Anigu ma ciidee adiga ciid!
Waa guri wayn, oo ku yaallaa bartamaha magaalada. Waa la igu tirin karaa, in aan ka mid ahay dadka guriga deggan, haddana kama mid ahi. Gudaha iyo bannaankaba waa uu ka wayn yahay gurigu, haddana qayb yar ayaan ka degganahay. Waa meel gees ah oo u dhaw iridka laga soo galo. Ulo la isu geeyay korkana looga xiray bac ayaa qol ii ah. Baakado aan isu geeyay ayaa sariir ii ah, ciiddana iga xijiya. Kabahayga ayaa barkin ii ah. Habeen walba halkaa ayaan ku soo hoydaa, subixiina ka kallahaa.
Maalintii aan dhashay ayay hooyaday dhimatay. Way umul raacday. Waa oraah lagu sababeeyo dhimashadeeda. Xabbad ayaa dishay aabbahay. Sidaasna ayeeyday ayaa ii sheegtay. Ilaa iyo shan jirkaygii iyada ayaa i haysatay. Hooyo, aabbe iyo walaal ayay ii noqotay. Iyada ayaa i bartay magacayga, kan hooyaday iyo aabbahay. Da’da aan jiro ayay ii sheegtay. Dhabteeda ayaan ku seexan jiray. Waxa ay i gaysay dugsi qur’aan si aan hingaadda u barto. In ay iskool i gayn doonto ayay ii ballan qaadday. Xanuun ayaa iyadana iga dilay. Waxa ay iga la dardaarantay dad iyada u dhawaa, iyagana si xun ayay iila dhaqmeen heer aan markii dambe ka soo baxsaday. Ilaa maanta waxa aan wareegaa dibadda.
Dhowr sano ayaan dibad joog ahay. Cid i soo raadisay, cid iga fekerta, cid i daryeesha iyo cid iga naxda ma jiraan. Kabaha aan dadka u caseeyo iyo islaamaha aan ka caawiyo soo dajinta qaadka ayaan quud ka helaa. Wixii aan bannaanka ka helo ayaan maalintii cunaa. Haba u badnaato reereebka maqaayadaha. Shaqadaydu maalinba waa si. Maalin waan helaa, maalinna waan waayaa. Magaalo iga wayn iyo dad iga tira badan ayaan subax walba ku kallahaa. Dadku iima naxaan si naxriis lehna igu la ma dhaqmaan. Aniga oo kabahooda caseeya fadhigana ugu geeya ayay haddana iga wiswisaan, kolka ay arkaan calaladayda wasaqda badan iyo qaabka aan ahay.
Sanadihii u horreeyay waan la qabsan waayay nolosha darbi jiifnimada. Waxaan tabay ayeeyday. Habeennada qaar marka aan la jiifi waayo baahi darteed ayaan soo xusuustaa cuntadii ay i siin jirtay. Habeennada qaar waan barooran jiray marka aan soo qarwo, ama aan arko riyo xun. Hadda ma ooyo. Ma cabsado. Ma naxo. Roobka iyo dhaxanta waxba nooma dhexeeyaan. Habeenkii waa uu igu da’aa, waaga marka uu baryana qorraxda ayaa i qallajisa. Sidaas ayaan muddo ku noolaa kuna noolahay.
Qofka ay duruuftu iga dhigtay ayaan ahay. Ma ihi qofkayga saxda ah. Ma aqaanno micnaha farxadda. Ma qoslo. Waan rabaa in aan ogaado qofkayga rasmiga ah, laakiin waa in aan helaa qof i daryeesha, koriismadaydii xumaatay toosisa, indha kalana igu tusto dunidan foolxumada, nacaybka iyo yaska aan kala kulmo. Qofkaasi ma ogi haddii aan heli doono. Ma kula tahay in aan helaayo? Adiga ma ii noqonaysaa?
Maalin dhow waa Ciid. Ma ogi micnaha ay leedahay. Waxaanse arkaa dadka oo dhar qurxoon ku labbisan, cunto macaan cuna oo faraxsan. Intaas lidkooda ayaan ku suganahay. Suuqa ayaan ku arkaa carruur ila mid ah, oo waalidkood u iibinayo dhar iyo qalab lagu ciyaaro. Waan jeclahay in aan sidooda noqdo, haddana waxa aan ogahay in aan noqonayn. Ma haysto waalid ama walaal suuqa ii kaxeeya, waxna ii soo iibiya. Maba aqaan dooqayga. Waa xanuun. Laakiin waa runta aan ku noolahay. Waad ciidaysaa adiga saw maaha? Xaggee aadi doontaa subaxa ciidda? Maxaa ku qorshaysan? Ha dhihin waxba. Ha dhihin ma ogi. Ha dhihin ma rabo inaan ciido.
Waxa aad ka soo dhex kacaysaa guri daboolan. Waxaa kula soo kacaya waalidkaa iyo walaalahaa. Wax waad soo iibsan kartaa. Cunto badan ayaad helaysaa. Ehel iyo asxaab aad booqato ayaad leedahay. Sidee ayaadan u ciidayn? Aniga ma ogi waxii aan samayn lahaa, sidaa darteed baakaddayda ayaan ku hurdi doonaa. Adiga haddii aadan ogayn wax aad samayso hadda ayaad ogaan kartaa. Sababtoo ah waad awooddaa in aad ogaato. Ciid. Farax. Samee waxa aad jeceshahay. Bannaanka u soo bax. Kolkaana waxa aad arki doontaa aniga oo badan. Naga farxi.