Cad Waraaq ah Uun
« Cibaarooyin badan baa socdoo ciilay ubadkiiye…
Caynaanka kuwa noo hayee ceebta ina saaray
Nimankaas cawaanka ah haddaan Eebbe cidhibgoynin
Ma calaacal baa ii bogsiin uurka cabanaaya. »
~ Faarax Maxamuud: Caloolyow
MEESHA WAA MAGAALO la yiraahdo Braunau, ka na tirsan gobolka Klagenberg, Jarmalka. Carruur caddaan ah ayaa waddo kasta ba joogta; kooxo ayaa se kubbadda cagta ku ciyaaraya gego, digdigo balse ah xadiidin; goob ciyaareed lagu magacaabo Spielspange. Ciyaalkan qalaad, agfadhigoodii badanaa ee kombiyuutarka, ruuqiddoodii macmacaanka, rudmodoodii baradhoda xalleefsan, iyo ciyaarohii kombiyuutarka ayaa loo eersadaa cayilka qabkoodii dhalandooriyay, u na yeelay qaab aad u foolxun: calool dibbirsan, caman kuuskuusan, iyo cajarro diilan. Meesha waxa ku maageeran hooyooyin iyo aabbeyaal kala taagersan, oo kala dhiirrigelin, u na kala orin kolka ubadkoodii uu cagta ba la haleelo kubbad, sidiisa oo kale ba, aad u buufsan. Sacab. jawjaw. Dhulgariir!
Aalaaba, meesha, reerku waxa uu ka kooban yahay lammaane islanool uun. Illayse, si loogu garto sida ugu qeexan; waa labood iyo labood ama dhaddig iyo dhaddig isu dhaxa. Nimownaagyo ama isqaba amaba se isufuula. Laga yaabee, in aad horey u maqashay oraahdan, ‘Heblaayo gaal bay u fuushaa!’; tiiyoo looga jeedo, ‘gaal aan iyada qabin, ayay u tahay oori‘. Ereygan, fuulitaan, codsi, ha u fahmin si intaas ka sii macsi duwan. Haah! Xeerka ayaa u dulqaadanaya in ‘labadii isjecel’ ba ay is guursan; haddii kale na, ay ba isufuuli karaan. Hayeeshee, immika, geddii hooyooyinkii Soomaalida ba, maro taarashyo leh, subeeci oo kale, ayay ku xambaarsan yihiin dhallaan kale ee yaryar; lammaaneha qaarkood se waxa ay ba gacanta hayaan ilmo ordi karaya, ka na firfircooni badan bucbucyodooda ka cagajiidaya; dheesha ay daawanyaan ba.
Funaanado holof ah, surwaaldabagaabyo dalfac ah, kabo aan sina ba uga yareyn buudka ay illodaan neo-Nazi skinheadska, ayay gebigood wada xiran yihiin. Gibilkooda cardiifka cad waxa ku asalan amba ku shaqlan midabboda calankooda: huruud, gaduud, iyo madow: olol baxaya. Eeg haddana! Gololoda dalkooda ayaa shafka ugu wada tolan. Maleha, waxa ay iyaga ku barbaarin han gurracan, mid ku sii qiireyn guhaad aan dhab loo arkeyn, iyo haybsooc u aloosan dab hoos ka nool oo kale. T. a., marka loo eego, kuqaadis toodii heesta qaranka: tixo ka faafreebanaa maansodii Heinrich Hoffmann von Fallersleben; tuducyodaas baas ayaa weli, mindhaa, hojisyo qab weyn iyaga maanka kaga wada dhex shidi:
“Deutschland, Deutschland, über alles…”
Badankoodu waxa ay u dhaqaaqayaan; may, badankoodu waxa ay u buluqbuluqleynayaan sidii wanan shilis ah. Midkoodii kufa se; geddii doofaar la gowracay ayuu u gebidhacleyn; midkoodii dhacsaal awgeed meel u dangiigsado se; xagga muuqa waxba kagama duwana fuur yaalla Waddodii Nasiib Buundo, Wardhiigley, Xamar.
