Awrkaan Hoggaaminayey ayaa I Hagey? Dhacdo dhab ahW/Q Cabdi Nuur waddani

Reer-Baadiyo

 

 

Awrkaan Hoggaaminayey ayaa I Hagay? Dhacdo dhab ah

Waxaan ahaa hilaadi 13 jir illaa 14 jir, waxaan deganeyn reerkaygu deganaa dhulka miyiga ah, qoyskeennu wuxuu ahaa reer guraa, saddexda soof ee xoolaha dhaqda, marba mihii(Meeshii) xooluhu daaq ka helayaan ayaana loo guuraa, ha dheeraato ama ha dhawaatee, balse, haddana laga maarmi maayo in la helo meel saldhiga, oo haddii dhulku iska barwaaqeysanyahay, ama xilliyada biya cabkaa loo badnaado, sababtuna waxay ahayd ceelasha la cabayo, iyo dhulalka oo inta badan la kala sheegan jiray, qofkastana deegaankiisa degaanka rwerkiisa ayuu u badnaa jiray.

Sidaa iyadoo xaalku yahay, ayaa waxaa beri dhacday, abaar aad u kululeed, dabeedna reerkii ayaa waxaa loo raray deegaan aad u fogaa, oo markaasi roob ka da’ay xiligaas aabbahay ma joogin, oo xamar ayuu jiray ninka cidda xooga u ah, ee geedi iyo sahanba u arriminayey ee rarayana waa aniga, maxaa yeelay, anigaa ayaa ugu weyn carruurta wiilasha kale iga yar yaraayeen.

Halkii roobku ka da’ay, ayaa loo guuray, wixii maalmo badan hayaan iyo geedigu sii hadaafoba ugu danbeyn waxaa la gaaray halkii loo guurayay, laguma hungoobin oo waxaa la tegay dhul ugbaad ah oo naq ah, isagoo aan diq noqon oo markii horeba cows iska lahaa haddana roob lixaad leh iyo hogol si wanaagsan ugu bururtey, dad iyo xoolaba waa laga raystey abaartii iy omoskii laga soo hayaamey.

Laba maalin ka dib markii meesha la degay, waxaa loo baahday biyo, dabeedna madaama aan anigu howlahaas u igmanaa, waxaan laba rati usoo dhaanshay ceel xoogaa cabbaar ii jiray, oo la ii tilmaamay, mar ay barqanki tahay ayaan guriga awrta ka soo rartay, oo aan ceelki la ii tilmaamay soo qabtay, ugu danbeyntii waxaan imid marki ceelkii goor harkii maalmeed ah, Gadiid waqtiga la adimo salaadda duhur.

Ceelku waa ceel gacmeed, waana maalintii iigu horreeysay, ee aan usoo dhaansho ceelkaas, balse wax welwel ah ima haayaan, oo shubidda, ceelka waa la igu soo barbaariyay, waana isku tashanahay, oo wadaanti aan awrta ku shuban lahaa iyo lacagtii aan biyaha ceelka isaga bixin lahaa intaba waan wataa, sidoo kale toorreeyda, iyo ushu waa kuwaan iga harin, oo cunug faceeya ima soo fiiri karo, illeen haddaad magaala aad ku cusubtahay tagto waa lagu gariifahe.

Awrtii ayaan furtay waxaana ceelki isku aragnay rag iyaguna halkaan usoo hayaamay, oo aan horay isu naqiin ceelkana usoo dhaanshay, awrti ayaan wada shubannay dhammaanteen.Markii la qubeystay, Nin kastaba haamman kiisa, ayuu hileyga u hiigaagtay ama nikaxday(Lingaxdey), intaas ka dibna Magaalada ayaa u shir tagney si aan uga soo shaahno, ninki wax kasoo gadan rabana kasoo gato, waxaana la soo gaaray xilligii ceelka laga fuli lahaa.

Awrtii ayaa la wada rakaatay oo mar kale biya loo sii celiyay, nin kastana ratigiisi ayuu soo tugsaday oo rarka ku hilaabay, ceelka in lagaaga fulo waa ceeb dhulka miyiga ninki taasi ku dhacdana, barbaarka la sheekeysa kari maayo, oo waxaa loogu yeeraa “Dacyaal” iyo erayo kale oo la mida, waxaana awrta lagu rartaa oo la isku caraadiyaa erayo markaas lagu durayo ninkaas, sida:

  • Habartii ceesaan dhasheey
  • Ceelka waalaga fulee
  • Yaan calool xumo ku hayn!

