BUUGGA “KULA-LIHI” HAL-XIRAALE MUDAN AQRIS IYO FURFUR
W.Q. Shaafici Macallin Axmed
KULA-LIHI waa dhigane ka kooban 121 bog iyo 14 qormo, waxaa qoray Barbaariye Dr Xuseen M. Cabdulle Wadaad, Gudoomiyaha Xarunta raad-raaca dhaqanka iyo Suugaanta ee Laashin.
KULA-LIHI waa dhigane sida magaciisaba ka muuqata muujinaya dood jirta, iyo wax la isku haysto, qof wixiisa lagu haysto iyo mid ku haysto.
Waa sheeko faneed si qurxoon loo falkiyay oo ku saabsan arrimaha bulshada, dhaqanka iyo Siyaasadda, waxaana loo soo bandhigayaa qaab falsafadeed oo hal-xiraalaysan.
Waa dhigane la hadlaya dad gooni ah, waxaan u baranay inta badan dhiganayaal bulshada dhan dhexyaal u ah, heerka ay rabaan aqoonta ha ka joogaane oo ay u siman yihiin, balse KULA-LIHI sidaas waa ka duwanyahay, kana mug culus yahay, waxa uu la hadlayaa inta garaadkoodu sarreeyo oo hal-xiraalooyinka fahmi kara, furfurina kara.
Waxa uu maanka qofka ku harqinayaa su’aalo waxa uu ku dhex gaynayaa bad ay ka buuxdo Suugaanta noocyadeeda kala gadisan, maah-maahooyin, Nusuus diini ah, xikamado iyo Suugaan carabi ah, intaas oo dhan qoraagu waxa uu ku dhex qarinayaa ujeedkiisa iyo hadafka uu ka leeyahay sheekada.
Adiga ayuu kaa rabaa in aad fahanto gunta iyo ujeedka qoraalkiisa, natiijada qoraalkiisa adiga ayuu rabaa in aad keento, asaga oon kuu caddayn, waxa uuna ku siinayaa gogol dhigga ujeedkiisa.
Sababta ku kalliftay arrintaan ayaa ah, in Bulshada soomaalida dhibka ka dhexjira iyo wax kasta oo loollan iyo dagaal la galiyay, qoraaga waxa ay ku qasbayaan in uusan si toos ah ujeedkiisa u cadaynin, balse uu sarbeebo.
Waxaa nahay Bulsho meel u Caafimaad qabta aysan jirin, meeshii laga taabtana ay damqanayso.
Qofka barbaariyaha ah, waxaa saaran mas’uuliyad gooni ah oo aan saarnayn dadka kale.
Dhiganahaan waa qayb ka mid ah qoraallada heerkooda uu sarreeyo oo soomaalidu ay soo bandhigto, waa in la helaa qolo kasta garaadkeeda qoraal u qalma, Wax kasta haddii loo soo bandhigo qaab fudud (caasha garato) waxaa meesha ka baxaya kala sarreeynta garaadka bulshada ee kawniga ah ee Eebbe weyne abuuristiis ah.
KULA-LIHI waxa uu ka mid yahay dhigayaashaas ee la hadlaya dadka maankoodu bislayl iyo sarreeyn isku darsaday.
Culumadii hore ee muslimiinta waxa ay soo kordhiyeen heer aad u sarreeya oo aqoonta lagu kobciyo waqtigana lagu ilaaliyo, ardayda iyo xertana marka ay baagamuudada yihiin ay waqtigooda ku buuxiyaan cidladana kaweheshadaan.
Middaas oo sidoo kale abuuraysa waddo lagu ogaado kala sarreeynta garaadka iyo maanka ardayda, sidaas daraadeed ayeey soo hindiseen dhiganayaasha lagu magacaabo(Hal-xiraalayaal /كتب الالغاز).
Buuniga lagu magacaabo Al-xaaj Khaliifa oo asagu qoray dhigane lagu keydiyo magacyada kitaabada culumada muslimiintu qoreen ee lagu magacaabo كشف الظنون عن اسامي الكتب waxa uu leeyahay marka uu qeexayo cilmiga hal- xiraalaha (waa cilmi loogu talagalay in maanka lagu kobciyo, qoraagu waxa uu adeegsadaa erayo mug leh oo waxa ay tisniyaan ay qarsoon yihiin si ay u maacaansadaan garaadyada sarreeya uguna raaxaystaan).
Waxaa kamid ah dhiganayaashaas ( طراز المحافل في الغاز المسائل للامام جمال الدين الا سنوي الشافعي).
waxaa kaloo kamid ah (درة الغواص في مخاضرة الخواض لابن فرحون المالكي) dhiganahaan danbe magaciisa sifiican u dhugo, waxa uu caddaynayaa in qaab dhigaalkaan in dad gooni ah loogu talagalay.
Dhadhanka cilmiga ee laga dareemo maskaxda waxaa inoo qeexaya Buunigii weynaa Abuu Xaamid Al-qasaali: (waxaanan qarsoonayn in cilmiga iyo aqoontaba leeyihiin dhadhan aad u sarreeya, waxaa kuu muujinaya taas qofka aqoon lagu tilmaamo, haba ahaatee aqoontaas mid liidata waa uu farxayaa, marka jaahil qofka lagu sheegana si ayuu u murugoodaa).
Intaas oo dhan waa muuqaal guud aan ka bixinayay dhiganaha, waxa uu ku saabsanyahay iyo booska uu ka joogo hab-qoraalka.