MAADI KOLONGA OBBO, fannaankii jiitay ee reer Kismaayo; wiilkiisii ahaa Nameka, wiil uu sii dhalay (garo, oo waa curadkii Nameka ina Maadi Kolonga Obbo); haatan se lagu magacaabo Obbo Mkoma, ayaa laba toddobaad kahor meesha gaari ku dhaafay; waxa uu na ku sii jeeday abbaartii Banhofka, halkaas oo uu ka sii raaci lahaa tareenka Inter-City Express (ICE); si dabadeed na Frankfurt Flughafen uu uga sii duulo xaggaas iyo Kapstadt, Koonfur Afrika. Ujeeddoda dhoofkiisa ayaa ba ahayd, magaaloda Cape Town , in uu ku soo qaato tababar duuliyenimo.
Ha maqnaan lahaayaa: maxaa qiil uu u ciirsado u noqon lahaa? Cudurdaar sidee kale ah ayuu se sharafkiisii la madoobeeyay ku caddeysan kari lahaa?
Mwanamvua Kasamila, haatan waxa loogu yeeraa Frau Obbo; bilis u ah raalliyo sida Soomaali dhalad ah; iyadu na waa Obbo Mkomo hooyodiis. Saaddambe, haayoo berridambe oo kale, ayaa wiilkeedii ka soo laaban lahaa dalkii Apartheid; yac! qalinka, iyo hafyo-badanidiisa; South Africa. Cuntooyinkii ay ku soo dhoweyn lahayd, ayay ku mashquulsanayd. Walow ay iska xanuunsanayd, si hilow badan ayay misana u raagsanaysay goorta ay mar kale arki lahayd ubaxeedii. Nuurkii indhaheeda. Madigeedii. Waxa ay ku hawlanayd sammeynta doolshooyin, rooti, buryoosh, burkaaki, macsharo, qariib, buskud, sambuusi, bejiye, muufo-baraawe, oodkac, hariiso, iyo dhigaallo kale oo ay ka kororsatay Muslimiinta reer Braunau. Si kale kuma taqaannid; ee haddii aad geli lahayd jikada ay wax ku karineysay, dhareer ayaa afkaaga ka soo quban lahaa: Udugga bun la dubay, qorfo iyo heyl la tumay; sanuunta burunji lagu kariyay basal, toon, riixaan, kaamuun, filfil, basbaas-cagaar, xawaaji-gaduud,… hilbo wada dhireysanaa. Xaggaas dambe na, burjiko (dhardhaarro koronteysanaa), waxa ka dul hongod lehaa heemaalkii Frau Obbo, kaas oo ay finiinacyo dhidid ahaa ay kaga sammeysmeen wejiga, kakor bar suujuud awgeed la gommodontay; dhibco, sitaahoo ay ahaayeen huur isu oomanaa, Niilkii Waqooyi iyo Niilkii Koonfureed, oo dabadeed goorta geeddiyaal dhafoorkeedii ka mid ahaa ay isu soo jiiraan, isku darsoomayay; oo isku wada noqonayay na hal dareer oo harag qudha wadaagayay, kaas oo misana hoos ugu sii durdurayay cabbaadkeedii qaarshareernaa. Iyadu na, masar cad ayay hadba intaa is kaga tirtiraysay; si ilmadeedu aan ay ugu dul tifiqleyn cuntodii ay hagaaji lahayd ba. Gaarinnimo awgeed, mayee, ciil awgiis!
Teeryo waagii lala aqalgalay, laga soo billaabo noloshii ay horey ula soo wadaagi jirtay hartigii iyada u horshaashiyay (horguursaday); hawshan guri waa shaqo maalin kasta ba, si joogto ahayd, cibaadaysi oo kale, ay u soo fulin jirtay. Herr Obbo, jacaylkiisa rumaad, gacalodiisa, bilaash uguma neenaasin—‘Malaa’ika’.
