I boorri intii aad i baqdin gelin lahayd! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

images-1

I boorri intii aad i baqdin gelin lahayd!

 

Qof kasta, oo bani Aadan ah, wuxuu leeyahay, awoodo badan, oo uu Alle ku mannaystay. Awoodda Alle uu siiyay dadka, wuxuu ugu talagalay, in la adeegsado, lugu fekero, noloshana lugu maareeyo. Tamar u dhalasho ah ayaa jirta, waana tan qoflka uu Alle hibo ahaan u siiyo.

Awoodda maskaxda iyo halabuurka, dadku way ku ka la geddisan yihiin, qofbana in ayaa laga siiyay.

Qof ayaa ku fiican hadalka iyo in uu si fudud dadka wax ugu gudbiyo, una qanciyo. Odayaashii hore qaarkood, aad ayay u caqli iyo xigmad badnaayeen; laba qof oo ku wada dhalatay hal meel, kuna barbaaray goob keli ah, midkoodna uusan siyaadsan wax cilmi barasho ah, ayaad arkeysaa, in ay aad ugu ka la horreeyaan hadal wanaagga, afmaalnimada iyo warqurxinta.

Si uu qofku u soo bandhigo tamarta ama awoodda Alle siiyay, wuxuu u baahanyahay, in uu helo waxyaabo uu kaashado ama kaaba, sida:

  • WAXBARASHO

Waa cilmiga laga qaato masaajidda, iskuullada, jaamacadaha iyo ilaha kale, ee laga aqoon kororsado. Goobahani marka la joogo Soomaaliya, aad ayay uga gaabiyaan, in ay qofka bini Aadanka ah fahmaan himiladiisa, awooddiisa, higsigiisa iyo halabuurkiisa. Waxaa dadka la baraa, aragtiyo la curiyay xilliyo hore, oo ay keeneen dad aan tamar naga badneyn, ha yeeshee, helay fursad ay halabuurkooda ku soo bandhigaan. Marar badan, waxaaba dhici karta, in aragtiydaa yihiin, madhalays, fadhiidnimo, cuuryaamin, garaadguurin iyo dhalanrog!

Aragti qof qabo, caadiyan waa la sharxi karaa, la naqdin karaa; adoo sababaynaya, ha yeshee, bulshadeennu u ma baran, in ay naqdiyaan- weliba si cilmiyaysan- wax horay ay dad u curiyeen amaba ay si kale u dhigaan, iyaga oo qofkii aragtidaa lahaana, aan ku xadgudbeyn. Caawin bulsho in aad hesho way yartahay, inta aad u hayaameyso higsiga himiladaada. Arrintan ku saabsan waxbarashada la qeybo ama la xifdiyo, boosna uusan kaaga bannaaneyn waxaa na la qaba dalal ka mid adduunka.

 

  • WAAYA ARAGNIMO LAGA KASBADO DEEGAANKA:

Bulsho wax baratay ama wacyi sare leh, wax badan ayaad ka kororsan kartaa, haddiise aad ku nooshahay degaan aan laga jeclayn horumarka iyo maskax shiilka, waad hari, oo dib ayaad u dheceysaa. Soomaaliya wax badan, oo kugu jira, soo ma bandhigi kartid! Ma ahan cabsi aad naftaada u cabsanayso oo kali ah, ee waa dadka, oo aan u bisleyn aragti ama fikir cusub, in ay maqlaan/arkaan, tamarta iyo awoodda dadka ku jirtaa way ka la geddisantahay, qof ayaa u diyaarsan, in uu noqdo cayaare kubbadda cagta dheela, wuxuu u baahanyahay, in uu ka helo bay’ada uu ku noolyahay dhiirrigelin iyo caawinaad, si uu u gaaro himiladiisa, haddiise lagu ceebiyo qofka rabitaankiisa, wuxuu luminayaa tamar ku beernayd, uuna ka faa ‘iideysan lahaa, oo ugu yaraan oo naftiisa wax ku tari lahaa.

Qof ayaa ku wanaagsan, in uu dadka u qudbeeyo ama la hadlo, isna, waa in uu helaa, tababbarro iyo boorrin ku aaddan, sidii uu u noqan lahaa qof dadka hadallo ujeediya.

Dad ayaa ku fiican farsamada gacanta, oo ah xirfad aan aad ugu baahan nahay, gaar ahaan xilligan. Qofka gacanta wax ku farsameeya, waan layaabnaa, oo ku yasnaa xirfaddiisa. Waxaa jira dad gacantooda ku sameeya kabaha, weelasha wax lagu cuno iyo agab kale, oo nolosha asaas u ah, waa yaabe, maxaan u liidnaa dadkaas bulshada u soo saara agabka la’aanti ay nolosheenno adkaan lahayd? .

 

Waxaa kale oo amakaag iyo fajiciso ah, qof xirfadle ah, oo uu liidayo qof aan xirfad lahayne! Waddammada horumaray dhaqaale iyo seeynis ahaanba, waxay ku horumareen, waa iyaga oo dhiirrigeliyay xirfadleyda gacanta iyo bulshada, oo dadka ku boorrisa, in uu qofku soo bandhigo tamarta ku jirta, ee u gaarka ah, laakiin, Soomaaliya waa geel caloosha laga rarayo! Dadka shaqada waa la nacsiiyaa fikradda cusub iyo horumarkana waa lagu diimaa.

Dadka iyga oo aan lahayn: tababar iyo aqoon casri ah ku fekeray, in ay soo saaraan waxyaabaha illaa heerkaas sare nolosha anfacaya, soo ma habboona, in ugu yaraan loo aqoonsado kaalinta shaqa abuur iyo horumarineed ee ay bulshada uga jiraan?

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmad

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN