Baro godka SHIRIBKA
Alla ha u naxariistee, laashin la dhihi jiray Rooble Mocoow, ayaa beri tegay goob ay kulan ku lahayd beel ka mida beelaha Soomaaliyeed. Rooble wuxuu ahaa nin laashina, dadkuna aad u yaqiin, nin ka daba hadli karaana waa uu yaraa, balse, dadkeennu ninka doorkaa waa duraane, Rooble dadku waa ay takoori jireen, waxaana loogu yeerijiray magac uuna astaahilin oo Rooble ayeey dadku dhihi jireen.
Dhib u ma arki jirin isagu magacaas xun qofki ugu yeertana wuu la hadli jiray, oo ma diid jirin. Laashin Rooble waxaa lagu galay dhowr goobaad, rag badan oo laashimiina ayaana shirib iyo gabayo ku takooray, laakiin, wuu is ka wada dhacshay, oo nimuu ka baqday lama sheegin.
Laashin Rooble waxaa uu tegay kulankii, laakiin, wuxuu astaahilay nin laashina, haddana, soo martiyey ka mana helin. Waagaas waxaa caado iyo dhaqan ahayd qofka socotada ah, ee yimaad goob reerka uu ka dhashay reer aan ahayn ay kulan ku qabaan ama arrin kale ku heesta, in si wanaagsan loo sooro, si gooniyana loo sharfo waxna loo siiyo, weliba marka xoolaha la bireynayo waa la naadshaa, inuu joogo qof reerka arrinta qaba ka koreeya, oo waxaa la yiraa; yaa reer hebel ka jooga? Reer hebelna yaa ka jooga? Iyadoo sida loo ka la curudsanyahayna loo ka la hormarinayo, marki la waayo qof ka mida reeraha la naadshana, waxaa lagu soo gooyaa; yaa soomaali ka jooga? Iyadoo la hubinayo, in uu meesha joogo qof reerkaas aan ka dhalan, in kastoo laysla wadadhashay, haddana, waa dhaqan laysku xushmeeyo, xoolahana waxaa muraadinaya, oo duceeynaya qofka reerka ka koreeya, haddii la waayana, waxaa xoolaha muraadinaya oo duceynaya reerka kulmaya qofka u curadsan.
Laashin Rooble la ma kulmin billaawgii kulanka, oo laga yaabo, inuusan martiqaad wanaagsanba ka heli lahayn, wuxuuna ku soo aaday kulanka oo socda, markuu yimidna wuxuu mudnaa ma helin. Laashin Rooble goob heeraarneed oo lagu shirbayay ayow daraf ka galay, xoogaa marki shiribkii socdana beeshi kulmeysay ayow wax waydiistay, laakiin, waa lagu ceebiyay, weliba si gef iyo gardarra ah, oo wax kale is ka dhaafe uusan qof Muslima mudneyn.
Laashin Rooble beeshi asu u yimid, ee asu u soo martiyey waxna waydiistay waxay dadki ka soo dhexbixiyeen nin aad u fool xumaa, iyagoo ammuurta ILAAHEEY ninkaas u sameeyay Rooble ku xumeynaya, waxayna ninki ku la soo shirbeen adeer Rooble:
“Ninkaan dhella nimaan dhunkoon
Anunka naga dhedhemi maayo dheef!”
Dhawaaqaas xun ee laga yaaqyaaqsado waxaa ka keenay sida ay u yasayeen laashin Rooble una liidayeen, waxayna rabeen, inuu inta xanaaqo is ka baxo maadama aysan wax siiheyn, haddow ninka dhunkoodana ay u naqato xeer qof kasta ku la dhaqmi doonto iyo irid mar kasta laga soo geli karo, balse, laashin Rooble oo ahaa nin ILAAHEEY maskax fayaw siiyay, dhib u ma arag gefka iyo gumeynta lagu la kacay, ee fallaar aysan ka soo waaqsan ayow ku dhiftay nimanki, wuxuuna siiyay jawaab ka biyoobisay dantii ay lahaayeen ceeb iyo fadeexana iyagii ku ridday.
Jawaabtaas miyaad adigu heli kartaa laashinnow, haddii sidaas lagu dhihi lahaasa ma heli lahayd jawaabta laashin Rooble helay? wuxuu nimanki ugu jawaabay laashin Rooble; Walaalaheygi waaba idin ku soo sirmaye:
“Is kuba dhaqan miihinoo
Waxaan dhunkoono waa dhawnaa!”
Wuxuu u sheegay, inuu ku soo sirmay, haddow ogaan lahaana, inuu wax heybsado is kaba daaye uusan soo aadi lahayn. Jabkaas iyo foolxumadaas waxaa ku riday nimankii is lahaa Rooble xumeeya falka ay sameeyeen, oo aan ka mid ahayn dhaqanka soomaaliyeed, laashin Rooblana halkaas ayow ka helay albaabka uu ka dhaawacay raggi is lahaa isaga dhaawaca, shiribkina sidii ayaa loogu kala tegay Rooblana waa ka lugeeyay asigoo guulwata.
Laashin Rooble Alla ha u naxariistee, waxaa uu ahaa nin af badan guurowga iyo shiribkuna aysan waxba isu dhaamin, haddaan gun laga dhigi lahaynna wax badan laga la hari lahaa.
Laashin Rooble waxay mar is galeen nin isna laashin ahaa, oo aanan magaciisa hayn. Wixii la gabyo iyo wixi la shirbo, waxaa lays la gaaray halkii lagu ka la hari lahaa, shiribkina waa la is ku hal xiraaleeyay, waxaana lagu hormaray laashin Rooble oo su’aashi u horreysay shirib lagu waydiiyay.
Laashinki shiribka xiray ayeey dadki oo dhan u sacbiyeeyn, wixii gabar meesha joogana u carrabdhabeen, iyagoo ku faraxsan, in Rooble la hal xiraaleeyo, lagana badsho, laakiin, laashin Rooble oo aan la arag shirib inta lagu xiray asu furi waayay, wuxuu goobti ku furay su’aashii, balse, qofna u ma sacbin u mana alalaasin. Laashin Rooble asigoo markaas ciifo gashay oo sheegaya sida loo takooro, loona jiirnaco ayow baxshay shirib caana, dadkuna ay badi maanta ku halqabsadaan, wuxuu yiri,
“Qowlki minaan u keenay qowl
qosolkiyaan qof loo arkeyn!”
W/D: Laashin Cabdi Nuur Waddani