Fiidadkii goorta uu ganacsigii irdoha u soo laabo; maxaa loo maleyn daraadda qaraami murwaad badan, uu iyada ugu qaado? Erayodii ina Halima Wughanga iyo Ramadhan Mwamburi. Illinka guriga mar kasta uu soo dhaafo, garkiisa cirraystay inta uu hangool oo kale garabkeeda u dul surto, sababta uu iyada ugula haanyoon:
Malaika, nakupenda Malaika.
Malaika, nakupenda Malaika…
~ Fadhili Williams Mdawida, Nakupenda Malaika.
Jabaqda, dananka, jiibka, gurbaanka, dafka, foorida, kitaarada, luuqda, bulleynta — sidii sengeyaal tababaran oo kaleeto: isurogrogitaanka, si gaw ah, goorta ay ku haabboon tahay, lug ama addin ama madax ba, korkiisa oo idil, xubin ba geesteed, uu hadba uga kala faranfardeyn — iyo codkiisii; qaraaxaddii Nameka ina Maadi Kolonga Obbo. Waxyaabohaas oo is wada biirsoday, waa caweys iskugu marmaya “Kun Habeen iyo Kow” oo kale: sheekoxiriir saameyn ku yeelan wadane kasta ee u nugul hawloha Aadmiga. Iyaga, lammaanehan liibaanay; Reer Obbo waa u xiriir ruuxeed oo ay ku booqan xabaalo ku yaalla Shungul Mafuula—buddhiggii sullankoodii hore. Halkaas, waxa ay dib u soo wada gocon: dareenno uu waqtigu iyaga laabtooda ku reebay, biligo ka mid ah hummaagohii fannaankii jiitay ee reer Majeenga, reer Kismaayo; Maadi Kolonga Obbo, kiiyoo fureyaalka organkiisii haddeer tobanka farood ugu dul ciyaarsiin sidii ciyaartii Masawey; hadhowto na sidii Anyakow, marka xiga na sidii Shuulaay, iyo… iyo hal dhoolbir ahaa; dhoollakaqosolkiisii, kaas oo guriga u iftiimin; waa ileys aan iyaga lacag na ugu fadhiyin, illayn e. Waa siyaaro noloshooda ka mid ah. Xusuus, iyaga u wada leh tiiranyo. Laakiin se, waa u baroordiiq ay haddana si uun ugu wada riyaaqayaan: naalloda adduunka.
Yaa sheegi karaya se, axad loogu heesayo, ‘nakupenda (waa aan ku jeclahay)’; sababta uu isagu na u ooyn? Mwanamvua ina’ Kasamila, Frau Obbo, waayo ay u ooynaysaa? Goorahaas, iyadu na, Ilaaheeda Weyn ayay si qushuuc leh uga shukrin: in Jacaylkeedii isaga oo nabad ah uu reerkii ku soo celiyay. Oohin, haa; jacayl na, haah. Waa se jacayl ay ku cibaadeysan. Mahadcelin. Allaah ayaa mahad leh.
Heestu waa u gallad yar; hayeeshee, haddana, waa oqoonsi u gaar ah; iyo hiddo iyaga kala mid dhigi, ku na xiriirin dalkoodii laga soo barakiciyay. Waa dhaqan aan weli agtoodii ka dhiman. Dalkii, iyo dadkii Wazigua; ama haddii si ka sii caansan loo haybsooco; yac! loogu abtiriyo, Mushunguli. Jubbadii Hoose oo meel dhow uga soo laaci. Nabad yididdiilo leh. Rajo joogto ah. Hadma ayaa dib loo noqon? Daltabyo. Waryaada, reer Obbo, dadnimo weynaa. Ma jaceyl ayay ba weli u hayaan? Caloolyowgii yiil Soomaaliya. Intaa se, run ahaan, waa ay ooynayaan. Oohin qarsoon. Intaa na, run ahaan, waxa ay u duceynayaan Soomaalida oo idil. Ducooyin aan kalajoogsi lahayn. Billaa ‘uurkooda cabanaya’ uu ciyoon u fayoobaado.
