AARSI
Guri jiingad ah oo aad ugu dhow gurigeenna ayuu deggan yahay, inkasta oo qoyskiisa intiisa badan aan is naqaano, gaar ahaa gabdhaha la dhashay oo qolkayga TVga ku daawan jiray, haddana asaga isma galno oo korkaas baan iska aragnaa.
Islama jaanqaadi karno oo anigu waxaan amminkayga intiisa badan ku bixiyaa aadista dugsiga sare iyo aqrinta cashirrada aan ka soo qaato. Taas lidkeeda Maygaag wuxuu iska joogaa guriga markii uu ku daalo gurijoogiddana wuxuu waqtigiisa ku dilaa daawashada aflaanta laga daawado shaneemada taas oo uu si balaash ah ku galo.
Waa shameemada uu inta badan kaaartooyinka u dhejiyo, sidoo kalena uu darbigeeda ku soo musbaareeyo taariikhda ay dhacayaan kulamada ugu xiisaha badan ee kubbadda cagta Yurub, sida horyaalada Talyaaniga ee Seria A-da, Laligaha Isbaanishka, Budisligaha Jarmalka iyo midka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ee Ingiriiska. Intaas kuma ekee wuxuu si wayn ula socdaa taariikhda kulamada koobka aadka loo daawado ee ay ku hardamaan muruqyaweynta reer Yurub ee UEFA Champions League.
Muuqaal ahaan waa nin dhallinyaro ah oo da’da labaatanaadka ku jira, waa qof aan aad u muuqan oo gooni-joog ah. Midabkiisa maarriinka, timihiisa higilka ah ee uu shanlada duugga ku shanleeyo, macawista sabarhindiga iyo kabihiisa yara qaaliga ah ee salhada ayuu ku soo xusuusanayaa qofkii arki jiray ee maanta wax laga waydiiyo.
Hubaalse waxaa aad u yar qof garan kara ama wax xog ah ka haya dhaqankii Maygaag ee qarsoonaa, dhaqankaas oo aan doonayo in aan aqristoow kuugu soo gudbiyo qormadaan aadka u kooban.
Maygaag, waxaa sirtiisa ii taabtay oo waliba si taxaddar leh iigu sheegay yar aan deris ahayn oo Maxamed la dhahi jiray. Maxamed, ayaa asagoo qolkayga filim hindi ah igu la daawanaya igu soo tuuray waydiin lama-filaan igu noqotay oo ahayd: “Maxaad kala socotaa xumaanta uu xaafadda ka wado wiilka Maygaag ah ee aan deriska nahay?”
Anigoo indhaha taagaya aadna u danaynaya ogaanshaha sheekadaan ayaan u sheegay Maxamed in aanan wax war ah ka hayn ninkaas iyo amuurihiisa, oo waliba si hamuuni ku dheehan tahay uga codsay in uu dhammeeyo sheekada.
Maxamed oo aad mooddid in uu xoogaa ka shallaynayo in uu mawduucaas ii taabtaabtay, aana ka dareemayo in uu aad ugu haysto daawashada filimka ayaa asagoo codka gaabinaya igu yiri:
“Saaxiib, ninkaan Maygaag ahi wuxuu dhib weyn ku hayaa gabdhaha deegaanka, gabar kasta inta uu jacayl been ah ku abuuro oo qolkiisa ku ballamiyo ayuu kufsadaa ka dibna ku rikaateeyaa in uu ceebayn doono haddii aysan u imaan markii uu u baahdo, markii ay gabadhu ku qasbanaato fulinta doonistiisa ayuu xitaa u ballamiyaa wiilal kale oo la kufsada. Gabdhaha uu dhibkaas u gaystay waxay u badan yihiin gabdho deggan xaafado fog balse hadda wuxuu ku billaabay xaafadda oo waxaa jira gabdho aad qaarkood garanayso oo dabinkaas ku jira.”
Maxamed, wuxuu intaas iigu daray in ninkaan Maygaag ahi uu dhibkaan u gaysan karo gabdhaha nala dhashay, intay goori goor tahayna ay tahay in wax laga qabto!
Waxaan laabta iska waydiiyay waxa ninkaan laga qaban karo maadaama aan ku nool nahay magaalada Muqdisho oo ammintaas (2004) ahayd mid aan wax maamul ah lahayn, waxaan kaloo is-tusay in ninkaas uu hubaysan yahay oo ay suurtagal tahay in uu nafta na dhaafiyo haddii uu ogaado in aan afaarihiisa ku jirno.
