Yaa gardaran? C/raxiim Cabdulle Hilowle “Nabaddoon Duceysane”

Unknown

Yaa gardaran?

 

Sanadku waa 2007dii. Waxaa Muqdisho ka baxaya, holac. Dowladdii C/laahi Yuusuf, oo ciidamo Ethiopian ah garabsaneysa, ayaa kula dagaallameysa, magaalada dhexdeeda,
 ciidammo hubeysan, oo is kugu jira, kuwii Maxaakiimta, xisbul Islaam, Al-shabaab, oo ku mideysan magaca Muqaaawamo.

Waa xilli barqo ah, waxaan ka soo adeegtay suuqa Bakaaraha. Shilimaad aan watay, markaan soo adeegtay ka dib, waxaa jeebka iigu soo haray, 5kun Shilin. Gaariga aan u raacayo xaafaddeyda, waxaa lagu raacaaa 3kun, oo shilin, oo saakayba aan ku soo raacay.

5tii kun ayaan la soo baxay, waxaana ka siibtay 2kun, oo cabitaan Cambo ah, oo bac ku xiran kaga iibsaday, wiil tarmuus ku wareejinayay,
waxaana ii soo haray 3kun shilin oo ku jin ah gaari raaceyga.

Waxaan soo abbaaray isgooska Bakaara, oo ahaa halkii markaas laga rarijiray gawaarida aadda dagmada Madiina. Isgooska markaan soo gaaray, ayaan mar kaliya maqlay, diryan iyo dhawaaq dheer, oo aad mooddo danan ama gugaca roobka. Waxaa isku duba dhacay rasaas, si xowli ah u dhacaysay, oo horteyda waxaa qariyay siigo, bus iyo boor.

Geedo waaween, oo isgooska ku yaallay, rasaasta dhex mareysa shimbiro ayaad mooddaa iney ku shirsanyihiin. Fiiloooyin ku xirnaa baallayaal isgooska ku yaallay ayaa mid mid u soo go’aya.

Dhanka koofur, meel ah, oo u dhaxeysa isgooska “KPP” Kaasa Bal-balaare iyo Tarabuunka ayey rasaastu ka imaaneesaa. Waxaa si isdaba joog ah u soo dhacaya hub waaweyn.
Waa rogmadayn asaan isgaabiyay, markaasaan intaan cararay ku ganbaday, guri ku yiillay isgooska qeybtiisa koofur-galbeed ah, oo markaa eheed, goob dhaqtarka ilkaha ku hoolgalo, balse, xiran.
Darbigiisa ayaan si kadaloob ah u fariistay.

Dhinacyadeyda waxaa fadhiya dad ila mida, oo iskugu jira, duqoow iyo dhallinyaro; rag iyo dumar. Wadnaha ayaa farta lagu hayaa. Adkaarta ayaa afka lagu wada hayaa. Meel ku beegan horteyda, oo u dhow misaajidka Macallin Biimaalow, waxaa daadsan dad, ilaa dhoor iyo toban qof ah, qaarbaa nuux nuuxsanaya, qaaarna waxaad mooddaa muddo ka hor iney naftu deysay/baxday.

Waxaaa yimid gaari Xaajiyo Khamsiin ah, dhallinyaro ayaa si dag dag ah kaga soo daadatay, dadki ayey dhex qaadeen, mid waa gadiyaan waa ka gudbaan, mid waa kortagaan, asey qaadaan.

Qeyb ayey qaadeen, qeybna waa ka tageen, aan u fahmay iney dhinteen. Aniga waxaa igu jirto cabsi, ka ma cabsanayo xabadahan amey ku dilaan, waxaase ka wal wal qabaa, armey Ethiopianku intey soo dhawaadaan, halkaan idiin ku yimaadaan,
ka dibna idin silac dileeyaan, oo ey idiin la dhaqmaan dagaalyahanno nolosha lagu qabtay oo kale!