Gegadii Spielspange—ciyaalkii iyo cuur qiireysanaa—oo guuraysa ayaa ag timi daafoha aqalkii Familie Obbo. Ereyo baas ayay reerka ku inkaarayeen. Islaantii, Frau Obbo, oo u hollatay in ay duqeedii telefoon ugu sheegto bannaanbaxa gurigoodii ka ag soconayay; mase, koortii illinka ayaa loo soo garaacay. [Albaab-bukeyn. Canaan. Dhulgariir!] Degdeg ayay misana isu hagaajisay. Dabadeed na albaabkii fag siisay. Mase! Waa boolis buufsanaa; hayeeshee, tiirka nalka waddooyinka la dherer egaa.
Deriska koodii xishoonayay, koodii daaqadda ama alaabku u furnaa; waa uu xirtay; amaba daahyodii ayuu sii deystay. Gurmad la’aan. Jaarkii ugu wada xummaan jiray, bulshodii caalamka, cawrodii adduunka, ayaa uun ba isugu soo dirwacday. Gaashaanbuurtii. Federaalkii Nimownaagyoda. Marka laga reebo qaxooti aan kala jeclayn waxii ku dhacaya cid kale; qaar, weliba Muslim ku-sheegyo ahaa, ayaa meel fog ka daawanayay haybsooca Reer Obbo loola yimi.
In yar dabadeed kolkii eegmo dheer uu ku handaday, inta misama aamusnaantii jebiyay, af Alemani shigshigsanaa, kaas oo ay doobbodu na afkiisa marmar kala soo boodaysay; sida daangoda teeda bucata, ay weelkii lagu dubayay dibadda uga duusho, ayuu weydiiyay weydiimo yaab lehaa:
“Sie sind Frau Obbo, oder… (Marwo Obbo ayaad tahay, mise…)?”
“Ja. Ich bin Frau Obbo (Haah. Marwo Obbo ayaan ahay).”
“Arrin wiilkaaga ku saabsan ayaan u nimi.”
“Iyaa? Wiilkaygii maxaa ku dhacay? Aaway? Intee?—”
Su’aalohii ay fatahday ayuu ku celiyay qeylo. Si jeesjees ahayd ayuu iyadii ugu yiri, “Sababta la inoogu kiin soo diray ayaa ahayd ba in aan adiga ku weydiiyo meesha uu haatan ku sugan yahay Mörderkii (dilaagii) aad hooyoda u ahayd.”
Halkaas markii ay ka ogaatay in wiilkeedii uusan belo qabin, ayay ku tiri cod deggan, “Wiilkaygu ma ahan dilaa.”
“Haa. Haah Frau Obbo. Ausweiß (aqoonsi)”.
Haddiiba gadaal inta ay degdeg ugu laabatay ayay soo qaadatay boorsodeedii garabka; inta ay weli xaaggoodii dhex ugu soo jirtay, ayay ka soo saartay dhaafiyeheedii; markii ay soo gaartay albaabkii ay ag surnaayeen; gacanta bidix ayay ugu taagtay. Isagii na inta uu yaabay ayuu xaggeedii ula jeestay polizistin (boliisad) isaga la socotay, oo iyadu ciyaalkii qalaad wareysanaysay.
“Frau Kollegin (Marwo wedeyeey) ka warran! naagtu waa Alemani.”
“Nur ein Stück Papier (cad waraaqa uun).”
Inta ay dhabdarro kale ugu soo heshiiyeen ayay ula yimaaddeen go’aanno horleh, iyo weydiimo sirgaxanaa. Naagtii, askariyaddii, ayaa kolkaan u soo bareertay:
“Ma inoo oggolaan in aan baarno gurigaaga? Waa codsi yar, laakiin dhibaato weyn kaa baajin. Haddii kale waxa aan adeegsan doonnaa tabo kale. Haye?”
“Waxii immika ka dambeeya, idinla hadli mayo. Xeerka dalkaan waan aqaan. Haddii aad iila timmadaan Durchsuchungsbefehl (barwo): . Weydiimo kale miyaad ii qabtaan?”