Waxaa igu dhashay walaac iyo is-la-hadal. Waxaana si wayn iigu muuqatay halista iyo hoogga ka soo socda wiilkaan aadka u aamusan ee qofkii arkaa u malaynayo malaa’ig ceeb-ka-saliim ah. Waxaan in badan ka fekaray sida ugu habboon ee arinkaan loo gali karo, waxaana ii soo baxay dhawr waddo oo wax looga qaban karo, sida: in waalidkiis lagu dacweeyo oo loo sheego gabood-falka uu wiilkoodu ku kacayo, in maxkamadaha islaamiga ah lagu dacweeyo inkastoo aysan lahayn awood ay xukunkooda ku fuliyaan, in gabdhaha dhibbanayaasha u ah lagu dhiirragaliyo in ay dacweeyaan iyo in asaga nafta la dhaafiyo oo la dilo!
Maxamed, markii aan u soo jeediyay in uu kala doorto qorshayaashii aan diyaariyay wuxuu doortay in waalidkiis lagu dacweeyo waxa uu ku jiro wiilkoodu, loona sheego in haddii wiilkooda aysan tillaabo ka qaadin ay gabdhahoodu wajihi karaan in aarsi ahaan loo dhibaateeyo oo sida walaalkood falay lagu falo. Waxay noqotay talo aad u wanaagsan iyo qadob aad u fudud.
Waxii ugu horreeyay ee aan samaynana waxay noqotay in aan aabbihiis ugu tagno biibitadii uu ku qayili jiray, una sheegno dambiga uu wiilkiisu faraha kula jiro iyo miraha ka dhalan kara. Aabbe Warsame na kama labalabayn in uu aado saldhiggii maxkamaddii Ifkaxalane, taas oo waayadaas shaqadeedu ahayd in ay xirto tuugada yaryarka ah iyo dadka ay waaliddiintoodu u rabaan in la dhaqan celiyo.
Galabtii aan aabbe Warsame arrinka u sheegnay subixii xigay waxaa qolkii irid-bannaanka ahaa ee Maygaag taagnaa ciidan cimaamado gaduudan hagoogan, kuwaas oo gaari Cabdi-Bile ah ku ritay Maygaag, waxaana maalintaas qololkii qurunka badnaa ee maxkamada ku qadeeyay Maygaag, ma nexihii gabdhaha baabi’yay. Waxaana aniga iyo saaxiibkay Maxamed dareennay in uu naga degay culays aad u weyn aanna u hiillinnay gabdhihii masaakiinta ahaa ee uu xoogga ku haystay.
Gal-eedeedka eedaysane Maygaag wuxuu noqday mid ay la yaabeen dadkii maqlay, waxaana aad ugu xanaaqay oo ku bururay wadaaxdadii maxakamadda joogtay, kuwaas oo si laab-la-kac ah ciidankoodii ku amray in ay ciqaab daran marsiiyaan, waxaana sidaas xanuunka jeedalka iyo budka ku qurquriyay wiilkii Maygaag ahaa ee sannadaha badan ka oysiinayay gabdhihii biri-ma-gaydada ahaa.
Dhanka kale, waxaa aad uga naxay falka wiilkooda waalidkii iyo xigtadii Maygaag kuwaas oo dareemay halista iyo dakanada uu u baruuray wiilkooda ismaskiiminayay. Waxayna taasi oday Warsame iyo xigtadiisii ku riixday in ay bartii kaga dhawaaqaan in ay diyaar u yihiin in wiilkooda lagu qaado xukunka shareecada islaamka wixii u soo baxana ay raalli ku noqonayaan.
Ciqaabid iyo ceebayn joogta ah ka dib, waxaa Maygaag lagu xukumay in dhagax lagu dilo maadaama uu guur soo maray, markii xukunkaas argagax leh lagu dhawaaqayna waxaa Maygaag laga codsay in uu dadkii goobta maxkamadda fadhiya u sheego waxa ku qasbay in uu ku kaco dambigaas aadka u weyn ee uu ku kufsaday gabdhaha aadka u tirada badan, waxayna warcelintiisii noqotay, sidaan:
“Sidaad in badan oo idin ka mid ah og yihiin waxaan ahaa wiil aad u dhaqan wanaasan, aqoonta jecel oo markasta dhibco sare ka keeni jiray imtixaanaadka ducsiyadii kala heerarka duwanaa ee uu wax ku soo bartay. Waxaan ahaa mid deggan oo aad u qaddariya barayaashiisa, deriskiisa iyo cid kasta oo uu waqtigu la kulmiyay.
