Adeegtadii Aflaxday!
Aniga oo aad u yar, ayaan billaabay shaqada adeegtannimada. Reerkeygu wuxuu ahaa, mid sabool ah, waalidkeyna waxey ka la tageen, anigoo aan garaadsan. Hooyo ayaa maareyn jirtay nolosha aniga iyo walaalaheyga iga yar. Weligey buug iyo qalin u ma qaadan iskool, is ka daa, in aan magaceyga qori aqaane.
Maalinkii aan noqday 10jir, ayaan billaabay inaan reeraha u shaqeeyo, si aan u caawiyo hooyo, oo ey aad ugu adkeyd, in ey keligeed dabbarto nolosheenna. Intaan shaqada billaabin, waxaan ka shaqeyn jiray gurigeenna, ka adeegitaanka jiko ayaan ku indha ka la qaaday, oo aan ku garaadsaday, wax kale ka ma aan aaminsaneyn nolosha gabarnimo.
Dhowr reer oo ka la duwan ayaan u soo shaqeeyay, reerahaa badankoodna ii ma naxriisan jirin. Waxey ii diri jireen howlo aan awoodi karin, maadaama aan aad u yaraa, iyagoo ey ka dhaadhacsaneyd, in aan lacag qaato ADEEGTO ahay! Hadde waa lacag aan u qalmin dhididkeyga, dhabar jabkayga iyo dhererka saacadaha shaqada, oo aanan ku iibsan karin wixii aan rabo, is la markaana aan kaafin karin baahideyda iyo tan qoyskeyga.
Markii aan billowga ahaa, la ma seexan jirin reerka aan u shaqeeyo, oo galabtii ayey i soo fasixi jireen, subixiinna waan u kallihi jiray. Mar damboo aan xoogeystay, oo da´deyduna korortay ayaa la ii oggolaaday, inaan soo dhexo habeenkii.
Shaqadaasi waa mid dhib badan, oo ku dareensiineysa, in aan laguu oggoleyn nasasho iyo raaxo. Dhibaatooyin aad u fara badan ayaan ka la kulmay runtii, oo ey ii sii dheeraayeen bahdilaad, amar siismo xoog ah, tuhun iyo in la iigu yeero magacyo dhaawacaya qofnimadeyda, dareenkayga iyo dadnimayda.
Qoysas qaar ah waxey ii soo buriyeen xatooyo been ah, oo ey igu eedeeyeen in aan geystay, aniguna weligey ku ma fekerin, in aan xadgudub sameeyo, sababtoo ah, waxaa aad iigu cusleyd xaaladda nololeed, ee uu reerkeygu ku jiro, sidaas darteedna, waan is ka ilaalin jiray wixii dhib iiga imaan kara, laakiin, si kastoo aan is ku difaaco micno ma laheyn qofnana i ma rumeysan jirin. Kaliya ma ahan, ee waxaaba la igu soo barbaariyey dhaqan suubban iyo asluub wacan, oo aan ku dhaato.
Waxey xaaladba iigu dhiibto mid kale, shaqo ayaan ka helay reer ka mid ah reeraha ugu ladan ee magaalada. Muddo aad u dheer ayaan u shaqeenayay, maalinka Jimacaha oo kaliya ayey ii oggoolaayeen, inaan soo booqdo xaafaddeenna. Odayga reerku wuxuu ahaa mid aad u asxaab badan. Maalin kasta waxaa guriga imaada dad aan lagu tashan, islaanta uu qabana afkeeda ka ma bixi jirin magaceyga, mar walboo ey ii wacdo waxaa la socotay sheygaa keen iyo kanna sii qaad.
Waa islaan ey ka muuqato, in ninkeedu uu taajir yahay. War u ma heyso howsha gurigeeda, waqtigeeda oo dhan waxey ku bixisaa hagaajinta nafteeda iyo la sheekeysiga saaxiibbadeeda. Haddii ey joogto iyo haddii ey meel u socotaba labbiskeedu waa is ku mid, waana midda aan aadka u la yaabay illeyn weligeey waxaan arki jiray, qof aad is ku qurxiyo markii uu meel aadayo, waxaan is iri nolosha dadka taajiriintu wey ka geddisantahay tan dadka kale.
Qoyskan aan u shaqeeyo, waxey heystaan shan cunug, midba midka kale wuu ka suuro badanyahay, kana jecelyahay, in fadhiga loogu adeego marka laga reebo gabadha reerka ugu yar. Waa ilmo mayaca laga badiyay, mid walbo aniguu iga sugayaa, inaan qolkiisa u hagaajiyo, dharka u dhaqo, cuntadana u diyaariyo.
Zeynab waa qofka kaliya, ee aan ka helo hadal deggan iyo naxriis, waxeyna mar walbo, iigu yeertaa magaceyga. Weligeed hadal xun i ma eysan dhihin. Waa gabar qalbi fiican, oo aad u maskax furan, galbaha qaar waxey iigu soo gashaa jikada ayadoo wadata mid ka mid ah buugaagteeda iskoolka, dhowr mar ayey iga dalbatay inaan uga sheekeeyo nolosha reerkeyga, markii aan u sheegay, inaan waxba qori karin, oo aan aqrin karin, ayey i bartay sida wax loo qoro, kolkii dambana waxey i siisay buug cusub, oo aan ku barbarto qoraalka.
Maalmaha qaar waxey igu caawin jirtay, iney soo uruuriso weelasha ey walaaheed wax ku cuneen, oo ey mar walbo ugu tagaan meeshii loogu geeyo, haddeey walaalaheed arkaan iyadoo wax uruurineyso, wey ku qeyliyaan, iyagoo leh maxey adeegto u joogtaa guriga!