“Frau Obbo, adiga iyo wiilkaaga ba idin dili mayno, haddii aydnaan adinku dilka isu soo jiideyn. Verstehen Sie? Das ist nur ‘ne frank Sprache (Ma fahmeysaa? Kani waa af hufan uun).”
Frau Obbo oo yaabkii adduunka u yimid, ayaa mar kale weydiisay, “Ma cid baa aragtay wiilkaygii? Rubi saac kahor? Yaa arkay? Xaggee ?…—”
Xayn ka mid ahayd ciyaartooydii Spielspange, beenaaleyaal isa soo urursaday, ayaa iyada weydiimaheedii maragfuryo tallantaali ahaa isu dabadhigay; iyodii na ku asqeysiiyay. Mid kasta na, si ka dhignayd maragmaddoonto oo kale, ayuu u yiri:
“Anigaa arkay!”
“Waan ka xumahay,” ayay ugu warcelisay, “Wiilkayga Südafrika ( Koonfur Afrika ) ayuu jiraa! Hal saac kahor ayaan na taleefoon kula hadlay.”
Hayeeshee, waxa reerkii dhibbaneha ahaa ay iayagu na ku andacoodeen, jid la yiraahdo Schornsteinstraße, gadaal dambe ka mara goob ciyaareedda Spielspange, cabbaar yar kahor, qiyaastii rubi saac kahor, in dad Alemani ah ay arkayeen: sida wiilkeeda madow uu dhgaxaan ugu shiidayay gabadh lix jirsatay—sitaahoo ay ahayd Muslimad lagu arkay sariirta nin dool ah.
Booliskii inta ay iyadii ka cududaarteen, ayay u sheegeen in ay ku soo laaban lahaayeen iyaga oo Xeerilaaleyeha Guud u soo jaray Barwo Baaritaan. Sidii ayay na uga wada hor tageen irridkeedii ay hor dhoobnaayeen. Iyadii na, Frau Obbo, neef weyn ayaa ka soo fuqday. Illayn waa qof dumar ahayd, misana ku soo barbaartay meel laga rumeysnaan jiray diin iyo dhaqamo kale oo isku barxanaan jiray; shaki ayay qaadday: ‘Sidee toddobo qofood iskugu raaci kareen in ay arkeen wiilkeedii’? Weydiimo farahaas kaba sii badanaa, ayaa sii kiciciyay buufiskii hayn jiray, dhiigkarkii, qallalkii… Miskiinad. Hawsheedii guriga ayay halkeedii ka sii wadatay. Goor dambe ayaa telefoon misana looga soo diray Polizeirevierkii (Isteeshinkii Boliiska). Waxa lagula taliyay in wiilkeedu muddo ku siman hal usbuuc uu agtooda is-keeno; haddii kale aan la soo dhoweyn doonin cududaarka kasta ee uu boliiska ula yimaaddo; waxii muddodaas ka sii dambeeya. Iyadu na, waa ay ku raacday talodaas habboonayd.
Adigu, maxaan kuu sheegaa. Fiidkii odaygeedii, Herr Obbo, yimi; ogow se, intii aan uu weli kansho ba u helin qaadistii “Nekupenda Malaika”; si ka duwan siyaabohii hore, caawa iyadii ayaa garkeedii sidii hankool u suratay garabkiisii weynaa; iyada oo ooynaysay ayay na uga sheekeysay waxii is-mooggoodii dhacay. Carodii iyo ciilkii ku baxay ayuu wanooyin iyo waayaragnimo qabow kaga demiyay. Cibaaroda taallay in aan uu Mkomo u sheegin ayay odaygeedii ka codsatay. Waa na uu ka ballanqaaday. Waynakaas! Waa geddii lagu yiqiin. Waxa uu billaabay, tilaawooyin Qur’aan ahaa in raalliyodisii murugaysanayd uu ku dul hooriyo. Codkiisu weli waa hibo laga qadiyay Bulshoda Caalamka Islaamka. Caadigoodii hore in ay u dhaqmaan, ayay isku wada dayeen. Casho la’aan. Habeen wanaagsan. Hurdo caafimaad leh.
