Tacsi: Cabdi Xaaji Gobdoon oo geeriyooday

12552893_1024280937615109_6111723306979632300_n

Cabdi Xaaji Gobdoon, Alle ha u naxariistee, oo ahaa qabiir Saxaafadeed, ruugcaddaa warbaahin iyo waaya arag wartabineed, muddo dheerna ka soo shaqeeyay Warbaahinta Soomaaliyeed, ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Cusbitaalka Daarushifa magaalada Muqdisho, ka dib markii uu wadna xanuun ku soo booday.

Keydka Gobdon 8 - VOA Washington 1983Bahda mareegta Laashin; qalinleyda, halabuurka iyo qorayaasha, waxay tacsi u dirayaan ehellada iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, gaar ahaan Ramla Cabdi Xaaji Gobdoon, oo uu aabbe u yahay marxuum Cabdi Xaaji Gobdoon, kana mid ah, qalileyda mareegta Laashin, kuwooda ugu qorid wanaagsan, uguna qalin tolmoon.

Abuukar Xaaji Gobdoon, oo ay walaala yihiin Cabdi Xaaji Gobdoon, Allaha u naxariistee, ayaa ka sheekeynaya taariikhda walaalkiis Cabdi Xaaji Gobdoon, ee halkaan ka Dhageysto.

Eebbe ha u naxariisto, Jannadiisana ha ugu deeqo, anaga samir iyo iimaan ha naga siiyo. Aamiin.

SHEEKOOYIN