Andalustii Shalay Iyo Soomaaliyada Maanta Q3AAD
Dhankii cilmiga iyo culimadii sayniska
Qeybihii hore waxaa aanu ka soo hadalnay aas-aaskii Andalus iyo heerkii ay ka gaadhay dhankii cilmiga diiniga ahaa, bal maantana aanu is yara dul taagno cilmigii iyo culimadii dhanka sayniska ahaa ee ay Andalus soo saartay.
Waxaa aan soo gudbin doonaa dhawr caalim oo magac iyo maamuus kulahaa Andalus iyo caalamka kaleba, qaarkoodna illaa maanta raadka ay reebeen bariga iyo galbeedkaba laga dheehan karo. Dhammaantood suuragal iima aha inaan magacyadoodii soo tixo marka laga yaabee mid aad adigu aad ula dhacsaneyd inaan ka tago, sida aan horeba u sii sheegayna dhamaantood xul bay ahaayeen aan kala dhicin ee intii ishaydu qabatay un baan soo gudbiyay.
Kaalinta koowaad waxa aan dhigayaa Maslama al-Majriti magaciisa oo saxanise yahay Abu al-Qasim al-Qurtubi al-Majriti ku dhashay Madrid 950 kuna dhintay Kordoba 1007. Waxaa uu ahaa xisaabiye, dhaqaaleyahan, cir-bixiyeen iyo caalim xagga diinta ah.
Dedaalkii ugu weynaa ee lagu xasuustaahi waxa uu yahay in uu tarjumay qoraalladii Ptolemy ee Planispherium iyo sidoo kale in uu hagaajiyay dib-u-eegidna ku sameeyay tarjumaadihii ka horreeyay ee laga sameeyay Almagest. Waxaa uu sidoo kale qeyb weyn ka cayaaray shaqooyinkii Khawaarizmi ee dhanka xisaabta ahaa in uu isku dubariday si qaab qurxoon oo casriyeysanna u soo gudbiyay.
Goobtii waxbarashada ee cir-bixinta iyo xisaabaadka ee Andalus ayuu dhidibada u taagay, kana qeyb qaatay in heer aan lala baratamin gaadho aqoontii cilmiga aheyd ee berigaa caalamka ka jirtay.
Kaalina labaad waxa aan dhigayaa dhakhtarkii weynaa ee waayihiisii ugu caansanaa ee la oran jiray Al-Zahrawi magaciisa oo dhameystiranise yahay Abū al-Qāsim Khalaf ibn al-‘Cabbāas az-Zahrāwī ku dhashay Kordoba sanadkii 936 kuna dhintay isla Kordoba sanadkii 1013.
Dhakhtar dhan walba culuumta qaliinka quseysa ugu gaamuray buu ahaa, qaabkii daawada iyo daaweyntii uu isticmaali jiray waxaa uu ka qoray buug aad u qiimo badan oo la yiraahdo Kitab al-Tasrif . buugaasi oo ku saabsanaa qaabka qalliinka waxaa loo tarjumay luuqadihii galbeedka illaa qarniyadii dhexena aad baa looga faa’idaystay. Qaabkii daaweyntiisa oo illaa hadda la xasuusto waxa ka mid ahaa in uusan ku deg degi jirin in bukaanka daawo la siiyo ee inta hore lagu baxnaansho hadba tan la is leeyahay waa looga baajin karaa daawada.
La soco qaybaha xiga
W/Q: Maxamed Xaaji Xasan