Dabadeed, sidii la filayay ba, Obbo Mkomo, soo laabay; looga na sheekee waxii dhacay is-mooggoodii. Dhoollo-ka-qosolkii lagu jeclaa awowgii ayaa uun ba ka soo haray. Qosol. Sidii ballantu ahayd, laba beri kadib ayuu booqday Polizeirevierkii (Iteeshinkii). Oobbigii (joornaatigii) ayuu isu sheegay in uu ahaa Obbo Mkomo. Saajinkii telefoon ayuu u sii diray abbaar kale. Daldalan. jawjaw. Dhulgariir! Dabadeed tiro qol ayaa cad waraaq ah loogu qoray. Jaranjaro ayuu kor u sii tafay. Meesha qol ma ahayen. Waa fadhi sugitaan. Halkii ayuu iska fariistay illaayo intii askari kale uga imanayay, una geynay ciddii baari lahayd arrintiisa. Waxa loo geeyay nin isagu na buufsanaa; illayse aan kaftameyn, qosleyn, jixinjixen. Goon-cadaawo.
Herr Ingo ayaa yiri, “Waxa lagu arkay adiga oo gabar ku shiidayay, jidka la yiraahdo Schornstraße. Am Bach. Braunau.”
Duuliyehii, aal askarigii inta u eegay, ayuu la yaabay tuhumo sidaas oo kale u weyn sababta keeni kartay, iyo habdhaca codka su’aasha lagu weydiiyay.
“Anigaa? Obbo Mkomo?”
“Haa, adiga qudhaada. Yaa kalee la arki lahaa!”
“Maxaa caddeyn ah oo aad haysaa?”
“Toddobo bürger (dhalad) oo adigaa kaa cadcad.”
“Ma aniga ayay i arkeen, anigaa? Ii sheeg haddaba duulkii i arkay.”
“Waa Fabian, Sebastian, Rudi, Aachim, Kai, Tilo, iyo Herr Zimmermann, barehaagii Dugsigii Hoose.”
Mkomo Obbo waxa uu soo xusuustay dhacdo hadda kahor dhacday. Waa hore, isaga oo yaraa ayaa Herr Zimmermann suuliga dugsigii ku dhex ceejin lahaa. Sidaas awgeed na, tii ka dhacday waa la wada ogaa. Faro ciddiyo lehaa ayaa looga furfuray berigeedii; Herr Obbo oo Zimmermann nafta ba ka saari lahaa. Wiil yaraa, Alemani aan berigeedii buufsanaan jirin, ayaa taas na u sheegay aabbehiis oo qareen ahaa. Qareenkii ayaa na arrintaas si nabad ahayd ku afjaray. Qosolgariir ayuu Mkomo qoslay.
“Iyaa, wuu i arkay, macallinkaygii xumaa? Isaga ayaa i arkay aniga oo gabadh shiidayay?” Intuu cabbaar la diriray koorkiisii, waraaqo isku duubnaa na ka soo saaray jeebkiisii, ayuu u raaciyay, “Herr Ingo, bal haddee eeg! kan waa baasaboorkii aan ku aaday, kaga na soo laabtay Südafrika, kanna waa tikidkii… Mooyi sidaan isla hal jeer laba meel u kala joogi karay? Diyaarad na aan Koofur Afrika hawadeedii u lalinayay; Deutschland na, aan gabar—”
Herr Ingo na, skinheadkii, madaxii dhukulnaa ayuu geesoha hadba u kala ruxay; sitaahoo aan uu rumaysan karaynin caddaymohii la soo hordhigay ba. Si haybsoocnimo lahayd ayuu ula sii dooday,
“Ma waxaad i yeelsiin, Herr Zimmermann, bare gudeha Braunau magac wanaagsan ku leh, in uu isku kiin kahay wiil kale ee caddaa? Alemani iyo Afrikaan miyaa iskaga darsoomi karay? Ma saas ayaad iga raaridi lahayd: haddii aan waalanaan lahaa na?”