Waxey nolosheyda sidaa ahaataba, waan awoodi waayay, inaan sii shaqeeyo tabar yari darteed. Waxaan billaabay, inaan istaagga ka dhaco, markii dambana waan ka tagay reerki aan u shaqeenayay. Hooyo aad ayey uga walwashay xanuunkeyga, markii aan bogsaday ka dibna wey ii diidday, inaan shaqo ku laabto. Waxey qorsheysatay sidii ey ii soo dhoofin laheyd, oo aan u heli lahaa nolol ka duwan middaan ku jiray iyo mustaqbal ifa. Waxey dhexda u xiratay iney soo hesho qarashka ku bixi lahaa dhoofkeyga, dhib badan ayey ka martay waqti dheerna wey ku qaatay, ugu dambeyntii wey ku guuleysatay, iney i soo ambibixiso.
Qurbo dhegta ayaan ka maqlay maahee, aqoon kale u ma laheyn, markii horaba waxaan ahaa qof guri un ku dhexjira, oo aan meel dheer gaarin. Howl yar iga ma qabsan safarkii aan dalka kaga soo tagay, waxaan ugu dambeyntii soo caga dhigtay mid ka mid waddammada Yurub, gaar ahan kuwa loo yaqaanno Iskaandaneefiyaan.
Dalkii aan imid ayaan magangalyo weydiistay, waxaana la i dajiyay xero ka mid ah xerooyinka qaxootiga maadaama uusan ehel ii joogin meesha. Si ey ku dheehantahay dadnimo ayaa la ii qaabilay, waxaa la i siiyay meel aan seexdo, cunto aan cuno iyo dhar aan ku lebbisto, maalmo ka dibna waxaa la ii diray iskool si aan wax u barto. Qoraal iyo aqris oo kaliya la iguma barin iskoolka, waxaa sidoo kale la i baray waxyaabo kaloo badan.
Waan ka helay jawiga iskoolka iyo dadka dhexjooga sababtoo ah, waxey kulligood is ku la dhaqmayeen si wanaag iyo ixtiram leh. Macallimiinta iskoolka waa kuwo aad u fiican, mar walbana waxey dhiirrigeliyaan ardayda iyagoo u sheega meelaha ey ku liitaan iyo sida ey u hormarin karaan. In kastoo billowgii hore ey igu adkeyd, inaan la qabsado waxbarashada, oo aan mar ku sigtay quus, haddana, waan la qabsaday. Nolol cusub oo rejo leh ayaan galay, wax bandanna wey is ka key baddaleen.
Hooyadeey ayaan uga sheekeeyay xaaladda aan ku suganahay, si aad ah ayey ugu faraxday, iyadoo ii la dardaarantay si weyn, oo iga dalbatay, in mustaqbal wanagsan aan dhisto, waxey sidoo kale ii sheegtay, in mar walbo ey ii soo duceyso. Sanado dhowr ah ayaa ka soo wareegatay markii aan qurbaha imid, waan ku guuleystay waxbarashada inteedii aasaaska eheyd. Maadaama ey dan i keentay qurbaha, waxaan xoogga saaray, sidii aan wax ku baran lahaa, una caawin lahaa reerkeyga, oo weli ku jiray noloshii saboolnimada eheyd.
Xilliyada habeenkii waxaan ka fekeri jiray hooyadey iyo walaalahay, marmar waxaa qalbigeyga ku soo dhici jiray aabbaheyga aan dadka ka aqoon, ee inaga tagay markii aan yaryareyn, kaas oo dib inoogu soo laaban, si fudud waan ku illoobi waayay dhacdooyinkii xanuunka badnaa iyo bahdilaaddii ey ii geysan jireen reerihii aan u soo shaqeeyay. Waxaan mar walbo is weydiiyaa sababta dadkii aan ka soo tagay ey is kugu nacaan duruufta, wax warcelin ahna u ma helo.
Markii aan si wanaagsan u dhexdabaashay mowjadaha ka la duwan ee waxbarashada, ayaan go´aansaday, in aan jaamacad aado, oo aan macallinnimo barto. Muddo shan sano ah ayey igu qaadatay jaamacadda, goortii ey ii soo dhammaatayna waxaan shaqo ka helay mid ka mid ah iskoollada ku yaalla xaafadda aan degganahay. Marka laga soo tago dhigista maaddada aan ku soo taqasusay, waxaan iskoolka u qabtaa shaqo dheeriya, taas oo ah in aan caawiyo ardayda ka timid Soomaaliya, ee dalka ku cusub, kuwaas oo aan si wanaagsan weli u baran afka, dalkanna u la qabsan. Arday aad u tiro badan, is la markaana ka ka la timid dalal kala duwan, ayaan iskoolka ku la kulmaa, oo aan macallin u ahay. Shaqada macallinnimadu waa mid aan aad uga helay, oo aan ku faraxsanahay, si la mid ah sida ey ardaydaydu iiga faa´ideystaan ayaan aniguna uga faa´ideystaa fekradahooda ka la duwan, oo ey soo bandhigaan xilliga uu cashirku socdo.
In kasta oo aan heer wanaagsan ka gaaray nolosheyda, haddane, marna ma hilmaamin noloshii adeegtinnimo ee carruurnimadeydi la hartay, waxaana mar walba ka fekeraa gabdhaha adeegtooyinka ah ee la kulma dhibaatooyinka faraha badan iyo sida ey u jeclaan lahaayeen helitaanka nolol qurxoon.
WQ: Ramla Gobdoon