Waxaan ahaa qof cibaado badan oo inta badan waqtigiisa ku qaadan jiray masjidka, salaadahana intooda badan jameeco ku oogi jiray.
Waxaan ka qaybqaatay oo heer fiican ka gaaray fadhiyadii diinta lagu baranayay ee masaajidda kuwaas oo aan ka dheefay aqoon iyo ogaal dhanka diinteenna suubban ee Islaamka ah.
Waxaan ahay baarri aan waligii hadal xun ku dhihin waalidkiis. Waxaa ahay xalaal-quute aan waligiis cunin xaaraan uu og yahay.
Dhibkaygu wuxuu billowday oo waxkasta isbedalleen billowgii sannadkii ugu dambeeyay dugsigaygii sare, sannadkaasi ayaa ii noqday mid habaaran oo noloshaydii afka u riday. Sannadkaas fasixii sanad-dugsiyeedkii ka horreeyay ayaan dalxiis iyo qaraabo salaan u aaday mid ka mid magaalooyinka dalka, waxaana ka baxay magaaladii Mugdisho ee aan noloshayda inteeda badan ku soo qaatay.
Waxaan haystay fasax bil ah si aan uga soo nasto daalkii aan ka soo qaaday maalmihii badnaa ee aan u jirmaadayay kana soo wirwirayay dugsiga. Waxaan dhab ahaantii magaaladaas ku soo qaatay maalmo aad u macaanaa oo xiiso iyo xallad lahaa.
Maalintii aan soo baxayay ayaan anigoo gaari waaraad ah dusha ka saaran arkay Maymuun iyo hooyadeed oo gaariga hoostaagan. Maymuun waxay dhigataa fasalka iga hooseeya waxaana nahay dad is yaqaan oo waxaaba naga dhaxeeya xiriir jacayl oo soo tixnaa ilaa dugsigeennii dhaxe, waxaan kale is-naqaannaa waalidkeeda iyo walaalaheeda.
Hooyo Hubban, markii ay indhaha i saartay ayay farxad kala badbadatay, maadaama ay ammaanka gabadheeda u baqaysay illeen socdaalka lagu aadayo Mugdisho waa mid qaadanaya labo maalmood iyo labo habeen, waadna dareemi kartaan in hooyo gabadheeda u dirto socdaalka caynkaas ah.
Markii aan arkay Maymuun iyo hooyadeed ayaan salaamay oo boos uga habeeyay agtayda, maamo Hubbanna markii ay gabadheedii gacantayda ku hubsatay ayay si raynrayni ka muuqato gurigeedii u aadday.
Hooyo Hubban, waxay ahayd qof aqoon durugsan ii leh, waxayna dareentay in gabadheedu ku jirto gacan nabdoon oo masuul ah, waxaana sidaas ku galnay socdaalkii.
Sheeko iyo kaftan ka dib markii la gaaray habeenkii saqdhaxe ayay sheekadii nala taraaraxday oo aad iskugu dhawaannay, waxaana samaynay wixii ay samayn lahaayeen wiil iyo gabar dhallinyaro ah oo sideenna oo kale is arkay iyagoo baalka iskaga jira!
Wax kasta ayaan samaynnay marka laga reebo galmood toos ah, taasna waxay ahayd go’aan dhankayga ka yimid, maadaama aan ogaa in Maymuun tahay qof hooyadeed igu soo aamintay, aadna aan u jeclaa oo ay ila xumayd in aan xaalkaas uga faa’idaysto qofta aan dumarka ka doortay. Waxaa taas noo dheerayd in ay gaariga ka buuxeen dad farabadan oo aysan suurtagal ahayn in xuduudda la dhaafo.