Duuliyehii, oo dhiilloobay, kutub Qur’aan ah ayuu jeebka kala soo baxay. Inta uu misana labodii barbar ba ka dhunkaday, ayuu ku dhaartay, si uu u muujiyo in uu beri ka ahaa eedda loo haystay.
“Allaah ayuunbaa ka markhaatiya, Kitaabkan na waa Ereyodii Allaah. Run Muqaddas Ah! Herr Ingo, Isaga ayaan kuugu dhaaran: lugtayda ma geyn jidka la sheegay, ma na u galmoon Monika, ma na shiidin Monika.”
Herr Ingo ayaa su’aal kale weydiiyay, “Wiilka madow ee la wada arkay, ma Teufel (cillanaad/jin) ayuu ahaa, haddaa? Kaas adigaagan madow, xataa kuuma ekeyn, miyaa? Ma na taqaannid wiil madow ee gabadh dhalad ah kufdsay?”
Mkomo Obbo oo haddeer ay daartay caro horleh iyo cabsi uu ka qaaday in loo lebisi lahaa dembi uusan sammeyn, ayaa ku fekersanaa goortaas, tan mar haddii ba Alle ka saaro; sida ugu dhaqseha badan in uu dalkan uga tago, inta ay goori goor tahay; shaqo dambe na aan uu dib dambe ba ugu soo yeelan. Marka ugu horreyso se in uu waalidkiisa ka ba rarto magaaloda Braunau. Ciil daraaddiis, dhuuntii ayaa ba xirantay.
“Sidee ayay ku dhacday; beenaale, been uu sheegay in laga rumaysan og yahay; runsheeg weliba diin, iyo Alle-ka-cabsi ba leh? Been cambaar cad u yeeli sharafka iyo haragga Alemani madow. Alemani aan xataa haddeer adiga ba kaa ag muuqan. Dhab ahaan, ma u jeeddaa Obbo Mkomo? Hallooooo! may maqleysaa!”
Ha sheegin. Barakalaay. Dooddaas waxba uma kordhin. Meesha ba ma joogin cid warkiisa rumaysan kareysay. Herr Zimmerman iyo kooxdiisii qalaad ayaa misana la horkeenay. Midkood ba, ka kale waxii u furay, ayuu isagu na ka sii markhaati kacay uun.
Herr Ingo oo ay arrimohii iskaga yaaceen, ayaa dabadeed Mkomo iska sii daayay; laakiin se uga digay in uusan magaalodan meel kale ka aadi karayn; iyo arrintan in uu kala sii tashan lahaa Xeerilaaliyeha Guud, kaas oo uu ka soo codsan lahaa: amartidii kale ee Obbo Mkomo lagu sii maraanmarin lahaa.
Caws dab la qabadsiiyay oo kale ayuu warkii qof ba qof kale sii qabadsiiyay. Warku baahi okaa! Obbo Mkomo oo gabadh shiiday ayay noqotay sheekoda magaaloda Braunau. Qofkii uu soo ag maro; ama waa qofkii isaga caayi lahaa ama shiidi lahaa ama candhuuf wejiga kaga tufi lahaa. Waxa uu goostay in aan uu cid dambe la soo qaadin arrintaas wax ku saabsanaa ba. Bes. Isaga ayaa isla hadlay,
“Alemania zasumbua roho yangu (Jarmal ayaa ruuxayga murjinaya).”