Idaacadaha Muqdisho ayaa aad u shaqeeya, dadkuna raadiha dhagta ka ma daayaan. Waxaa igu soo dhacay, hooyo iney ogeed inaan Bakaaraha ku maqanahay, eyna dhageysaneyso xaalada Bakaaruhu sidee u xuntahay.

Taleefankeyga gacanta ayaan la soo baxay, waxaana wacay hooyo, waxaan u sheegay, inaan caafimaad qabo, meel fiicanna aan joogo. Allaha ku soo aruuriyo ayey i tiri. Markaa macsalaameeyey hooyo, oo aan telka isasa saaray, anoon wali jeebka gashan,
ayaa waxaa soo yeeray guuxa sheellaro gaari, oo dhinaca ku dhaganyahay wiil, waxa uu garaacayaa gaariga si daran,
waxa uuna ku qeylinayaaa Madiina, Suuqa weyn, cagta saar 10 toban lacag ah,
cagta saar.

Waxey ka dhigantahay haddaa gaariga raacdo, fariiso ama istaag, haddaa doontana dhinac ama gadaal qabso, waa isku lacag. Waa soo istaagay, waxaanna kaga booday qeybta hore, ee gaariga, darawalka dhinaciisa, daqiiqad ka dibna gaariga waa buuxsamay.

Inta fadhida waxaa ka badan kuwa taagan, waa wada rag, marka laga reebo, hal gabar. Waxaa u banneeyay kursigeyga, waxaanna ku fariistay intaa lugaha bannaanka u la baxay, miraayadda albaabka hore ee gaariga.

Waa soo dhaqaaqnay, waxaana wax yar ka dib bilowday, uruurinta lacagta, 
markaa mareynno KM4, ayaan gadaasheyda ka maqlay; horey, geeska, wiilka dhinaca heesto, lacagta i sii saaxiib.
Waa aamusay. Wax yar ka dib ayuu mar kale iigu celiyay. Markaa ka dib ayaan gadaal u fiiriyay, oo ku dhahay; adoon meeshaa rabay i geynin maa lacag rabtaa! Aan tagno bal meeshaa u soconno, waa u jeeddaa sidaan u fadhiyee.

Isku celcelin hadal badan ka dib, darawalka ayaa yiri; hooshaada wado, ninkaan lacagtaada waa ka qaadan doontaaye. Ayadoo sheekadu sidaas tahay, ayaan soo gaarnay, meeshaan u socday oo gaariga ku ekaa. Intaa soo dagtay, oo u imid kirishbooygii ayaan farta ka saaray 3kun oo aan lacag dhan ka heestay.

Wuu igu soo celiyay, wuxuuna yiri:

“7 ayaa ka dhinman, gaariga 10 ayaad ku saarneed!” waxaab dhahay:

“ma ba heysto ee 3daas ayaa saakay halkaan kaga raacay, ee ku qanac saaxiib”

Wuu ka madax adeegay. Isjiid jiid ka dibna, gacan ka hadal ayey gaartay. Waxaa na kala qabtay, oo nagu soo baxay dadkii ka dhawaa hareeraheenna;
garteenna ayey galeen, dhageysi dheer hadalkeenna ka dib, waxaa la su’aalay kirishbooygi gaariga:

“gaarigu hadduu saakay 3kun ahaa, maxaa hadda 10kun ka dhigay?!” waxuu ku jawaabay:

“dagaal aa socdo nooh. Xabbado dhexdooda aa ka soo qaadnay.”

“Dagaal hadduu jiro dadka waa loo garaabaa, ee, miyaa lagaga faa’iideystaa?” ayaa la su’aalay

Wuxuu ku jawaabay;

“wacdi ma rabo, ee lacagta ha i siiyo ninkan!” Waxaa lagu qanciyay, maadaama uu intii kale ka helay, bal inuu 3daa iskaga qanco. Ugu danbeyn, asoo tuug aa tahay, maa qiri qaadatid, isbaaro iska dhigatid! Dhahaayo ayaa ka la tagnay,
haddaba, akhriste yaa qaldan, yaase gardarrada leh?!

 

C/raxiim Cabdulle Hilowle “Nabaddoon Duceysane”

SHEEKOOYIN