Habartii nin calaana oo aan ratiga ciyaw rara karin dhasheey yaan calool xumadu ku dilin ee iska dulqaado ayaa lagu heesayaa nin kastana yaan arrintaasu kugu dhicin oo facaa ceelka kaaga fulin ayuu hawa isu gelinayaa, o guntiga dhiisha isaga dhigaa asigoo asna muggaas ku heesaya:

  • Nimaan kaa war dheereyn
  • Amaan kaa wax dheef badin
  • Hakaasii war geeyana
  • Waa weelkaaga biya mari!

Nimaan waxba ku dheereyn ha ku yiraahdo ceelki ayaan uga soo fulay, waa dhimasho iyo weelkaad wax ku cuntay hala mayro ayuu leeyahay, asigoo kartitiisa muujinaya, hayeeshee anigu intaas anigoo og ayaan rarashadi awrteyda dib u dhigtay, ma ahan inaan raggaas kale ka awood yarahay, balse waxaan is tusiyay xilliga oo kuleyl ahaa iyo meeshaan u fulayo, oo aan dhawayn dhibka hadhow i qabsan kara.

Waayo ratigi waqti qorrax kuleyl ah, rarka la saaro meel dheerna u fulaya, waa dhididaa, waxaana qasab kugu naqaneysa, inaad gurigii ka sokay ku furto oo aad cabbaar u kaadiso si uu u leeyrsado, haddii kale ratigu hadduu dakaamo, oo inta kululaado aadan rarka ka furin, waxaa imaneysa inuu haammaha kaala galgasho ama inta cabaado dhirka iskula xoqo oo halkaas Haammuhu kaaba burburaan.

Anigoo arrinkaas ka digtoon inuu igu dhaco, kana feejigan, ayaan dib u dhigtey, inaan rarka ku boobo, waxaa la yiri “ Ratiga kuu raran waa Rubada taada ahe” xoolaha waa loogu jecelyahay, Awrka hayinka ah ee la dhaansado waa naftii, oo wuxuu ku jiraa, halka baabuurku maanta ku jirto, oo qorax kuleylka looga baqo in lugaha ka banjaraan.

Markii layrta soo dhacdey ee cadceeda kuleylkeedii yaraaday, ayaan awrti rartay, waddada ayaana qabsaday, labada rati mid waa mid hayni biyo ma daadshe ah, oo, midna waa mid aad u dhega fudud, buubaal fara gooya ma ahan, balse, hadduu hummaag yar ama hoos yar arko waa ka didaa oo bayr ayuu leeyahay oo wax ma hubsado, mararka cidu guureeyso looma dhaweeyo ilmaha iyo waxaraha midna ee ratiga kalaa la saaraa, maalinti asiga laga maarmi waayo, oo kiilku batana dacay iyo mereg baa inta la isugu daro qof macquula loo dhiibaa.

Mudo markaan markaan hillaadi ku dhaw laba saacadood, xoogaa qorraxduna sii liiceeyso ayaa roob aad u xoog badani yimid, kaaga darane roobku waxaa uu ka yimid halki aan ku socday, awrtiina inta is taagtay, ayeey soo wada jeesatay, waayoo waxaa adag inaad neefka geela ah u wado ama u hoggaamiso halka roobku kasoo socdo oo wuxuu diidayaa biyahaas foolka ama wejiga uga soo dhacaya, hoohadka dabeysha biyaha roobka la socota ee hohoneysa.

Iskama waalin oo xaalkaas waan la socdaye,in cabaara ayaan awrtii, halkeedii ku celshay, anigoo sugaya bal in roobku kala yaraado, iyo in kale, balse roobku inuu soo xoogeeysto maahee, waaba kala yaraan waayey.Awrtiii ayaan meel waddada qarkeeda ah, ama geeska ah, haamihii uga furay, maadaama roobkii, joogsan diiday, awrtiina ay culaab iyo culeys la rorogto.Waxaa halkaas iigu dhacday Qoraxdii iyadoo weli roobku socdo, marki dhulku si fiican u madoobaaday, ayuu roobkii qayooday, yacni joogsaday.

Waxaa dhacday roobka igu da’ay, xooggiisa awgiis inaan dayoobay ama aan wareeray, oo aan dhulya cir kala garan waayay, dayoowgu waa meelaha ugu daran ee uu dadka ku dhaco, waxaad garan waayeysaa, halkaad u socotey iyo halkaad ka timid, sidoo kale, Afarta geesood, Barri(Qorax soo bax) Galbeed(Qoraxsin) Waqooyi iyo Koonfur,intaas waxaa ii dheer inaanan saaka tooshki ama karbuuntii, soo qaadan oo waxaan islahaa galab dheer ayaad guriga imaaneeysa.

