadi goobay barniyeey?
Barni
- Wax buufis raaca baashiyoow
- Bahal jawaan oggaay bishaan,
Bille
- Bar baar igaar ah barniyeey
- Bidhaanta dumar waa u baad,
Barni
- Bacleeli haay wixii birqaa
- Bohol inaad gashuu badnaa,
Bille
- Nin buka oo la baaniyaa
- Berow u seexdo woow basiid,
Barni
- Bellaa tehee bal ii banneey
- Baxsad ari ahaa bexee,
Bille
- Bishaaro aan is barannee
- Bahdiinu horta waa berkee?
Barni
- Baxuur igaar ah baashiyoow
- Inuu I barto waaka baas,
Bille
- Barasho waa bannaantehee
- Haddaan ku boqray xow bukee?
Barni
- Barasho waa bannaanteeee
- Xaasoo badaaya baashiyow?
Bille
- Boqor allaa og barniyeey
- Inaan badshaasa woow badaa,
Barni
- Baqaasu mowsan been ahayn
- Burkaas ayeey degtaa bahdeey,
Bille
- Been sheegi maaya baalaxoof
- Bareerna woow gellaa baddaas,
Barni
- Ma baqdidi waasa lays baraa
- Waana baxaahe soo barii,
Bille
- Bixidya ka hor soo barii
- Balan ma qaaday aan bureeyn?
Barni
- Billaahi waaye aan burreyn
- Ee hayga baaqan baashiyoow,
Bille
- Burtugle iyo been hawaas
- Bugleey amey na buujisaa?
Barni
- Budo ninkii tuntaa bogtee
- Barkintu caawa kuu bannaan,
La soco qaybaha dambe ee taxanaha Shukaansiga Shiribka.
W/Q Cabdi nuur Waddani.