Marka aad gudihiisa dhex quusno oo aad soo kala rogto warqadihiisa kuna billawdo qormada koobaad ugu horreeyn waxa indhahaagu qabanayaan ayaa ah, in bog kasta oo dhiganahaan aad ka dheehanayso maah-maahooyin, suugaan iyo xikmado ku kala tagsanaa maskaxda dadyoow kala gadisan iyo caloosha dhiganayaal kala duwan.
Waxaa kaa yaabinaya sida qoraagu u soo xulay iyo mid walba sida uu u dhigay booskeeda, inta aad ku jirto qormada koobaad waxaad dareemaysaa in aad dhex gashay biyo macaan, waxaad raadinaysaa waxa kaaga dhadhamay hadalka qoraaga waxa ay yihiin, balse inta aadan helin jawaab, ayaa waxaa kaa dhamaanaya qormadii hore.
Waxaad isleedahay bal qormada labaad fiiri, ayadana waxa ka buuxa wax kasii mug weyn tii hore, waxa ayna maskaxdaada ku furaysaa su’aalo ka waaweyn kuwii hore, sadaas ayaa qormaba qormo kuugu dhiibaysaa, illaa aad laqabsato adoo macaansanaya, mawjadajada xikmadaha iyo aqoonta hal-xiraalaysan ee maskaxdaada soo maraya.
Mararka qaarkood waa sida ay aniga ila tahaye, waxaa laga yaabaa in aad dul istaagto maah-maahyo ama xikmad waqti badan in ay kaaqaatado si aad u fahanto, sababtoo ah maskaxdaada ayaa waxaa ku furmaya su’aalo fara badan, mararka qaarkood hal qormo in aad laba jeer iyo kabadanba in aad ku celiso ayaa laga yaabaa ama dhiganaha dhanba sida aniga igu dhacday.
Waxaa aad ii soo jiitay qoraagu sida uu soomaalida ugu garsooray, waxa uu adeegsanaya lah-jadaha iyo maah-maahooyinka deegaan kasta oo gayiga soomaalida oo dhan, waana midda dhadhanka goonida u yeesha qoraalada Xussein M. Abdulle Wadaad.
Kala duwanaanta balshada waxa uu keenaa hormar iyo koror aqooneed, sababtoo ah maskaxda insaanka waxaa kujira cajaa’ibta iyo ayaadka ilaaheey abuuray kuwa ugu badan, in qayb la caburiyo qaybna la sheego waxa ay keenaysaa, in wixii ilaaheey xikmad uu keenay qayb kamid ah la saluugo ama la naco.
Kolka aad gaarto qormada 3aad waxaad fahmaysaa macnaha erayga KULA-LIHI oo dhab ah, qoraagu waxa uu suuraynayaa bulshadu sida ay isugu qasantahay aysan u lahayn heerar kala sarreeya dhanka darajada aqoonta.
Waxa uu muuqaal dhab ah kaa siinayaa dhacdo aad maalin kasta kala kulanto goobaha, sedex qof oo Somaali ah iyo ka badanba ay isugu yimaadaan.
Heerka ay bulshadu wareerka iyo ilbaxnima xumada ka joogto, ayna u sii dheertahay jahwareekii ka dhashay dagaalladii sokeeya iyo xasillooni la’aanta ee ku raagtay bulshada , nafaqadarro, iyo caafimaad xumo baahday oo saamayn ku yaaleetay caafimaadka maskaxda bulshada, ayey qormadaasi muujinaysaa, bal si fiican u dhuux doodaha dhex madaya Jaalle, Kabawayne iyo Galool, waxa ay furayaan dood ku saabsan sooyaalka bulshada, ayadoon dhamaan lagana yaabo in aysan aqoon u lahayn, waxa ay ka hadalayaan, ayaad arkaysaa ayaga oo dhex jibaaxaya doodo ku saabsan Saynis iyo Cilmiga Kimistariga, gabarbaa soo dhex galaysa malaha waa gabadha leh maqaayadda ay fadhiyaane ayaduna doodii ayeeyba dhinac ka galaysaa, waa yaabka yaabkiisi, waxa laga hadlayo iyo sida loo hadlayo iyo is maandhaafka taagan waa wax kaa yaabinaya, waxaa sii dheer dhaqankeennii ahaa in aan hal mar wada hadalno oo aanan is dhagaysan, waa tii ajnabigu nagula yaabi jiray oo ay dhihi jireen waa maxay dadkaan hal mar wada hadlay oo aan is dhagaysanaynin hadana is fahmaya.
Anigu kolleey ma rumaysni Soomaalidii hore in ay sidaan ahaayeen, gaar ahaan dadka miya jooga, sida aan ku arki jiray waxa ay ahaayeeyn dad is dhagaysta hadalkana dhuuxa, xilliyadii xasiloonida siyaasadeed ay jirtana sidaan in la’ ahaana mafilayo.
Waxa ugu wacan Soomaalidaan maantay jirata in ay sidaan u dhaqmaan ayaa ah, saameyta dhibaatada muddada dheer raagtay ay ku yeelatay bulshada, hayaanka iyo qaxootiga qaaradaha aduunka iskaga tillaabay dhibaatada ka dhalatay safarradaas waxaa dareemi kartaa saamaynta taban ay ku yeelan karto maskaxda qofka soomaaliga ah
Guntii iyo gabagabadii yaanan hadalka idin ku badine, waxaan aad u jecelahay in aad ka faa’idaysataan dhiganahaan oo aan isaga kiin dhex baxo, waxaan idin leeyahay KULA-LIHI iyo adinka khayr illaha idin dhex dhigo
W.Q. Shaafici Macallin Axmed