Habeenkii koowaad sidaas buu nagu dhaafay, maalinkii xigayna sidii baan u sii soconnay habeenkii u dambeeyay socdaalkeenna ayaanu sidii hore oo kale nafta mushaaxinnay oo mar kale si weyn iskula falgalnay, waxaanse dhaafiwaynay halkii aan dhaafiwaynay habeen hore. Waxaana mar kale ku adkaystay in aan ilaaliyo amaanadii la ii soo dhiibay. Subixii markii waagu noo baryay ee aan u soo dhownahay Mugdisho ayaan dareemay in Maymuun aad iiga xanaaqsan tahay. Waxay iga jaratay sheekadii, waxay iiga dhaartay in aan jirkeeda meel ka taabto amaba aan u soo dhowaado, waxayna gaarigii ka degtay iyadoo xitaa i macsalaamayn.
Aad bay walwal iigu abuurtay xaalka Maymuun, waxaana garan waayay waxa ay igu maagtay.
Markii la gaaray habeenkii xigay ayaan wacay, markii ay iga qabatayna waxay si la yaab leh iigu sheegtay in aanan mar dambe taleefankeeda soo wicin, markii aan waydiiyay sababtana waxay ii sheegtay in ay iyadu go’aansatay in ay xiriirkeenna ka baxdo. Si kasta ayaan iskugu dayay in aan ogaado sababta ay Maymuun iiga tagtay, waxaan dib u raacay wax kasta oo aan ku iri waanse ka waayay wax keeni kara in Maymuuntii aan ifka u jeclaa meel cidla ah sabab la’aan iiga dhaqaaqdo.
Maalmo kooban ka dib ayaa la gaaray ammintii aan aadi lahayn dugsiga aana bilaabi lahaa casharrada fasalkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare. Inkasta oo ay ii ahayd hormar iyo wax lagu farxo, haddana waxaa farxaddaas iyo guushaas ii qaraareeyay waayidda aan waayay Maymuun.
Maalintii koowaad ee aan fasalka soo galayna waxaan la kulmay ardaydii oo igu wada qoslaya waliba si jeesjees ah, ardaydii oo aad mooddid in ay ku soo heshiiyeen in ay prank igu sameeyaan.
Markii aan baaray waxa ay ardaydu ku qoslayaanna waxaan ogaaday in ay Maymuun ardaydii oo dhan ku dhaexfaafisay in aan ahay laga-roone wax-ma-tare ah oo aan iyada waxba dhaamin.
Ceeb iyo yaxyax buu Allle ii keenay waxaan ila yaraaday dhulkii heer aan dareemay in aysan saacaddu socon.
Maalintaas ayaan go’aan ku gaaray in aanan dib ugu laaban dugsigii, waxaana bilo badan ku dedaali jiray in aan ka fogaado cid kasta oo aan u malaynayo in ay wax ka og tahay musiibada igu dhacday. Waxaan ka shakiyay raganimadaydii oo waxaan iswaydiiyay in ay wax ka jiraan eedda la ii soo jeediyay.
Ku dhawaad hal sano oo aan ku jiray xaalkaas, run ahaantiina aan dhawr jeer ku tashaday in aan isdilo ayay igu dhalatay aragtida ah in aan si wadar ahaan ah uga aarsado dumarka. Waxaana maalintaas wixii ka dambeeyay joogteeyay kufsiga iyo ku xadgudubka gabar kasta oo shabaqayga soo gasha, waxaana labadaas sano ee aan hawshaan ku jiray dhibbane ii noqday gabdho kor u dhaafaya toban, kuwaasi oo intooda badan ceeb darteed uga cararay magaalada Mugdisho.
Waxaa iga hormuuqda foolashii aadka u murugaysnaa ee gabdhahaas, waxa aan dhegahayga ka dhammaanayn oo ilbiriqsi kasta maqlayaa codadkii murugada badnaa ee ka soo yeerayay gabdhaas. Waxa aanan waligay illaawayn falalkaas caro-keentayda ah ee aan ku waxyeelleeyay ubaxyadaas aadka loogu hanka waynaa ee aan sida daran u hoday.
Maanta, waxaan ku jiraa gacanta maxkamadda sharafta leh, waxaan marka koobaad cafis ka baryayaa gabar kasta oo aan dhib u gaystay iyo xigtadeeda. Tan labaad waxaan maxkamadda ka codsanayaa in ay xukunkayga qafiifiso maadaama aan ahay qof laftirkiisa la dulmiyay oo mustaqbalkiisii iyo himilooyinkiisiiba la aasay.
Ugu dambayn, waxaan rabaa in aan raalligalin siiyo waalidiintayda, maadaama ay iga la kulmeen fal aysan marnaba iga filanayn”.
W/Q: Cabdinaasir-xiddig