Frau Obbo ayaa abaalkeeda loo celin; guuloha wiilkkeedu uu ka guungaaray xagga waxbarashoda. Ka reer ahaan, dadaalkooda dheeriga ahaa ayaa qoyskooda u soo jiiday nacayb cillan; iyo xasad, had iyo jeer loogu soo bandhigi jiray korkahadal ahaan: Indhaha oo lagu gubo ama laga dadbo mararka caddaanka qalaad ay arrin uun uga baahdaan; baska, guud ahaan gaadiidka oo dhan, oo aan cidi soo ag fadhiisanayn xataa haddii agtooda uu fadhi ka bannaan yahay Obbo Mkomo. Wiilkeedu, meesha, kuma haysan jirin saaxiibbo dhab ahaa. Sigaar, xashshiish, iyo daroogooyinka lagu hodo ilmoha toosan, midkood na, weligii ma taaban. Ciyaalka qalaad waxa ay ugu yeeri jireen, iyaga oo isaga ku maagayay—‘galti’, ‘daayeer’ iyo magacyo kale oo aan la sheegi karin. Si kooban, hooyodiis ka soke, waa baarri uu Ilaahay toosiyay. Haddii uu ka mid ahaan lahaa kuwo qalloocan se? Hubaal, waxa uu ku dhex qurmi lahaa Xabsiga Weyn. Bal eeg! Sarwacnaanta intaas la eg: Meesha waa meel aan wanaag iyo xummaan, midna ba, loo quurin; qofkii madow ah. Macneha, xummaantiisa na waa xummaan si uun u takooran; wanaaggiisu na waa xummaan si kale uun u xun. Afsallax-ku-dheg.
Caddaankii ay dadka kale xataa iskaga dhowaan jireen, iyagii oo iskaga dhigayay in ay ka xummaayeen sida sumcadda looga dilay, ayaa billaabeen in ay bal ka wareystaan waxii uu kala soo kulmay rugtii booliska; si ay u ogaadaan uun dhaawaca qabkiisii la gaarsiiyay—xaddiga uu hoos u shiiqay. Si kale kuma garatid e; waa halkii Abwaanku (Xaaji Axmed Gabay-Xaddi: Beerka ka Ogsooni) uu ka lahaa,
“Ninkii burunji inuu iga cuno ii bariidinayay
Ee aan bar kale ii tarayn; beerka ka ogsooni”.
Obbo Mkomo waxa ku billowday cudur nacayb, kaas oo uu u qaadayo cid kasta ee isaga ka wareysata sheekoda iyada ahayd ba. Waa uu iskoobay; geddii maroodi duqoobay, ayuu na goonni uga wada bayray raxantii Jarmalka ee cadcaddayd.
Ciyoon ba ganacsigii abbehiis na waa uu xummaaday. Xanuunkii ay hooyodiis ka sii qaaday nabyodii; cudurro kale ayuu ku soo kordhiyay. Cimri-degdeg. Frau Obbo Nofeembar 11, 2007, ayay dhimatay. Haraageedii waxa loo duuliyay dalka Keenya, halkaas oo, iyada oo la tixgelinayay tartiibka duugista Islaamka, ayaa lagu aasay Xabaaloha Muslimka ee Kariokor, Nayroobi.
Abriil 09, 2008 ayaa la helay mujrimkii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii gabadha yareyd ee reer Jarmal. Herr Zimmermann! Macallinkii dugsi… dulmanehii na, duuliye Obbo Mkomo, xataa abbehiis, ayaa ku kari waayay in magdhow la weydiisto magalodii Braunau. Mkomo na taas waa uu ka diiday. VETO.
Mar kasta ee uu aabbehii ku soo hadalqaado na, waxa ku oran jiray:
“Eray daran ha ii celin; gaar ahaan mid ku saabsan ‘waraaqdii caddayd, waraaqdii yareyd ee gadaal iyo horeba laga daldalooshay!’ Mid kale na, Papi ma doonayo in aan sidii gudurigii ugu dul noolaado hilboha meytidii yareyd. Lagama yaabo, hilbohii miskiintii caddayd, in aan isku buufiyo. Boogo ii reysan lahaa na; haatan dib ugama sii dhiijin karayo. Keliya, aabbow, noo ducee in dalkeennii Ilaahay nabad inooga wada dhigo—Soomaaliya!”
Duuliye Mkomo, curadkii ina Nameka ina Maadi Kaloonga Obbo, haatan waxa uu u laliya shirkada dayuuradoha ee Kuwaheri Airlines. Isaga iyo aabbehii ba, waxa keliya oo ay weli ka haystaan dalkii qalaad, Jarmalkii: waa ‘laba cad oo waraaqo ah uun’.
● Qormo: “Cad Waraaq ah Uun”
● Wq A. M. Yusuf