Sidaan hore u sheegay waxaaba ugu daran inaan waddada aqoon oo saaka uun ay iigu horreeysay dhulkaas iyo mariddiisa, awrtii ayaan mugdigii ku raray, oo aan marki horeba haammaha kaliya ka dhigay ama ka furay, dhulya cir meel aan u socdo ma helo, balse dayoowga oo aan hore u aqiin, waan yaqiinsaday inaan wareeray.Ratigii hayinka ahaa, ayaan xariggii qoorta u marshay, asigoo baryaqaadaya si xowliyana u socda, ayow I horkacay anigoo ber uu ujeedo helin ayaan saynta ka qabsaday, ama dabada kii kalana inta dacay ku qabtay, ayaan gerka qabsaday.

Niyadda waxaa iigu jirta oo kaliya haddaad cabbaar socoto, awrta iska fur, illeen haddaad jiifato ama xoogaa meel fadhido dayowgu waakaa ba’aahe, oo markaas subaxdii iska raro awrtaada, balse waxaa igu soo naq naqaysa, oo niyadeyda ku meereysanaaya, hooyo oo aan ogahay, murugta iyo welwelka cawada haya! Intaas niyadda un baan ku haystaa, laakiin inaan haadaayo, iyo inaan socdo war uma haayo.

Dhulku waa mid aad u degan oo aysan wax shanqar ah lahayn jabaqna ka yeereyn, oo sidaas looma degana, waxaan socdoba anigo ay markaan iga go’antahay inaan awrta iska furo ayaa ratigi aan daba socday waddada ka leexday oo gooyay, meel uu u leexday ma garanayo, laakiin burkaan fuulay ayaan ka dareemay uun in ratigu waddada ka leexday, anigoo niyada iska iri tolow ma geed buu daaqi rabaa, balse markuu xoogaa socday ayaan hal mar ka war hellay ratigi oo tugsaday ama fadhiistay, halkaan saaka kasoo raray, iyo hooyo oo caawa hurdo kasoo go’i wayday! Iyadoo yaabban waxa i helay, oo waa hooyee walwal la seexan waysay, iskana soo jeedda, ayeey i aragtay, iyadoo farxad la gariireysa oo i leh: hooyo maxaa cawada kugu dhacay? Sidee tahay hooyo ma nabad qabtaa? war waan u celin waayay hooyo oo xaalkeygu aad buu u qasanaa!

Laakiin hooyo waa i dareentay, inaan wareersanahay, oo aan hawada ka maqanahay, ratigi ayeey iga qaadday, iyadoon furin ayeeyna inta geed ku xirtay dharkii qoyana maryo aan iskaga beddelo i siisay! caana qandaca oo diirana isiisay ayeey igu tir wiilkaygiiyoow iska jiifso! hooyo welwelki ay iga qabtay waa daayay, mar haddeey I aragtay, inta awrtii furtay ayeeyna iska seexatay, iyadoo faraxsan, anna subaxdii ayaan kasoo kacay anigoo wareerkii iyo sirinsirqadii xalay iga baxdey oo sideydi hore ah.

Gunaanadkii iyo dulucda  sheekada.

Maanta haddaan soomaali nahay, waxaa haysta dadkeenna tii Aniga barigaas igu dhacday ee dayowga iyo jahawareerka ahayn guud ahaan, culimo, caammo, cirroole iyo caruurba sidaas ayaan u wada wareernay, ber aan u jeedno qof ogna naguma jirto, qof kasta asigoo wareersan ayuu hortiisa dhaqaaqay, waa halkuu Abwaanka Soomaaliyeed ka lahaa;

Nin ambaday halkuu aaday waa ula ekooneyd

taasna waxaa caddeyn kuugu filan arrimaha dayowga iyo harjadka waxaad maqlaysaa waagii beryaba: Qof diinta ka baxay, qof is daldalay, qof is qarxiyay, balLaayo habarteed iyo adoogeed ayaa isugu keyna timid, illeen maskax gaddoon, baa inagu wada dhacaye, sidaas haddii xaal yahay maanta waxa kaliya ee na toosi kara, oo aan u baahanahay waa hoggaan hayin ah noo hagga noona hoggaansha halka iyo barrinka aan ka helayno, Nabadda, Horumarka, nidaamka dowladnimada iyo kala dambaynta, sidoo kale inagu fura guri wanaagsan oo doogsaday si aan uga soo kabsano cudurkaas jaha wareerkaa ee nagu wada dhacay, sida ritagii guriga I hoggaanshay ina geeyayna guriga gurigayga anigoo nabadqaba.

 

 

Dhammaad.

 

 

 

SHEEKOOYIN